Home » Qoraallada Halkudhegga "DFKMG"
Farmaajo: Mushahar uma hayno 550 Xildhibaan oo dalka ka maqan, oo aan Australia lacag uga daba geyno..
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in aysan mushahar u hayn 550 xildhibaan oo dalka ka maqan, ayadoo ay carruurteenii gaajaysan yihiin ma aha in aan lacag Australia uga daba geyno xildhibaano halkaas ku maqan… Codka hoos ka dhegeyso..
Marka hore akhri warsaxaafadeedkii ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada DFKMG ee June 5
Warsaxaafadeed
Muqdisho, Axad, 05 June 2011 – Shir ay maanta...
Dowladda KMG ah oo Shaacisay inuu Dhaqan galay Qaadashada Leesinka iyo Taargooyinka Noocyada kala duwan ee Gaadiidka
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Cirka iyo dhulka Dowladda KMG ah Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo Saxaafadda kula hadlayay xarunta Wasaaradaasi ayaa ka warbixiyay howlaha ay Wasaaradiisu qabatay, isagoona sheegay ugu horeyntii inuu u mahad celinayo Golaha Wasiirada oo iyagu ansixiyay qaadashada Dokumentiga Gaadiidka Dalka.
WaxaA uu sheegay Agaasime Dhagaxtuur in 75% Gaadiidleyda ay...
Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo Codkooda ku biiriyey Badbaadinta Suuqa Bakaaraha
Kulan ay soo abaabuleen Ururrad Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee oo looga hadlayay sidii lagu badbaadin lahaa hantida taalla Suuqa Bakaaraha oo ay dagaallada ka socda Muqdisho ay ku dhawaadeen ayaa ka dhacay xarunta ay hay’adda SOSCENSA ku leedahay Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay 25 xubnood oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Culumaa’uddiinka, Ganacsatada, Ururrada...
Magacaabis: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha
Warsaxaafadeed
Muqdisho, Khamiis, 02 June 2011 – Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadda, tariifooyinka canshuuraha, Sharciga Bankiga Dhexe iyo magacaabid Agaasime Guud.
Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka
[audio:http://somalitalkradio.com/2011/jun/afhayeenka_tfg_2011.mp3]
Ra’iisul...
Golaha Wasiirada DFKMG oo soo dhoweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii Nairobi ee QM
Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada –
Muqdisho, Axad, 29 May 2011 – Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ay la yeesheen Madaxda Qaranka, xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyaha Guud...
Golahii Maxaakiimta Islaamiga oo u Xuubsiibtey Xisbi Siyaasadeed oo ka qaybgala arrimaha Siyaasada Soomaaliya
Uurkii Maxaakiimta Islaamigga Soomaaliya oo soo baxay sanadkii 2006 dii ka dib markii uu ka adkaadey Qabqablayaashii Dagaalka ee Dhibaatada ku ahayey shacabka Soomaaliye ed taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed balse markii dambe waxaa dalka ka saarey Ciidamadii Itoobiya , kadib waa is aruursadeen waxaana u suura gashey in ay qabtaan talada Dalka waxaana haatan muuqada in ay is abaabu...
Xildhibaanada Shacabka ee golaha Deegaanka Gobolka banadir oo sheegay in guriga ra’iisal wasaaraha DFKMG Xoog looga soo saaray xili ay qaabilaad ka sugayeen
“markii raiisal dowluhu ay na fadhiisisay salootada raiisal wasaraha qabilaadiisa lagu sugo una sheegtay xoogheynta in inagu aan ku xigsan doono wasiirka gaashaandhiga oo xiligaa xafiiska qaabilaad ugu jirey markii wasiirul dowluhu baxday ka dib ayaa xoogheyntii Raisalawasaaruhu si asluub xumo ah nooga soo saaray xafiiska.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xildhibaanada golaha shacabka...
Shacabka Muqdisho oo ku tilmaamey Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Nairobi Saddexdii Haween ee dhabarka laga wada Taabtey
“Waxaan leeyahay Saddexda mus’uul waa in ay deg deg isku Casilaan maadaama Masiirkii Soomaaliya la hoos geeyey Qaramada Midoobey, shirka soo socda aysan soomaali Maamuli doonin” Ing Faarax Ismaaciil….
Magaalada Nairobo lagu soo gabagabeeyey kulan loogu magacdarey “kulanka la tashiga ee Xaalada kala guurka Soomaaliya”, waxaana ka soo baxay Go’aano ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyadoo Masuuliyiintii...
Faallo: Soomaaliya oo Fashil Siyaasadeedkii ugu Xumaa Haysto 20 sano kadib
W/Q Cabdiqafaar Shire, Nairobi Kenya, Abdikafarshire@gmail.com
Nairobi:- Soomaaliya oo aysan dawlad dhexe oo shaqeysa ka jirin tan iyo sanadkii 1991, 20 sano ka hor ayaa waxaa soo wajahay mid kamida waji gabaxyadii ugu taariikhda xumaa ee soo mara 20-kii sano ee ugu dambeysay oo uu dalku colaadaha dhex dabaalanayay, kadib markii madaxda golayaasha DFKMG Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ay fashil...
Madaxda DFKMG oo si kulul loogu canaantay Kulankii ay QM ugu qabatay Nairobi
Waa in (Madaxda DFKMG) ay degdeg ula shaqeeyaan ergeyga Qarammada Midoobay, waana in ay joojiyaan khilaafka u dhexeeya —
Kulankii ay Qarammada Midoobey ay 25 may 2011 Kenya ugu qabatay DFKMG iyo maamulada kale ayaa waxaa si weyn loogu canaantay madaxda DFKMG oo dhexdooda is khilaafsan. Waxaana shirkaas DFKMG uga qayb galay madaxweynaha DFKMG iyo Ra’iisul wasaaraha oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha...
Ciidamada Amisom Duqeyn ay ka geysteen Muqdisho oo ku diley Lamaane Aroos ahaa
Iyadoo weli ay sii socdaan Dagaalada Muqdisho Gaar ahaa kuwa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Howlawaadaag kaasoo u dhaxeeya Ciidamada DFKMG oo garab ka helaya Ciidamada Amisom iyo Xarakada al shabaab, waxaayna dagaaladaan soo bilowdeen Todobaadkii la soo dhaafay waxaana xaqiiqo ah in galaafteen Noloshada dad fara badan oo Rayid ahaa kuwaas oo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda la isku adeegsanayo.
Dagaaladaan...
Kulan Albaabadu u xiran yiin oo markii saddexaad Labada shariif oo uga socda Xarunta Madaxtooyada DFKMG
Khilaafka labada Shariif oo la sheegey in ay ku lug leeyhiin Dowlado Shisheeye –
Sabtidii ayaa waxaa kulan albaabaduu xiran yihiin isugu yimid Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana kulankaas loo diidey in ay Saxaafadda Goob joog ka noqoto , wuxuuna kulankaan uu qayb ka ahaa laba kulan oo hore ay u wada yeesheen labada...
Kulankii Labaad oo lagu heshisiinayo Labada Shariif oo mar kale isugu yimaadeen ka dib markii uu Cadaadis kaga yimid…
Warar aan ka helney Xarunta Madaxtooyada DFKMG ayaa sheegeya in Arbacadii kulankii labaad ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , waxaana kulanka labaad ee dhexmaraya Labada Shariif ka soo shaqeeyey Guddi iskood isku xilqaamey kuwaas oo doonaya in ay soo afjaraan Khilaafka labada dhinac ee Muddo soo jiitamayey...
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye: muddo kordhin hal sano ah ha loo sammeeyo DFKMG
WAR MURTIYEED:
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kulan howleed isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2011, wuxuuna kulankaasi uga hadlay xaaladda Siyaasadeed, Bulsho iyo Nabadgelyo oo uu haatan dalka ku sugan yahay, gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan Hay’adaha Dowladda ee la xiriira sidii looga bixi lahaa ku-meel-gaarnimada khilaafkaasoo yimid markii uu Baarlamaanku sammeystay...
Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Farmaajo oo lagu Waddo in ay ku kulmaan…
Iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana Khilaafkaan walaac weyn hadda ka muujinaya dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ka dib markii ay hakad galeen Howlahii loo unkey Dowlada iyadoo taasi jirto ayaa , warar ka soo baxaya qaar ka mid...
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Hay’adaha Dastuuriga ah waa inay si wadajir ah u go’aamiyaan mustaqbalka Dalka –
Warsaxaafadeed –
Sabti, 14 May 2011 – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa warbixin kooban ka bixiyey socdaalkiisa iyo waxii u qabsoomay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii...
Xukuumadda FKMG oo u Jawaabtey Guddoomiyaha Baarlamaanka
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadal uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:
Warsaxaafadeed:
Arbaco, Muqdisho, May 11.2011—–Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadalkii shalay 10-kii May 2011 uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka kaasoo ahaa in Xukuumada FKMG...
Guddiyadii Doorashada Madaxweyninimada Soomaaliya oo si Nabadgelyo ah uga ambabaxay Garoonka Muqdisho ka dib Cadaadis ka yimid..
Maalintii Isniita ayay ahayd markii Xildhibaano gaaraya 40 Xildhiibaan oo ahaa Guddiyadii Doorashada Madaxweynaha soomaaliya laga hor istaagey in ay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeedey Dalka Kenya si ay uga qayb galaan Siminaar ku saabsan qaabka loo sameeyo Doorashooyika Madaxweynaha waxaa siminaarkas bixin lahayd Hayad fadhigeedu yahay Cariga Mareykanka oo...
DFKMG oo u muuqata mid u kala qaybsantay Isbahaysigii Asmara iyo Dowladdii Imbagathi,
Xildhibaano gaaraya ilaa 30 xildhibaan oo ahaa guddiga Doorashada oo lagu waday in ay siminaar u tagaan Magaalada Nairobi ayaa mar ay ka duuli rabeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa hor istaaga ku sameeyey ciidamo ka tirsan PIS oo amar ka haystay wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana garoonka ka dhacay gacan hadal dhex maray ciidamada PIS iyo xildhibaanada Baaralmaanka, taasna waxay keentay...
Guddiyadii Doorashada oo siminaar ugu Ambabixi lahaa Nairobi oo Amar ka soo baxay arrimaha Gudaha dib looga soo celiyey Garoonka Diyaaradaha
iyo Shariif Xasan oo la sheegay in Maalmaha soo socda Wareejin doono Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka — iyo muran weli ka taagan doorashada Agoosto 2011 —
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo khilaaf dhinaca Siyaasadda kala dhexeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa Xildhibaano ku dhow dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka...
11 kun oo Ciidan ah oo Ilaalo u ah Min Madaxweyne ilaa Agaasime Guud
Waagii hore waxaan maqli jiray wadada ciidamada Wadadaas oo gaar u ah qaybaha kala duwan ee ciidamada, iyaga ayaa mara iyo Tiknikadooda hase yeeshee maanta Waddada Makka-Almukarama oo ahayd waddo rayidku mara haddii aad wax yar fariisato waxaad arkeysaa Gawaari isugu jira kuwa Ciidamada, Kuwa Raaxada iyo kuwo waaweyn oo ay dul saaran yihiin cidamo aad u fara badan kuwaas oo hadba dhinac u carara.
Ninka...
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maalmahan Gawaarida Raaxada siinayey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Taageersan
(Warbixi Dheer)
Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin
Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu...
Xildhibaanada: Booliisku waa in uu dhex dhexaad ka noqdaa Ishaysiga u dhaxeeye Labada Shariif
Milkiilayaasha Hotelada: Hadii aan dhinac la safano Ganacsigeynaa ku Burburaya
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegey in Hotelada Muqdisho aan lagu qaban Karin wax kulan oo aan looga fasax haysan Laamaha Amaanka .
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shiikhunaa Shariif Maye oo shir Jaraaid ku qabtey Magaaladda Muqdisho ayaa digniin kulul u direy Hotelada Muqdisho ka dib...
Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho
Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay arrintaani keentay in xildhibaanada Baarlamaanka maalmahan yeeshaan shirar isdaba joog ah kuwaas oo lagu qabanayo Hoteelada waaweyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna qolo waliba soo saartaa hadalo ay ku ridinayaan kullan ka horeeyey...
Warsaxaafadeedkii shirka golaha Wasiirada DFKMG
Warsaxaafadeed –
(Muqdisho – Khamiis, 28 April 2011) Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa xaaladda amniga iyo sida loogu baahanyahay in loo sii dar-dargeliyo howlaha amniga, iyadoo loo adeegayo shacabka soomaaliyeed ayey waxey soo saareen go’aanadan hoos ku qoran:
Halkan ka dhegeyso Wasiirka Amniga
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cshakur_farax.MP3]
1....