Home » Warar
Qabyo Qoraalka Xeerka Maamulka Magaalada Muqdisho oo Lasoo Bandhigey
20 Sano Kadib Xeerkii Ugu Horeeyey Maamulka Dowlada Hoose ee Magaalada Muqdisho oo uu yeesho ayaa lagu soo bandhigey siminaar lagu soo Af-jarayo qabyo qoraalka Sharciga Magaalada Muqdisho 14/11/2010 Hoteel Panorama ee caasimada dalka Jabuuti oo ay in mudo ah ku hawlanaayeen Gudiga Mogadisho City Law .
Siminaarkan lagu soo bandhigayey Xeerkan ka kooban 12 cutub oo marka la sii faah faahiyo noqonaya...
Warbixin Jaamacadda UUM ee Dalka Malaysiya
Safarkeeygii Jaamacada UUM ee waqooyiga dalka Malaysia – Ibraahim Da’ud Abdalle —
Intii u dhaxeesay 30 Octobe-7 November, 2010 ayaan safar gaaban ku aaday Waqooyiga dalka Malaysia oo ay ku taal Jaamacada Utara Malaysia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UUM isla markaana ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah.
Ujeedka safarkeeyga ayaa ahaa qeyb gal-ka xafladda Qalinjabinta ardayda...
Farmaajo oo Golahiisa Wasiirada ku kordhiyey 9 Wasiir Dawlo…
iyo 18 Wasiir ku xigeen oo la magacaabay….
Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Khamiistii (Nov 18, 2010) shaaca ka qaaday in golahiisa wasiirada uu ku kordhiyey 9 wasiiru-dawlo, taas oo tirada golaha wasiirada ee xukuumadda DFKMG ka dhigeysa 18 wasiir iyo 9 wasiiro dawle. Waxa kale oo uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen.
Magacyada wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada...
Ciidamada AMISOM oo xasuuqii ugu Darnaa ka gaystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho
Ciidamada Amisom oo muddooyinkaan Caado ka dhigtey in ay Madaafiic la dhacaan dadka rayidka ah ayaa maanta (Arbaca Nov 17, 2010) waxaa Madaafiic aan loo meel deyin waxay Ciidamada Amisom la dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad Rayid ah waxaana la xaqiijiyey in dad gaaraya ilaa 15 qofood ay ku geeriyooden Duqeyntaas waxaa kaloo ku dhaawacmey 50 qofood
Goobaha la duqeyey waxaa ka mid ahaa Suuqa Bakaaraha...
Sidii looga ciidey: Leicester, UK, Kampala, Toronto, Minneapolis…
Reer Minneapolis oo markale Camiray Farasmagaalaha Minneapolis …
Subaxnimadii Talaadada (Nov 16, 2010) waxaa magaalada Minneapolis, gaar ahaan farasmagaalaha waxaa camiray Muslimiin ku qulqulaya xarunta Minneapolis Convention Center oo lagu tukanayey Salaaddii Ciidul Adxa. Carruur iyo cirroole looma kala harin.
Cimilada oo ahayd mid deggan, baraf tiix ahna da’ayo, ayaad waxaa la arkayey...
Tixraac Taariikh: Qoraalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen uu 2002 ka qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya…
Qoraalkan taariikhiga ah waxaan xilligan dib ugu soo cusboonaysiinay codsi dadweynaha… Warbixintaas waxaa tarjumey Axmed Faarax Cali idaajaa….
Warbixinta oo dhamaystiran AKHRI
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo baaq nabad u direy dadka deegaanka Buuhoodle
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaal ka dhacay degaanka Buuhoodle, waxana uu sheegay “Aad iyo aad baan uga xunahay falalka sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa dhammaan cid allaale iyo cidii wax ka geysan karta daminta collaada ummadda dhexdeeda si masuuliyad ku jirto. Waxaana ugu baaqeynaa labada beelood ee xurgufta dhexmartay...
Dukumiinti ku Saabsan iibintii Guriga Safaarada Soomaaliya ee Kenya
Waxaa SomaliTalk.com heshay nuqullo kamid ah dukumiinti la xiriira iibsigii guriga Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya, dukumiintigaas waxaa ka mid ah:
Dukumiinti muujinaya taariikhdii dhulka uu ku yaal guriga Safaarada Soomaaliya, taariikhdaas oo ka soo bilaabanaysa 1930. Waxana dhulkaas la kala iibsadey 6 jeer ka hor intii aan Dawladda Soomaaliya iibsan 12/4/1973, oo xilligaas...
Xaflad ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganad
iyo kan cusub ayaa waxa ay ka dhacday jaamacadda ST.LAWRENCE ee Magaalada Kampala.
Xafaladdan ayaa waxa ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,waxaana lagu qabtay hoolka jaamacadda ST.LAWRENCE.
Halkan ka daawo Sawirada Xafladda
Waxaa xafladda ka soo qeybgalay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Syria mudane Maxamuud Ducaale Muse(Xaaji Kafee),qunsulka safaaradda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka...
Shirkadii Global Money Transfer oo Suuqa Dib ugu soo Noqoneysa
Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer oo mudo ka maqneyd suuqyada Xawaaladaha ayaa milkiilayaashii shirkaddaasi waxay haatan qorsheynayaan in goor dhow dib boorka looga jafo shirkaddaasi oo ay sheegeen in ay adeeg badan u haysay ummadda Soomaaliyeed.
Shirkaddaan oo looga bartay adeeg hufan oo ay si aad ah ula dhaceen bulshada Soomaaliyeed ayaa sababaha dib loogu soo celinayo suuqa ay tahay kadib...
Warbixin dheer oo ku saabsan Qaabkii lagu sii daayey Lamaanahii Ingiriiska
. Madaxfurasho gaaray $ million oo doolar ayaa lagu siidayey lamaanaha u dhashay UK, sidaas waxaa sheegay TV-ga SKYNews (UK)
. Markii hore burcaddu waxay sheegteen 7 million doolar, laakiin hadda waxaa la siiyey burcadda $1 million doolar, sidaas waxaa qortay THE SUN (UK)
. Burcadda waxaa la siiyey $1 million, lacagtaas oo qaar ay iska soo ururiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed, waxaana dhici karta in...
Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal University Prof. Lafole oo ka warbixiyay safar iyo shirar uu u qabtay Jaaliyadaha dibadda
Warbixin uu jeediyay ardayda Jaamacadda Nugaal muxaadarro ka hadlaysa safarkiisa…..
Waxa caawa lagu qabtay hallka shirarka ee Jaamacada Nugaal University muxaadaro uu warbixin kaga jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Professor C/risaaq Lafoole hadaba xafladda ayaa u dhacday sidan:
Ugu horrayn waxa hadalka lagu furay aayadaha qur’aank kariimka iyo wacdi lagaga hadlay muhiimadda...
Xildhibaanno Sheegay in ay kalsoonida kala laabanayaan Xukuumadda Farmaajo
Kana fiirsanayaan kasii mid ahaanshada Dawladda TFG:
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa si kulul uga soo hor jeestey xukuumadda cusub ee ra’iisul Wasaaraha DFKMG.
Xildhibaanadaas oo Sabti (Nov 13, 2010) kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay kalsoonidii dib ugala laabanayaan (xukuumadda) Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama sida...
Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo
Magacyada 18 Wasiir ee Golaha Wasiirada cusub ee DFKMG iyo Puntland oo wareegto ka soo saartay in ay dib uga fiirsaneyso xiriirka ay la leedahay DFKMG…
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Jimcadii (November 12, 2010) waxa uu ku dhawaaqay xubnaha golahiisa Wasiirada oo ka kooban 18 wasiir, 15 kamid ah ay yihiin wasiiro cusub.
Waxaa arrintaas wareegto/Digreeto ka soo saaray...
DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)
Heshiis Qarsoodi ah oo ka dhacay Nairobi iyo Tokyo oo Shirkad Laga leeyahay Dalka Japan laga iibiyey Domain-ka Rugta Internetka rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya (SO), shirkaddaasina noqonayso midda maamusha….
Dhowaanahan waxaa soo shaac baxayey in xukuumadda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay iibisey magaca guud ee Diiwaanka u ah DOMAIN-ka Internetka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo .SO in shirkaddaasi...
Ciid-ul-Adxa Talaado, November 16 iyo Masjid Abubakar oo idiin soo diyaariyey, Minneapolis Convention Center
Abubakar As-Saddique Islamic Center
Wuxuu idiin soo diyaariyey Minneapils Convention Centre 7:00 am – 9:00 am
Ciid-ul-Adxa Talaado, November 16, 2010
Ogaysiiska Ciida
Waxaa illaahay Mahadiis ah inaan markale idin lawadaagno u diyaar garowga Ciidul Adxa. Ilaahayna waxaan waydiisanaynaa inuu inoo fududeeyo imaana nagu garsiiyo.
Xarunta Ububakar As-Saddique Islamic Centre Waxay ogaysiinaysaa dhamaan...
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyey Talaabadii Ciidamada Amisom ka qaadeen Xildhibaanada
Xildhibaan Aadan Cabdulle “Maalinka Sabtida kalfadhi ayaan ku yeelaneynaa Golaha Shacabka xitaa haddi ay ishortaag nagu sameeyaan Amisom”
Iyadoo Maalintii shaley ahayd ayaa Ciidamada Amisom xoog uga saareen Xarunta Golaha Shacabka Xildhibaano doonayey in ay ku yeeshaan kalfadhi ku aadan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka...
Ciidamada Amisom oo kala eryey Xildhibaano ku shiri lahaa Golaha Shacabka kuwaas oo la sheegey in ay Mooshin ka keeneen…
Iyadoo Arbacadii lagu wadey in Golaha Shacabka kulan ku yeeshaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka kuwaas oo la sheegey in ay ka doodi lahaayeen Khilaaf mar kale soo kala dhexgaley Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana lagu waramey in xildhibaanadaan ay ahaayeen kuwo taageersan Madaxweynaha DFKMG, waxayna Mooshin ka dhan ah...
Dhallinyaradii danbiyada loo haystay oo markale la keenay maxkamad kutaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
12-kii Dhallinyaro ee ciidammada ammaanka dalka Mareykanku ay xabsiga u taxaabeen maalintii Isniinta ahayd, ayaa shalay oo talaado ah iyo maanta oo arbaco ah markale la keenay maxkamad kutaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Dhallinyaradan eedeysan ayaa iskugu jira rag iyo dumar ay 11 Soomaali yihiin, halka hal will uu isagu ajnabi yahay. Sidoo kale dhallinyaro kale oo Soomaali ah, tiradooduna...
Warbixin: Booqashadii Sh. Maxamed Idiris ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Suudaan, Muxaadarona u jeediyey
Waxaa habeen nimadii arbacada ee taariikhdu ahayd 20/10/2010 dalka Sudan booqasho gaaban ku soo gaaray fadiilatu Sh.MAXMED IDIRIS AXMED, sheekha oo sudan ay ku marti qaaday kuna soo dhawaysay Raabidada Ardada Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa wuxuu durbaba bilaabay nashaadaad dacwi ah oo lagu tawjiihinayo jaaliyadda soomaaliyeed, sheekha ayaa habeen nimadii Sabtida 22/10/2010 muxaadaro wayn oo siwayn...
Hayada COGWO oo Caruur Xanuunsan oo Dalka wax looga qaban waayey Howlo Caafimaad ugu qaaday Magaalada Nairobi
Hay’ada COGWO ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxay Muqdisho ka dhoofiyeen Bukaano u badnaa Caruur kuwaasoo xanuuno kala duwan qabay islamarkaana dalka wax looga qaban waayay.-
Halkan ka daawo sawirada
Ilaa 7 Caruur ah iyo waalidiintooda ayay Hay’ada COGWO Maanta ka dhoofisay gaoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo loo qaaday isbitaalo ku yaal Magaalada...
Soomaali Dacwooyin looga soo oogay Saddex Gobol oo Maraykan ah
Waxaa Isniintii (Nofember 8, 2010) aroortii hore iyo habeen hore saqdii dhexe si lama filaan ama kadis ah guryahooda loogu yimid oo lana xir xiray sadex iyo labaatan qof oo 22 kamid ahi ay yihiin Soomaali. Dhamaan dadkan la raadinayo oo ay tiradoodu gaareyso 29 ayaa waxaa hada la hayaa 23 kamid ah, halka 6 qof wali la baadi goobayo, lana la’yahay.
Saddex gobol oo Maraykanka kamid ah, kala ahna Minnesota,...
Qaabkii loo Magacaabi lahaa Golaha Wasiirada oo ay qoorta isugula jiraan Mas’uulyiinta sarsare ee Dowladda FKMG
Dhowr jeer ayaa waxa uu dib u dhac ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo, waxaana lagu waramay in dhowr jeer la tirtiray liisas uu soo gudbiyey Ra’isul Wasaaruhu kadib markii ay ku qanci waayeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda FKMG oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sababaha dib...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Warsaxaafadeed ka soo saaray colaadda Gobolada Dhexe
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay xildhibaano iyo odayaal ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya, waxana uu u ballan qaaday in uu guddi u xilsaarayo sidii loo joojin lahaa colaada G/dhexe, sida ku cad warsaxaafadeedka hoose oo Jimcadii ka soo baxay xafiiska ra’iiusl wasaaraha DFKMG.
War-saxaafadeed
Jimce, 05.11.2010: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya...
Xildhibaano Farriin adag u direy Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
Markii dhawaan xildhibaanada Baarlamaanka codka kalsoonida ay siiyeen Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay u soo jeediyeen Ra’isul Wasaaraha DFKMG in uu soo dhiso dowlad tayo wanaagsan leh isla markaana dalka ka samatabixin karta dhibaatooyinka maanta haysta.
Xildhibaan Axmed Cumar Gaagaale oo ka mid ah xildhibaanada...




