Home » Archive Bisha December, 2014
60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…
K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014, Akhriso Magacyada ….
Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara...
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
Muqdisho, 31, Dec, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed...
“Waa in Safaaradda Itoobiya laga raro Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, si looga hortago Khilaafka madaxda…”
Sidaas waxaa yiri Xog-ogaal, oo intaas raaciyey waa in Domain-ka .So xaruntiisa laga soo raro Japan…
Cumar Cabdirshiid waa ra’iisul wasaarahii saddexaad ee ay yeelato Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, taas oo labadii ra’iisul wasaare ee ka horeeyey ay xil ka qaadistooda u sabab ahaayeen khilaaf.
Sidoo kale, markii uu iska casilayay xukuumadii hore DFKMG ee Sh....
Hey’adda aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo bandhig u sameystey beeraleyda Shabeelaha hoose
Xarunta cilmi baarista ee hey’ada aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo ay ku leedahay degmada Afgooye ayaa lagu qabtey bandhig beereed oo socon doonaa muddo laba todobaad ah.
Furitaanka bandhigaasi waxaa lagu casumey madaxda wasaaradda beeraha oo uu hogaaminaayey mudane Cabdi Baffo wasiirka beeraha iyo wasiir kuxigeenkiisa iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda.
Waxaa sidoo kale...
Summadaha Siyaasiga – WQ. Xiddig
Qore: Abdirahman Maxammed (Xiddig)
Xiddig@gmail.com
“Maasha’allah, masaajidkan oo kale masaajid la mid ah weligey ma arkin. Waa in aan hadda ka dib ka mid noqdaa dadka ku xiran ee ku tukada masaajidka”, ayuu ku yiri gacan-yarihiisii Colaad oo garab socdey.
Magaciisa waxaa la yiraahda Burhaan. Waa markii ugu horeysey oo uu soo galo masjidka. Dadka ku tukanayey masjidka badidooda wey garanayeen...
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga.
Muqdisho, – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday...
Magaallada Muqdisho Magaallo Fiicnaan jirtay Balse Xumaatay ???!!!!
Horudhac :
Magaallada Muqdisho oo ah Magaalladaan ku soo Koray , waxay aheyd Magaallo aad iyo aad Nabad u ah mudanna in lagu tilmaamo Magaallo Fiican ( بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ ) ,se waxay is Badashay Jan,1991 Markii uu Ka Baxay Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre oo haatan loo xiisay se waagaas la wada Nacay.
Magaallada Muqdisho oo Quruxdeeda aan haatan ka hor ku tilmaamay Sidatan...
Sweden: Weerarkii lagu qaaday masjidkii soomaalida ee magaalada Eskilstuna
Hordhac:
Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden oo aan sidaas uga fogeyn caasimada dalka ee Stockholm, ayaa waxaa ku nool dad soomaali ah oo gaaraaya ilaa laba kun oo qof.Soomaalida ayaa ku kala nool xaafado kala duwan balse waxaa ay u badan yihiin xaafadaha ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada.Soomaalida ayaa magaaladaan aad u soo degtey shantii sano ee ugu dameysey. Waxaa jira soomaali badan oo shaqaysa,...
Jaamacadda PLASMA
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ku saabsaneyd ardey ka qalin jabisey Jaamacadda PLASMA ayaa lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galay Madaxda Wasaaradaha Isboortiga iyoTacliinta sare, Maamulka Degmada Hodan, Hay’adaha Caalamiga, Ganacsato, Waalidiin, Maamulka, Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda PLASMA, Waxgarad iyo xubno ka...
Soomaaliya ma ka badbaadi kartaa ku darsashada Itoobiya iyo Kenya?
(Can Somalia Survive from Ethiopia and Kenya Annexation?)
By: Abdiweli Hassan Mohamed (abdihass55@hotmail.com)
Soomaaliya waxay ku taal Geeska Afrika iyadoo leh xeebta ugu dheer Afrika (3333km) waana marin muhiim u ah maraakiibta caalamka ee ku socdaasha Suwees Kanaal, waxaana ku nool ummad isku af, diin iyo dhaqan ah. Dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika waxay u kala qaybsan yihiin waddamada Jabuuti,...
Ra’iisul Wasaare Dr. Cumar C/rashiid oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Warsaxaafadeed
Muqdisho, December 25, 2014—— Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...
MINNEAPOLIS: DIB-U-FURIDDA ICSA/ MASJIDKA DAAR AL – HIJRA!
Natiijo wanaagsan aan u badelno dhibkii inaga soo gaarey dabkii Cedar ka dhacay. Masjidka dib u dhiskiisii wuu bilaabmay. Ka qeyb qaado dib u dhiskiisa. Waxaana lagula wadaagi doonaa macluumaad ku saabsan Masjidka dib u furiddiisa.
Dadka lagu martiqaadey waxaa ka mid ah:
Imaamyada Masaajidda
Madaxda bulshada
Mas’uuliinta la doortey
Waxaa Kalimado ka jeedin doona:
Sh. Cabdiraxmaan Shariif
Sh. Axmed...
Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada oo Markii ugu horeysey laga soo saarey Muqdisho.
Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada ayaa Cadadkii ugu horeeyey waxaa laga soo saarey Magaalada Muqdisho , waxaana Daahfurkii Wargeyskaas loo sameeyey Xaflad si heer loo soo agaasimey oo ay ka qayb galeen Qaybaha ka duwan Warbaahinta,Ganacsato,Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Xawaaladaha, Kuwa Isgaariisnta,Jaamacadaha,Waxgarad,Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale.
Ugu...
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo soo xirey Wajigii Koowaad Shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibada oo Tababar ugu socday Wadanka Turkiga.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu magaalada Ankara kula kulmay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiiragalinta maalgashika Soomaaliya oo tababar la xariira isku xirka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda u yimid Turkiga .
Riix sawirka si aad u aragtid sawirka oo weyn
Shaqaalahaan oo tiradooda...
RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016”
Baarlamaanka DFS oo ay soo xaadireen 224 ayaa 218 codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, kaddib warsaxaafadeedyada hoose ayaa kasoo baxay xafiiska raiisul wasaaraha iyo kan madaxweynaha….
Muqdisho, 24, Dec. 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha...
Beesha Jareer Weyne oo Dalbatey laga Tixgaliyo Awood qaybsiga Xukuumadda uu soo Dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid
Kulan ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay loogana hadlayay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo Arrimaha Beesha Jareer weyne ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Guurtida Beelaha Jareer weyne ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Beesha Jareer weyne.
kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiye ku xigeeka 2aad...
Maadaama ay marxalad cusub galayaan wadahadalada u dhaxeeya DFS iyo Maamulka Somaliland hadaba maxay la tagaysaa Dowladd kulamada soo socda ?
Waxaa marxalad cusub galayo wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, ka dib markii ay Magaalada Djabuuti isku arkeeen Waftiyo ka kala socday Labada dhinac,Kuwaas oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.
Wadahadalo dheer ka dib, waxa ay labada dhinac isku raaceen qodobo lix ah oo...
Minneapolis: Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka hadlay Caddaalad darida, muqusmaasuqa, kufsiga ka jira Soomaaliya iyo xabsiyada oo…
Waxaa fiidkii Dec 20, 2014 kulan lagu qabtay Ramada Hotel ee magaalada Minneapolis hadal ka jeediyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir.
Kulankaas oo looga hadlay “Caddaalada iyo saraynta sharciga – justice & rule of law” waxaa ugu horayn ka hadlay Sheikh Cabdirahman Sh. Cumar, iimaamka masjidka Abuubakar ee Minneapolis, oo ku xeel dheeraaday Muhiimada caddaalada...
Hooyo Shukri Cabdulaahi Nuux “Laba Sanno Wareer iigu filan, waxaan Codsanayaa weli iney AMISOM Bixiyaan Magdhowgii Gabadheyda”
Rooda Cabdikariim Cabdulaahi waxay ahayd Gabar Shan jir ah oo ay dileen Ciidamada AMISOM ka dib markii ay jiirsiiyen Gaari Gaashaaman mar uu marayey agagaarka Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhigleey (Warta Nabada) ee Magaalada Muqdisho Bishii November 16-keedii Sannadkii 2012.
Si aan wax badan an u ogaano in Qoyskii Gabadhaas yar ee ay dileen Ciidamada Amisom oo Fadhigoodu yahay Garoonka...
Kulamo Dacwada Islaamiga ah looga tashanayay oo ka dhacay Gaalkacyo
Gaalkacyo – Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen Kulan Gabadhaha looqabtay iyo mid Ragga loo qabtay.
Kulanka Gabdhaha ayaa waxaa uu ka dhacay Qaybta Dumarka ee Masaajidka Ramadaan Xaafada Garsoor , waxaana kasoo qayb galay Gabdhaha Aqoonyahanada ah ee wax kabarta Xarumaha waxbarasho ee Magaalada sida Dugsiyada...
Bulshada sida ay u aragto Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
“Waxaa u u rajeeyey in uu Jabiyo Iskoorkii Aabihii”
“Waxaa ka cabsi qabaa in uu Muran geliyo Dhulka maadaama uu hore u Muran u geliyey Badda”
Raiisul Wasaare hore u Fashilmey in la soo celiyo waa mid aan la aqbali Karin”
“ la hel , La hel la waa ayaa u dambeysa “
Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ka dib markii Baarlamaanka...
Cumar Cabdirashiid oo Loo Magacaabay Ra’iisul Wasaare
Warsaxaafadeed kasoo baxay villa soomaaliya ayaa shaaca ka daaqay
Madaxweyne Xasan Shiikh oo magacaabay Ra’iisul Wasaare.
Muqdisho-17 December 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xassan Shiikh Maxamud waxa uu maanta u magacaabay Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in...
SHIRWEYNE LAGU QABTAY MUQDISHO OO LAGU DAAHFUREY DHISMAHA JIDKA ISKU XIRA MUQDISHO IYO HOBYO.
Shirweyne ay ka soo qey galeen in ka badan 200 ruux oo isugu jira, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Culimada, Dhalinayarada iyo Haweenka beesha Muddulood ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,Shirkaas oo ay qabanqaabiyeen siyaasiyiinta beeshaasi ayna gogoshiisa dhigeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay mashruuc muddo dheer soo socday oo lagu dhisayo wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo,...
WAA NOOCEE RA’IISAL WASAARAHA AY DOONAYAAN MADAXWEYNE XASAN IYO KOOXDIISA?!!
Tan iyo markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo shirar gaar gaar ah oo dhex maraya Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaal siyaasadeed, Xildhibaano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul-Jadiid...
Federaalkee bay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedyada Soomaaliya ma midka Itoobiya mise kan Soomaaliya ?
Ka dib dhicintaankii Dowladda Dhexe,Waxaa dalka ka dhacay isbadal saameeyey guud ahaan Mujtamica Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka daneeya siyaasadda. Isbadalkan ka dhashay burburka dowladnimo, ayaa soo saaray siyaasiyiin aan noocadoo kale wali soo marin dadka Soomaalida ah inta la xasuusto, tusaale ahaan waxa dhashay siyaasiyiin aan waxba ka xishooneynin,waxba xeerineynin, islamarkaana ku tumanayo wax...