Home » Archive Qoraaga
Dowladda Imaaraadka Carabta oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Ammaanka Soomaaliya
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Qalab fara badan oo kala gedisan manta ugu Deeqday Ciidammada Amaanka Qaranka Soomaliyeed. Deeqdan oo isugu jirata; dareyska Ciidamada iyo Gaadiid ayaa waxa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliyaa uu ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.
Safiirka dowlada imaaraatka carabta Ambasador Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii Guddoonsiinta Deeqda ayaa...
Nadwado Cilmiyeedii 12aad Ee Ka socotay Boosaaso oo lasoo Gunaanaday iyo Bayaan Kasoo Baxay:
Waxaa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada
Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso
Halkan ka akhriso Bayaanka ka soo baxay nadwada
Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب) , iyadoo intay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan.
Darsigii ugu danbeeyay ee lagasoo jeediyo Masjidka Al Rawada...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.7aad
10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa...
Muqdisho oo laga soo dejiyey duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed oo laga soo raafay Kenya
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay “Muwaadiniintani oo ku yimid Muqdisho duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed looga soo daabulo dalka Kenya”.. Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri…
Buri’ Hamza oo ku soo dhoweeyay Muqdisho duulimaadkii labaad muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay Nairobi .
Mogadishu, – Wasiiru dowlaha...
Dallada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed oo Baaq u Dirtay Milkiilayaasha Dhismaha iyo Injineerada Dhismaha Hindisa”
WAR-SAXAAFADEEDA
Ka dib markaan aragnay dhibaatada aan kala duwan ee heysata dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed kuwaas oo aanan ku heysanin Bulshada dhaxdeeda tixgalin buuxda si ay uga mid noqdaan Bulshada aan Naafada aheyn ,
Markaan aragnay inaan la qaadanin Amarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 28/03/2013 kaas oo baaq u jeediyay Injineerada Dhisa, Guryaha Wadooyinka, iyo Milkiilayaasha...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo dardaaran u jeediyay ciidamo tababar ku qaadanaya magaalada Kismaayo
Kismaayo, —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ku booqday xero tababar uga soconayay ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu u jeediyay dardaaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo golaha Baarlamaanka, Safiiro iyo Saraakiil ka socotay...
Masaajidka Dar Alqalam oo kusoo biiray Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Minnieapolis: Maalinkii Sabtida ahayd April 12, 2014, xaflad wayn ayaa ka dhacday xafiiska Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Minneapolis. Xafladaas oo looga gol lahaa masajid cusub oo kusoo biiraya golaha imaamyada.
Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan aas aaskaas culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo...
Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog
Inta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi.
Luuqadi maxay tahay?
Luuqad waxaa...
Bannaanbaxyada looga soo horjeedo dhacdada foosha xun ee Kenya kula dhaqantay Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan
Videoga hoose waa Somalida Minnesota iyo siday uga horyimaadeen dhibaatada Kenya ku hayso dadka Soomaaliyeed. Mudaharaadkan murtidiisu waxay ahayd in Kenya fariin loodiro in ku khaldantahay ficilkeeda qaanuuniyan, iyo caqliyan. Sidoo kale mushtamaca Somaliga ee dhiban in aan cod u noqono gaar ahaan, kuwa ku jira Kasarani Camp.
Videoga hoose Barnaamij qiiro leh oo Somali Channel kameeyeen dhacdada...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Haweenka Jubbooyinka waa inay hormuud u noqdaan dib u heshiisiinta iyo horumarinta”
Kismaayo, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha dhaqanka...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.6aad
27kii Juulaay 1983 dii , galinkii danbe waxaa Jaamacadda Umadda ka socday dood cilmiyeed looga hadlayay Qabyaaladda iyo Qaranka waxaana ka qayb galay Madaxayne Siyaad iyo Wasiirkii Tacliinta Sare Dr C/Qaasim Salaad (2000 – 2004 Madaxwayne KMG ah ) , anigoo akhrisanaya Sheeko (Dhambaalkii naxriista waxaa qoray Yaasiin Jaamac Falax-Falax), waxaa iisoo galay Hooyaday oo daal ka muuqdo qolkii fadhiga...
Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Baaq u Direy Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Golaha Dhaqanka Qawmiyadda Beelaha Jareer Weeyne waxay kugu salaamayaan Salaan la isku salaamo midda ugu qiimaha badan ee Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu.
Mudane Ra’iisul wasaare waxaanu kuugu Hambalyeyneynaa kuguna taageereynaa Safaradaadii aad ku kala bixisey Gobolada dalka qaarkood gaar ahaan safarkii aad ku tagtay Gobolka Shabeelaha dhaxe Jowhar, Hiiraan Buulo burde iyo Jubada...
Machadka (EISA) oo qabtey Aqoon isweydaarsi ku saabsan Dasuurka iyo Sameynta Xeerka Xisbiyadda Dalka.
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagaabeeyey Laba Maalmood oo ku saabsan Aqoon Isweydaarsi waxaana maalinkii Koowaad loo qabtey Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay ka Doodayeen Kaalinta Bulshada Rayidka ee ay kaga qayb qaadan karaan Dastuurka Dalka , waxaana Aqoon Isweydaarsigaan soo qaban qaban qaabiyey Machad lagu Magcaabo Electrical Institute for Sustainable Democracy...
Shidaalka Soomaaliya waxa uu beddelayaa sicirka saliidda ee caalamka haddii la soo saaro
Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya ayaa loo badinayaa in ay ku jiraan kayd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka . Khuburada dhinaca daraasaadka Juquraafiga ayaa tilmaamaya in balaayiin birmiil oo shidaal aan weli la taaban ah uu ku jiro badda iyo berriga Soomaaliya.
Sida uu qoray Strategic Intelligence, Dowladda Soomaaliya waxa ay shirkadda weyn ee British Petroleum heshiish kula gashay...
Nadwado cilmiyeedkii sanad la ahayd oo caaway ka bilaabatay Markazka Al- Rowda ee magaalada Boosaaso:
Nadwado cilmiyeedkan oo noqonaysa tii 12aad ayaa waxaa ciwaankeedu yahay أعمال القلوب , iyadoona ay ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah Culimada ugu waawayn soomaaliya .
Furitaanka Nadwada ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka Mu’asasada Alminhaaj, Culimo, Cuqaal , Wasiir kuxigeen Wasaarada awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Puntland iyo Dadwayne aad u faraba badan.
Bilowgii...
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galey Gabagabada Mashrruuc ay Hirgelisey Hayadda Elman oo Xirfado lagu Barey Dhalinyaro Soomaaliyeed.
Waxaa Xarunta Nabada ee ELMAN ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal, kuwaas oo Waxbarashadooda soo Bilaabatey Sannadkii tegey, waxaana Dhalinyaradaas la soo Barey Xirfado kala duwan oo kala ah Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta (Faryaamo), Dacatirka Mobile-lada , Barashada Kumbuyuutarka , Maamulka, Tubooyinka...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo
Muqdisho, April 13.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, isaga oo dhanka kale xariga...
Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa
gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayadoo wafdiga
Gudoomiyahana ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha FIUMICINO Airport
ee magaalada Rome kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Talyaaniga, Safiirka Soomaaliya ee dalkan iyo Jaalliyadda...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Kismaayo si uu hogaamiyeyaasha maamulka Jubba ugala hadlo meel marinta heshiiskii Addis Ababa
Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa booqasho ku tegey magaalada Kismaayo si uu kulan ula yeesho “hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa,” sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda, una qornaa sidan:
Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare C.weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran oo loogu...
Shirweynihii 2aad ee Somalia Investment Summit oo soo gababoobay, Dubai.
Shirkii labaad ee maalgashiga ‘Somalia Invetment Summit 2014’ ayaa dhowaan waxaa magaalada Dubai ee waddanka Isutaga Imaaraatka Catabta lagu soo gaba gabeeyay 7da April 2014 shirkaasi oo ku saabsan maalgashiga, iyo ganacsiga Soomaaliya (Somali Economic Forum), shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madax sare iyo wasiiro ka kala socota Dowlada oo uu ka mid yahay Mudane Saciid Ali Qorsheel, Mudane...
Mu’ tamarkii 7aad ee jaaliyada Soomaaliyeed Holland iyo nawaaxigeeda
Taariikhda: 30 April ilaa 04 May 2014
Holland:-Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Holland iyo nawaaxigiisa in la qaban doono Mutamarkii sanadlaha ahaa, kaas oo loogu talo galay in lagu wacyi galiyo dhamaan shacabka ku dhaqan dalka Holland iyi nawaaxigiisa.
Mutamarka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumada kala ah
1- Sh. Dr. Cali Maxamad Salax (Norway)
2- Sh Suldan...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976- 1991) – Q.5aad
Biloowga 10 kii sano ee ugu danbeeyay cimrigii Kacaanka waxay Soomaaliya gashay Xaalad dhaqaale oo adag oo kasoo gaartay dagaalkii Gobanimo doonka Soomaali Gableed , dhaqaalaha dalka ayaa ciiray , Boqortooyada Sucuudigu waxay ahayd meelaha ugu badan ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida , waxaa suuqaas nagu cariirisay Ustareeliya oo daabax fara badan usoo dirta Khaliijka ,
Ku tirsanahii Amniga ee...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Ayaa Maanta Booqashooyin Ku Soo Kala Bixiyey Degmooyinka Bulo Burde Iyo Jowhar
Muqdisho, 10, April, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii...
Beelaha Jareer Weyne oo ka hadlay Kulan Xasaasi ah oo ay la qaateen Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Waxaa la isku Afgartey in Beelaha Jareer weyne Xubno Muhiim ah ku yeeshaan Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir..
Waxaa Xarunta Qowmiyadda Beesha Reer Weyne ee ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Qaybaha kala duwan Bulshada Sida Salaadiinta , Cuqaash, Waxgaradka, Culimadudiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka , waxaana Kulankaas Ujeedkiisu...
DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1)
HORUDHAC;
Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay Khawaarijta siiba waqtigii xukunkii Ummawiyiinta ooy aad u xoogeysteen ayaa ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ee bilowday kadib dimashadii amiirkii macaawiye ibnu yaziid .
waqtigaas oo uu Ciraaq iyo Xijaaz uu ka talinaayey C/llaahi ibnu Zubeer muddo 17 sano ah oo uu wallaalkiis Muscab ibnu zubeerna uu Ciraaq...




