Home » Warar
Digreeto Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo burisay wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo ….
Dicreeto uu soo saaray ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ayaa shaca ka qaaday in “wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo iyo Demooyin cusub iyo dalacsiin Saraakiil Dawladeed ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin”.
Dicreetada waxaa ku cad sidan: “Ra’iisul...
Hay’adda Dalsan Community Welfare Organization oo ka Dayrisey Xoolaha ku Nool Gobolka Gedo
Guddiga Tabinta Abaaraha ee Hay’adda Dalsan Community Welfare Organization ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa ka deyrinaya nolol xumo soo wajahday Xoolo Dhaqatada reer Guuraaga ahi ee ku sugan Gobolkaasi, ka dib markii Daaqii Dhulkaasi aysan helin Roobabakii Xiliyada kala Duwanaa ee ka da’I jirey Deegaankaasi
Hayadu waxay sheegtey in reer Guuraaga ay bilaabeen in ay u Hayaamaan Deegaamada Keymaha...
Dad Badan oo Soomaaliya Oo Ku Geeriyoodtay Dimishiq Suuriya, Go’doona Ku Ah Xaafadda Tall
Qoys Soomaali ah oo 10 qof ka kooban oo madfac ku habsadey iyo ganacsade caan ah oo weli meydikiisa bannaanka yaaley…
iyo 19-qoys oo weli ku go’doonsan hal xaafad oo madaafiic ku soo dhacayaan….
Wararka naga soo gaadhaya Dalka Suuriya ayaa sheegaya in lagu dilay halkaasi Soomaali Gaadhaysa 20 qof, sadex ka mid ah dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in maydkoodii lagu arkay xaafadda...
Haro oo dadkay afurinaysay gaarsiisay 1200 oo qof iyo Jaaliyada reer Boston oo Barakacayaasha ugu deeqay $15,000
Haro oo Aruurinaysa Zakaatul Fitr-ga iyo Sh. Axmed Nur imaamka Seattle oo arintaas ka hadlay,
Hay’ada Haro waxaan ogasiinaynaa Walaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka inay Zakaatul Fitrigooda kusoo dhakhsadaan si xili ku haboon dadkaas loo gaarsiiyo, Sidoo kale Imaamka Seattle Sh. Axmed Nuur ayaa arinkaas Cajal Vedio ah ku faah faahiyey, Axkaamta Zakada iyo in Haro loo dhiibo walaalaha...
Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay in la Carqaladeeyo Nabadda Muqdisha inta lagu Jiro Xilliga Doorashada.
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Kenya… iyo Beesha Absame iyo Adeerkood Kulan Balaaran oo ay ku yeelatey Muqdisho ka soo Saartey War-Saxaafadeed ka Hadlaya Qaabka wax Qaybsiga
Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay in la Carqaladeeyo Nabadda Muqdisha inta lagu Jiro Xilliga Doorashada.
Iyadoo ay soconayaan hawlaha u diyaar garowga Doorashada Madaxtinimada...
Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda waa sharci darro
Golaha Wasiirada DFKMG oo Ka Hadlay Arimaha Amniga iyo Soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka
Shirkii ay isniin Agoosto 13, 2012 yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG ayaa markale ku celiyey “In Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo...
Laba Diyaaradood Helicopter ah kuwa Dagaalka oo laga leeyahay Ugandha kuna soo jeedey Soomaaliya oo Burburey.
Afhayeen u hadlay waaxda Duulista Kenya laguna Magacabo Bugitha Ungera ayaa sheegay in ay bur bureen illaa labo (ama saddex) Diyaaradood ee nooca qumaatiga u kaca ah ee laga leeyahay Dalka Ugandha. Mr Ungera ayaa sheegey in Diyaaradahan oo afar ahaa Miilinimadii Axadda in ay ka soo duuleen Garoonka Diyaaradaha ee Entebe kuna soo jeeeen Dalka kiinya ha yeeshee Seddax ka mid ahi ay ku bur bureen halka...
Ugaas Mowliid “Waxaanu soo jeedinayaa Xildhibanada Cusub in aysan Codkooda siinin Shariif Xasan Shiikh Aadan Maadaama uu…
Ugaaska Beesha Reer Ow Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi Ugaas Axmed Ugaas Mowliid kana mid ahaa Ugaasyadii ka Qaybgaley Shirarkii Dib U heshiisinta ee Carte , Embagahti haatana ka jooga Banaanka Shirka looga arinsanyo Xiliga kala guurka ayaa waxaa uu u saarey Warasaxafadeed u qornaa sidatan:
“Shirka haatan socda waxaa Sabab u ah in aan ka joogo Banaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan...
Beelaha Reer Shabelle oo sheegay in la iibsaday xubinta ay ku lahaayeen Baarlamaanka Cusub
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ugaasyada, N/doonada, Aqoonyahanada, iyo Culumaa’udiinka ee Beelaha Reer Shabelle oo kala ah jufooyinka kulanle iyo Badbedaan waxay kaga hadleen qaabka soo xulista Xildhibaanada waxayna saxaafada u sheegeyn in aysan ku qanacsaneen soo xulida xubnaha Barlamaanka cusub.
Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud oo ah Ugaaska Beesha Reer Shabeele oo Radio Shabelle la hadlay...
Wariye Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Fareey) oo Saakey lagu diley Muqdisho Goor dhowna la Aasey Qabuuraha Baqdaad
Wariye Yuusuf Cali Cusmaan oo ku Magac Dheeraa Yuusuf Fareey ayaa Kooxo hubaysani Saakay ay ku dileen Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho Xiligaasuu ku sii jeedey Shaqadiisa. Dilkan ayaa yimid sida ay wararku sheegayaan Xilli uu Yuusuf doonayay in Gaari uu watay uu kala soo baxo Gataash ku yaala Degmadaas
Yuusuf Fareey ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya...
Eng.Maxamed Axmed Saalax “Madaxda Dowladda Waxaan uga Digaynaa inay ka Faa’iideystaan Awooddooda ayna Hagaan Doorashada”
Musharaxa Ing Maxamed Axmed Saalax oo ka mid ah Musharaxiinta u Tartameysa Tartanka Doorashada Madaxweyninimo ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa ka Hadley arrimo fara badan oo laxiriira Qaabka loo qabanayo Doorashada iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaala ee ka qaybgaleysa Tarankaas.
Ingineer Maxamed Axmed Saalax oo ka soo jeeda Gobolada Pundland...
Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Dawladda Maraykanka oo Walaac ka Muujiyey Qaabka loo soo Xulayo Xildhibaanada Cusub.
Safiirka Maraykanka u Fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya James Swan ayaa ka hadlay Xulidda Haatan Guddiga farsamada ay ku hayaan Xildhibaanada Barlamanka Cusub ee Soomaaliya.Mr Swan ayaa war bixintiisa ku xusay in wararka ay helayaan ay sheegayaan in Hoggaamiyo Kooxeedyadii hore ee Soomaaliya dib loogu soo darayo Baarlamaanka isla markaana ay qayb ka noqonayaan Xildhibaanada cusub ee haatan...
Ra’iisul Wasaarihii Hore ee DFKMG Farmaajo oo Dawladda ku meel gaarka ugu Baaqay in Maxkamad la soo Taago Askartii Shalay Dilka u gaystey Dad Rayid ah
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo ugu Baaqey Musharaxiinta in ay isa soo Diwaangeliyaan si loo Sugo Amaankooda islamarkaana wuxuu uga Digey in Ciidamada loo adeegsado arrimo Siyaasadeed.
Iyadoo maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu soo gaaray Musharaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu sheegey inuu si aad ah uga xun yahay Dil loo...
Madaxweynaha DFKMG oo Degmooyin cusub magacaabay, Halka Golaha Wasiiradu sharci darro ku tilmaameen wixii degmooyin la magacaabay laga soo bilaabo…
Golaha wasiirada DFKMG ayaa sharci darro ku tilmaamay wixii degmo la magacaabay laga soo bilaabo July 2011 ilaa Agoosto 2012, halka wareegto uu soo saaray madaxweynaha DFKMG uu sheegay in uu degmooyin cusub u aqoonsaday Buula Jadiid (G/Bakool) iyo Dolondoole (G/Bay)…
Shirkii ay yeesheen golaha wasiirada DFKMG maalintii Khamiista Agoosto 9, 2012 ayey ku go’aamiyeen “in magacaabista...
Rasaas dad ku dhinteen oo lagu Furey Dadweyne u Banaanbaxayey Musharaxa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
Ciidamo la sheegey in ay ku labisnaayeen Dareyska Ciidamada Dowladda KMG ayaa Barqanimadii Maanta (Khamiis) rasaas ku Riday si ay u kala eryaan Dad banaanbax ka dhigayay Barxadda Weliyow Cadde ee Taalada Siyidka ee Magaalada Muqdisho.
Mashaqadan ayaa timi ka gadaal markii uu halkaa soo gaaray gaari Tiknika ah oo ay saaran yihiin Ciidamadamo kuwaasoo doonayay in ay kala kaxeeyeen dadkii halkaa ku banaan...
Musharaxa Madaxweyne Yaasiin Maaxi oo Muqdisho soo Gaaray
MUQDISHO: Musharaxa xilka madaxweyne ee Soomaaliya Md. Yaasiin Maaxi Macalin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo qeybaha bulshada ay kaga hortageen garoonka Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.
Musharaxa Yaasiin Maaxi ayaa durba Kulamo xasaasi ah la qaatay waxgarad kala duwan isagoo sharaxaad uga bixiyay musharaxnimadiisa iyo siduu u daneynayo inuu ka qeybqaato samata bixinta...
C/weli Gaas oo isu-Sharaxay Madaxtinimada Soomaaliya
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa shaaca ka qaaday in C/weli Gaas uu isu sharaxay madaxtinimada Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidan:
Khudbadii Ra’iisul wasaaraha oo ku dhawaaqay musharaxnimada xilka Madaxweynanimada Soomaaliya
Muqdisho 08, August, 2012, waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxaweyananimada. Ra’iisul wasaaraha...
Qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Roadmapka….
Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mahiga, ayaa faafiyey qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Roadmapka ee shirka ku yeeshay Nairobi 4-5 Agoosto 2012.
Qodobadaas oo ah siddeed (8) qodob oo ku qoran Af-ka Ingriisiga oo nuxurka guud ay tarjumtey SomaliTalk.com, ayaa waxaa kamid ahaa:
Kulankii Saxiixayaashii (Roadmapka) oo ku saabsana nidaamka lagu dhamaystirayo...
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Ganacsade caan ah ku diley Beledweyne, kaddib markii uu fahmi waayey luqadda Itoobiya oo ay ku amrayeen in uu istaago
“Luqadda Itoobiyaanka ayey kula hadleen oo ku dheheen istaag, markii uu fahmi waayey ee uu socodkiisii iska sii wateyna waa toogteen…”
Wararka ka imanaya magaalada Bedelweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta (Agoosto 6, 2012) ay halkaas ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku dileen ganacse caan ka ahaa magaaladaas.
Ganacsadaha oo magaciisu ahaa Maxamed Xiirey ayaa la sheegay in...
Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Puntland oo Maanta lagu Dilay Magaalada Garoowe.
Wrarka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Magaala Madaxda Maamulka Puntland ayaa sheegay in Kooxo Hubaysani ay maanta Agoosto 6, 2012 halkaa ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Puntland.
Xildhibaan la Dilay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Xildhibaan C/salaan Sh. Maxamuud (Sheybe) kaasoo xilli uu ku sugnaa gudaha Magaalada Garoowe, kana soo baxay masjid, maanta subaxnimadii hore halkaa lagu...
Dood Cilmiyeed looga Hadlayay Sababaha loo Dilo Weriyayaasha oo ka Dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Dood Cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisey Hay’adda CCD (Center For Community and Dialogue) ayaa waxaa ka soo qayb galay Qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl gasha magaalada muqdisha, Ururada Bulshada iyo Mati sharaf kale oo lagu casuumay ayaa waxaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay Dilalalka Wariyayaasha.
Dood Cilmiyeedkaas oo ay ka soo ayb galeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka...
Sheikh Shariif oo si caro leh uga baxay Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka uga socdey Nairobi
Kulan Khaas ah oo ay yeesheen Gaas iyo Faroole oo ka caraysiiyey Sheikh Shariif wxuuna ka baxay shirkii Saxiixayaasha…
– Mahiga oo qancin waayey Sharrif, waxana uu u duulay Muqdisho, shirkiina uu halkii ka sii socdey….
– muran ka jira doorka Ahlu Sunnah..
– iyo Qaabka loo soo xulanayo Xubnaha baarlamaanka cusub oo ay fagelin ku hayso DFKMG…
iyo Beesha Warsangeli...
Baaq kasoo Baxay Beelo kamid Ah Beesha sade oo ku saabsan nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka….
Baaqa ayaa Ka digey dhinac maridda nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka….
SHIR JARAA’ ID.
Muqdishu, 06/08/2012
Ku: Hoggaanka dhaqanka ee Sade-Marreexaan
Ku: Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka
Ku: Guddiga khilaafaadka ee beelaha Soomaaliyeed
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha/Amniga
Og: Xafiisyada Ra’iisal-Wasaaraha/Wasiirka Maaliyadda
Og: UNPOS/IGAD
Og:...
Beesha Warsangeli Abgaal oo War-Saxaafadeed ay soo Saartey ku caddeysey in Shiikh Shariif uu ka Hor yimid Xildhbaan ay soo Xusheen.
Anagoo kale ah oday dhaqameedyada Beesha Warsangeli Harti-Abgaal Mudulood ee Qabiilka Hawiye waxaan si isku duuban u caleemo saarnay inuu xubinteena Baarlamaan nagu matalo xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali. Waxaana u gudbinay go’aan keenkaas Imaam Maxamed Yuusuf, waxaase nasiib daro ah in Madax weyne Sheikh Sharif uu diiday codeyntii iyo doorashadii oday dhaqameedyada Warsangeli asagoo ku dhaliilayo...
Hay’ada Haro oo caawa shir ku qabatay Minnesota Aruurisayna dhaqaale gaaraya $10.000
Minneapolis: Waxaa caawa maqaayada Safari lagu qabtay shir ay soo qaban qaabisay Ha’da Haro ayna kasoo qayb galeen Culimo owdiinka magaalada Sida; Sh. Axmed Taajir, Sh. C/risaaq Xaashi iyo Sh. Xasan jaamici. Hay’ada Haro oo laga soo gaabiyey Humanitarian African Releig Organization ayaa shir isugu jira Warbixin iyo Afuru u qabatay Jaaliyada reer Minnesota (Haro First Annual Rammadan Dinner)...




