Home » Archive Maalinta November 17th, 2014

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha ka Codsaday inuu Xilkaas isaga dego.

Nov 17, 2014
iyo Warmurtiyeed RW Cabdiweli oo tibaaxay: “Xubnaha Golaha Wasiirada oo ah Awooda fulinta dalka, waa iney u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka Dalka” Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah isugu yimid ayaa waxaa ay kulankoodaasi ka soo saareen Codsi sida ay sheegeen ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo kulankaas... 

Halkaan ka Akhriso Mooshinka looga soo hor jeedo Raiisul Wasaaraha ee loo Gudbiyey Gudoonka Baarlamaanka

Nov 17, 2014
Waxaa na soo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraalkii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay u Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka ee ku aadan Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Cabdiweli Shiikh Axmed ka dib markii ay is Khilaafeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud , Qoraalka ayaa waxaa ku cad Qodobo dhowr ah oo lagu eedeeyey Raisul Wasaaraha ka dib markii Xildhibaanada ku jaalka ah Madaxweynaha ay sheegeen in... 

Xal Ma u Heli Karnaa Khilaafka Madaxdeena?

Nov 17, 2014
Bishii Janaayo 1991 kullan ay xarunta Villa Baydhaba ku lahaayeen waxgarad Soomaaliyeed oo loo xulay xal u helidda dagaalkii hubaysnaa ee ka qarxay maalmo ka hor magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyay nin oday ahaa oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka Soomaaliyeed isaga oo oranaya “ Taariikhda ayaa na xusi doonta haddii aan maanta ku guulaysano in aan dagaalka joojino oo aan dalka nabad... 

Geeridii Shariif Mukhtaar ma Noqon Doontaa Dhamaadkii Taariikhda SYL

Nov 17, 2014
Halyeey Weyn Ayaa Ka Dhintey Shacabka Soomaaliyeed, Halyeey Aaney Geeridiisi aan Ilaahey Ugu Baryeyno In Aaney Sabab u Noqan Halmaamidda Taariikhdii (SYL) Iyo Wadaniyaddii Shihiidey (Shuculadii) Hurisey Dhaqdhaqaaqii Gubanimadoonka Geeska Africa 1960. waxaan u maleynayaa in halyeeyadii gobanimadoonka uu ka dambeeya Maxamuud Yuusuf Nuuro oo magaaladda Nairobi ku nool Muuro wuxuu ahaa ninkii u ekaa... 

Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda oo baaq soo saaray “Sawirro”

Nov 17, 2014
Kulan ay Axadii (Nov 16, 2014) isugu yimaadeen xubnaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan ay guddoonka u gudbiyeen qaar kamid ah Xuldhibaanada Baarlamanka ayaa soo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan Hay’addaha dowladda, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Mooshinku. Xildhibaan... 

WARSAXAAFADEED Kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ku Aaddan Dhisidda Maamulka Koonfur Galbeed

Nov 17, 2014
Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...