SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA: SAFAARAD LA DHACAY

Dukumiinti ku Saabsan iibintii Guriga Safaarada Soomaaliya ee Kenya

  • SomaliTalk.com | November 15, 2010

Waxaa SomaliTalk.com heshay nuqullo kamid ah dukumiinti la xiriira iibsigii guriga Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya, dukumiintigaas oo aad ka daalacan kartid  halkan Download(pdf) ama HALKAN (magazine) waxaa ka mid ah:

Dukumiinti muujinaya taariikhdii dhulka uu ku yaal guriga Safaarada Soomaaliya, taariikhdaas oo ka soo bilaabanaysa 1930. Waxana dhulkaas la kala iibsadey 6 jeer ka hor intii aan Dawladda Soomaaliya iibsan 12/4/1973, oo xilligaas ku iibsatey Ksh550,000. Waxa kale oo dukumiintigaas ku qoran in 16/8/1994 laga iibiyey Suleiman Rahemtulla Omar iyo xaaskiisa Zarina Suleiman Omar.

Dukumiinti  muujinaya in uu qoray Saadha Mohammed Gulleid oo katirsanaa wadashaqaynta Wasaaradada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taas oo ay ku qoran tahay in Safiirka Soomaaliya ay Dawladda Soomaaliyeed u ogolaatay in uu guriga iibiyo - Waxaa layaab leh in dhanka hoose ee warqaddaas lagu qoray far Qalin ah oo lagu sheegayo in iibinta safaarada la ansixiyey 19 March 1990.

Dukumiintigaas waxaa kale oo kamid ah warqad ku taariikhaysan 19 Mar 1990 taas oo ku qoran AfSoomaali oo ku socota safiirka Soomaaliya, waxaana warqaddaasi ku bilaabatay sidan : "Dawladda Soomaaliya waxay ku fareysaa in aad iibiso guriga Deganka ee Danjiraha dapka Soomaaliyeed ee dapka Soomaaliyeed ee Nairobi, No. LR/1870/111/50..." (FG. AfSoomaaligaas khaladan ayagaa ku qoray..) Waxaana warqaddaas ku saxiixan in uu Tasdiiqiyey Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya Ahmed Sheikh Mohamud. Waxaana iibka sabab looga dhigay si loo xallinayo dhibaatooyinka mushaharka shaqaalaha jooga Kenya... FG. Waxaa warqaddu ku taariikhaysan tahay 19 Mar 1990, waa ka hor intii aan xukuumaddii Soomaaliya dhicin.

Dukumiintiga waxaa ka mid ah warqaddii uu February 1995 qoray Wasiirkii Arrimaha Dibadda Kenya (Musyoka) oo uu ku sheegay in dublomaasiyad xiriir ah uusan ka dhaxay Soomaaliya iyo Kenya, maadaama ay dhacday Dawladdii Soomaaliya, sidaas daraadeedna shaqalaha Safaarada Soomaaliya aysan u aqoonsanayn dublomaasiyiin.

Waxaa kale oo dukumiintiga ka mid ah warbixin muujinaysa qiimayn february 2006 lagu sameeyey dhulka uu ku fadhiyo dhismahaasi, qiimayntaas oo ah 130 million oo Kenya shillin ah.

Dukumiintiga waxa kale oo kamid ah dacwad ka dhan ah iibkaas oo ay maxkamadda geeyeen laba dublomaasi Soomaaliyeed oo ah Musa Hersi Fahiye iyo Mohamed Omar ayagoo maxkmada la fuulay lammaanaha iibsadey guriga, waxayna maxkamadda hortageen May-June 1995 ayagoo doonayey in guriga loo soo celiyo Soomaaliya.

Mohamed Omar waxa uu ahaan jirey safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalka Jabuuti, waxana uu geeriyoodey dhawr bilood kabacdi markii uu hortegey Maxkamadda Kenya si uu ugu doodo Soomaaliya in loo soo celiyo dhismahaas - haddaba ugu yaraan 10 million oo Soomaali ah ee hadda nool waxaa la gudboon in ay xaqiijiyaan ficilkii uu halgamaagaasi ku doonayey inuu dhismahaas usoo celiyo Soomaalida, maadaama asagii uusan xilligan ummadda u doodi karin oo Allah oofsaday - Allah ha u naxariisto.

Maxkamadda Kenya oo Go'aan ka gaari doonta Dhismaha Safaaradda: December 7, 2010

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtay in ay December 7, 2010 go'aan ka gaari doonto arrinta muranka dhalisay ee ku saabsan safaaradda Soomaaliya ee la iibsaday. Dhismahaas oo laga dhacay shacabka Soomaaliyeed intii ka dambaysay burburkii dawladdii Soomaaliyeed.

Dacwaddaas waxaa maxkamadda Kenya geeyey dublomaasiyiin Soomaaliyeed oo dalbaday in arrintaas iibka ay Maxkamaddu ka dhigto waxba kama jiraan isla markaasna gurigaas iyo dhulka uu ku fadhiyo loo soo celiyo Soomaaliya.

Guriga sida dukumiintiga sare muujinayo waxaa lacag gaaraysa KSH 15 million ku iibsadey ganacsade reer Kenya ah Suleiman Rahemtulla Omar iyo xaaskiisa Zarina Sulieman Omar waxayna kaga iibsadeen safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Kenya Ahmed Sheikh Mohamud.

"Guriga oo ku yaal xaafada qaaliga ah Spring Valley, kuna beegay isgoyska Brookside Drive iyo Lower Kabete Road ee Nairobi, waxaa hadda lagu qiimeeyey Sh500 million," sidaas waxaa dhowaan qortay Jariidada EastAfrica. Waxaana jariidadu intaas ku dartay "Suleiman Rahemtulla Omar iyo xaaskiisa Zarina Suleiman Omar waxay ogaan doonaan in gurigii ay ku iibsadeen KSH15 million in loo celiyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya." Waxaa halkaas ku haboon in lagu daro waxay shacabka Soomaaliyeedna doonayaan in dhismahaas loo soo celiyo, lana xaqiiyo dacwaddii ay fureen labada muwaadin ee Soomaaliyeed Musa Hersi Fahiye iyo Mohamed Omar.

Dowlad Safaarad La'aan ah iyo Shacab dulman!.

Safaaradii Soomaalida ee dalka Kenya waxaa iibsaday danjiriihii dalka Soomaaliya u fadhiyay ee xilka loo dhiibey ka hor inta aysan bur-burin dowladdii Soomaaliya wixii intaas ka danbeeyayne dalka Soomaaliya kama jirin wax dowlad dhexe ah sida aan Qormooyinkii hore aan ku soo xusay.

Intii u dhaxeesay sanadkii 1991-2004 dalka Soomaaliya wax danjire ah uma joogin dalka Kenya, balse dowladii KMG ee uu Madaxwaynaha ka ahaa C/laahi Yusufu isla markaana uu R/wasaare ka ahaa Cali Mohamed Geedi laguna soo dhisay dalka Kenya ayaa Danjire Mohamed Ali Ameeriko u soo magacoowday in uu Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya noqodo, iyadoo sannadkii 2007 uu Madaxwaynaha dalka Kenya warqada ogolaanshaha u gudbiyay sidaasna uu ku noqday Danjiraha rasmiga ah ee dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ilaa xilligana isaga ayaa danjire ka ah halkaas.

Dhamaan dowladii KMG ee dalka Soomaaliya soo maray tan iyo sanadkii 2000 wixii ka danbeeyay laguna daray dowladda FKMG ee uu Madaxwaynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed dalka Kenya waa u muhiim sababtuna waa Kenya  oo xarun u ah Dowlado, Heyado sida UN-ka iyo Ururo daneeya arrimaha Soomaaliya sidaas darteed Safarka ay Masuuliyiinta Soomaalida ku tagaan dalka Kenya wuu ka badanyahay safarka ay dalka Gudihiisa ku tagaan.!

Dhulka la iibsaday ee Safaaradii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya dacwadiisa waxa ay ka socotaa Maxkadama sare ee dalka Kenya balse sida dacwada u socoto iyo sida ay Dowladda Soomaalida aysan diyaar ugu aheyn in aan dhulkaas gacanta soomaalida lagu soo celin waxaad is leedahay miyaysan Soomaalidu dowlad laheen mise dadkan madaxda sheeganaya waa dad aanba aqoon micnaha ay leedahay arrintan.?

Ugu yaraan labo mar ayaan tagay Maxkamadda ay dacwada ka socoto balse nasiib daro ma arag dad xil iska saaraya in dhulkaas la soo celiyo marka laga reebo Danjire Mohamed Ali Ameeriko iyo Qunsulka Safaaradda Soomaalida Mudane Edson oo xooga muujinaya dadaal aan u muuqan in uu meel dheer gaari karo.

Shacab dulman!

iibDalka Kenya waxaa dagan ama ku nool Qaxootiga ugu badan ee Soomaali ah isla markaana waxa ay Soomaalidu ku leedahay ganacsi balaaran inkastoo dhibaatooyin badan ay ku qabaan joogista dalka Kenya sida….

1-dadka ka soo carara Dhibaatadda ka jirta Dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Dalka Soomaaliya ee nabad galyadda u soo raadsada dalka Kenya gaar ahaan marka ay xuduudka soo galayaan aad ayaa loo dhibaateeyaa iyadoo lacago laaluush laga qaado iyo dhibaatooyin intaas ka badan, sida Xabsi iyo in dib loogu celiyo dhibaaadii ay ka soo carareen!

2-Dadka Soomaalida ah ku nool gudaha Caasimada dalka Kenya ee Nairobi gaar ahaan xaafaada Islii ee ay Soomaalidu ku badantahay waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay askarta u geestaan dadka shacabka ah , waxaa laga qaadaa lacag baad ah, mararka qaar waxa ay kaa qaadanayaan wax walba oo jeebkaada ku jira sida lacag ama Mobile.

3-Dadka Dibaha ka yimaada ee dalka Kenya safarka ku yimaada marka ay baxayaan iyo marka ay yimaadaanba dalka Kenya Airpor-ka weyn ee Joma Kenyata ayaa lagu dhibaa waxaana laga qaataa lacago lagu sheegay in ay yihiin laaluush balse baad ah.

4-Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya waxaa loo geestaa dhibaatooyin isku jira dil kufsi iyo dhibaatooyin kalle intaba.

Haddii dowladi jirto dhulkana uu nabad ah waxan oo dhibaato ah ma dhaceen balse nasiibdarada nagu dhacday ayay ka midtahay. Waana filayaa in maalin un Soomaalidu ay heli doonto dowlad iyo nabad.

Dacwadda dhulka Soomaalida way socotaa, wixii dheeraad ah ee dhulkaas dacwadiisa ku soo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa.

Safaaradda Soomaalida ee Kenya Maxay Soomaalida u qabataa?

Inkastoo Dowlad Somaaliyeed oo xoog badan aysan jirin haddana Safaarada Somalida ee dalka Kenya waa saafaaradaha ugu shaqada badan safaaradaha ay Somalida ku leedahay dalka dibadiisa sababtuna waxay tahay dalka Kenya oo ah dal ay ku yaalaan xarumo ay daganyihiin safaarado iyo Heyado daneeya arrimaha Somalia.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay safaarada Somalida ee dalka Kenya ay qabatay waxa ka mid ah.

Soo dhaweenta iyo ka warqabka Madaxda Dowlada sida Madaxwayaha, Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka arrimaha dibada iyo mas'uuliyiinta la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.
Isku xirka safaaradda iyo Heyadaha, safaaradaha iyo shaqsiyaadka daneeya arrimaha Somalia. Gaar ahaan dadka Ajaanibta ah ee safaradda ku aadda dalka Soomaaliya ee la shaqeeya Heyadaha ama Dowladdaha daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Fududeenta helida Baasaboorka Somaliga iyo wax u qabashada dadka dhibaatada kala kulma waaxda socdaalka ee dalka Kenya, sida dadka ay Police-ka dalka Kenya ku dhibaan Airport-ka iyo xuduudaha dalka Kenya.

La socodka iyo caawinta Burcad badeeda Somalida ee ku xiran xabsiyo ku yaala dalka Kenya gaar ahaan waxyaabah ay u qabataan waxaa ugu badan in ay soo booqdaan ama ay u diraan dad xaalkooda la socdaa balse dan badan lagama galo.

In ay dowlada Kenya safaarada kala hadashay sidii loo furi lahaa xuduudka dalka Kenya iyo in la helo xerooyin cusub oo ay dagaan dadka Somalia ka soo barakacaya oo haatan ay xerada Dhadhaab buux dhaaftay haatan.

Madaxda Safaarada Somalida waxay u is taageen sidii loo soo celin lahaa dhulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xaafada Westland ee magaalada ku yaal, waxaa la isla fuulay Maxkad iyadoo wali ay socoto maxkamadii waliba ay dacwadaasay wali socoto somaliduna rajo wanaagsan ayay ledahay.

Dhawaan sida ay sheegtay Maxkamada sare ee dalka Kenya waxaa mar kale dib loo dhigay dacwadii Safaaradda Soomaalida ilaa bisha December oo ah dhamaadka sannadkan 2010, Insha Allah wixii arrintaas ku soo kordha waan idinla soo socodiin doona, inkasta oo walaac laga muujiyey in dhulkaas la soo celiyo ilaa Soomaaliya ay ka dhalato dowlad dhaxe oo cagaheeda isku taagto.

Qoraalkii Safaaradda Soomaalida aan kaga hadlayay intaas ayaan ku soo dhameestiray wixii aan qaldayne ka raali ahaada.

Qaybihii hore ka akhri halkan  http://somalitalk.com/tag/safaarad/

Dukumiintiga la xiriira iibka safaaradda ka eeg HALKAN (magazine) ama halkan (pdf)


Ibraahim Da'ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
Kuala Lumpur, Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com | November 15, 2010

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | Muqdisho | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO