Home » Warar
Furitaanka Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya waa mid lala soo Daahay Waxayna ahayd in mar hore la furo
Waxaan dhawaan Magaalada Muqdisho Safaaradeedii dib uga furatey Dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay hase yeeshee labaatankii sanno ee Dagaalada ka jireen Magaalada Muqdisho waxaan marnaba la xirin Safaarada Dalka Liibiya oo ilaa iyo hada ka furan Magaalada Muqdisho taasoo wax badan u qabatey Shacabka soomaaliyeed ee Dagaalada Daashadeen waxayna Safaarada Liibiya ku shaqeyneysey Xaalad aad u adag...
Magaalada Muqdisho oo laga Xusey Maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Dunida
sandkan 2010 ayaa ah: Dhimasho 872, Dhawac 1921, Kufsi 14, Afduub 22, Jirdil 451 —
Maanta oo ku beegan 10-ka Desember 2010 waa maalin loo asteeyey maalinta Xaquuqda Adanaha waxaana Munaasbad lagu xusayey maalinkaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxayna ka dhacdey Hotel Ambasadoor waxaana Munaasbadaas soo qaban qaabiyey Hayadda Center for Democracy and Human Rights oo marka la soo gaabiyo loo...
Khilaaf mar kale ka soo dhex Muuqday Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan
“Shariif Xasan oo wada Qorshe uu Beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in Shiikh Shariif xilku kaga egyahay 31 Janaayo 2011” ….
Iyadoo dhawaan uu dhamaadey Khilaaf hore oo soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ku saabsanaa qaabkii loo ansaxin lahaa Golaha Wasiirada Xukuumada ee Raiisul Wasaaraha DFKMG...
Wefdi Nabad raadis ah oo uu hor kacayo R.wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Xukuumada oo maanta gaaray Gaalkacyo si diirana loogu soo dhoweeyay
Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayna xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan, Wasiir ku-xigeeno, Xildhibaano, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Halkan ka daawo...
Ardayda Somaliyed ee Jamacada KLMU ee dalka Malaysia oo kaalinta 1-aad ka gashay bandhig cunto ah “Daawo Sawirada”
Bandhig balaaran oo ku aadan cuntada laga isticmaallo dalka kasta oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda KLMU ee dalka Malaysia ayaa waxaa kaalinta 1-aad ka gallay ardayda Soomaaliyeed ee dhigatada Jaamacadaasi.
Halkan ka daawo sawirada
Bandhigaan oo ay kasoo qeyb galleen dhamaan ardayda dhigata Jaamacadaasi ayaa waxay arday kasta soo bandhigeen cunada laga isticmaalo dalkooda, waxaana ardaydaasi qeyb...
“Soomaalidu Waxay Tiraahdaa Gudin Yahay Ima Goyn Lahayn Hadaan Gabalkeygu Kugu Jirin” Waraysi Taariikhi ah
Sidaas waxaa tiri Allah Ha u Naxariistee Marxuumad Wasiiraddii Hore ee Caafimaadka DFKMG Drs. Qamar Aadan Cali oo aan waraysi kula yeelanay Jabuuti 29/07/2009-kii… “Ummadda Soomaaliyeed Ayaa Loo Xilsaarayaa Dhibka Haysto, Annagoo Og Ummadda Soomaaliyeed Inuusan Dhibku Ka Socon” wareysi taariikhi ah
Bishan aynu ku jirno (December) waa bil si gaar ah ii xasuusineysa, in badan oo ka...
Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib loogu soo celiyey Gacanta Ummadda Soomaaliyeed.
“Iibkii Safaaradda Soomaalida waxaa laga dhigay waxba kama jiraan … Somalia embassy sale voided” Kenya Daily Nation….
Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi oo waayadan uu ka taagnaa muran kadib markii la sheegay in uu dhulkaasi iibsaday nin ganacsi ah oo u dhashay dalka Kenya waxaana arrinkaan aad uga carooday ummadda Soomaaliyeed,...
“Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy
“…Mashruuca uu wato mr. Salicath (Norway) ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) waa mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika..”
Saraakiishii Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Italy) oo warqad u diray Norway SII AKHRI…
Read More →
Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo Isniintii lagu toogtey Fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliiska
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntey Askari ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ka dib markii uu si ula kac u diley Askari kale oo ay ciidamada ka wada tirsanaayeen
Gacan ku dhiiglahaan oo la so qabtey 15/6 /2010 ayaa waxaa uu dliey Dable Shaafici Abshir Cali waxaana Maxkamad la soo taagey 20/6/ 2010 hase yeeshee xilgaas waxaa loo baahdey Marqaatiyal dhameystiran waxana...
Sheekh Yuusuf Al-Qardawi Muxuu ka yiri Hadalkii Obama ee koobka Aduunka 2022
Heyada kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday 02 December, 2010 in dowladda Qatar ay ku guuleesatay marti galinta koobka aduunka 2022 kadib tartan ay la gashay dowladdaha Australia, Japan, south Korea iyo dowladda Mareekanka.
Dowladda Qatar ayaa dadaal u gashay in ay noqoto dowladda ugu horeeysa ee Carab ah ee ku guuleeysata marti galinta koobka aduunka ee 2022 insha Allah ayna ka dhimantahay...
Wasiirka Warfaafinta DFKMG oo si kulul u beeniyey in la iibsaday Furihii Internet-ka ee Qaranka Soomaaliyeed
Shirkad reer Japan ah ayaa noo maamusha Domain-ka Soomaaliya .SO
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka C/kariin Xasan Jaamac ayaa mar uu ka ambabaxayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uuna ku sii jeeday dalka Mareykana isagoo ka qaybgalaya shir ku saabsan isgaarisinta ayaa si kulul u beeniyey in la iibsaday Furihii Internet-ka Qaranka Soomaaliyeed ee Domain .SO, isagoo...
Warbixin: Jaamacadda Bariga Soomaaliya, Aasaskeeydii iyo wexeey higsaneeyso.
Qorre: prof. Ahmed Mohamed Barre –
Maamulaha jaamacada Bariga soomaliya _Qardho:
Sidaan la socono qardho waa magaalo qadiimi ah oo leh taariikh dheer. Waxay magaalo noqotay sanadkii 1930kii Waana magaalo dad badani isugu iman jireen waayo waxay leedahay dhul daaqsimada xoolaha aad ugu wanaagsan oo uu markhaanti u ytahay hadalkii Seyid Mahamed Cabdulle Xasan markii la weydiiyey qurux iyo daaqsin...
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Booqasho ku tegey Dalka Kuweyt
Dr. Cabdiraxmaan Faroole: Puntland waxaa ku Nool 3 Milyan qof oo ay ku jiraan dad ka soo Barakacay Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo u baahan in la Caawiyo. ..
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Kuweyt waxaana ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka kuweyt Ambasadoor Cabduqaadir Shiikh Amiin, ku xigeenkiisa Cabduqaadir...
Qaraxii Shaamow : Xasuus Ma Hadho Ah
3-da December 2009 waa maalin shacabka Soomaaliyeed xasuustooda ay ku dheertay waayo waxaa xiligaasi dhacay qarax aad u weyn, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday ilaa iyo dhowr iyo labaatan qofood oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay si aad ah isugu dhawaayeen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Dhakhaatiir, Saxafiyiin iyo Arday ka qalin jabineysay Jaamacadda Banaadir...
Duqeymihii dadka iyo hantida suuqa bakaaraha oo ay dafireen cidamada Midowga Africa ee AMISOM, hadaba yaa duqeeya…
Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo shalay (Talaado) xasuuq ba’an ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ayaga oo madaafiic ku garaacay xilli suuqa laga kala adeeganayey, ayna dad badani ku dhinteen ayaa afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxa uu soo saaray dafiraad uu kaga jawaabayo hadalkaasi.
Taliyaha ciidamada milatariga ugandha ee ka howlgala gudaha Muqdisho ayaa yiri: “xoogaga...
TUSKER MIYAA BADASHAY TUSMADII QARANKA?
Waxaa maalintii Isniinta taariikhduna ahayd 29-ka bisha Nofember ee 2010 lagu soo daabacay ama laga sheegay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed in ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubadda cagta ee dalka Soomaaliya ay ka badbaadeen shil baabuur. Shilka baabuur oo ka dhacay magaalada Darsalaam ee dalka Tanzania. Nasiib wanaag waxa uu dhaawac fudud uu gaaray afar ciyaartoy oo kali ah, halka saddex ciyaartoy...
1-da Desember Maalinta AIDS-ka Adduunka oo laga Xusey Magaalada Muqdisho
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Hay’adaha SCAC iyo COGWO oo si Wadajir ah u Xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka.
1-da December waa maalin u asteysan maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana maalinkaas...
Gabar Agoon iyo Rajo ah oo Ninkeedii Gubey oo Gargaar degdeg ah u baahan
“Waxaan ahay 17 sano jir. Ninkayga ayaa i gubey, kaddib markii uu iga masaysary..” ayey tiri Faaduma Axmed Macallin oo sharaxaysay sidii arxan darada ahayd ee uu u gubey ninkeeda.
Ayadoo hadalkeeda sii wadatey waxay tiri “Subax ayey ahayd oo markii aansoo kacay anigoo jikada ku jira oo quraac karin-rabey ayaa waxaa ii soo dhacay Telefoon. Telefoonkii ayaan qabtay. Telefoonkii intaan...
Gabagabadii Muxaadarooyinkii Xarunta Abuubakar kasocday, Su’aalo iyo Jawaabo Q-2aad: Sh. Maxamed Umal
Hoos ka akhri/ Dhagayso Q-2aad ee Fataawadii Fadiilatu Sh. Maxamed Umal
Sidoo akhri/dhagayso gabagabadii Muxaadarooyinkii Xarunta Abuubakar kasocday, Su’aalo iyo Jawaabo Q-1aad: Sh. Maxamed Umal iyo Muxaadaraadkii hore ee Sh. C/qaadir Nur farah iyo Sh. Maxamed Umal hoos ka akhri/dhagayso.
Asalaamu Calaykum Waraxmah
Sidaan horay idinka balan qaadnay waxaan idiin soo gudbinaynaa Qaybtii-2aad...
Nasteexo Faarax “Nin la Nool Cudurka HIV/AIDS-ka ayaan u Guursaday Xanaaneynta Gabar uu dhalay darteed anigoo qaba Cudurkaas”
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Ayadoo maanta lagu (December 1) adduunka laga xuso maalinta Cudurka HIV/AIDS-ka ayaa waxaa jira dhacdooyin badan oo la xiriira dadka qaba cudurkaasi, waxaa...
Sidee looga arkay Magaalada Muqdisho booqaashadii Madaxweynaha Uganda.
Sheekh Bilaal “Musaveni waa ka Fuleysan yahay Miles Zanawi waayo”
Musaveni oo ku qaabilay Madaxda Dowladda Dhufeyska hoostiisa..
Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafeni oo aan booqasho aan horey loo shaacin ku yimid shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqashadiisa aragtiyo kala duwan ka bixiyey aqoonyahano, culuma’udiin, ururada diiniga ah iyo qaar ka mid ah bulshada, waxayna intooda badan...
Boosaaso: Xeer ilaaliyahii Maxkamadda Derejada Koowaad oo la diley
Tacsi Iyo Cambaareyn –
Golaha Xisbiga Daryeelka iyo Horumarinta waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Saalax Shirwac oo lagu dilay magaalada Boosaaso (Isniin 29 Nov 2010). Cabdullaahi oo ahaa xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada 1aad ee Boosaaso ayaa waxeynu leenahay Allaha u naxariistee, Allahayoow ka waraabi ...
Warbixin dheer oo ku saabsan nin Jarmal ah oo falal anshax xumo ah ku sameeyey Haween ku nool Magaalada Hargeysa
“Siilaanyo ma wuxuu raaligelin doonaa Reer Yurub Mise Shacabka Somaliland” –
Waxaa isa soo taraya carada dadweynaha ee ku aadan nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Gunter Bischos oo mudo 13 sano ah ku noolaa maamulka Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa kadib markii la helay Canjalooyin Video ah oo uu ka duubay dhowr Haween oo ku nool Magaalada Hargeysa, waxa uuna Video-gaasi ahaa mid muujinaya...
Cilmi Baaris: Horumarka ganacsiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika
Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarka soomaaliyeed oo baaris kusamaysa inta badan horumarka ay soomaalida ka samayso dhinacyada wax barashada iyo ganacsiga, ayaa daraasad ku sameysay dhaq dhaqaaqa ganacsiga soomaalida ee ka jira wadanka Kenya iyo bariga afrika. Xarunta oo daraasaddan ka samysay wadamada Kenya, ayey noo suura gashay inaan helno warbixintan ka hadlaysa horumarka dhaqan dhaqaale ee soomalida...
Xaflad xil wareejin ah oo ay is weydaarsadeen Jaaliyaddii hore Soomaaliyeed ee Malaysia iyo hogaanka Jaaliyadda cusub
Kuala Lumpure, 24 Nov. 2010, Xaflad ka dhacay Jaamacadda UIA ee caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ayaa lagu shaaciyay si rasmi ah in Dr. Muuse Maxamuud Axmed loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.
Xilkan cusub ee loo dhiibay Dr. Muuse Maxamuud ayaa yimid kadib markii uu gudoomiyihii hore ee Jaaliyadda dalka Malaysia Dr. Maxamed Cabaas uu waqtigiisa dhamaaday...




