Home » Warar
Ciidamada Itoobiya oo Dad ku xasuuqey, Guryo Badana ku gubey Tuulooyin ka tirsan deegaanka Qoraxeey
iyo heshiiskii ay garab ka mid ah Jabhadaha ka dagaalama Soomaali galbeed la galeen Itoobiya oo la sheegay in uu fashilmay….
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Qoraxeey ee Dhulka Soomaali Galbeed waxay sheegayaan Tuulooyin ka tirsan Deegaanka Qoraxeey in Ciidamada Itoobiya ay ku Gubeen Guryo badan oo ku yaaley Tuulooyinka Farmadow iyo Gabagabo oo ka tirsan deegaanka Qoraxeey waxaana la xaqiijiyey...
Madaxweyne Geelle “Annagu Gogosha Kolkaan Dhigeyno, Kama Sii Jeesaneyno, Waa La Joognaa, la Dareen Baanu Nahay Habeen Iyo Maalin…”
Khudbad Taariikhi oo uu u jeediyey Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Ku Shiraya Jabuuti —
Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada dalka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte, xubno ka mid ah Golaha wasiiradda iyo saraakiisha qaybaha kala duwan ee dalka Jabuuti ayaa Wajigii labaad shir ay lahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka,...
Video: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya
DFKMG oo aan weli ka jawaabin arrintaas —
Telefishanku waxa uu ka warbixinayey Kulankii Farmaajo iyo Zenawi ee Dec 14, 2010 —
Telefishanka Itoobiya ayaa soo bandhigay video kooban oo uu ku muujinayo kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Meles Zenawi, December 14, 2010. Warbixintaas kooban waxa uu TV-gu yiri:
“Meles...
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar “Markaa Qofka Maanta Madax Ka ah Soomaaliya Ama Ka Soo Ahaa Labaatankii Sano Ee Ugu Dambeeyey, Waa Khaso Ee Waa Inaad Xishoota” Waraysi
Shir looga hadlayo halka ay mareyso xaalada Soomaaliya, waxa keeney dhibaatooyinka jira, sida looga bixikaro iyo cida ka saarikarta ayaa maalintii lixaad ka socda Hoteel Shariton ee Caasimadda dalka Jabuuti.
Shirkan oo ah mid al-baabada u xiran, islamarkaana uu sooqaban qaabiyey Mac-hadka Daraasaadka Culuumta Siyaasada iyo Is-tiraatiijiyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo qayb-galey aqoonyahano Soomaaliyeed...
Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo wada Qorshe ay dib isugu soo Abaabulayaan
Hogaamiye kooxeedyadii mar ka talin jiray Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay wadaan qorshe ay dib isu soo abaabulayaan waxaana maalmahan socday shirar ay ku yeelanayeen Magaalada Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen sidii ay mar kale dib uga soo muuqan lahaayeen Siyaasadda Soomaliya.
Hogaamiyayaashaan ayaa waqti ka mid ah waqtiyadii soo maray Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo si aad ah looga yaqaanay...
Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay..
20 Sano oo Caddalad Darro, colaad & dagaal, barakac & qaxootinimo ah oo u buuxsamey Soomaaliya —
Bishan December 2010 waxaa Soomaaliya u buuxsamaya 20 sano oo dawlad la’aan ah, oo uu ka socdey dagaal galaaftay in badan oo aan waxba galabsan, islamarkaasna halakeeyey shacab Soomaaliyeed oo aan tiradooda la qiyaasi karin, saamayna ku yeeshay hab-nololeedkii guud ahaan qowmiyadda...
Shirweyne Nabadeed oo Lagu soo gabagabeeyey Deegaanka Meygaagle ee G/Nugaal
Meygaagle:- Waxaa Maanta Deegaanka Meygaagle oo Qiyaastii 52-Km dhanka Waqooyi bari uga beegan degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Shirweyne Nabdeed oo Labadii Bilood ee lasoo dhaafay halkaas uga socday Beelo wada dega Deegaankaas oo kasoo wada jeeda Puntland.
Xiritaankii Shirkan Nabdeed ayaa waxaa ka qeybgalay Dhamaan Ergadii ka kala socotay labadan beeloo,Dhexdhexaadiyeyaal...
Wasiirrada Caafimaadka DFKMG iyo DGPL oo wadajir usoo saaray Bayaan Istiraatiijiyada Nafaqeynta Soomaaliya
iyo Shir ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada rayidka Somaliland iyo Puntland oo ka socda Hotel Kempinski ee Jabuuti –
Waraysi Wasiirka Caafimaadka DFKMG….
Shir looga hadlayo Istratijiyada Nafaqeynta Somaaliya 2011 – 2013 oo ay si wada jir ah iska kaashadeen Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’adda WFP, islamarkaana ay ka soo qayb galeen xubno uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka DFKMG...
Video: Barnaamij ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar oo dhawaan lagu xiray Maraykanka
Barnaamin Video ah oo ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar oo ah iimam Masjid oo dhawaan lagu xiray Maraykanka DAAWO
Read More →
Xaflad Balaaran oo loo sameeyey Sannad Guurada 50 aad ee Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha
Munaasabad lagu xuseyey Sannad Guurada 50 aad ee ka soo wareegtey Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa lagu qabtey Xarunta Safaarada Shiinaha uu ku leeyahay Magaalada Nairobi waxaana ka qaybgaley Madax ka socotey Hayadaha Caalamka , Dowlada Federaalka, Dibolamaasiyiinta Shisheeyaha, Masuuliyiinta Safaarada Shiinaha ee dalka Kenya iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumey Xafladaas
Halkan ka daawo...
Farmaajo oo lagu Fariisiyey Kursigii…
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Maxamed Maxamed ayaa December 14, 2010 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Farmaajo waxa uu Addis Ababa tegey Isniintii (Dec 13). SII AKHRI...
Read More →
Waraysi: Prof. Afrax, Gudoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda… Q.2aad
iyo Hal–abuurka Soomaliyeed oo Wareysi Dheer oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk
Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal –abuurka Soomaliyeed, Qoraa sare Prof Maxamed Daahir Afrax, islamarkaana ah aas aasihii naadiga PEN oo aan kula kulmey Xafiiska Wargeys xiliyeedka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee uu tifatiraha ka yahay, ayaa ka hadlay mudadii uu xilka Naadiga PEN...
Maalinta Caashuuraa oo ku beegan Arbacada Muxaram 10| December 15,2010
Bisha Muxaram waa bil fadli badan, sagaalaadka iyo tobnaadka oo Caashuuraa ah waxay ku beegan yihiin Dec, 15,16, 2010 waa Arbacada iyo Khamiista, aan kawada faa’iidaysano.
W.Q. Xasan Dhooye [abu xafso]
dhooye@hotmail.com
Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu
Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1432
Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay...
Shirweyne looga hadlayo Nooca ay Noqoneyso Dowladda soo socota ee Soomaaliaya oo Todobaadka soo socda ka furmi doona Dalka Jabuuti
Waxaa la filayaa in 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah dalka Jabuuti lagu martigeliyo shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaana lagu martiqaaday ilaa iyo 200 oo ergo oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa in ergadaas ay ka kala yimaadaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana shirweynahaan qabanqaabinaya Machad lagu magacaabo Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda...
Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegey Itoobiya, Jabuutina kula kulmay Madaxweynaha Puntland
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo si booqasho degdeg ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya..
Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay in uu ku tago magaalada Addis Ababa...
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Khudbad uu Ka Jeediyey Xiritaankii Shir weynaha Afraad ee Naadiga PEN
“Fartan Soomaaliga Ah ee Jadiidka Ah ee Dh owaan Dunidu ku Soo Biirtey, Ha Isugu Yimaadaan, Haku Bahoobaan, Hore Ha Ugu Maraan, Haku Shaqeystaan…”
Xaflad lagu soo xirayo shir weynihii afraad ee Naadiga Qalinleyd iyo Hal- abuurka Soomaaliyeed oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti...
Ing Sidow Xasan Mahdi: Waxaa Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay sameeyaan Guddi soo baara Tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya
10-ka Desember waa maalin uu caalamka u aqoonsadey maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Adduunka iyadoo taasi jirta ayaa waxaa Xafiiskiisa Shir Jaraaid saakey ku qabtey Gudoomiyaha Ha’yada Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn Ing Siidow Xasan Mahdi wuxuu sheegey in Hayadiisa ay ururrisey Tacadiyo fara badan oo ka dhacay Somaaliya 20 kii sanno ee ugu dambeysey kuwaas oo uu shjeegey ijn ay isugu jiraan Dil,...
Machad cusub ee Hay’ada Tadamun oo lagu baran doono xanaanaada xoolaha ee magaalada Gaalkacyo oo la dhagax dhigay
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta oo maanta dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Machad lagu baranayo Xanaanada Xoolaha iyo beeraha
(Daawo Sawirada)
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuc aad u weyn oo laga hirgelinayo Magaalada Gaalkacyo...
Weriye Shaqadiisii ku waayey barnaamij uu ka diyaariyey Domainkii SO ee la iibsadey – Idaacad ay maalgeliso UN
“Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay” Sidaas waxaa Khudbadda ku jeediyey Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire, kana jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida.. SII AKHRI
Read More →
Ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo xirey Dekedda weyn Magaalada Muqdisho
Ciidamo aad u hubeysan oo Wata laba gaari oo Tekniko ah ayaa Gebi aan Xirey Howlahi Dekedda weyn Magaalada Muqdisho waxaana la sheegey in Ciidamdaas ay Daacad u yihiin Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux waxaa Ciidamadaas ay geleen Gudaha Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho waxayn ku amreen Shaqaalihii Dekedda in ay isaga Baxaan Dekedda Gudaheeda Ilaa amar Dambe
Waxaa lagu waramey in Xildhibaan Maxamed...
Howlawaadeeno ka Tirsan Safaarada Soomaaliya Suudaan oo lagu xirey Dalkaas
Ilaa Afar ka mid ah howl Wadeenada Safaaradda Soomaalida ee Wadanka Sudan ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga la dhigay,kadib markii ay wax kama jiraan ku tilmaameen qoraal kasoo baxay 20/9/2010 wasaarada arimaha dibadda ee soomaaliya.
Siihayaha Safaaradda Soomaalida ee Wadankaan Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud oo aan maanta wareysi kula qaatay xarunta Safaaradda ayaa waxaa uu ii xaqiijiyey in howl wadeenadaasi...
Nin u dhashay wadanka Canada oo “u soo dalxiis tagay” Magaalada Muqdisho
“Markii Mike Spencer Bown uu ka soo degey diyaarad uu ku yimid Muqdisho toddobaadkan, islamarkaasna isku sheegay in uu yahay dalxiise, waxaa saraakiisha Soomaaliyeed ee socdaalku ka fekereen in ninkan reer Canada in uu waalan yahay ama Jaajuus yahay” Sidaas waxaa Axad Dec 12, 2010 qortay Jariidada Ottawa Citizen oo k asoo baxda Canada…
Iyadoo dagaalo iyo nabadgelyo daro ka jirto Magaalada...
Barafkii ugu xoogga weynaa muddo 20 sano ah oo ka da’ay Gobolka Minnesota
Barafku waxa uu dumiyey saqafkii garoonka ciyaaraha ee ugu weyn Minneapolis (Metrodome) kaddib markii saqafku xamili waayey culayska barafka –
Magaalooyinka mataanaha ee St.Paul iyo Minneapolis ayaa waxaa Sabtidii ka da’ay barafkii ugu xoogga weynaa oo soo mara Minnesota muddooyinka dhow. Barafkaas oo watey dabayl ayaa sababay in aan meel dheer wax laga arki karin, oo uu noqday sidii...
Xarunta Abuubakar Minneapolis oo Barnaamijyadeedii dacwada ha kisay Barafka daraadii
Asalaamu Calaykum Waraxmah
Ilaahay ayaadkiisa waxaa ka mid ah, aayaad kowni ah ama ayaad makhluuq ah, oo binii aadamku mudanyihiin inay ku cibra qaataan. Roobka ilaahay oo Naxariistiisa ka mid ah, ayaa deegaanada qaarkood soo da’a, isagoo baraf ah. Arintaas waa arin mudan in lagu waan toobo laguna cibro qaato, illaahay awoodiisana loo hogaansamo. Muslimiinta Minnesota ku nool ayaa barafkaan...
Heshiis Xabad joojin ah oo laga gaaray dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Waxaa maanta (Sabti Dec 11, 2010) kulan ballaaran isugu yimid dhinacyadii dhowaantan ku dagaalamay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, gaar ahaana beelaha maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen Wefdi uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay xubno...




