Home » Qoraallada Halkudhegga "DFKMG"

Shiikh Shariif oo soo saarey War- Saxaafadeed lagu soo beegey Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka

Mar 24, 2011
(Ma aha in Waqtigaan lagu Mashquulo  Murano iyo Is Qabqabsi Siyaasadeed oo Fursad siinya..) Madaxweynaha Dowladda Federalka Shiikh Shariif Shikh Axmed ayaa maanta soo saarey War Saxaafadeed  ku aadan Arrimaha Doorashada  wuxuuna War-saxaafaddeedkaan ku soo beegmey Xili uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha... 
Halkudheg:

Siyaasiinta Soomaaliyeed oo ku sii qulqulaya Caasimada Wadanka Itoobiya si ay Taageero ugu Helaan…

Mar 22, 2011
Bisha August ee foodda nagu soo hayso (2011) ayaa la filayaa in la qabto Doorashadii Madaxweynaha iyo tii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda waxaa durba bilowdey ololihii Tartanka Doorashada waxaana haatan loo kala ordayaa sidii taageero looga raadin lahaa Beesh Caalamka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana taageerada ugu badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka raadinayaan Dowladda Itoobiya... 
Halkudheg:

Harddanka Siyaasadeed ee u Dhaxeeyey laba Shariif oo gaarey Meeshii ugu Sareysey ka dib Markii…

Mar 20, 2011
Isbaheysi Dhexmarey Shariif Xasan iyo Cali Maxamed Geedi — Iyadoo fooda nagu soo heyso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo mida Gudoomiyasha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa  ayaa waxaa durba bilowdey ololihii Doorashadaas gaar ahaan midda Madaxweynaha waxaana socda kulumo lala yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Beesha caalamka. Shiikh Shariif oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka... 
Halkudheg: ,

Qaramada Midoobey oo Qorsheyneysa in dhawaan Magaalada Nairobi isugu geyso Wakiilo ka kala socda Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Farmaajo, Ahlu Sunna , Pundland Soomaaliland iyo Xubno kale

Mar 17, 2011
Iyadoo fooda nagu soo hayso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa Beesha caalamka gaar haan Qaramada Midoobey waxay wadaa la tashiyo ku aadan Doorashadaas iyo Xiliga kala Guurka ee Dowladda Federaalka. Waxaa la filkayaa in dhawaan Magaalada Nairobi lagu qabto Shir Hordhac oo ay qabanqaabadiisu leedahay Qaramada Midoobey gaar ahaan Qaybta... 
Halkudheg:

Ciidamada Amisom oo diidey in la furo waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ka dib markii ay ogolaadeen in la furo Xarakada Al Shabaab iyo Dowladda Federaalka

Mar 16, 2011
Shacabka oo is weydiinya wax ay Dowlada Federaalka KMG ogolaatey Miyaa Amisom Diidi Kartaa? Iyadoo Bishii Hore 23- deeddii ay xirantey halkii Waddo ee loo mari jirey Suuqa weyn ee Bakaaraha waxayna xirnaanshahaas Dhibaato ka soo gaartey Bulsho fara badan oo ka xamaalan jirey Suuqa Bakaaraha weliba waxaa Badeecooyin kala duwan ka qaadan jirey Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Soomaalida degto... 
Halkudheg: ,

DFKMG oo faah faahin ka bixisay booqashada Mahiga ee Muqdisho iyo muhiimadda kulanka Golaha Ammaanka

Mar 12, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha DFKMG uu faah faahin ka bixiyay booqashada Mahiga ee Muqdisho iyo muhiimada kulanka Golaha ammaanka, warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sida hoos ku qoran: Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kusime_dfkmg_mar11.mp3] 11.03.2011———Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha... 
Halkudheg: ,

Ciidamada AMISOM oo Magaalada Muqdisho ka geystey Duqeynii ugu weyneyd

Mar 11, 2011
Shiikh Shariif oo u tacsiyadeeyey Ciiddamada Burundi iyo Uganda oo Dhimasho ka soo gaartey Dagaaladii ugu dambeeyey Banaanbax looga soo horjeedo Hadalka Shiikh Shariif oo ka dhacay Muyqdisho “Doolar Qaate Doonimeyno” “Shiikh Shariif Waxa uu ka damqadey Dhimashada soo gaartey Ciidamada Amisom, aad baan uga xunahay in uu ka damqan weeyey Xasuuqa loo geysanayo shacabka Muqdisho”, Ciidamada... 
Halkudheg:

Daahir Xuseen” Waxay u jeedada ahayd Xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida kuwa kale waa Boor isku Qaris”

Mar 9, 2011
Cali Faarax “Wareegtada xilka looga qaadey kama imaan Shiikh Shariif ee waxay ka timid Midowga Afrika” Ciise Maalin “Shiikh Shariif waa uu la soo daahay Xil ka qaadista ee Mar hore ayey ahayd in uu xilalka ka qaado Taliyayaasha Ciidamada Generaal Axmed Jimcaale” Waxaa la igu feregeliyey Arrimaha Zaadka iyo Hubka waxaana igu farageliyey: (Yaa lala rabaa in Xilalka ay baneeyeen Taliyayaasha... 
Halkudheg:

Warbixin Dheer oo ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay Wehliyaan Kuwo Dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna oo Dagaalo ka bilaabey Deegaano ka tirsan Soomaaliya

Mar 7, 2011
Shiikh Cali Dheere ”Markii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Beled Xaawo waxay ka taageen Calanka Itoobiya kuwa la socdana ma Dareensana Qorshaha Itoobiya” Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Dhuuso Mareeb oo la sheegay in halkaa Gebi ahaanba isaga baxeen Maxamuud Siyid Aadan oo beeniyey in ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan Shiikh Shariif oo sheegey in Dagaalkii ka dhacay Buulo Xaawo ay Itoobiya ku... 
Halkudheg: ,

Odoyaal iyo Nabadoono oo Noqdey kuwii ugu Horeeyey oo sheegey in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalada lagula jiro Ciidamada AMISOM

Mar 6, 2011
iyo Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweynaha DFKMG oo uu ku sheegay in dagaalkii Beled Xaawo ay Itoobiya ka caawisay xagga Logistikada — Nabadoon Cali Shiikh Yuusuf “Dagaalada ka socda Muqdisho waa kuwo Xaq ah Maadaama Ciidamada Amisom ay Xasuuqayaan Shacabkeenna” Iyadoo Dagaalo ay ka socdaan Degaano ka tirsan Gobolada Banaadir , Gedo , Galgaduud iyo Hiiraan ayaa Xarakada Al Shabaab... 
Halkudheg: ,

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo bilaabey Ololihiisa ku aadan in mar kale loo Doorto Xilka Madaxweynenimada

Mar 6, 2011
Axmed Diiriye: Waxaan soo jeedin lahaa in Waqtiga loo Kordhiyo Madaxweyne Shiikh Shariif – Waxaa lagu wadaa in bisha Ogoosto ee Fooda nagu soo heyso ay bilaabanto Dooorashada Madaxweynimada ee Dowlada Federaalka iyo Midda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana durba soo baxay ololhii Xilalakaas loogu tartamayo waxaana Hotelka Ambasadoo lagu qabtey Xaflad u ekeyd mid si weyn... 
Halkudheg: ,

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo la Tashi kadib lasheegay in uu ka Tanaasulay Isjiidjiidkii u Dhexeeyey isaga iyo Shariif Xasan

Mar 3, 2011
Iyadoo maalmahan uu khilaaf aad u weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo la xiriiray markii Sheekh Shariif uu Baarlamaanka dib ugu soo celiyey go’aankii uu baarlamaanku ku gaaray in mudo saddex sano ah ay ku darsadeen xiligoodii oo ku ekaa 22-ka Agoosto 2011, isagoo sheegay in qoraalka uu u gudbiyey Baarlamaanka... 
Halkudheg: ,

Xarakada Alshabaab oo Fariin Hanjabaad ah u diray Burundi

Mar 2, 2011
Waxaa maalmahan isa soo tarayey hanjabaadyo loo jeedinayo wadamada lugta ku leh arrimaha Soomaaliya sida Kenya, Uganda iyo Burundi, waxaana hanjabaaddii ugu dambeysay ka timid amiirka ugu sareeya xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa baaq digniin u diray shacabka reer Burundi kadib markii uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ciidamada Burundi laga dhigay, kuwo la dilay,... 
Halkudheg: ,

Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif

Mar 1, 2011
Go’aankii kororsiga xilliga xukuumadda FKMG oo noqday isku tuurtuur, majaajillo iyo maaweelo… Shacaabka Soomaaliyeedna ay ku wareersan yihiin sida arrinta loo maareeyey… Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan ayaa Jimcadii Feb 25 sheegay in uu dib ugu celiyey warqaddii uu madaxweynaha DFKMG u soo qoray baarlamaanka ee ku saabsanayn kordhinta waqtiga baarlamaanka. Waxaa hadalkaas... 

Shiikh Shariif: “Xildhabaanada Baarlamaanka laba Dariiqo ayaa u furan oo ah in ay aqbalaan Qoraalkeyga ama diidaan Shariif Xasana Xaq u ma leh in u ka jawaabo Qoraalkeyga”

Mar 1, 2011
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Isniintii xildhibaanno kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ee ahaa inaysan marnaba ka laabanayn go’aankii ay muddada saddexda sano ah ku kororsadeen Baarlamaanka oo ka bilaabanayaa Bisha Ogoosto ee fooda nagu soo hayso . Madaxweynaha... 
Halkudheg: ,

Xarakada Al-Shabaab oo sheegtey in Hanjabaada ay xiligaan u dirayaan Kenya ay ka Duwanaan doonto Hanjabaadyadii Hore

Feb 27, 2011
Afhayeen Xarakada Al- Shabaab  Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere oo maanta (Feb 27, 2011) shir Jaraaid u qabtey Saxaafadda ayaa digniin kulul u direy Dowladda Kenya oo uu sheegey in ay si weyn ugu lug leedahayDagaalada ka soo cusboonaadey Degmada Buulo Xaawo isagoo sheegey in Dowladda Kenya ay saldhig siisey Ciidamada Itoobiya ee Madaafiicda ku garaacaya Magaalada Buulo Xaawo. Afhayeenka... 
Halkudheg: , ,

Maxaa u qabsoomey Farmaajo Boqolkii Maalmood ee uu qabsadey?

Feb 26, 2011
21 kii Nofember ee Sannadkii tegey   ayaye ahayd markii Raiisul Wasaaraha Cusub ee Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqey in 100 Maalmood uu Nabadgelyo ku soo dabaali doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaana arrinkaa si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho oo u hamuun qabey  ammaan Buuxa maadaama 20 Sanno ay ku soo jireen Dagaalo aan dhamaad lahayn. Boqolkii Maamlmood... 
Halkudheg: ,

Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo oo ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib uga celiyey warqadii xilli kororsiga…

Feb 26, 2011
Kulan ay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Farmaajo ayaa lagu xusay in ay haboon tahay in hay’ad walba oo ka tirsan DFKMG ay ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah. Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii madaxweynaha DFKMG uu baarlamaanka dib ugu celiyey go’aankii xilli kororsiga, taas oo islamarkiiba Shariif Xasan guddoomiyaha baarlamaanku uu warqadda Sheikh Shariif dib isaguna ugu celiyey.... 
Halkudheg: ,

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Gedo

Feb 24, 2011
Khamiis: Xarakada Alshabaab ayaa Khamiistii soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Ciidanka AMISOM oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaalkii Arbacadii. Waxaa askarigan lagu soo bandhigay xerada Maslax ee Muqdisho, waxaana arrintaas ka hadlay afhayeenka Al-shabaab Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in askarta AMISOM ka dhimatay ay tirada ay badan yihiin. “Maydadkan... 
Halkudheg:

Madaxweynaha DFKMG oo dib ugu celiyey go’aankii Baarlamaanka ee xil kordhisashada ahaa

Feb 24, 2011
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa waxa daboolka ka qaaday in uu dib ugu celiyey baarlamaanka Soomaaliya go’aankii ay gaareen ee ku aadanaa in mudo saddex sano ah ku darsadeen mudadoodii kaas oo bilaabanaya 22-ka Bisha Agoosto ee sanadkaan, waxa uuna madaxweyne Shariif go’aankaasi ku tilmaamay mid aan laga... 
Halkudheg: ,

Qarax Ismidaamin ah oo ka dhacay Xero ay degenaayeen Ciidamada Daraawiishta Dowladda Federaalka

Feb 21, 2011
Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay ka yara nasatay qaraxyada ismiidaaminta, oo uu ugu dambeeyey qarixii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee sanadkii hore, hase yeeshee maanta oo Isniin ah ayaa gaari nooca loo yaqaano Dhayna, oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa waxa uu galay xeray horey loo oran jiray Saranji oo ay ku jiri jireen ciidanka Daraawiishta gaar ahaan kuwa Fardoowleyda, waxayna... 
Halkudheg: ,

Xarakada Shabaab oo soo bandhigay hub iyo Rasaas kala duwan iyo Maydad Askar Yugaandheys ah

Feb 20, 2011
Iyadoo labo maalmood dagaal qaar uu ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan, Wardhiigley iyo H/wadaag kaas oo u dhexeeya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamada Uganda oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka, waxayna labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu tilmaamay in uu ka mid ahaa dagaaladii ugu qaraaraa ee dhex maray labada... 
Halkudheg: ,

Heshiis ay wadajir u gaareen Puntland iyo Galmudug

Feb 19, 2011
“Shirweyne qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhammaadaa mudada u harsan DFKMG oo ah 20 Agosto 2011” … “Kororsiimada xilligan ee baarlamaanka iyo xukuumadda Federaarka ah munaasib uma aha ummadda Soomaaliyeed waqtigan”… Waa qodobbo kamid ah heshiiska Puntland iyo Galmudug…. Heshiisha oo dhamaystiran ka akhri halkan (PDF) Warbixin kooban: Xaflad lagu soo bandhigayey... 
Halkudheg: ,

DFKMG oo Xabsiga u taxaabtay Maxamed Dheere…

Feb 17, 2011
DFKMG  ayaa xirtay 5 qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbax ka dhacay Muqdisho, waxaa ka mid ah Maxamed Dheere… Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo afar nin oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu... 
Halkudheg: ,

Sheikh Shariif oo sheegay in uu doonayo xukuumaddiisa in loo kordhiyo Waqtiga

Feb 15, 2011
Warsaxaafadeed uu akhriyey Madaxweynaha xukuumadda FKMG ayaa si cad shaaca uga qaaday in Dawladda Federaalka kumeelgaarka ay doonayso in waqtiga loo kordhiyo… Dhegeyso Sheikh Shariif oo akhrinaya Warqadda Warsaxaafadeedka [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kororsi_dalbasho.mp3] Warqaddii uu akhriyey Shiekh Shariif halkan ka eeg RIIX/GUJI HALKAN Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh... 
Halkudheg: , , ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...