Home » Archive Qoraaga
Wasiirka Warfaafinta “Kor u-qaadida tayada iyo aqoonta saxuufiyiintu waa saldhig horumarka warbaahinta Soomaaliya.”
Mogadishu,– Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa u hambalyeeyey 138 suxufi oo maanta dhamaystay koorso waxbarasho ku aadan “sida loo qoro wararka raadiyaha” waxuuna yiri “Hambalyo ayaan leeyahay 138-da suxufi ee maanta u dabaaldagaya dadaalkoodii iyo natiijadii waxbarashadii, shakina iigama inay saameyn balaran ku yeelan doonaan horumarka warbaahinta Soomaaliyeed.” Waxaana uu...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991)
Sanaddii 1985, Julay 13 keedii magacayga oo uu ka horeeyo Arday F. Xiirane waxaa la taagnaa ilinka ay dadku kasoo baxaan ee Garoonka Baqdaad, Ciraaq, wiil dhalin yaro ah , waan salaamay kadibna wuxuu markiiba asagoon istaagin gudaha Baqdaad naga saaray magaaladii waxaana cagta saarnay jidka loo maro Tikriit , waa 140 KM safar ah , daal badan ayaan dareemayay waxaase iiga darnaa inaan indhaha is...
Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise-sharciyadeedka iibka Qaranka
Muqdisho, May 22, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise-sharciyadeedka Iibka Qaranka iyo heshiis dhinaca xog ururinta ah oo ay dowladda Soomaliya la gashay shirkadda CGG oo laga leeyahay waddanka Switezerland.
Hindise-sharciyadeedkan oo lagu wado...
Jaamacadda Caalamiga ee Horseed oo Daahfurtey Mashuurca PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT EE MASTER DEGREE.
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Daah Furayey Barnaamjjka PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Xildhibaano,Dibolomaasiyiin, Masuuliyiinta Jaamacada Horseed , Macalimiinta , Ardeyda Wax ka Barada Jaamacadda Horseed iyo Marti Sharaf kale .
Barnaamijkaan oo ah Barnaamij...
RW. Cabdiwali oo ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey waxqabadka Turkiga ee Soomaaliya
Muqdisho, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu komeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee Telefeshinka iyo Raadiyaha Qaranka, isagoo dhinaca kale kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta Mudane...
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Gacanta ku dhigay Caruur fara badan oo la Safrinayay.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay laba qof oo ay ku qabteen Degaanadooda kuwaas oo ku wajahnaa Magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug.Afhayeenka Maamulkaasi Carays Maxamed Xaaji oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku wargeliyay Waalidiinta ay Ilmahaas ka maqan yihiin in ay la soo xiriiraan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka ayaa sheegay in Nin iyo Haweeney Caruurtaas safrinaysey ay gacanta ku dhigeen...
Khudbadda Madaxweynaha ee Munaasabadda 15ka May 2014
Waxaad ka warhaysaan in maalmo dhawayd ay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliyeed ii soo jeediyeen baaq, sidaan horay u sheegay, qof kasta xor buu u yahay aragtidiisa, anigana waxaan soo dhawaynayaa kala duwanaanshaha aragtida iyo xorriyadda ra’yiga, waxaanna diyaar u yahay inaan la fadhiisto cid kasta oo ka mid ah xildhibaanadaas, kana wada hadalno waxyaabaha ay sheegayeen aanna isla fahamno...
Halgankii Hal Yeyadii SYL Iyo Himilo la’aanta Dhalinta Maanta
Waa Qore Cabdinuur Faarax Maxamud
Eamail-guuleed72@hotmail.com
Assallamu calleykum
15,Maarso ama (may) 1943, waa maalintii dhidibada loo taagay Halgamayaashii Halyeyadii Soomaaliyeed ee dhalin yarada` ahaa waa maalin xasuus gaara u leh dhammaan ummadda ku hadasha luuqadda Af Somaliga iyo Guud ahaan Qaradda Africa siiba Geeska...
War Saxaafadeed: Warbixinta Xaaladda Dalka ee Wasiirka Warfaafinta
Muqdisho, 17 May 2014, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow, oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, isagoo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay waxqabad iyo horumar si shacabka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016ka.
Wasiirka ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Mudadii 4-ta bilood aheyd ee xukuumadani jirtay waxaan ku guuleysanay inaan...
WHAT IS WRONG WITH SOMALI TELECOM SECTOR? PARLIAMENT?
Yesterday, the 15th of May 2014, the Somali Ministerial Council Passed the Somali Telecommunication law with no dissenting vote among the Ministers. This is a huge step forward, a historical record for any Somali government cabinet to get a telecommunication law passed within such a short time. However, what will it take to get it passed by parliament?
The Minister of Post and Telecommunication, HE...
Gudoomoyaha Jaamacadda Imam oo kulan furan la yeeshay Ardayda & Macallimiinta Jaamacadda.
Jaamacadda Imam waxa ay qabatay Kulan Furan oo ay u qabatay Ardayda taasoo ay kazoo qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda, Dr.XasanAlbasri Sh. C.qaadir, sidoo kale qeybaha kala duwan eeMaamulka Jaamacadda, Macallimiinta iyo Marti Sharaf kale.
Kulanka oo ahaa mid xiiso gaar ah lahaa waxaa lagu bilaabay Kalmado Baraarujin ah oo ay soo jeediyeen Macallimiinta qaar ka mid ah sida: Ustaad C.raxman Barrow ...
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Gacanta ku dhigay Caruur fara badan oo la Safrinayay.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay laba qof oo ay ku qabteen Degaanadooda kuwaas oo ku wajahnaa Magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug.Afhayeenka Maamulkaasi Carays Maxamed Xaaji oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku wargeliyay Waalidiinta ay Ilmahaas ka maqan yihiin in ay la soo xiriiraan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka ayaa sheegay in Nin iyo Haweeney Caruurtaas safrinaysey ay gacanta ku dhigeen...
RW. Cabdiwali: “Maanta waa maalin taariikh ah, waxaan muhiim ah inaan si wada jir ah u xasuusano aabayaashii xorrnimada “
Warsaxaafadeed:
Muqdisho, 15, May, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey 71 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee (SYL). Munaasabadan ballaaran waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay Garoonka kubada...
Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha labaad, Salaada)
Ukhtii, Suubane nebigeena Maxamed ah (NNKH), waxa uu ku yiri xadiis uu Imaam Axmed(RA) ka werinayo Cabdiraxmaan Ibn-Cawf, Shiikh Albaanina(RA) uu ku saxiixiyey Aljaamici Saqiir: “ Haweentu hadii ay shanteeda tukato,, bisheedana ay soonto, ferjigeedana ay xifdiso, ninkeeda ay adeecdo, waxa ay janada ka gelaysaa albaabkii ay doonto”.
Ukhtii,sida ku cad xadiiska aan kor ku xusnay, Rasuulku(NNKH)...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo u yeertey Madaxa TV-ga Universal
Waxaa nasoo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraal ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qaybiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta islamarkaana uu ku Saxiixnaa Gudoomiyha Maxkamadaas Dr.Xasan Maxamed Cali (Wariiri) waxaana Qoraalkaas Baafin ah oo Tirsigiisa ahaa Ref-MRGB/151/2014BG soona baxay 4-5-2014 uu u Qornaa sidatan :-
Maxkamada Gobolka Banaadir waxay Baafineysaa Madaxa TV-ga...
Minneapolis: Kulan looga hadli doono Qaranimada, Qowmiyadda iyo Mustaqbalka Soomaaliya…
Asalamu Calaykum
Ogaysiin ku socda Minnesota iyo Nawaaxigeeda
Waxaa Sharaf noo ah inaan idinku casumo kulan looga hadlayo dalkeena hooyo, waxaa marti inoo ah sadex kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Raysal Wasaare ku xigeen hore, dhamaantoodna waxay dhawaan ka yimaadeen Soomaaliya. Kulanka waxaa looga gol leeyahay in xogta dhabta ah ee wadankeena aan kala qaadano talooyina is dhaafsano,...
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo
Iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo ka tacisyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Baydhabo, diyaaradna u diraya dhaawaca
Muqdisho, May 12, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu...
Bayaan ka soo baxay Nadwadii lagu soo gabagabeeyey Johannesburg
NADWO KA SOCOTAY JOHANNESBURG OO LA SOO GABAGABEEYAY
Waxaa lagu soo gabagabeeyay caawa 11/05/2014 bacdal maqrib masjidka imaamu shaafici ee ku yaalo Johannesburg nadwo diineed wayn oo ay soo qabanqaabiyeen majliska albayaan qaybtiisa dacwada ee gobolka Gauteng nadwo diimeed ciwaankeedu uu ahaa shareecada iyo nolosha.
Nadwadaas oo ahayd tii koowaad ee sanadakan ayaa waxaa ay furantay maalintii jimcada...
Dowladda Soomaaliya Dhammaan teed way fashilan tahay waxaa la haboon in ay Shaqada ka wada tagaan
Dalkeena Soomaaliya wuxuu xornimada qaatey July 1, 1960 , hase yeeshe waxaa nasiib daro ah in Maanta oo la jooggo 2014 uu yahay dalkeena mid dayacan oo Shacabkiisa oo dhan ay yihiin Qaxooti iyo Masaakiin aan waxba heysan taas oo ay u dheer tahay dhibaatooyin silic iyo saxariir lugu hayo meel kaste ay aduunka ay ka jooggan.
Dowladda hadda jirta ee Madaxweynaha uu ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud...
Saameeynta Kooxaha Burcad Badeeda ku yeesheen Ganacsigii Soomaaliya.
Cabdi Abshir Dhoore “Saameynta waxay ka timid Maraakiibtii wax soo Daabuli jirtey oo Caymiskoodii Kor u kacay”
Xiligii Qaybo ka md Dalka ay ka Dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka Qowleystada Xeebaha Soomaaliya kuwaa Maraakiibta Maraya Xeebaha Soomaaliya ay halkaa ka soo qafaashaan, kuwaa oo Aakhirkii Mraakiibtaas ka qaata Lacago Madaxfurasho ah ka dib marka ay Muddo haystaan Maraakiibtaas,...
Mad-Habka Suudaan laga soo Masaafuriyay Muqdisho ma lagu Maamuli Karaa!!
Waxaa soo gabagaboobay bishii xil ka qaadista Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii shalay wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn ula yaabeen isla markaana ka muujiyay walaac hor leh magacaabista maamulada cusub ee degmooyinka G/Banaadir.
Su’aalaha...
The President Hassan Sheikh Mohamud today commented that the correct channels should be followed as the provisional Federal Constitution stipulates.
Mogadishu, 8 May 2014: Today the President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, received a delegation of Members of Parliament at the State House. They presented to him a statement made earlier this week.
The President acknowledged the written statement and confirmed his respect for the right of every citizen to freely express their opinion: from politicians to the general...
Xildhibaan Xuseen Nuur “ Xasan Shiikh waxaa u Wanaagsan in uu aqbalo Taladii Xildhibaanada ee ahayd in uu iscasilo”
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey inuu la kulmayo Xildhibaanadii ka soo saarey Bayaanka —
Iyadoo markii uu dalku ku soo laabtay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku baaqay in la dhowro Nidaamka Dawladnimada isla markaana xiligan aan loo baahnayn in la keeno fikrado khilaaf abuuraya ayaa arrintaasi waxa ay u cuntami weydey qaar ka mid ah Xildhibaanadii dhawaanta Bayaanka soo saaray.
Xildhibaan...
Soomaaliya oo Noqotey Dalka Labaad ee ee ugu Dhimashada Badan Haweenka Umul Raacda
Xaflad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada oo ka Dhacdey Magaaladda Muqdisho
Waxaa Vila Suldaan ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad ku aadan Maalinta Caalamiga ah Umulisada Adduunka (International Day of Midwife) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galay Masuuliyiin ka trisan Dowlada Fedraalka , Maamulka Gobolka Banaadir , Hayadaha Samafalka oo ay ugu horeysa Hayadda UNFPA, Ururka...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta Booqasho ku tegay Magaalda Marka
Muqdisho, 07, May, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku tegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, Wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiisha Ciidamadda Dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada ee degmada Marka.
Soo-dhawaynta...




