SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA: CABDIQAFAAR

Khudbadda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire

Uu ka jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida.

Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay

Hordhac

Khudbadda oo cod ah Dhegeyso: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad

Ugu horeyn Bismilaah, Mahad dhamaanteed ilaahay ayay uu sugnaatay, waxaana qirayaa inuusan ilaah jirin marka laga yimaado ilaaha xaqa ah ee macbuudka ah oo sida sharciga ah koonkan u taagay islamarkaana ku abuuray, ku irzaaqay, kuna adoonsaday makhluuqa caalamkan ku sugan oo kala ah Noole iyo ma noole, dareere, adke iyo hawaba, waa ilaahayga koonkan ka abuuray dhirta iyo xayawaanka iyo qawmiyahadaha kala duwan ee banii aadamka ku abtirsado islamarkaana dhamaanteen nagu adoonasady inaan ilaahay caabduno, waxaan si taasi la mida u qirayaa in Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee uu yahay rasuul rabigiis si saxa uga keenay risaalada loogu soo dhiibay ummaddan islamarkaana noo soo gaarsiiyay sida rabigeen uu noogu soo dhiibatay, anigoo ilaahay ka barayay inuu nagu dilo khaatumadeenan kusoo idleeyo diinta islaamka, aakhirana dhamaanteen nagu irzaaqo Jantul Firdaws.

Marka xigta waxaan Salaan qiime badan aan ku salaamayaa dadweynaha kala duwan ee kulankani kasoo qeyb galay kuwaasi oo isugu jira Warfidiyeenada oo aan aniguba ka tirsanahay, aqoonyahanada, wiilasha iyo gabdhaha quruxda badan ee kullankani ka soo qeyb galay, anigoo uga mahad celinaya in madashani ay nagala soo qeyb gallaan, waxaana idin leeyahay amaan iyo weynaynba waad iga istaahisheen goor walba iyo galin walba.

Kullanka iyo Muhiimadda isugu yeeridda kazoo qeyb galayaasha

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Dec sanadka 2010 sida uu xiriiriyaha Madashan Jaamac Feyte sheegay waxaa kullankani isugu kiin yeeray Anigoo ah Cabdiqafaar Axmed Shire oo aan filayo inaad in inbadan oo dadaweynaha goobtan isugu yimid aad I taqaaniin, halka qaar kale aanu hawada iska maqalnay, iyadoo ay sidoo kalana ay macquul tahay in inbadanoo idin kamida aanu madashan amaba Kullankan aanu isku baranayno.

Waxaan ka tirsanahay bahda saxaafadda amaba warfidyeenada Soomaalida waxaana qeyb ka ahaa koox wariyayaal Soomaaliya oo loo qaadtay idaacad sanadkan bilawgiisii laga furay deegaanka Spring valley, degmada Westland ee Magaaladata Nairobi ee caasimadda Kiinya, waxaa idaaccadaasi lagu magacaabaa Bar-kulan waxayse Soomaali badan u taqaanaa idaacadda AMISOM.

Waxaan ka tirsanaa wariyayaashii bilawgii idaacadda amaba intii aysan idaacaddu hawada soo galin la shaqaaleeyay isla markaana suurta galiyay in idaacadaasi ay bilaw wanaagsan hawada kusoo gasho.

Tilmaanta Idaacadda.

Waxaa idaacaddan lagu magacaabo Bar-kulan maalgaliya oo kharashka ku bixiya Jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa amaba Qaramada midoobay qof waliba sida uu u yaqaano, waxaana loo soo marsiiyaa dhaqaalaha Hay’ad lagu magacaabo UNSOA oo ah hay’adda QM u qaabilsan taageerada ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM oo lagu magacaabo United Nations Support for Amisom hase ahaatee loo soo gaabiyo UNSOA, waxayna hay’adaasi u wakiilatay idaacadani iney maamulaan shirkado ajnabiya oo intooda badan laga leeyahay dalalka galbeedka gaar ahaana Britain amaba United Kingdom, Waxaa markii ugu horeysay ee shaqada naloo qaadanayay sanadkan Bilawgiisii raadiyaha maamulayay Shirkad lagu magacaabo Okapi Consulting oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika amaba South Africa gaar ahaana magaalada Johanesburg, waxaase bishii tagtay ee November idaacadda la wareegay Shirkad kale oo lagu magacaabo Albany Assocaites taasi oo laga leeyahay dalka United Kingdom amaba UK, waxaana go’aamada ugu sareeya ee idaacadaasi gaara rag aanan u dhalan Soomaali islamarkaana dalalkoodii uga yimid iney ku tagri falaan isla markaana siday doonaan ka yeellaan dhaqaalihii umadda Soomaaliyeed loogu talo gallay, iyadoo aan qirayo in qaar kamida ay dalalkooda idaacado ku leeyihiin, isla markaana ay ku maamushaan kharashaadkii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya.

UJeedada Kullanka

Hadii aan ka gudbo tilmaanta idaacadda isla markaana aan gudo gallo ula jeedadii ka dambeysay inaan kullankani qabto islamarkaana aan la hadlo qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxa sababay kadib markii aan arkay in arintani ay xad gudub ku tahay mihnadayda shaqo, muwaadinimadyda Soomaalinimo iyo Jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, anigoonan ku degdegin qabsoomidda Kullankani iyo isu keenidda dadweynaha kulankani kasoo qeyb galay, ayaan ugu horeyba la tashtay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Warbaahinta iyo sidoo kale urarada ay ku mideysan yihiin saxafiyiinta Soomaaliyeed sida Ururka Saxfiyiinta Qurbajooga Soomaaliyeed oo talo weyn iga siiyay qabsoomidda Kullankani , sidoo kale waxaa qabsoomidda kulankani wax ka og ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo iyaguna tallooyin iga siiyay arintani iina sheegay iney dhinacooda ka hadli doonaan, waxaana dhamaan shakhsiyaadkii iyo ururadii arintani talada iga siiyay aan uga mahadcelinayaa wanaagga iyo Soomaalinimada ay kulankani uga qeyb qaadteen.

Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo inaan shaqadii aan u hayay idaacadda Bar-kulan kasoo tagay 6di bishan Dec ee sanadkan 2010 kadib markii tacadiyo iyo dhibaato badani kadib ay maamulka Bar-kulan go’aan ku gaareen inaan shaqada joojiyo, islamarkaana si aanan waafaqsanayn qawaaniinta iyo shuraacda u degsan saxaafadda iila dhaqmeen

6dii Bishan Dec ee sanadkan 2010 oo ku beegnayd maalin isniina ayaa maamulka idaacadda Bar-kulan oo guud ahaanba intii aanu sanadkan u shaqeynaynay nagula kacay xadgudubyo ka dhan ah saxaafadda guud ahaanba wariyayaasha ka hawl gala gaar ahaana anigoo kamid ahaa wariyayaasha raadiyaha iyo Websiteka Bar-kulan labadaba.

Anigoo u arkayay xadgudubyadaasi kuwa aanan u dulqaadan karin islamarkaana u muuqday kuwa lagu dulaysanyo oo lagu liidayo mihnadayda shaqo ee aan mudada sanadka ah ugu shaqeynayay idaacadda Bar-kulan.

Waxaan anigu aaminsanahay in saxafiga uu yahay ruux door wanaagsan ku leh horumarka iyo isgaarsiinta bulshada, isla markaana uusan ahayn ruux lagu dulaysan karo islamarkaana lagu gumeysan karo shilimaad yar oo mushaar ahaan loo siiyo.

Maalintaas aan kor kusoo xusay ayaa waxaa dhacay arin sababtay in la iga joojiyo shaqadii aan bar-kulan u hayay islamarkaana ay maamulku si aanan wanaagsanayn iila dhaqmaan islamarkaana ii muujiyaan in idaacaddu aysan ahayn idaacad ku shaqeysa cadaalada iyo sinaanta oo ah waxa kaliya ee lagu gaari karo horumar iyo baraare bulsho.

Waxaan hortiina ka qirayaa inaanan sina u garanaynin waxa sababay in shaqadii Bar-kulan aan ka hayay la iga joojiyo, anigoo awalba tacadi iyo dhibaato idaacadaasi uga shaqeynayay in haatana Shaqadii la iiga soo saaray barnaamij diyaarintiisa iyo baahintiisaba ay maamulka Bar-kulan I amreen.

“ aan soo bilaabo wakhtiga mushkiladani ugu horeyntii ay bilaabatay Waxay ahayd 11kii November waxaa subaxdii barnaamij lagu magacaabo xulka wararka oo idaacadda bar-kulan ka baxa 8da aroornimo wareysi lagula yeeshay Eng Ismaaciil Jimcaale oo ka hadlayay in dawladda Soomaaliya ay si aanan sharci ahayn ugu wareejisay domainka Soomaaliya shirkad ajnabiya oo laga leeyahay dalka Japan, taasi oo lagu magacaabo GMO Registry.

Hadaba markii aan shaqada subaxaasi soo galay ayaa la igu wargeliyay in maamulka Bar-kulan ay I dhaafeen fariin ah Cabdiqafaar Marka uu shaqada soo galo hanoo yimaado gaar ahaana waxaa fariintaasi ii dhaafay Nin lagu magacaabo Soulle Issiaka oo u dhashay dalka Benin waana agaasime ku xigeenka Bar-kulan ahna madaxa barnaamijyada iyo wararka idaacadda.

“Kadib markii arintaasi la igu wargeliyay waxaan aaday xafiiska Soulle Issiaka oo ah masuulka fariinta ii reebay waxa uu igu soo qaaday barnaamijyo taxane ah oo afara inaan ka sameeyo Domainka Soomaaliya, oo lagu dhaliilayo in DFKMG ee Soomaaliya ay ku wareejisay shirkad ajnabiya kuwaasi oo aan ku baahiyo barnaamijkii aan soo saare ka ahaa oo lagu magacaabay Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda, waxa uuna igu amray qaab dhismeedka barnaamijkaas inaan u sameeyo qaab uu isagu u dejiyay oo ahayd inaan saddexda barnaamij ee hore aan ku wareysto aqoonyahanada, ardeyda iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ee ka hadalaya amaba dawladda ku dhaliilaya iney wareejisay isla markaana iibsatay Domainka Soomaaliya, anigoo sidoo kalana la igu amray inaan diyaariyo waxa uu yahay Domainka, Shirkadda iibsatay dalka laga leeyahay, qaabka ay shirkaddu ugu iibineyso fagaaraha onlineka caalamka halka barnaamijka afaraadna la igu amray inaan ku wareysto qeybaha kala duwan ee DFKMG ah ee Soomaaliya si ay uga hadlaan eedaymaha loo jeedinayo ee ku aaddan domainka Soomaaliya sida wasiirka warfaafainta, dad ku hadla magacyada labada golle ee xukuumadda iyo golaha sharci dejinta.

Markii qaabkaasi la ii soo jeediyabay inaan u sameeyo barnaamijyadaasi afarta ah ee la igu wargeliyay inaan kadiyaariyo Domainka Soomaaliya ee DOT SO, ayaan Soulle Issiaka ku wargeliyay inaan ku faraxsanayn qaabkaasi isla markaana ay dhibaato ka imaan karto maadama Bar-kulan aysan ahayn idaacad madax banaan oo ku xiran Qaramada Midoobay, waxaana soo jeediyay in Barnaamijka koowaad iyo barnaamijta kaleba aysan u muuqan kuwa lagu weerarayo siyaasadda Dawladda, lana helo barnaamij agabkiisu uu isu dheelitiran yahay oo aan ula jeeday in labada dhinacba Barnaamijka koowaad lagu waresyto waa dhinacayada eedaymaha isu jeedinayee, waxaan soo bandhigay in aqoontayda saxaafadeed oo aanan ahayn mid si aada u weyn iney I farayso in diyaarinta barnaamijku ay noqoto mid dhexdhexaada islamarkaana aysan cidna ugu horeynba u fahmin in lagu weerarayo.

Waxaan kaloo sheegay in Barnaamijkan Soomaalida Iyo Tiknoolajiyadda oo aan markiisii horeba magiciisu aan anigu lahaa, aan uga gl lahayn mid cilmi iyo aqoon faafiya balse uusan noqon mid siyaasadda lagu gorfeeyo noqon.

Waxaa uu Soulle Issiaka oo aan filayay inuu arintaasi u garaabayo uu ka doortay inuu maro wadadii aan ku aqaanay mudada sanadka ahayd ee aanu wada sahqeynaynay oo ahayd inuusan tixgelinin fikradaha iyo aragtida shaqaalaha idaacadaasi ka shaqeeya oo aan anigu kamid ahaa, waxa uuna igu yiri:

I have been working Radio Netherlands more than 30 years, which is exactly describes that the Duration of my staying in Radio Netherlands older than your age, Definetely I will not ask for anybody the Content and Structure of Radio programs, although I can’t speak Somali language but I can understand the contents of Every thematic programs, I am also informing you that we are not considering any Censorship coming from the Transitional Federal Government , and it is good that you have to know that Radio Bar-kulan is an independent Station.

oo micnaheedu yahay:

“Waxaan ka soo shaqeynayay Radio Netherlands inkabadan 30 sano, taasi oo dhab ahaantii qeexaysa amaba tilmaamaysa in joogitaankaygii Radio Netherlands ay ka badan tahay mudada aad jirto, ruuxna ma weydiin doono agabka iyo qaab dhismeedka barnaamijyada inkastoo aanan ku hadli Karin luuqadda afka Soomaaliga balse waan fahmi karaa agabka barnaamij kasta oo todobaadle ah, waxaan sidoo kale ku ogeysiinayaa inaanaa wax tixgelina gaara u ahayn in DFKMG ah Soomaaliya uu noogu yimaado Faafreebid Bar-kulan ay ku sameyso, isagoo ugu dambeyntiina ii sheegay inaan garawsado in Bar-kulan uu yahay Station Madax banaan.     

Si kastaba ha ahaatee 4tii bishan Dec waxaa dhacay arintii aan anigu tuhunsanaa oo ahayd in dawlada Soomaaliya ay ka carootay qaabkii uu barnaamijkaasi uga baxay Bar-kulan islamarkaana looga hadlayay Domainka Soomaaliya ee lagu wareejiyay shirkadda Jabaaniiska ah.

“Waxaa barqadii uu barnaamijka baxay oo ahayd subaxnimo Sabtiya taariikhduna ay ku beegnayd 04-12-2010 aanu taleefan kuwada hadalnay Soule Issiaka oo markii horeba igu amray inaan barnaamijka qaabkaasi u sameeyo, waxa uu ii sheegay in Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Cabdikariim Xassan Jaamac oo lasoo hadlay Qaramada Midoobay, Simon Haselock oo ah madaxa shirkad lagu magacaabo Albany Associates oo iyadu maamusha Bar-kulan, Simon Davies oo ah masuulka albany associates u qaabilsan UNSOA oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda ciidamada Amisom oo ah hayadda tageerta idaacadda Bar-kulan, waxa uuna wasiirku dadka uu soo wacay kala hadlay inuusan raali ka ahayn idaacadda Bar-kulan barnaamijka ay kasoo diyaarisay Domainka Soomaaliya ee DOT SO in lagu wareejiyay shirkadda GMO Registry oo dalka Jabaan” sidaasi waxaa ii sheegay Soulle issiaka oo aanu wada hadalnay, waxa uuna intaasi raaciyay in wasiirku uu maamulka Bar-kulan ku wargaliyay inuu xumaan karo heshiiska DFKMG ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan la wadaagto hadiiba idaacaddu ay baahineyso barnaamijyo liddi ku ah rabitaanka Xukuumadda Soomaaliya.

Isla maalintii uu barnaamijka ka baxay idaacadda waxaan aniga iyo Soulle Issiaka iyo isku waafaqnay in barnaamijkii subaxaasi idaacadda ka baxay wax laga badalo si uusan dhibaato kale ugu keenin xiriirka Bar-kulan iyo dawladda, labada jeer ee kale ee u harsanayd wakhtiga uu barnaamijkaasi todobaad walba ka baxo anigoo haya cadeyntii aanu labadayada is dhaafsanay.

Waxaa kamid ahayd waxyaabaha aanu isku waafaqnay in barnaamijka laga saaro meelo badan oo lagu xusayay magaca wasiirada iyo masuuliyiinta dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibsadeen amaba ay wareejiyeen Domainka Soomaaliya, waxaa sidoo kale qirayaa in lagu amray inaan ku daro wargelin gaaban oo dhageystayaasha aan ku ogeysiinayo in todobaadka xiga aan barnaamijka ku wareysan doono dhinacyada TFGda gaar ahaana wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta taasi oo ahayd wixii kolkii horeba la iga diiday.

Waxa uu barnaamijkaasi Bar-kulan ka baxay subaxdii iyo habeenkii sabtida ahayd oo ay bishu ku beegnayd 04-12-2010 waxaana ku celiskiisii baxay subaxdii xigtay ee Axadda oo ahayd 05-12-2010 waxa uuna Barnaamijku caro balaaran u gaystay masuuliyiintii dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibasadeen amaba ay wareejiyeen mid kamida hantida guud ee qaranka Soomaaliyeed, waxayna arintaasi natiijadeedu noqotay in maalmihii xigay Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta DFKMG ah ee Soomaaliya uu isago oo kasoo dhoofaya magaalada Muqdisho garoona caalamiga ah ee Aadan Cadde uu ku qabto shir saxaafadeed uu wasiirku uga hadlyay Domainka Soomaaliya, taasi oo uu sharaxaad dheer ka bixiyay isla markaana uu sheegay in wakhtiga Domainkaasu lala wareegayay uusan ahayn madaxa wasaarada boostada iyo Isgaarsiinta.

Hadaba markii uu wasiirku Shirka Jaraa’id qabtay ayaa maalin isniina oo ay taariikhdu ku beegnayd 6 shaqada la iga joojiyay iyadoonan loo marin wax sharciya isla markaana lagu xadgudbay xaquuqdaydii aasaasiga ahayd ee Saxafinimo.

“Subaxaasi waxaan sidii caadada ahaydba tagay goobta shaqada, waxaana maalintaasi 1da duhurnimo aanu lahayn shir maamulku ay sheegeen iney la qaadanayaan wariyayaasha ka hawl gala idaacadda, waxaana kulankaasi looga hadlay saacadaha joogitaanka shaqada, qaabka soo saaritaanka barnaamijyada, iyo masuuliyadda saxafiyiinta halkaasi ka hawl gala iyadoo isla markiiba uu kullanku dhamaaday”

Markuu kullanku dhamaanayay ayaa agaasimaha albany associates u qaabilsan maamulka idaacadda Bar-kulan oo lagu magacaabo Stev Turner oo ah nin u dhasahay dalka Britain nala joogay wax ka yar laba bilood waxa uu goobtii shirka ka sheegay in marka kullanku uu dhamaado uu u baahan yahay inuu la kulmo anigoo Cabdiqafaar Shire ah iyo Faarax Lamaane oo isku duwaha mashruuca Bar-kulan, kadibna waxaynu isu raacnay Xafiiska Steve Turner.

“Markii aanu tagnay xafiiskaasi anigu marnaba maanan filanayn wax shaqada la iiga saarayo iney halkaasi ka soo socdaan isla markaana muusan jirin tuhun ku aaddan shaqada aan Bar-kulan u hayay, hase ahaatee waxaa hadalka qaadtay Steve turner agaasimaha Bar-kulan waxa uuna si aanan gambad lahayn iigu wargeliyay in maamulka Bar-kulan uu go’aansaday inaan shaqada isaga tago, isagoo igu dhaliilay inaan dhaawac soo gaarsiiyay xiriirka Bar-kulan ay la lahayd DFKMG ah ee Soomaaliya, waxa uuna igu wargeliyay inaan sii maro xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda ee Bar-kulan oo aan ka qaadto kharashka bishan December aan ku lahaa Bar-kulan kadibna aan isaga huleelo shaqada”

Arinta aan sida aadka ah ula yaabay waxay ahayd markii uu Steve Turner wariyahaasi ku wargaliyay in maamulka Bar-kulan aysan marnaba raali ka ahayn in la dhaliilo DFKMG ah ee Soomaaliya hadana marka taasi laga soo tago waxa uu Steve ii sheegay in wasiirka Cabdikariim Xassan Jaamac uusan raali ka noqonayn in wax looga sheego idaacadaasi waayo waxa uu Steve tilmaamay in labo arimoodba uusan raali uga noqonayn waa marka koowaade waxa uu ahaa wasiir aanu saaxiibnay ayuu igu yiri isla markaana 8 berri oo aan Muqdisho joognay si fiican iigu soo dhaweeyay saaxiibtinimo qaaliyana ii muujiyay, dhinaca kale mashruuc ay deeq bixiyayaashu caalamku maal galinayaan ayaan ka rajeynaynaa in DFKMG ah ee Soomaaliya ay nasiiso fursad aanu mashruucaasi ku helno hadii aanu nahay Bar-kulan,  islamarkaana aanu iskala shaqeyno in qaab casriya lagu habeeyo keydka da’da weyn ee Radio Muqdisho oo ah idaacadda Codka dawladda.

Marka waxa uu agaasimaha Bar-kulan ii sheegay inaan hareer maray rabitaanka iyo danta Bar-kulan, oo ah inaanan dawladda waxba laga sheegi Karin xaataa hadii badda iyo beriga Soomaaliyaba ay xaraashto.

Intaasi kadib waxaan Steve turner oo ah ninkaan horey usoo sheegay ku wargeliyay in diyaarinta barnaamijkaasi la igu amray isla markaana aan ka cudur daartay in dhaliilo ay ka imaan karaan barnaamijkaasi maadaama guud ahaan afrika iyo gaar ahaanba Soomaaliya uu si aada uga jiro musuqmaasuq ba’an iyo is daba marin lagu waxyeelaynayo ruux waliba oo isku daya inuu ka hadlo arimo qaran iyo xadgudub ay gaystaan madaxda dawladaha afrika gaar ahaana Soomaaliya oo sanadkaan lagu sheegay dalka kaalinta koowaad ka galay dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, ayna macquulba ahayn in Barnaamij eedaymo xambaarsan lagu wareysto hal dhinac.

“Waxaan Steve Turner ku wargliyay inaanan barnaamijkan iraadadayda amaba rabitaankayga aanan lagu sameynin waxaan u sheegay in la igu amray, waliba aan ka cudurdaartay diyaarinta barnaamijkaasi, anigoo ku adkaystay in haddii eediisa cid loo jeedinayo ay ahayd inuu qaado masuulkii aniga igu amray inaan qaabka muranka dhaliyay barnaamijka u soo saaro kaasi oo ahaa Soulle Issiaka oo markaan iri qaabkaasi barnaamijka hadduu ku baxo dhaliilo ayaa ka imaan kara.

Waxaan intaasi kadib si toosa u abaaray amaba aan u tagay Xafiiska haweeneey lagu magacaabo Darija Safranjic oo Bar-kulan u qaabilsan maamulka iyo maaliyadda oo ay iyaduna diyaar iila ahayd  kharashkii maalmaha aan bishan December ugu shaqeynayay Bar-kulan.

Waxaana arintii ay noqotay mid xambaarsan Hummiliation amaba sharaf ridid iyo liidid ku wajahan xirfadayda waxaana muddo 24 saan ku siman uga soo baxay xafiiska Bar-kulan iyadoo xaataa aanan la iiqorin Dismisal Letter oo ah warqadii shaqada la iiga soo saaray iyo sababtii shaqada la iiga soo saaray.

Hadaba waxaa manta igu kaliftay inaan idin kusoo casuumo kullankani inaan idin ogeysiiyo xadgudubkaasi la igu sameeyay isla markaana lagu dhaawacay mihnadaydii shaqo.

Maamul guracan oo ajnabiya oo ku tagrifalaya dhaqaalihii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya iyo Xukuumad sheegatay iney na badbaadinayso laakiin u xuubsiibatay wareejinta iyo iibinta hanta qaran ayaa isu kay biirsaday iney I aamusiyaan, isla markaana iga dhigaan dambiile, dhagar qabe ah laakiin waxaa go’aanka ugu dambeeya gaaraya qeybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed kadib markay si dhaba u ogaadaan cadaalada darada, xumaanta, kadeedka, iyo liidida lagu hayo saxafiiyinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bar-kulan oo aniguba qeyb ka ahaa.

Waxaan Bulshada Soomaaliyeed inta wanaagga iyo Soomaalinimadu ay ku weyn tahay ku wargelinayaa in idaacadaasi Bar-kulan lagu magacaabo iyo maamulkeedaba ay ka siman yihiin ineysan ilaalinaynin xuquuqda aasaasiga ah ee saxafiyiinta idaacadaasi ka hawl gala, haatana ay ku dhiiradeen amaba ay ku degdegaan iney si isdabamarina ay ka muuqato ay shaqada iiga soo saaraan iyagoo waxaan jirin iigu Marmarsiyoonaya, waxaana hortiina iyo ummadda Soomaaliyeed iyo DFKMG ah ee Soomaaliya golaheeda sharci dejinta oo ah Hay’addaha saddexda ah Hay’adda ugu sarreysa in Idaacadda Bar-kulan ay tahay Raadiyaha ugu musuqmaasuqa badan idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla, iyadoo waliba idaacadda noocaasiya ay taageerto Qaramada Midoobay oo goor walba sheegta iney ka sahqeynayso nabadeynta Soomaaliya iyo Horumarinta Warbaahinta Soomaalida.

Waxaan qirayaa in dhibaatada saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Bar-kulan ka hawl gala ay tahay mid laga badbadiyay oo tankeeda dhaaftay, taasi oo sababtay in hay’ado ajnabiya ay dalalkoodii uga soo tageen in si qaawan hantidii iyo deeqihii Soomaaliya loogu talo galay ay u bililiqaystaan  islamarkaana tacadi iyo gumeysi ugu geystaan muwaadiniin Soomaaliya oo aanan haysan dawlad iyo hay’ado caalamiya oo xuquuqdooda dhawra, waxaana qodob qodob u sheegayaa qaar kamida dhibaatooyinka Bar-kulan iga soo gaaray intii aan joogay iyo waliba kuwa maanta I horyaalla oo aanan awoodin gees aan isaga leexiyo waxaana kamida Mushkiladahaasi:

  1. Aniga iyo wariyayaasha Bar-kulan haatan joogaba waxaa jirtay dhibaatooyin mar waliba ina haystay oo aanaa ka hadli karin, waxaa kamida inteena badan waxaan Bar-kulan ka shaqeynaynay ku dhawaad muddo hal sano ah, waxaa nala shaqaalaysiiyay markii hore inagoo dalka Kiinya qaxooti ku ah, waxaana haysanay warqado muujinaya inaan muwaadiniin Soomaaliya nahay isla markaana aan Kiinya qaxooti ku nahay, waxaan sidoo kale haysanay Baasabooro Soomaaliya, taasi oo markii aanu shaqada bilaabaynay nalagu wargaliyay in baasabooradeena la soo saari doono, warqado cadeynaya in naloo ogol yahay in Kiinya aan ka shaqeysan karno, taasina waynu ku hungownay oo waxay noqotay balan aanan la oofin, kaligay maahan dhamaan wariyayaasha Bar-kulan ka shaqeeya intooda badani ma haystaan Baasabooro sharciya oo ay u saaran tahay in Kiinya ay ka shaqeysan karaan isla markaana ay ku noolaan karaan, waxayna taasi dhalisay in mar, labo iyo sadexba qaar kamida saxafiiyinta Soomaalida ah ee Bar-kulan ka shaqeeya ay xarig u gaystaan qaar kamida ciidamada amaanka ee Kiinya, taasi oo xadgudub ku ah nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.
     
  2. Waxaan qirayaa in dhamaanteen nalugu duleystay qandaraaska aanu ku shaqeynaynay oo muddo hal sano ah aanu dhamaanteen ku shaqeynayay qandaraaska QM ay u aqoonsan tahay Special Service Agreemen loona soo gaabiyo SSA kaasi oo ah heshiis dhigaya muddo ku siman saddex bilood oo lagu qiiimeeyo shaqada ruuxa kadibna uu saxiixo qanadaraas amaba Contract sanad gaaraya taasi oo u muuqata mid nalgu dulaystay, aniguna aan ka aamusi waayay.  
     
  3. Arinta kale ee dhibaatada aniga iyo wariye kasta oo Bar-kulan la shaqeeya na soo foodsaartay ee aan aniguna haatan gaarka u dareemayo ayaa waxay tahay in xoogaga mucaaradka ee ku kacsan dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan ka aaminsan yihiin idaacad u shaqeysa ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ay iyagu u yaqaaniin cadawga Ilaahay, waxayna arintaasi dhalisay in marar badan fariimo hanjabaado ah nala soo gaarsiiyo guud ahaan, gaar ahaana waxaa aniga dhawr jeer la iigu hanjabay inaanan Islaam ahayn oo aan AMISOM la shaqeeyo iyadoo la iigu hanjabay in qudha la iga jari doono gooray noqotaba taasi oo cabsi badan igu beertay muddo farabadan haatana aan baylaha amaba aan banaanka u aalo oo aan Bar-kulan ka soo tagay anigoonan haysan wax damaanad qaad ah amaba Job Security isla markaana aanan ku laaban karin Soomaaliya oo ah dalkayga aan jeclahay guud ahaan  gaar ahaana goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Mucaaradka eek u kacsan DFKMG ah ee Soomaaliya.
     
  4. Hadaba dhibaatada intaase le’eg ee aan dareemayo dhabtiina aan filayo in qaar badan oo idnka mida ay ila fahmayaan ma tahay mid indhaha laga qarsan karo, ma tahayse mid laga aamuso oo aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Jawaabta waxaan u daynayaa Bulshada Soomaaliyeed ee Kullankani kasoo qeyb gashay, iyo inta warfidiyeenadu ay dhambaalkayga gaarsiiyaan.
     
  5. Ugu dambeyntii waxaan baaq, bogaadin iyo talaba u soo jeedinyaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, ee aan aniguba ka tirsanahay ee aanan helin dawlad iyo qaran ku ilaaliya mihnadooda shaqo, iyo ururo caalamiya oo si dhameystiran u damaanad qaada xirfadooda iney muujiyaan isku duubni wada jir iyo iskaashi dhameystiran oo sal u ah wadaniyad, ala kacabsi, iskuduubni iyo Soomaalinimo si aysan u dhicin maalin walba in midkeen kamida bahda warbaahinta Soomaalida uu meel cidlo ah amaba baylah ah ka qaadto bahal amaba cadaw aanu horey u diyaar san karnay gaashaankii aanu kula dagaalami lahayn, si aanan loogu xadgudbin xuquuqda saxaafadda Soomaalidu saxafiga Soomaaliyeedna uusan u noqon looma ooyaan iyo ruux u nugul in la dhibaateeyo.
  6. Waxaa sidoo kale DFKMG ah ee Soomaaliya golahaeeda sharci dejinta iyo xukuumadda, ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta caalamka iyo Soomaaliyaba ka codsanayaa iney ka hadlaan xadgudubka la igula kacay isla markaana baaraan dhibaatada iyo amni xumada aan dareemayo oo ay sababtedu ahayd in dad ajaanib ah oo aanan Soomaaliya u dhalan ay nagu maamulaan islamarkaana nagu dulaystaan wax markoodii horeba loogu talo galay sida la sheegayo nabadeynta Soomaaliya.

Waxaan intaasi uga baxayaa hadalkii aan Munaasabadani ugu talo galay anigoo idiinka mahad celinaya kasoo qeybgalkiina iyo dhageysigiina, Waad Mahadsantihiin.

Khubada oo Video hoos ka daawo:

Faahfaahin Kala soo xiriir
Cabdiqafaar Axmed Shire
Cellphone: 254-722476608 
Email: Abdikafarshire@gmail.com .

JAWAABAHA DADWEYNAHA: Fadlan jawaabaha ku qor HALKAN (FG. Waa dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com | December 14, 2010

Khudbadda C/qafaar: Qaybta 1aad:

Qaybta 2aad ee khudbadda C/qafaar:


BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | Muqdisho | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO