Home » Warar

Xaaladda Abaarta Soomaaliya waa (Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna ) – Balse Allah ayey leeyihiin

Jan 6, 2011
Markii la waayey xiligii dayrta oo ay si aad ah u sugayeen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadda soo ifbaxaya in abaar daran ay ka jirto laga soo bilaabo Raas-Caseyr ilaa Raas-Kambooni, sidoo kale abaartu waxay saameysay dadka Soomaaliyeed eek u nool kilalka shanaad ee ismaamulka Soomaalida iyo waqooyi bari Kenya, waxayna saadaasha ka bixiya arrimaha abaaraha waxay sheegayaan in abaarta xiligaan ka taagan... 
Halkudheg: ,

Kordhisashada Xilliga Shaqo ee Mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda FKMG iyo Xildhibaannada ma Tahay mid hirgeli karta?

Jan 5, 2011
Jawaabta Su’aashan waxaan ka sugeynaa Dadweynaha Soomaaliyeed 50 xildhibaan ayaa maalintii khamiista ahayd ee 30kii December shir ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxayna ka wada hadleen xiliga dowladda u harsan wixii laga yeeli lahaa, waxaana sidaasi u sheegay Saxaafadda Mr Xasharo oo ah Madaxa guddiga saxaafadda ee Baarlamaanka, sidaas oo kale fadhigii baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho... 
Halkudheg: ,

“Cumar C/rashiid hore waa u adeegsadey Tixraaca xarfaha OPM” Hadal ka soo laabtay Warkii Ra’iisul Wasaarahii hore

Jan 4, 2011
Warqad uu Cumar C/rashiid hore ugu qoray Qarammada Midoobay oo ku astaysan OPM… Warqaddii October 10, 2009 uu QM ku war geliyey in Baarlamaanku uu diidey Heshiiskii is fahamka badda ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya…. SII AKHRI….  Read More →
Halkudheg:

Cumar C/rashiid: “Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay”, Mana jirto wax Warqad ah oo aan u qoray Shirkadda Saracen

Jan 3, 2011
Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo si qayaxan u beeniyey in uu saxiixay warqad la sheegay in loo diray shirkadda Saracen Internation ee qaabilsan ammaanka… Cumar C/rashiid ayaa si kulul u beeniyey hadalkii uu ra’iisul wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka DFKMG ee ahaa in Cumar C/rashiid uu warqad u qoray shirkadda... 
Halkudheg: ,

Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool (No. 28)

Jan 3, 2011
Nayroobi, 30 Diisembar 2010 Saaxiibayaasha qiimaha badan, Waxaan dhammaantiina idiin soo gudbinayaa salaan diiran oo ku wajahan  Sannadka Cusub. Ugu horeyntii, waa inaan iraahdo dhibaatooyin adag iyo mixnado badan baa nala soo gudboonaaday bilihii ugu dambeeyay, taasoo, nasiib darro, aan waqti ii siinin inaan xiriirkeygii caadiga ahaa la yeesho saaxiibadayda xubnaha Jaaliyadda qurbaha ku nool.... 
Halkudheg:

War ku aadan shirka golaha Wasiirada: oo isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen,

Jan 3, 2011
…. ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka…. Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu  horeeyo in howlaha muhiimka... 
Halkudheg:

Hayadda CDHR oo qabatey siminaar la xiriira Mabaadii’da Aasaasiga ee Xadgudubyada Dhibanayaasha iyo ku Tagri Falka Awoodaha

Jan 2, 2011
Hotelka Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyey Siminaar socdey muddo saddex maalmood ah waxaana Siminaarkaas ka qaybgaley 30 xubnood oo kala kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana soo qabanqaabiyey Hay’ada Center for Democracy and Human Rights waxaana lagu baranayey casharo la xiriira Mabaadii’ada Aasaasiga ee Cadaalada, Dambiyada iyo Ku Tagri Fal Awoodaha Halkan... 

Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Qabashada Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya ee Pundland ay ka Tarjumeyso in Pundland ay….

Jan 1, 2011
martigelin karto Shirar Dib u heshiisiinta Soomaaliya — Waxaa magaalada Garoowe ee Maamul Gobaleedka Puntland ku soo gebagaboobay tartankii 18-aad ee cayaaraha gobolada oo sanadkaan ka qaybgaleen 15 gobal, waana markii ugu horeysay oo tiri inta la eg tartanka cayaaraha gobolada ee dhinaca K/cagta, waxaana cayaarta kama dambeysta ah isugu soo baxay Gobalada Bari iyo Banaadir, waxayna cayaartaasi... 
Halkudheg:

Ciidamada Itoobiya oo Hub ka dhigis ku sameeyey Ciidamadii Dowlada FKMG iyo Kuwii Ahlu Sunna ee ku Sugnaa Dooolow

Jan 1, 2011
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Geddo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlada FKMG iyo kuwii Ahlu Sunna ee ku sugnaa Deegaanka Doolow ay Hub ka dhigis ku sameeyeen Ciidamadii Itoobiya ee ay wada joogeen Deegaankaas. Ilaa iyo Hada lama oga sababaha Hub ka dhigista loogu sameeyey Ciidamaadaas hase yeeshee warar ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay ka carootey Hub Ciidamada Dowlada FKMG iyo kuwa... 
Halkudheg:

Masaajidka Abuubakar Minneapolis oo Muslimiinta ogaysiiyey rag Inxiraaf ku dhacay oo Culummada iyo Masaajidka dhib ku haya

Jan 1, 2011
“Hadafka ugu wayn waa in Culimmada iyo dadka la kala gooyo, maraakista Islaamiga ah la dumiyo, waa hadaf gaalo wadato” Sh. C/raxmaan Sh. Cumar Minneapolis: Maanta  oo Jimca ah 12-31-10 Xarunta Abuubakar waxay Muslimiinta Salaadii Jimcaha ka dib lasocsiisay inay jiraan rag isku magacaabay “Golaha Baraaruga) laakiin loo bixiyey “Goloha Burburinta iyo Baa bi’inta Dacwada”... 
Halkudheg:

Muqdisho: In ka badan Boqol Qof oo ka qayb galay Siminaar Xiriir ah oo ay Bixisey Hayada SOMWA

Jan 1, 2011
Seminaar lagu baranayay qaabka loo sameeyo Galaangalka (Advocacy) oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Haweenka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SOMWA ayna ka qeyb qaadanayeen 35 xubnood oo ka kala socday ururada iyo xarumaha warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho. Seminaarka oo ay gacan ka geysatay hay’adda IREX waxaa lagu bartay... 
Halkudheg:

Minneapolis: Boqollaal Soomaalida deggan Minnesota oo mudaharaad ka dhigay Xawaaaladahii laxiray

Jan 1, 2011
Boqollaal Soomaalida deggan Minneapolis ayaa Jimcadii 30-ka December 2011 waxay mudaharaad ballaaran ka dhigeen magaalada Minneapolis, kaas oo la xiriira xawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo la xiray Jimacadii. Xiritaanka xawaaladaha oo sababay in ay istaagaan dhammaan lacagahii ay dadku ehelkooda uga xawili jireen magaalooyinka mataanaha Minneapolis/St. Paul ee gobolka Minnesota, arrintaas oo... 
Halkudheg: ,

Afar toddobaad ayaan ku soo bandhigi doonaa dhammaan heshiisyadii lala galay DFKMG kuwa la ogyahay iyo kuwa qarsoonba….

Dec 28, 2010
Farmaajo oo Sheegay in Cumar C/rashiis warqad u qoray Saracen Internation ku saabsan Heshiiska lala galay shirkadda Maxamed C/laahi Farmaajo oo hortegey Baarlamaanka, sharraxaadna ka bixiyey heshiiskii Shirkadda Saracen ee DFKMG la gashay… 15-kii May 2010 ayaa ra’iisulwasaarahii hore waxaa uu warqad u qoray shirkadda Sarecen International, taas oo ku sumadaysnayd:  OP/ IT/006490510, Khamiis... 
Halkudheg: ,

Cumar C/rashiid oo beeniyey in Xukuumaddiisii ay Heshiis la gashay Shirkadda Saracen international

Dec 27, 2010
“Haddii ay tahay sida uu wasiirka maaliyadda sheegayo oo ay tahay in madaxweynaha saxiixay, ruuxeeda waa sharci darro sababtoo ah xukuumaddii aniga oo arrinta shaqada ku lahayd ayaa lala garab maray…. ” Cumar C/rashiid. Q1: Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cumar C/rashiid (VOA) [audio:http://somalitalkradio.com/cod/aa_cumar_shirkadda.mp3] Qaybta labaad ee waraysiga ra’iisul wasaarahii... 
Halkudheg: , ,

“Waa in Muqdisho laga Raro Caasimadda Soomaaliya”: Wasiir Ku xigeen Puntland

Dec 27, 2010
CabdiShakuur Mire Aaden: Dawladda la soo dhisayo ma aha in laga doono Muqdisho – “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.”... 
Halkudheg:

Inxiraafka, Asbaabtiisa, Calamadihiisa iyo Dawadiisa Dr. Maxmed Sh. Cismaan

Dec 26, 2010
“Waxyaalahaan arkayo waxaa kamid ah oo Cilaajka keenaysa in dowrkii culimada lasoo celiyo Culimmada dowrkooda waa muhiim, Culimadu dowrkooda inay qaataan,  oo ummada ayagu hogaamiyaan oo sabab u noqdaan dadkii  hogaamin lahaa ummada, khaas ahaan arinta maanta Soomaaliya ka taagan, waxaad og tihiin arinta maanta Soomaaliya ka taagan, arin aad khatar u  halkaan aan anagu joogno dhowr iyo labaatan... 
Halkudheg: ,

Shirkado badan oo la sheegay in ay qaabilsan yihiin dhinaca ammaanka oo isku haysta Soomaaliya

Dec 25, 2010
Dowladda Federaalka KMG oo heshiish la gashey “Shirkad Qaabilsan dhinaca Amaanka” oo lagu magacaabo SARECEN — DFKMG oo laga dalbaday in ay baarlamaanka hor keento waxa uu ku saabsan yahay heshiiska ay la gashay shirkadda xarunteedu tahay Bayruut, Lubnaan…. Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka C/kariin Xasan Jaamac ayaa daboolka ka qaaday in... 
Halkudheg: ,

Ururka SOMEPED oo soo gabagabeeyey Doodo ku saabsaneyd Xeerka Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed

Dec 25, 2010
20 Qodob oo la isku raacay in ay Noqdaan Xeerka Anshaxa Saxaafadda  Soomaaliyeed Ururka lagu Magacaabo Somali Media For Peace and Development ayaa Bilooyinkii la soo dhaafey wuxuu ku howlanaa sidii Saxaadda Soomaaliyeed ay u yeelan lahayd  Xeerka Anshaxa (Media Self Regulation) waxaana Doodaha sameynta Xeerka Saxaafada  ka qayb galey Sharciyaqaano , Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha Suxufiyiinti... 
Halkudheg: , ,

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada DFKMG oo si weyn uga soo horjeestey Hadalki Shiikh Shariif ee ahaa in Ciidamada Dowlada Joojiyaan Cunista Qaadka

Dec 23, 2010
Col Maxamed Nuur “Hadii aanan Cuni lahayn Qaad mar hore ayaa la qabsan lahaa Xarunta Madaxtooyada” – Qaadka ayaa Madaxweyne ka ah Dalka Soomaaliya —- Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo dhawaan la hadlayey Ciidamada Booliska mar ay xusayeen Sannad Guurada 67 aad ee Aas-aaska Cidamada Booliska  ayaa u soo jeediyey  qaybaha kala duwan ee Ciidamada in ay joojiyaan Cunista Qaadka ka... 
Halkudheg:

Handadaad iyo weerar gabar Soomaaliyeed oo Xijaaban loogu geystey Barxadda masjidka Abuubakar Saddiiq ee Columbus Ohio

Dec 23, 2010
FBI oo Baaraysa Weerar loo geystey Gabar Soomaaliyeed oo Reer Columbus, Ohio ah — FBI ayaa bilowday baaritaan hordhac ah kaddib markii gabar Muslimad ah lagula kacay cabsi gelin, isla markaasna indhaha lagaga buufiyey sunta dadka kaga ilmaysiisa, arrintaas oo ka dhacday barxadda Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio, gabadhaas oo 20-jir ah oo muddo 10 sano ah ku noolayda... 
Halkudheg:

Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xirxiray Zambiya, Qaarna loo tarxiilay Tanzania

Dec 22, 2010
iyo dalka Mozambique oo a qaxooti Soomaali ah ku wareejiyay hay’adda UNHCR —- iyo 700 Soomaali Qaxooti ah oo lagu xiray Zambiya — Dalka Zambiya ayaa qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan 60 ruux ka masaafuriyay dalkeeda, waxaana loo gudbiyay dadkaasi Ciidamada ilaalada xuduudaha ee wadanka Tanzaniya sida uu xaqeejiyay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan wadankaasi. Maxkamad... 
Halkudheg:

Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxeysa Qarax ka dhacay Goob Basaska laga raaco oo ku taal Dalka Kenya

Dec 21, 2010
Goob laga raaco Baabuurta oo ku taala Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka dhacay qarax aad u weyn waxaana markiiba ku dhintay 2 ruux waxaana ku dhaawacmay 41 qofood, iyadoo markii uu dhacay qaraxaasi ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan Wadanka Kenya kuwaas oo xiray goobtii isla markaana ku dhaqaaqay baaritaan aad u balaaran. Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay tahay goob ay ka baxaan... 
Halkudheg:

Shir lagu qabtay Mombasa oo looga hadlay wax u qabadka dadka Gobolada Jubooyinka .

Dec 21, 2010
iyo Kulan Haweenka Soomaalidda Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaaldda Perth ee Galbeedka Australia… Shirka Waamo ee Mombasa: “Waagii Qabiilka la bilaabayey anigu timo badan ayaan lahaa, dhibkii wuxuu nookeenay in uu baraf naga tuuro…” Magaalada Mombasa ayaa waxaa lagu qabtay Kulan ay ka soo qayb galeen odayaal dhaqameed, wax garad, culumudiin ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ee... 
Halkudheg: ,

Sifaatu Ahlul Ahwaa (Calaamadaha dadka ahlu bidaca ah)

Dec 21, 2010
Xarunta Abuubakar As-Saddique ee Minneapolis ayaa habeenkii Sabtida December 11,2010 soo xirtay Sh. Maxamed Idris oo jooga Nairobi. Muxaadaro ka hadlaysa Sifaatka dadka hawadooda raaca, kadib markuu ku dhacay xanuunka Shubhada ee Quluubta ku dhaca. Dadkaas waa dadka ahlusuhanaha khilaafa ama waa kuwa loo yaqaan firqooyinka dhunsan. Sh. Maxamed Idris oo Muxaadaro aad u dheer jeediyey ayaa  muxaadaradiisa... 
Halkudheg: ,

Waraysi: Prof. Xuseen Axmed Warsame oo ka warbixiyey shir ka socda Jabuuti…

Dec 20, 2010
Go’aamo aan weli la shaacin oo ay isla gaareen aqoonyahanno uu shir uga socdey Jabuuti… Prof. Xuseen Axmed Warsame Prof. Xuseen Warsame oo aan waraysi kula yeelanay magaalada Jabuuti ayaan wax ka weydiinay shir beryahan ka socdey Jabuuti iyo waxa uu ku saabsan yahay. Prof. Xuseen oo sheegay in uu halkan kaga qaybgelayo kulan aqoon yahanka Soomaaliyeed oo jabuuti ay marti gelisey, taladana... 
Halkudheg: