Home » Qoraallada Halkudhegga "DFKMG"

Golaha Wasiirada DFKMG: “Waa in doorashada dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012”

Apr 25, 2011
Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada DFKMG ayaa sheegay in ay sii adkeenayaan “go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah illaa iyo Agoosto 2012” iyo “In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka”. Warsaxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan: War Saxaafadeed 030/2011 Go’aanka Golaha Wasiirrada (Muqdisho, Axad, 24 April 2011):... 
Halkudheg: ,

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhoweysay war-murtiyeedkii Dalalka Bariga Afrika

Apr 22, 2011
War Saxaafadeed 028/2011 – (Muqdisho, 22 Abriil, 2011) – Xukuumadda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah waxay soo dhoweyneysaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 9aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay Ururka Dalalka Bariga Afrika (EAC), oo caasimadda Tanzaaniya ee Daara-Salaam laga soo saaray 19kii bishan. Taladii uu soo jeediyay Ururka IGAD ee ku saabsaneyd... 
Halkudheg:

Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan oo Muqdisho kawada Ololaha la kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka

Apr 20, 2011
Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif waxaa uu Talaadadii (Apr 19) kulan balaaran la qaatey Goloha Wasiirada ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu waramey In Shiikh Shariif uu Warbixin ka siiyey Wasiiradda Safaradii uu ku soo kala bixiyey Wadamada Uganda , Ruwanda , Burundi , Itoobiya iyo Tansaaniya , wuxuuna sheegey in in safarkaas uu ahaa mid lagu xoojinayey Xiriirka Dowladahaas... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed shrika golaha Wasiirada April 19.2011

Apr 20, 2011
Warsaxaafadeed (Muqdisho – Talaado, 19 April 2011)—–Shir ay maanta Golaha Wasiiradu yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii shacabka soomaaliyeed ay isagu tashan lahaayeen iyo marxaladda kala guurka ah. Golahu markey qiimeeyeen marxaladda dalka, horumarka laga sameeyey... 
Halkudheg:

Cabdullaahi Yuusuf oo dhaliilay Shirkii Nairobi…

Apr 16, 2011
Madaxweynahii hore ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah oo hadda ku sugan dalka Yemen oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa si weyn u dhaliilay shirkii 12-13 April, 2011 lagu qabtay magaalada Nairobi ee Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey usoo qaban qaabiyey Dawladda Federaalka. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu cambaareeyey ergooyinka ka qayb galay shirkaas. Waryasiga VOA ka dhegeyso Halkan... 
Halkudheg: ,

Shiikh Shariif oo Deg Deg ugu ambabaxay Adis-Ababa ka dib markii Qodobo Xasaasi ah ka soo baxeen Shirkii Nairobi

Apr 15, 2011
DFKMG: “11-16 Juun 2011 Waxaa Dalka Gudiihiisa lagu qaban doonaa Shir Wadatashi ah..” Wasaxaafadeed Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG…. Shirka Jaraa’id Madaxweynaha DFKMG ka akhri dhanka hoose ee bogga.. Kulan ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka oo laga soo saarey Dhowr Qodob oo Jawaab u ahaa Shirkii Nairobi Dhegeyso Warsaxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul... 
Halkudheg: ,

Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo dadaal ugu jira sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka —

Apr 14, 2011
Shirkii Nairobi: Waa in la qabto Doorashada Madaxweynaha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ka hor Agoosto 2011 — Warbixin Kooban Kulankii Nairobi oo soo gabagaboobey: Kulankii lagu qabtay magaalada Nairobi ee uu qabana qaabiyey Mahiga ayaa waxaa ka soo baxay dhawr qodob oo ay isku raaceen ka qaybgalayaashii kulankaas oo uu kamid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan. Qodobada... 
Halkudheg: ,

Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka qayb gelaya shirka Nairobi ogolaansho kama haystaan labada gole

Apr 13, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in “Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda.” Warsaxaafadeedka hoos ka akhri: Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraaid_apr12.MP3] Shir Jaraa’id (Muqdisho,... 
Halkudheg: ,

Xildhibaan Cawad Axmed Casharro” Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubnaha la socda ma matalaan Baarlamaanka Waayo kuma Socdaan.”

Apr 13, 2011
Iyadoo maanta uu furmey shirkii Qaramada Midoobey ugu yeertey La Tashiga ayaa waxaa shirkaas soo wajahay Caqabado badan oo kaga imaanyey Qaybaha Bulshada ka kooban tahay iyo Dowladda Federaalka in kastoo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiiga uu sheegey in shirkaas ay ka maqan yihiin Dowladda Federaalka Iyadoo taasj ay jirto ayaa haddana Dowladda Fedraalka ku kala qaybsantey Shirkaas waxaana... 
Halkudheg: ,

UN: Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo wadahadallada oo u qabsoomaya sidii loogu talagalay

Apr 12, 2011
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka Nairobi uu gogol dhig u ah kulan bisha soo socotalagu wado in uu ka dhaco Muqdisho.. Warsaxaafadeedka hoos ka akhri.   Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 00/2011 Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo... 
Halkudheg: , ,

Wafdigii Puntland oo gaaray Nairobi kana qaybgali doono Shirka Soomaalida

Apr 12, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa sheegay in mowqifka Puntland ee ku aadan “xil-kororsiga hey’adaha Dowladda Federaalka KMG ah (TFG) uusan waxba iska badalin”, taas oo ah in Puntland ay “weli ka soo horjeedo in xilka loo kordhiyo hey’adaha TFG-da.” Waxaana warsaxaafadeedka hoos ku qoran uu caddeeyey in waftiga Puntland ee gaarey Nairobi ay ka qayb geli doonaan shirka... 
Halkudheg: , ,

Farmaajo oo la kulmay 250 Xildhibaan, codsina u jeediyey

Apr 11, 2011
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa Axadii la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan, sidaas waxaa cadeeyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo u qornaa sida hoos ku qoran: Halkan ka dhegeyso kulanka [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_april.mp3] Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay in ka... 
Halkudheg:

Shiikh Shariif oo Musaveni ka codsadey in Dowladiisa ay soo dirto Ciidamo Dheeraad ah

Apr 10, 2011
Madaxweynaha DFKMG  oo ka degey Caasimada Burundi ee Bujunbura – Madaweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shikh Axmed oo Safar aan hore loo shaacin ugu amababaxay dalka Uganda ayaa Magaalada Kamabala kulan kula qaatey Madaxaweynaha Dalka Uganda Musavini,waxaana kulankaas Diirada lagu saarey Xaalada dhabta ah ee ka jirta Dalka Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda Uganda uga qayb qaadan lahayd Nabad ku... 
Halkudheg: ,

Mahiga: Kulanka Wadatashiga Sidii loogu talagalay ayuu uga dhici doonaa Nairobi

Apr 8, 2011
Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu sidii loogu talo galay uga dhici doono Nairobi.. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 06/2011 Kulanka Wadatashiga ee Heerkiisu Sareeyo waxaa si... 
Halkudheg: ,

Banaanbax looga Horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Apr 8, 2011
Waxaa qaybaha ay ka arrimiso Dowladda Federaalka Maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyo Shirka uu ku baaqey waxaana ka qayb galey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Xoogaga Wadniyiinta , Ururka Istagga Dhaliyarada Soomaaliyeed , Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ... 
Halkudheg: ,

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo oo u Ambabaxay Magaalada Nairobi ka dib Markii uu Deg Deg ugu Yeerey Mahiga

Apr 7, 2011
Xildhibaan Nuur Wabar “Waxaan ku Talinayaa in Madaxda Sare ee Dowladda Xaliyaan Khilaafkooda haddi kale waxaa ka Faaiddeysan Doona..” Iyadoo 12 Bishaan la qabanayo Shir looga hadlayo arrimaha kala guurka ee Dowladda Federaalka kaasoo ka dhacaya Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Arbacadii (Apr 6) waxaa dalka ka Ambabaxay Wafdi uu Hogaaminayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi... 
Halkudheg: ,

Khilaafka labada Shariif oo saameyn Weyn ku yeeshey qaar ka Mid ah Rag Xilal ka hayey Dowladda Federaalka

Apr 5, 2011
(Warbixin Dheer) – Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa marba marka ka dambeysa wuxuu u muuqdaa in uu sii xoogeysanayo ka dib markii Rag ku dhawaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu daaqada kala baxay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif . Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa deg deg Xilkii uga qaadey Gudoomniyihii Maxkamada... 
Halkudheg:

DFKMG: Hay’adaha QM waa inay u soo guuraan Muqdisho 90 cisho gudahood

Apr 5, 2011
Warsaxaafadeed – (Muqdisho – Isniin, 04 April 2011) Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaalo horumar oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaalada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha,... 
Halkudheg:

Maamuul Goboleedka Pundland oo wada Qorshe ay ku Heshiisinayaan Ururka Ahlu Sunna oo Dhawaan Laba Hogaan kala sameystey

Apr 4, 2011
“…Mahiga wuxuu Hilmaamey wixii ay Qaramada Midoobey u soo Magacowdey…” Iyadoo dhawaan uu Khilaaf soo kala dhex galey Ururka Ahlu Suunna ee Gobolada Dhexe  ka dib markii ay laba shirk  ay ku kala qabsadeem Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud  kuwaas oo kala sameystey laba Gudoomiye iyadoo taasi ay jirto ayaa warar aan ka helney Magaalada Garoowe... 
Halkudheg: , ,

DFKMG oo madax ka tirsan Qarammada Midoobey ka mamnuucday Soomaaliya

Apr 3, 2011
DFKMG ayaa soo saartay qoraal ay “kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda... 
Halkudheg:

UN: Kulanka loo qabanayo Soomaaliya oo Dhici doono 12ka iyo 13ka bisha April 2011

Apr 2, 2011
Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka Hor yimid Shirka Nairobi – Ergeyga Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulankii “wada tashiga uu Nairobi ka dhici doono April 12 iyo 13, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka,” sidaas waxa uu ku caddeeyey warsaxaafadeedka hoose: Xafiiska Qaramada Midoobay... 
Halkudheg: ,

Golaha Wasiirada DFKMG oo Qaadacay Shirka Nairobi ee ay Qaban qaabinayso Qarammada Midoobay

Apr 1, 2011
iyo Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka – iyo Cawad Axmed Casharo oo ka Digey shirka ay qaban qaabineyso Qaramada Midoobey – iyo Shir lagu qabanayo Nairobi oo Golaha Wasiiradu sheegeen in DFKMG aysan ka qaybgalayn shirkaas — (Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada 31.03.2011) Warbixin: Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka... 
Halkudheg:

Qarammada Midoobay oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Soomaalida loogu qabto Nairobi

Mar 30, 2011
Is qab qabsi ku aadan Shirka ka dhacaya Nairobi oo soo kala dhex galey Maamul Goboleedyada – Cabdiraxmaan Faroole oo ka Dalbadey Qaramada Midoobey in la qabto Shirweyne Dib u heshiisiineed oo lagu soo xulo Xildhibaanno Cusub – Xildhibaano ka digey Shirka ka Dhacaya Magaalada Nairobi 7Abriil ee fooda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi uu ka dhacayo Shir ay qaban qaabadeeda... 
Halkudheg:

Golaha Wasiirada DFKMG oo Go’aamiyey in Doorashadii la qaban lahaa Agoosto 2011 Dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012

Mar 27, 2011
iyo in DFKMG waqtiga loo kordhiyo muddo Hal Sano ah….. Golaha Wasiirada DFKMG oo maanta (Axad March 27, 2011) ayaa Goluhu  wuxuu go’aamiyay in dhamaan dawlada FKMG ah waqtiga loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo ilaa August  2012. Shirka Wasiirada DFKMG waxaa ka soo baxay Warsaxaafadeedka u qornaa sidan: Warsaxaafadeed shirka... 
Halkudheg: ,

Khilaafkii u Dhexeeyey Laba Shariif oo Meeshii ugu saraysay Maraya

Mar 26, 2011
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Qarka u saaran in uu Albaabada isugu Dhufto Xarunta Kalfadhiga Baarlamaanka islamarkaan.. Shariif Xasan oo Beeshiisa u sheegey in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Haddii Caalamku igu Gacan siiyana waxaan Gacanta Dowladda soo gelinayaa Deegaanada Digil iyo Mirifle Shiikh Shariif oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Murankooda... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...