Home » Warar

Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015

Aug 9, 2014
“Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.” Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha... 

Warqaddii ay Sayeeda Warsi iskaga casiyey Golaha Wasiirada dalka Britan, arrinta GAZA awgeed

Aug 8, 2014
Sayeeda Warsi oo ah Muslimad ku jirtey golaha wasiirada ee xukuumada Ingiriiska ayaa Agoosto 5, 2014 is-casishey kaddib markii ay u adkaysan weydey GAZA waxa ka socda. Waxayna sidaas ku cadaysay bogga ay ku leedahay Twitter-ka (@SayeedaWarsi). Waxayna warqad u qortay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayadoo sheegtay in waxa ka dhacaya #GAZA ay tahay mid aan damiir ahaan la difaaci karin. Sayeeda... 

Xaflad Qalin Jabin ah oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee Magaalada Muqdisho.

Aug 8, 2014
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ku qalin jabinayeen Ardey dhamaysatay Barashada Caafimaadka, Luqadaha iyo Saxaafadda ayaa ka dhacday Xarunta Jaamicadda Green hope ee magaalada Muqdisho. Munaasibadda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wax-barashada , Caafimaadka iyo Daladaha Waxbarashada Muqdisho qaarkood, Marti Sharaf,... 

Wararka Soomaaliya ee maanta

Aug 7, 2014
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya. Somalitalk 7-8-2014 – Hadal ka soo yeerey Gudoomiyha Maxkamada Ciidamada oo dad badan ka caraysiiyey – Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in in u Guul ku dhamaadey Shirkii Madaxda Afrika iyo Mareykanka – Beesha Sade oo Eedeyn u jeedisey Madaxweye Xasan Shiikh – Howgal Dhowr qof lagu soo qaybtey oo ka dhacdey... 

“Dalkeena Badda iyo Berriga ma jirto cid damacsan in ay qaadato” Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS

Aug 6, 2014
Shacabka Soomaaliyeed hanagu Kalsoonaadaan, mana jirto cid qaadanaysa Badda Soomaaliya “Arrimaha Badda ee inaga dhaxeeya adduunyada waxay naga dhexeeyaan saddex waddan oo ah Kenya, Jabuuti iyo Yeman.. Dee wax walba waxay leeyihiin qawaaniin iyo sharci haga ayaa jira waxa dadka ka dhaxeeya.. sheeko ayaa na dhex socota .. madaxweynuhu si wanaagsan ayuu uga hadlay maalintii uu baarlamaanka la hadlayey…... 

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Aug 5, 2014
Somalitalk 5-8-2014 – Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in Maamulka loo sameynayo G/Dhexe uusan wax u Dhimeyn Puntland. – Kooxdii hubaysnayd ee la wareegeen Xarunta TV-ga Puntland ee Garoowe oo ka baxay goobtaas. – Diyaaradihii Tagi jirey Gaalkacyo qaarkood oo la joojiyey. – Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu diley Dalka Koonfur Afrika. – Xarakada... 

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxwene Xasan Shiikh o qaban qaabadiisa ka socota Dalka Mareykanka .

Aug 4, 2014
Warar goos goos ah -- – Ilaalada Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo Diley Ruux Rayid ah. – Muwaadin Soomaliyeed oo loo Magacaabey Kuxigeenka Hayada UNICEF. – Qarax Saqdii Dhexe ee Xaley ka dhacay Garaash ku yaal Degmada Hodon. – Dagaalo Xaley ka dhacay Saraha Caymiska ilaa Qabuuraha Barkaad . – Dagaalo ka Dhacay Magaalada Kismaayo. Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey... 

Xildhibaan Suleymaan “68 Xildhibaan baa Haysata Dhalashada Norway waxay doonayaan in Dowlada Norway ku Gacansiiyaan Badda Soomaaliya”

Aug 2, 2014
Xildhibaan Xaaji Shukri “Dowlada Xasan Shiikh Dhabarka ayey noo Jeediyeen” Xildhibaano Gaaraya 150 oo ahaa Xildhibaanadii hore oo kulan ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weerarey Siyaasada Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh, waxayne sheegeen in Dowladda Maanta jirta ay ku fashilantey arrimaha Nabadgelyada , Siyaasada iyo Dhaqaalaha . Xubnihii halkaas ka... 

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Aug 2, 2014
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:  Read More →

Xildhibaan Sh Aadan Madeer oo Muqdisho lagu dilay

Aug 1, 2014
Waxaa maanta salaaddii Jimcada kaddin Muqdishu lagu dilay xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Madeer. Wararka ugu horeeya ee laga helay sida dilku u dhacay ayaa sheegay in marxuumka ay dileen koox ku hubaysnayd tuute, xilligaas oo uu kasoo baxay salaadii Jimcada masjidka Marwaas ee degmada Xamar Wayne. Kooxdii dilka geysatayna waa ka carareen goobta. Xildhibaanka la dilay waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga... 

C/Weli Gaas oo Xiriirka u Jaray Dawladda Federaalka Soomaaliya

Aug 1, 2014
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu kala saxiixday in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kulankaas heshiiska lagu kala saxiixday waxa uu dhacay July 30, 2014. Halkan ka akhri heshiiskaas… Arrintaasi waxay sababtay in July 31, 2014 uu madaxweynaha maamul goboleedka Puntland xiriirkii u jray Dawladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka daawo Sawirada heshiiskii:  Read More →

Ra’iisul W. Cabdiwali: “Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiska taariikhiga ah ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe”

Jul 31, 2014
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS: Muqdisho, 30, luuliyo, 2014… Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta heshiis taariikhi ah oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ugu qabatay magaalada Muqdisho ergooyin ka socday Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlusunna Wal-jamaaca, iyo Hoggaamiyaal dhaqan, waxaana heshiiska goob-joog... 

Hay’adda HARO oo soo Gabagabeysey Baraamijkii Afurinta Masaakiinta iyo Bixinta Sakaatul Fidriga.

Jul 30, 2014
Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Gargaar Raashin Sakaatul Fidri ah ka qaybisey Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir iyo Gobolo kale, waxaana Sakaatul Fidrigaas ka Faaideystey oo loo qaybiyey Dada Badan oo isugu jira Danyar, Agoon iyo Barakacayaal Hay’ada HARO oo Deeqdaan ka soo Ururisey Walaalaha Jaalliyadda Somaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika uguna tala... 

Golaha Wasiirrada oo isku raacay Safaaradaha dibedda ay ku leedahay Soomaaliya in tiradooda lagu soo koobo 31

Jul 27, 2014
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay dib-u-habayn lagu sameeyo Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka, waxaana kulanka shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. C/rixmaan Ducaale Beyle ayaa Saxaafadda la hadlay Kulanka kaddib. Fadlan Lifaaqa Hoose... 

Prof. Jawaari oo u dhoofay Norway

Jul 26, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Jimacadii u dhoofay dalka Norway. Waftiga jawaari waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka laabaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad. Intii uusan Muqdisho ka dhoofin, Jawaari oo ka hadlay safarkiisa waxa uu yiri “Waxaan u amba baxayaa shir sanadle ah oo ay caalamka iyo Scandinavian-ka ay isugu imaanayaan,... 

Soomaaliya: xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Jul 24, 2014
Shirkii Golaha Wasiirada oo Galabta Lagu Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada DFS: Muqdisho, 24, Luuliyo, 2014….Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo xil ka qaadis... 

Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho

Jul 23, 2014
Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa lagu diley magaalada Muqdisho. Warar hordhaca ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay maanta July 23, 214 rasaas ku fureen gaari ay saarnayd marxuumadu, oo marayey meel u dhaw tree biyaano, ayna halkaas ku geeriyootey.  Waxaa kale oo geeriyoodey darawalkii gaariga wadey. Marxuumadda ayaa ahayd xildhibaanad ka tirsanayd baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka akhri qoraal... 

Wasiirka Kalluumaysiga DFS oo ka hadlay Warqadii June 30, 2014 uu Madaxweynaha DFS u gudbiyey UN-ka

Jul 23, 2014
Qoraalka ay Norway u diyaarisay Soomaaliya waa mid lagu soo cusboonaysiinayo muran gelintii badda Soomaaliya…. Waa qoraalka july 21, 2014 uu madaxweynaha DFS u gudbiyey UN … Waa murankii ay diideen baarlamaankii hore oo lasoo cusboonaysiiyey…. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka hadlay warqaddii madaxweynaha DFS u gudbiyey Qaramada... 

Madaxweyne Xasan Shiikh “Cid aan Dacwo u qabno, ama Dood u qabno iyo Cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo Cid aan Biyo ku sheeganeyno midna ma jirto,

Jul 22, 2014
“Maalintii Shaley oo Bishu ahayd 21 Dowlada Somaaliya waxay Gudbisey Xudeedaheeda oo ah EEZ 200nm iyo Continental Shelves 350nm” “Ciddii Dacwad noo qabta oo Caalamka ka tirsan iyagaa soo qaylin doona” Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey soo Xirtaanka Kalfadhigii 4aad Golaha Baarlamaanka ayaa soo hadal qaadey Warqadii uu dhawaan u direy Qaramada Midoobey... 

Soomaaliya oo Cambaaraysay Israel weerarkeeda Gaza

Jul 22, 2014
War saxaafadeed ( Faafin degdeg ah) Xoogaga Israel waxa ay xoojiyeen 20 July duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadeen Marinka Gaza ee Falastin . Wasaaradda Arrimaha Dibaddu : Waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga. Waxaan... 

Hay’adda Samafalka ee Tamkiin Foundation oo Gargaar Cunto ah Gaarsiisay Dad Dhibaateysan.

Jul 21, 2014
Hay’adda Samfalka ee Tamkiin oo ka mid ah Hay’adaha Waddaniga ah ayaa gargaar cunno waxay gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool gobollada Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose iyo Waqooyi Galbeed. Raashinkaan oo ka koobnaa Bariis, Bur, Sonkor, Timir, Caano iyo Saliidda lagu Karsado raashinka ayay hay’addu ugu talo-gashay dadka tabaalaysan ee ku nool gobolladaas bisha barakeysan ee Ramadaan. Gargaarkaan... 

Suleymaan Maxamed Ibraahim “Waa yaabee ma hadda ayaa la heley Wadankaan waa iyada la leeyahay Baddiisa ma Xadeysna”

Jul 21, 2014
Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Dowladii Kumeel gaarka ahayad ayaa mar uu u waramayey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa soo hadal qaadey Qoraalkii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey Bishii hore Sodonkeeda kaasoo uu ku dalbanayey in Dowldda Federaalka ay diyaar u tahay in ay Wada hadal ka gasho Badda Soomaaliya gaar ahaan Dhinaca Xuduuda... 

Admiral Faarax Qare “Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37”

Jul 20, 2014
Hadalkaas wuxuu yiri kahor safarkiisii qarsoodiga ahaa ee lagu geeyey Holland “… riigagga batroolka laga qodo Xamar dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta istaagtid. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon lahayd, qashinka in lagu shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi mid la qaadan karo ma ahayn….” “arrrintaas waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in naloo soo... 

Xildhibaan Xiddig “Waxaan Beesha Caalamka u sheegayaa in aynaan marnaba Gorgortan ka galeynin Biyaha Badda Somaaliya”

Jul 19, 2014
Iyadoo muddooyinkan dambe dib ay u soo cusboonaatay arrinta heshiiskii xadeynta Badda Soomaaliyeed ayaa waxaa mar kale arrintaa daah rogay Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaasoo tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo marka hore hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid aan haatan loo fadhiyin in la soo hadal qaadaba, wixii heshiiskaas Badda Soomaaliyeedna...