SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIRKADAHA & HESHIISYADA

"Cumar Cabdirashiid hore waa u adeegsadey Tixraaca xarfaha OPM (oo laga soo gaabiyey Office of the Prime Minister)" Sidaas waxaa yiri Masuul weydiistey in aan magaciisa la sheegin...

"Hadalkii Cumar C/rashiid waxbaa ka soo laabtay..."

  • SomaliTalk.com | Jan 4, 2011

Warqad uu Cumar C/rashiid hore ugu qoray Qarammada Midoobay oo ku astaysan OPM... Warqaddii October 10, 2009 uu QM ku war geliyey in Baarlamaanku uu diidey Heshiiskii is fahamka badda ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya....

Axaddii Janaayo 2, 2011 ayey ahayd markii Cumar C/rashiid laga soo xigtey in waraaqaha xafiiskiisa ka soo bixi jirey uusan u adeegsan jirin tixraaca OPM. Sidoo kale Waraysi uu ra'iisul Wasaarahii hore ee DFKMG Isniintii Janaayo 3, 2011 siiyey BBC-da ayuu si cad ah ugu sheegay in waraaqda loo tiiriyey in uu isagu shirkadda u diray aysan ka soo bixin xafiiskiisii, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri:

"Waxaa yaab leh waraaqadaha la geeyey baarlamaanka iyo hadalka la leeyahay ra'iisul wasaarahii hore ayaa saxiixay, in ay tahay arrin runtii been abuur ah, Saracen aniga in aanan marna waraaq u saxiixin, madaxweynaha iyo anigana in aanan marna ka wada hadlin arrintaas ayaan rabaa in aan baarlamaanka u caddeeyo, sidaan hore u sheegayba."

Isagoo hadalkiisii sii watey Cumar C/rashiid waxa uu yiri "Waraaqda uu ra'iisul wasaarahu geeyey baarlamaanka hadda gacantayda ayey ku jirtaa, waxaad ka garanaysaa in ay been abuur tahay waraaqda reference loo sameeyey refenece anaga sidii aan waraaqaha u qori jirnay ka duwan ayaa lagu qoray, xataa loogada xafiiska ee annaga aan waraaqadaha ku qori jirnay iyadana waa logo ka duwan, waraaqdaan haatan la sameeyeyna waa waraaq runtii been abuur ah, oo aan u badinayo in xafiiska madaxweynaha iyo dadkii ka shaqayn jirey oo xukuumadda ku jira in ay ka dambeeyaan."

Arrinta muranka dhalisay ayaa ah in warqadda loo diray Saracen ay ku summadaysan tahay tixraaca xarfaha OPM (oo laga soo gaabiyey Office of the Prime Minister). Waxaana Cumar C/rashiid laga xaqiijiyey in uu adeegsan jirey xarfaha XRW (oo laga soo gaabiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha).

Haddaba masuul weydiistey in aan magaciisa la sheegin oo ka jawaabayey hadalka Ra'iisul Wasaarahii hore ayaa yiri "Cumar C/rashiid xaq ayuu u leeyahay in uu is difaaco haddii magaciisa iyo saxiixiisa lagu xad gudbo ama lagu been abuurto in uu caddeeyo, xaq ayuu u leeyahay in uu ummadda Soomaaliyeed iyo baarlamaanka u caddeeyo heshiiska Saracen haddii uusan wax ka ogeyn."

Masuulkaas oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri "Laakiin xaq uma laha in uu yiraahdo tixraaca OPM hore xafiiskiisa uma adeegsan, waayo waa adeegsadey, cadayntuna waxay ku jirtaa kaydka SomaliTalk.com oo hore u daabacday warqad leh summadda OPM/IC/00./016/11/09 oo ah warqaddii uu Cumar C/rashiid u qoray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey Ban-Ki Moon, kuna taariikhaysan  October 10, 2009, waxaa warqaddaas UN-ka u gudbiyey Dr. Cilmi Axmed Ducaale, safiirka Soomaaliya u fadhiya Qarammada Midoobey, 2-dii March 2010. Warqaddaas oo muujineysey in baarlamaanka Soomaaliya is hor taagey Heshiiskii Badda, sidaasna ay QM kaga dhigtay waxba kama jiraan."

"Marka warkii Cumar C/rashiid wax ayaa ka soo laabtay," ayuu hadalkiisa ku soo xiray masuulkaas SomaliTalk weydiistey in aan la magacaabin.


Warqaddii Cumar C/rashiid u diray UN , waxaa ku summadaysan OPM/IC/00./016/11/09

December 30, 2010 ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha DFMG ee hadda Maxamed C/laahi Farmaajo uu baarlamaanka ka hor akhriyey warqad, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “kaddib markii aan raadiney macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shirkadda Sarecen International waxaa noo soo baxday in 15-kii May 2010 waxaa jirtey warqad uu ra’iisulwasaarahii hore mudane Cumar C/rashiid uu u qoray shirkadda Sarecen International, taas oo ku sumadaysnayd: Office of Prime Minister: OPM/ IC/006.49/05/10, laguna hagaajiyey Mr Lafras Luitingh, Saracen International, oo address-kiisu yahay Lubnaan, warqaddaasi uu diray ra’iisul wasaarahihii hore waatan, waxaana codsanayaa guddoomiyuhu in uu baarlamaanka siiyo."

Haddaba waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqul kamid ah HESHIISKII DFKMG iyo SARACEN iyo nuqul WARQADDII uu R/Wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed C/laahi Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka, December 30, 2010. Sida ka muuqata warqadda, isla markaasna uu sheegay ra'iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, waxaa warqadda ku suntan OPM/IC/000.649/05/10.


Warqadda oo weyn ka eeg halkan / http://somaliatalk.com/2011/jan/letter_from_tfg.pdf

Cumar C/rashiid oo warqaddaas ka jawaabaayey waxa uu yiri "Waxaa la ii sheegay in ra'iisul wasaaraha uu baarlamaanka geeyey xaashi, taas oo la leeyahay ra'iisul wasaarahii hore ayaa dalbay Saracen, waxaan rabaa xildhibaanada baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeedba in aan u caddeeyo in ay tahay been abuur, runtii lagu been abuurtay saxiixayga iyo waraaqdaba." Sidaas waxa uu ka ra'iisul wasaarahii hore ku sheegay waraysi uu la yeeshay TV-ga Universal, Janaayo 2, 2011.

Cumar Cabdirashiid waxa kale oo uu sheegay in uusan haba yaraatee dalban shirkaddaasi in ay timaado dalka Soomaaliya, iyo in uusan qorin warqaddii uu ra'iisul Wasaaraha hadda, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka. Waxaana Cumar C/rashiid warqaddaas ka yiri "Waa been abuur aan waxba ka jirin, ma jirto wax dalab ah aan sameeyey oo shirkaddaas ku saabsan." ayuu ku celceliyey. (Waraysiga Cumar C/rashiid ee Universal oo Cod ah Dhegeyso).


Website-ka UN Warqaddan waa tii Cumar C/rashiidu u diray UN, April 8, 2009

www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_ files/preliminary/som_2009_letter.pdf

Sida ku cad warbixintii hore, Aqoonyahan Soomaaliyeed oo difaacayey ra'iisul wasaarahii hore, arkayna qaabka loo qoray warqadda la sheegay in Cumar C/rashiid u diray Saracen ayaa yiri "Xafiis kasta oo dawladeed waxa uu leeyahay Borotokool (Protocol) la raaco oo ku astaysan waraaqahiisa. Cumar C/rashiid xafiiskiisa waraaqahii ka soo bixi jirey ee uu isagu soo saari jirey waxaa ku astaysnaan jirey xarfaha XRW, hadda wixii ugu horeeyey oo ishaydu qabatay markaan arkay warqadda la sheegay in uu isagu qoray waa in aysan lahayn Protocol-kii astaanta u ahaa waraaqahiisa."

Haddaba masuulka aan kor ku xusnay ee weydiistey in aan magaciisa la sheegin oo hadalkaas ka jawaabayey ayaa yiri "u doodi maayo xukuumadda farmaajo, kuna hadli maayo afka xukuumadda, laakiin Cumar C/rashiid xusuusinayaa in xafiiskiisu uu lahaa Protocol, laakiin ma arkin meel uu protocolkaas kaga qoran yahay in aan la adeegsan karin reference-ka xarfaha OPM, balse taas cagsigeeda waxaa xarfahaas loo adeegsadey warqad ka soo baxday xafiiska Cumar C/rashiid, waxaa marka ra'iisul wasaarahii hore laga rabaa in uu caddeeyo in warqaddaas hore uu isagu u qoray Qarammada Midoobay iyo in kale," ayuu yiri masuulkaasi.


Daabacadii May 9, 2010 ee SomaliTalk.com

Bishii March ee sannadkii 2010 ayey ahayd markii safiirka DFKMG u fadhiya xarunta Qarammada Midoobey Dr. Cilmi Axmed Ducaale uu UN u gudbiyey warqad uu ku saxiixan yahay Ra'iisul Wasaarahii markaas Cumar C/rashiid, taas oo ku taariikhaysnayd October 10, 2009, oo uu ku cadaynayey in baarlamaanka Soomaaliya uu diidey Heshiiskii Is-fahamka ee ku saabsanaa Badda ee dhexmaray DFKMG Soomaaliya iyo Kenya. Warqaddaas oo fure u ahayd in Qarammada Midoobay uu gaaro warkii baarlamaanku ku diidey heshiishka Is faham.

Dr. Cilmi Axmed Ducaale markii uu warqaddaas u gudbinayey QM waxaa uu raaciyey warqad kale oo ka soo baxday xafiiska Safaaradad Soomaalida ee UN, waxana uu warqaddaas ku xusay tixraaca warqadda Ra'iisul Wasaaraha oo ah OPM/IC/00./016/11/09.

Ra'iisul Wasaaraha hadda ee DFKMG oo December 30, 2010 la hadlayey xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa sheegay in muddo afar toddobaad ah uu ku soo bandhigayo dhammaan heshiisyadii ay gashay xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ah, oo uu sheegay in uu soo bandhigi doono heshiisyada oo dhan oo ay ku jiraan kuwa qarsoon. Taariikhda uu qabsaday waxay ku beegan tahay Janaayo 27, 2011.

Waxaa xusid mudan taariikhdan kooban kooban ee ku saabsana heshiiskii is-fahamka:

April 7, 2009: Nairobi waxaa heshiis ku kala saxiixday DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo ahaa is-faham oo ku saabsan badda Soomaaliya.

April 8, 2009: Cumar Cabdirashiid ayaa qoray warqad uu ku taageerayo heshiiskaas oo ku socota UN : http://tinyurl.com/2fbxckk 

April 14, 2009: UN ayaa websitekooda ku faafisay warqaddii Cumar C/rashiid. http://tinyurl.com/25szzx9 

May 6, 2009: Kenya ayaa UN u gudbisatay qoraal ay si weyn u tixraacayso heshiiskaas is faham, qoraalkaas oo Kenya ku cabiratay qayb kamid ah badda Soomaaliya. http://tinyurl.com/2b5dhfh 

August 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si geesinimo taariikhi ah oo lama ilaawaan ah waxay codkooda ku difaaceen badda Soomaaliya, ayagoo heshiiskii DFKMG iyo Kenya ka dhigay waxba kama jiraan (NULL & VOID)

Augsut 19, 2009: Prof. Ibbi, ra'iisul wasaare xigeenka DFKMG ayaa UN waxa uu u qoray warqad uu ku qoranyahay magaca Cumar C/rashiid laakiin uu saxiixay prof. Ibbi, warqaddaas oo si bareer ah uga hor imanaysay go'aanka baarlamaanku ku diidey heshiiska, waxana warqaddaasi gaarab siinaysey heshiiskii Kenya ku qaadan lahayd badda Soomaalida. http://tinyurl.com/24tugvw 

October 10, 2009: Cumar C/rashiid ayaa UN u qoray warqad uu ku xusay in heshiiskii Isfahamka uu diidey baarlamaanku sidaas daraadeedna aan la cuskan karin. Laakiin warqaddaasi UN ma gaarin ama ma aysan faafin muddo 5 bilood ah. http://tinyurl.com/26kf32w 

March 2, 2010: Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN, Dr. Ducaale, ayaa qoraalkii Cumar C/rashiid waxa uu ku lifaaqay warqad uu u diray UN uu ku wargelinayo in heshiiskii Isfahamka uu Baarlamaanka Soomaaliya diidey. http://tinyurl.com/26kf32w 

March 12, 2010 ayaa UN faafisay in baarlamaanka Soomaaliya diidey heshiiskii is fahamka.

Heshiiskii Saracen iyo DFKMG

Dhanka kale, sida aan kor ku xusnay waa SomaliTalk soo gaarey nuqul ka kooban 12 bog oo ah heshiiskii DFKMG iyo Saracen. Waxaa qoraalkaas ku cad in ay ahayd in Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif uu saxiixo, oo waxaa u bannaan meel magaciisa lagu qoray. Waxa kale oo warqadda in uu saxiixo ay ahayd qof ka socda shirkadda oo magaciisu yahay Lafras Luitingh, waxaana loo banneeyey booskii uu saxiixi lahaa. Waxa kale oo ka bannaan laba markhaanti booskoodii. Laakiin meeshaas saxiixa kuma qorna in ra'iisul wasaare saxiixi lahaa.


Meesha loo baneeyey in madaxweynaha saxiixo

Warqadda uu sheegay ra'iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, in loo diray Saracen waxay ku taariikhaysan tahay 16.05.2010, illigaas waa xilligii muranka weyn ka dhex taagnaa xukuumadda Federaalka sida ka muuqata taariikhda kooban ee hoos ku qoran:

16.05.2010: Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yeeshay kulan buuq hareeyey kuwaas oo ay u diideen in Adan Madoobe shirka uu guddoomiye shirka, markii danbena codka u qaadey oo xilka ka xayuubiyey

16.05.2010: Adan Madoobe ayaa sheegay in xukuumaddii dhacdey oo ay rideen 280 Xildhibaan

17.05.2010: Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku dhawaaqey in Adan Madoobe khiyaano Qaran galay, Xukuumadduna aysan ku dhici karin afkiisa

18.05.2010 Waxaa is casiley Adan Madoobe

18.05.2010 Waxaa xukuumaddii kala direy Madaxweyne Shiikh Shariif, waxaa ku taageeray Axmed Walad Abdallah.

19.05.2010 Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku tilmaamey go’aanka Madaxweynaha mid aan sharci ahayn loona hogaansamayn

20.05.2010 Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ka laabtey go’aankii uu xukuumadda ku kala direy

28.05.2010 Waxaa loo doortey afhayeen cusub baarlamaanka waxaana uu noqdey magac aan cusbeyn Shariif Xassan Shiikh Adan

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010.

December 30, 2010 ayaa Ra'iisul Wasaaraha DFMG ee hadda waxa uu baarlamaanka ka hor akhriyey warqadda muranka dhalisay oo uu sheegay in uu saxiixay Cumar C/rashiid, ra'iisul Wasaarahii hore.

Maxamed C/laahi farmaajo waxa uu qabsaday afar toddobaad si uu baarlamaanka ugu horkeeno dhammaan heshiisyadii ay gashay DFKMG, taariikhda uu qabsaday oo ku beegan Janaayo 27, 2011.

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ra'yigaaga ku qor halkan (FG. Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 4, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: