Home » Archive Qoraaga
Dowlada Federaalka ayaa sheegtey in Dacwad ka Gudbineyso Shirkad laga leeyahay Dalka Norway
Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay Shirkada Shidaalka baarta ee DNO oo laga leeyahay dalka Norway inay waqti badan ku bixineyso sidii ay usii dheeraan laheyd daganaasho la’aanta ka jirta Somaaliya.
Wakaalada Wararka ee Reutres ayaa soo xiganeysa war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Tamarta Somaaliya taasi oo ay ku sheegeyso in dacwad ka dhan ah Shirkadan u gudbin doonto Golaha Amaanka...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Maanta ee Soomaaliya.
Somalitalk 3-9-2014
Qaybaha kala duwan ee Saxaafada oo Walaac ka Muujiiyey Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida
Iyadoo Maalintii Shaley oo Taariikhdu ahayd 2-9-2014 Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida kaasoo Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta aysan Faafin Karin War ku saabsan Xarakada Alshabaab iyo Howlgalada Ciidamada Dowladda , waxaana Amarkaan Walaac ka Muujiyey Qaybaha kala duwan...
Warsaxaafadeed: Xukuumadda Soomaaliya oo go’aamo muhiim ah kasoo saartay howlgallada amni ee dalka ka socda
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada DFS ayaa u qornaa sidan:
Muqdisho, September 02, 2014—Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxana laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo...
Wasaaradda Waxbarashada oo soo Bandhigtay Manhajka Cusub, una Qeybsay Daladaha Ahliga.
Wasaaradda Waxarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Buugaagta Manhajka Cusub ee dalka uu yeelanayo kuwaas oo la dhameystiray Daabacaadooda islamarkaana lagu wado in laga dhigo inta badan Iskuulaadka Dalka sanadkaan kadib markii maanta loo qeeybiyay Daladaha gaarka loo leeyahay Buugaagtaasi
Goobta lagu soo bandhigay Buugaagta oo aheyd Xarunta Daabacada Soomaaliya...
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeeska Afrika oo yimid Muqdisho sheegeyna in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaarey Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika Generaal Well Grisp oo Fadhigiisu yahay Wadanka Jabuuti ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaana uu Kulan la yeeshey Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi ( Indho Qarshe waxaana uu Kulnakaan uu ka dhacay Villa Baydhabo ,
waxay Labada Dhinac iskula soo qaaden Kulankooda arrimo...
Ciidamada Dowladda oo u dhaqaaqey Dhinaca Degmada Baraawe
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada Hoose waxay seegayaan in Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay u dhaqaaqeen Degmada Baraawe iyadoo maalintii Shaley ay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka ay qabsadeen Degmada Kuntuwaarey, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose oo u Waramayey Warbaahinta ayaa sheegey in Saacadaha soo socda ay la wareegayaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose...
Maxkamadda Hague oo soo bandhigtay Dacwaddii Xuduudda Badda ee ay u gudbisey Dawladda Federaalka Soomaaliya
Dacwadda DFS u gudbisey Hague waa mid lagu tirtirayo Law no. 37, laguna xagal daacinayo Baarlamaanka Soomaaliya?
Maxkamadda Qaramada Midoobey (QM) ee Hague ayaa website-keeda ku daabacday dacwaddii Xadka Badda ee ay u gudsatey Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taas oo ka kooban 17 bog, oo la sheegay in laga dacwoonayo Kenya oo ay sheegeen in ay bad ku haysato.
Laakiin marka la dhuuxo qoraalkaas...
SIRTA KU QARSOON DACWADA AY DF SOMALIA KU FURTAY KENYA
Magaceygu waa Avv. Dr. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed “Tallman” Waxaan ahay sharciyaqaan caan ka ah dalka iyo dibeddaba. Arrinka dacwadan badda ku saabsan oo lagu furay Kenya, waxaan ka oranayaa laba kilmadood.
Qofka Soomaaliya dacwad gelinaaya, maanta oo ay tabar daran tahay, lana socda in Kenya ay garab taagan yihiin reer galbeedka oo dhan, gaar ahaan, NORWAY, waa qof lacag badan ku qaatay in badda...
Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta (CMR) oo ay ka Qalin jabiyeen ardey Baratey Xirfadaha kala Duwan ee Saxaafadda. .
Xarunta Tababarada Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta ee (Center For Media Reseach Training And Development ) oo marka la so Gaabiya Noqoneysa (CMR) ayaa waxay qabatey Munaasbad si heer sare ah loo soo Agaasimey taasoo ku saabsaneyd Qalin jabinta arday Baranaysa Xirfadaha kala duwan ee Saxaafadda .
Munaasabadda oo lagu qabtay Hotelka Mogadishu Guest House ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa...
Qarax Ismiidaamin iyo Weerar lagu Qaadey Xabsiga Nabad Sugida ee Godka Jilocow ee Madaxtooyada ku Dhow.
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 31-8-2014
Qarax Xooggan oo lagu Tilmaamey in uu ahaa mid Ismiidaamin ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Xabsiga Nabad Sugida oo loo yaqaan Godka Jilocow oo Afka hore Xarunta Madaxtooyada, waxaana markii uu dhacay Qaraxaasi hadana la maqley Rasaas Xoogan oo ka socota Gudaha Xabsiga oo ay ku jiraan Maxaabiis u badan Dagaalyahanda Xarakada...
Madaxweyne Mooge: Muxuu kala Socdaa muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobay ee Hague?
Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014), Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.
Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen...
Cali Khaliif Galeyr oo sheegey in ay Duulaan Gardaro ah ku soo qaadeen Ciidamo
Somalitalk 30-8-2014
Iyadoo maalintii shaley ahayd Ciidamo ka amar qaata Maamulka Soomaaliland ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaland ka dib markii Deegaanka Saax Dheer oo ka dhacaysey Munaasabad lagu Caleemo saarayey Madaxweynaha Maaamulka Khaatom Cali Khaliif Galeyr, waxaana Munasbadaas Goob joog ka ahaa Dad ka kala ymid Gudaha Soomaaliya iyo Dibada ayaa arrintaan...
Taliska Ciidamada Amisom oo ku dhawaaqey Howlgal ay ugu Magacdareen Bad weynta Hindiya
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 27-8-2014
Warka Amisom
Shir Jaraaid oo ay si wadajir ah u qabteen Dowlada Federaalka iyo Taliska Amisom ayey kaga dhawaaqeen in uu bilowdey Howgal ay ugu Magacdareen Badweynta Hindiya kaasoo ay sheegeen in ay ku dhameystirayaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab , waxay sheegeen in Howlgalkaas uu...
Taariikhdii Suldaan Cabdulaahi Siid Cismaan Caliyow oo Dhawaan ku Geeriyoodey Muqdisho
Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho ku Geeriyoodey Taariikhda markey ahayd 23-kii Ogoosto 2014 Suldaan Cabdulaahi Siyid Cismaan Caliyow Idiris waxaa uu ku dhashey Magaalada Muqdisho Sannadkii 1958 –dii Waxaa loo Caleemo saarey Suldaanimada Sannadkii 1992 ka dib markii uu Geeriyoodey Suldaan Xasan Cismaan Caliyow oo isagana Suldaanimada ka dhaxley Awowgiis
Suldaan Cabdulaahi Siyid Cismaan Caliyow...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya
Somalitalk 26-8-2014
Aabbe ka tagey 13 Caruur oo isku Deldeley Deegaanka Baxdo
Waraka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Baxdo oo Sagaashan Kiilo Mitir u jirta Degmada Cadaado uu saakey isku Deldeley Aabbe Dhaley 13 Caruur kaasoo lagu Magacaabi Jirey Xuseen Xaashi Iidle , waxaa Dhacdadaan aad uga naxay Dadka Deegaankaas kuwaas...
Faarax Shiikh Cabduqaadir “ Waxay ka mid tahay Qaladaadka jira Eedeysanyaasha ka soo muuqda Warbaahinta Dowlada inta aan Maxkamad la soo taagin”
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Heerka Garsoorka iyo Cadaaladda Soomaaliya ay Maanta marayo xili kala guur ah, taasoo uu ku macneeyey in Wasaaradaiisu ay waxa badan qabatay wax badanna ay u dhiman yihiin, waxa uuna intaa ku daray in Maanta Dadwaynaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay ka tanasuleen xooggii sanado ka hor Soomaaliya...
Halkay Mareeyas Dacwadii Ka Dhanka ahayd ee Dahabshiil-Denmark ?
Hay`ada lasocodka dhaqaalaha Lacagaha (Finanstilsynet) ayaa ugudbisay Boliska wadanka Denmark Dacwad ka dhana Labada Shirkadood ee ka shaqeeya arimaha Xawaladaha Lacagaha ee kala ah Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer .
Finanstilsynet ayaa baritaankaan bilaawday July 2013 ayadoo hada u gudbisay Dacwad ka dhana labadaan shirkad boliiska Denmark, Labadan shirkadood...
War Ka Soo Baxay Gudiga Fulinta Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo Lagu Cambaareeyey Xariga Timo Jilac
Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ayaa maalinkii 7-aad ku Xiran Xabsiga ay leeyihiin Nabad sugida ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowlada ay ka wateen Xafiiskiisa xili uu qabanayey Shir Jaraaid oo uu kaga hadlayey Xaaladda Dalka, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed xisbiga midnimada. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamaystiran
Ku: Madaxda Qaranka Soomaaliyeed
Ku: Xafiiska Qaramada Midowe Ee Soomaaliya
Og:...
Halkaan ka Akhriso: Xeerka Saxaafadda Qaranka ee loo Gudbiyey Golaha Wasiirada 21-8-2014 oo Dhameystiran
HINDISE-SHARCIYEED
Hordhac
Qeexidda Saxaafadda
Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,
khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida: idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo...
Daladda SOSCENSA oo Kulan Balaaran la qaadatey u Qaybsanaha Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone.
Inti uu socdey Kalfadhii Labaad ee Guddiga Agaasinka ee Daladda SOSCENSA Sannadka 2014 oo Afartii Biloodba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayb galey u qaybsanaha Midowga Yurub Amabasadoor Michele Cervone waxaana halkaas hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jilayaasha aan Dowlaiga ahayn ee Koonfurtas iyo Bartamaha Soomaaliya ( Somali South Central None State Actors ) SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac...
Golaha Wasiirada oo ku baaqay in laga wada qayb-qaato gurmadka abaaraha dalka
Warsaxaafadeed
Muqdisho, August 21, 2014 — Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay...
Ra’iisul Wasaaraha DFS Gaaray Itoobiya
Warsaxaafadeed:
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis-Ababa
Addis-Ababa. 19, August, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga mudane...
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Daahfurrey Olole loogu Magacdarey CARMMA ee lagu Daryeelayo Hooyada Uurka leh iyo Canuga ay sido.
Waxaa Akedeemiyada Booliiska ee Jen Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad si heer sare ah loo soo Agaasimey oo lagu Daahfurayey Barnaamjka loogu Magacdarey (CARMMA) ee lagu Dareelayo Hooyada Uurka leh iyo Caruurta waxaana Banaamijkaan isku soo dubaridey Wasaarada Caafimaadka waxaana ka qayb galey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ,Xildhibaano, Wasiiro ,Madaxda Hayadaha...
WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY GUDDIGA JOOGTADA AH EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KU SAABSAN XAKAMAYNTA HUBKA
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kulankiisa ahaa 17kii Agoosto 2014
wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dhegeystay warbixin ku saabsan
hawlgalada xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka
dejisay xakameynta hubka, Waxaa kulankan kasoo qaybgalay Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay wehliyaan Ku-xigeenka R/Wasaaraha,
Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta,...
Ciidamada Itoobiya oo Hotel ku yaala Baydhabo kala baxay Siyaasiyiin iyo Nabdoono ka soo jeeda Beesha Ogaadeen
Somalitalk 18-8-2014
Waraka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ay Hotel ku yaala Magaaladaas kala baxeen Siyaasiyiiniyo Nabadoono ka soo jeeda Beesha Ogaadeen kuwaas oo Maalmo ka hor gaarey Magaalada Baydhabo kuwaa oo ka yimid Magaalada Kismaayo,, Xubnaha ay Wateen Ciidamada Itoobiya waxaa ka mid ah Axmed Jirre Warfaa, Maxamed Xasan iyo Ugaas Cali Buule...




