SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIRKADAHA & HESHIISYADA

Cumar Cabdirashiid: "Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay", Mana jirto wax Warqad ah oo aan u qoray Shirkadda Saracen....

Ra'iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo si qayaxan u beeniyey in uu saxiixay warqad la sheegay in loo diray shirkadda Saracen Internation ee qaabilsan ammaanka...

  • SomaliTalk.com | Jan 3, 2011

Cumar C/rashiid ayaa si kulul u beeniyey hadalkii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka DFKMG ee ahaa in Cumar C/rashiid uu warqad u qoray shirkadda Saracen, si shirkaddaasi uga hawl gasho Soomaaliya, taas oo ra'iisul wasaarahii hore ee DFKMG ku tilmamaay waxba kama jiraan.

  • Waraaqahii ka soo bixi jirey xafiiska Cumar C/rashiid waxaa astaan u ahaa xarfaha XRW, laakiin warqadda laga hor akhriyey baarlamaanka waxaa astaan u ah xarfaha OPM....

"Waxaa la ii sheegay in ra'iisul wasaaraha uu baarlamaanka geeyey xaashi, taas oo la leeyahay ra'iisul wasaarahii hore ayaa dalbay Saracen, waxaan rabaa xildhibaanada baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeedba in aan u caddeeyo in ay tahay been abuur, runtii lagu been abuurtay saxiixayga iyo waraaqdaba." Sidaas waxa uu ka ra'iisul wasaarahii hore ku sheegay waraysi uu la yeeshay TV-ga Universal, Janaayo 2, 2011.

Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in uusan haba yaraatee dalban shirkaddaasi in ay timaado dalka Soomaaliya, iyo in uusan qorin warqaddii uu ra'iisul Wasaaraha hadda, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka. Waxaana Cumar C/rashiid warqaddaas ka yiri "Waa been abuur aan waxba ka jirin, ma jirto wax dalab ah aan sameeyey oo shirkaddaas ku saabsan." ayuu ku celceliyey. (Waraysigaas oo Video ah hoos ka daawo, ama Waraysiga oo cod ah hoos ka dhegeyso).

Haddaba waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqul kamid ah HESHIISKII DFKMG iyo SARACEN iyo nuqul WARQADDII uu R/Wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed C/laahi Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka, December 30, 2010.

Cumar C/rashiid oo waraysi kale siiyey Idaacadda idaacadda British Broadcasting Corporation, Janaayo 3, 2011, ayaa sheegay in astaanta waraaqaha ku qoran aysan ahayn kuwo uu adeegsan jirey, waraysiga BBC hoos ka dhegeyso.


Warqadda oo weyn ka eeg halkan / http://somaliatalk.com/2011/jan/letter_from_tfg.pdf

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo oo warqaddaas baarlamaanka u sharxayey waxa uu yiri "kaddib markii aan raadiney macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shirkadda Sarecen International waxaa noo soo baxday in 15-kii May 2010 waxaa jirtey warqad uu ra'iisulwasaarahii hore mudane Cumar C/rashiid uu u qoray shirkadda Sarecen International, taas oo ku sumadaysnayd: Office of Prime Minister: OPM/ IC/000.649/05/10, laguna hagaajiyey Lafras Luitingh, Saracen International, oo address-kiisu yahay Lubnaan, warqaddaasi uu diray ra'iisul wasaarahihii hore waatan, waxaana codsanayaa guddoomiyuhu in uu baarlamaanka siiyo." Farmaajo oo akhrinayey Warqadda halkan ka dhegeyso.

Sida ka muuqata warqadda, isla markaasna uu sheegay ra'iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, waxaa warqadda ku suntan OPM/IC/000.649/05/10.

Laakiin waxaa soo shaac baxay, Cumar C/rashiidna laga xaqiijiyey, uuna ku sheegay waraysi BBC-da, in Waraaqaha ka soo bixi jirey Xafiiskiisa uusan ku qori jirin xarfaha OPM (oo laga soo gaabiyey Office of the Prime Minister). Waxa uu Cumar C/rashiid xaqiijiyey in uu adeegsan jirey xarfaha XRW (oo laga soo gaabiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha), sida XRW/000.710/04/2010 ama XRW/00065/06/09 - sida ka muuqata waraaqaha hoose oo ku qoran luqadda Ingiriisiga.
 


Cumar C/rashiid Warqaddan waxa uu qoray 19.04.2010


Website-ka UN Warqaddan waa tii Cumar C/rashiidu u diray UN, April 8, 2009

www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_ files/preliminary/som_2009_letter.pdf

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo arkay qaabka loo qoray warqadda la sheegay in Cumar C/rashiid u diray Saracen ayaa yiri "Xafiis kasta oo dawladeed waxa uu leeyahay Borotokool (Protocol) la raaco oo ku astaysan waraaqahiisa. Cumar C/rashiid xafiiskiisa waraaqahii ka soo bixi jirey ee uu isagu soo saari jirey waxaa ku astaysnaan jirey xarfaha XRW, hadda wixii ugu horeeyey oo ishaydu qabatay markaan arkay warqadda la sheegay in uu isagu qoray waa in aysan lahayn Protocol-kii astaanta u ahaa waraaqahiisa."

Taas ka sokow, ayuu yiri "Cumar C/rashiid ayaa afkiisa la soo taagan oo dhahaya anigu warqaddaas shaqo kuma lihi, mana qorin, saxiixaygana waa lagu been abuurtay, marka xukuumadda Farmaajo ayaa laga rabaa cadayn taas ay keentay mid ka weyn ama in ay ka laabato hadalkaas, shacabka Soomaaliyeedna u cadayso in warqaddaasi been macmal ah tahay."

Dhanka kale, sida aan kor ku xusnay waa SomaliTalk soo gaarey nuqul ka kooban 12 bog oo ah heshiiskii DFKMG iyo Saracen. Waxaa qoraalkaas ku cad in ay ahayd in Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif uu saxiixo, oo waxaa u bannaan meel magaciisa lagu qoray. Waxa kale oo warqadda in uu saxiixo ay ahayd qof ka socda shirkadda oo magaciisu yahay Lafras Luitingh, waxaana loo banneeyey booskii uu saxiixi lahaa. Waxa kale oo ka bannaan laba markhaanti booskoodii. Laakiin meeshaas saxiixa kuma qorna in ra'iisul wasaare saxiixi lahaa.


Meesha loo baneeyey in madaxweynaha saxiixo

Cumar C/rashiis uu Axadii Janaayo 2, 2011 waraysi siiyey TV-ga Univesal waxa uu si kulul u beeniyey in uu wax waraaq ah u diray shirkadda Saracen.

Waraysiga Cumar C/rashiid oo Cod ah Dhegeyso

Warqadda uu sheegay ra'iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, in loo diray Saracen waxay ku taariikhaysan tahay 16.05.2010, illigaas waa xilligii muranka weyn ka dhex taagnaa xukuumadda Federaalka sida ka muuqata taariikhda kooban ee hoos ku qoran:

16.05.2010: Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yeeshay kulan buuq hareeyey kuwaas oo ay u diideen in Adan Madoobe shirka uu guddoomiye shirka, markii danbena codka u qaadey oo xilka ka xayuubiyey

16.05.2010: Adan Madoobe ayaa sheegay in xukuumaddii dhacdey oo ay rideen 280 Xildhibaan

17.05.2010: Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku dhawaaqey in Adan Madoobe khiyaano Qaran galay, Xukuumadduna aysan ku dhici karin afkiisa

18.05.2010 Waxaa is casiley Adan Madoobe

18.05.2010 Waxaa xukuumaddii kala direy Madaxweyne Shiikh Shariif, waxaa ku taageeray Axmed Walad Abdallah.

19.05.2010 Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku tilmaamey go’aanka Madaxweynaha mid aan sharci ahayn loona hogaansamayn

20.05.2010 Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ka laabtey go’aankii uu xukuumadda ku kala direy

28.05.2010 Waxaa loo doortey afhayeen cusub baarlamaanka waxaana uu noqdey magac aan cusbeyn Shariif Xassan Shiikh Adan

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010.

December 30, 2010 ayaa Ra'iisul Wasaaraha DFMG ee hadda waxa uu baarlamaanka ka hor akhriyey warqadda muranka dhalisay oo uu sheegay in uu saxiixay Cumar C/rashiid, ra'iisul Wasaarahii hore.

Taas weeye tan Cumar C/rashiid ku beeniyey waraysiga (Waraysiga Cumar C/rashiid oo Cod ah Dhegeyso).

Maxamed C/laahi farmaajo waxa uu qabsaday afar toddobaad si uu baarlamaanka ugu horkeeno dhammaan heshiisyadii ay gashay DFKMG, taariikhda uu qabsaday oo ku beegan Janaayo 27, 2011.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan warkaan KA AKHRI HALKAN

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ra'yigaaga ku qor halkan (FG. Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 3, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: