Home » Archive Qoraaga
R.W Cabdiweli oo maanta kulan qado ah la qaatay ururada bulshada rayidka
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS:
Muqdisho, .. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay qeybaha bulshada Rayidka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga 2016.
Waxana kulanka goobjoob ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda.
Sidoo kale intii uu socday kulanka...
Madaxweynaha oo ka qayb galey Kulan looga hadlayey Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Muqdisho
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 16-8-2014
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galey Kulna looga hadlayey Arrimaha amaanka iyo Hub ka dhigista ka dib markii Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Dagaalo ku yimid Barnaamjka Hub ka dhigista oo ka dhacay Degmada Wadajir , kulankaan oo ay ka qayb galeen Taliyayaasha Ciidamada iyo wasaarada...
“Waa kaas ina adeerkey Ardogan!”
Salaamu Calaykum walaalaha qeymaha iyo qaayamaha badan ee kuxiran websitekan qaaliga ah ee ukhidmeynaya shacabka Soomaaliyeed.
Maanta iyo qoraalkeena waxaan jecleystey inaan idinla wadaaga maqaal ay qortay gabar qoraa ah oo udhalatay wadan Urdun(Jordan) oo layirahdo Ixsan Al-Faqiih oo ay kagaga hadleyso Ardogon, ra’isal wasaaraha Turkey oo dhowr beri kahor ku guuleystey tartanka madaxweynanimada...
Maxamed Farmaajo oo Baarlamaanka ugu Baaqay in ay wax ka qabtaan arrinta Badda Soomaaliya
Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG ahayd Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa baarlamaanka Dawladda Federaalka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrinta badda Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay baarlamaanku in aysan fasax qaadan oo ay arrinta (loo gudbiyey QM) u diidaan sidii baarlamaankii hore u diidey 2009.
Halkan ka dhagayso Farmaajo oo Badda ka hadlaya (RIIX)
Wasiiradii Arrimaah Dibadda DFS oo...
Farmaajo oo sheegey in Shirkii ka dhacay Mareykanka in Soomaaliya wax Faaiido ah ka soo helin
· Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegey in Shirkii ku dhamaadey Dalka Mareykanka oo ay isugu yimaadeen Dowladaha Afrika iyo Mareykanka aysan Soomaaliya Wax Faaiido ah ka soo helin maadaama Labadii Sano oo uu sheegey in uu Xilka Hayey MadaxWeyne Xasan Shiikh uusan wax ka qaban arrimha Amniga iyo la Dagaalanka Xarakada AlShabaab,...
Sida Loo Xannibo Xayeysiiska aan wax laga akhrisan karin ee ku jira Website-yada, Youtube iyo Facebook
“Adblock Plus” – oo loo soo gaabiyo ABP – waa lacag la’aan, waana mid u furan dadweynaha (oo ah open source), adeegsigiisu aad ayuu u sahlan yahay, waxaana lagu rakibaa barnaamijyada lagu daalacdo websiteyada ee loo yaqaan “Browser-ka”, sida Chrome, Firefox, Opera, Internet Explorer ama Safari. Sidoo kale waxaa lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee nooca Android (sida Galaxy S__,...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galey Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka iyo Furitaanka Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Aduunka 12-ka Ogoosto 2014 iyo Furitaanka Xarunta Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga ayaa lagu qabtey Xaruntaas waxaana ka soo qayb galey Raiisul Wasaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Xildhibaano, Wasiiro, Agaasimayaal, Dhalinyaro, Haween iyo Marti sharaf kale iyadoo inta aysan Bilaaban Munaasabadaas waxaa Raiisul Wasaaraha uu Xariga ka jirey Xarunta...
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka Hadley Xaalada Soomaaliya
Somalitalk 11-8-2014:
Madaxweynihii hore ee Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya CabdiQaasin Salaad Xasan oo iminka ku nool Dalka Masar ayaa ka hadlay Xaaladaha Soomaaliya ka jira. Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa sheegay in weli dalka Somaliya qaybo ka mid ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Somaliya ay ka jiraan Dagaalo taasoo Dawladda federaalka Soomaaliya aysan ku guulaysan in ay wax ka qabato...
Taariikhda qoritaanka Af-Soomaaliga iyo qatarada muuqda ee lasoo gudboonaaday! W.Q. Aden Colujoog
Saddexdii qeyabood ee qormadaan ka horeeyay ee aan cinwaanka uga dhigay (Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado ka horeeyay?), ayaa waxaan uga hadlay in boqolkii sanaba mar ay luuqado badan oo caalamka looga hadlo ay dhintaan, iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Haddaba, haddii aan intaas uga gudbo daah ka rogidda iyo toosh ku ifinta kuwa ay yihiin qatarada had iyo jeeraale lasoo...
Minneapolis: Xildhibaanno ka qayb qaatay Mudaharaadkii Looga soo horjeedey Madaxweynaha DFS
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho laba cisho ah ku yimid magaalada Minneapolis, isla markaasna xalay August 10, 2014 daweynaha kula hadlay xarunta Jaamada Minneasota, ayaa waxaa hareer socdey dadweyne mudaharaad ay kaga soo horjeedaan ku dhigay xarunta jaamacadda oo ku taal magaalada Minneapolis. Sidoo kale waxaa habeen hore mudaharaad lagu dhigay hodheelka uu magaalada kaga soo...
R. W Cabdiwali: “Waxaa murugo ah in warbaahinta caalamka laga daawado hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo gaajo u dhimanaya”
Warsaxaafadeed –
Muqdisho, August, 10, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fariin ku aadan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qeybo kamid ah gobollada dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.
Mudane Cabdiweli Sh. Axmed ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed ee wax haysta...
Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015
“Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.” Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha...
Warqaddii ay Sayeeda Warsi iskaga casiyey Golaha Wasiirada dalka Britan, arrinta GAZA awgeed
Sayeeda Warsi oo ah Muslimad ku jirtey golaha wasiirada ee xukuumada Ingiriiska ayaa Agoosto 5, 2014 is-casishey kaddib markii ay u adkaysan weydey GAZA waxa ka socda. Waxayna sidaas ku cadaysay bogga ay ku leedahay Twitter-ka (@SayeedaWarsi).
Waxayna warqad u qortay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayadoo sheegtay in waxa ka dhacaya #GAZA ay tahay mid aan damiir ahaan la difaaci karin.
Sayeeda...
Xaflad Qalin Jabin ah oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ku qalin jabinayeen Ardey dhamaysatay Barashada Caafimaadka, Luqadaha iyo Saxaafadda ayaa ka dhacday Xarunta Jaamicadda Green hope ee magaalada Muqdisho.
Munaasibadda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wax-barashada , Caafimaadka iyo Daladaha Waxbarashada Muqdisho qaarkood, Marti Sharaf,...
Wararka Soomaaliya ee maanta
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 7-8-2014
– Hadal ka soo yeerey Gudoomiyha Maxkamada Ciidamada oo dad badan ka caraysiiyey
– Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in in u Guul ku dhamaadey Shirkii Madaxda Afrika iyo Mareykanka
– Beesha Sade oo Eedeyn u jeedisey Madaxweye Xasan Shiikh
– Howgal Dhowr qof lagu soo qaybtey oo ka dhacdey...
Cabasho Dadweyne /Public Petition: Defend Our Territorial Sea; Stick to Law No. 37
Petitioning The Somali Federal Parliament —
Defend Our Territorial Sea; Stick to Law No. 37
Facts on file:
a) Somalia made its territorial sea claim in 1972 submitting and depositing the relevant legislation at the United Nations.
b) United Nations Convention on the Law of Seas (UNCLOS) came well after the Somalia’s territorial sea claim.
c) Somalia signed the UNCLOS without giving up...
“Dalkeena Badda iyo Berriga ma jirto cid damacsan in ay qaadato” Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS
Shacabka Soomaaliyeed hanagu Kalsoonaadaan, mana jirto cid qaadanaysa Badda Soomaaliya
“Arrimaha Badda ee inaga dhaxeeya adduunyada waxay naga dhexeeyaan saddex waddan oo ah Kenya, Jabuuti iyo Yeman.. Dee wax walba waxay leeyihiin qawaaniin iyo sharci haga ayaa jira waxa dadka ka dhaxeeya.. sheeko ayaa na dhex socota .. madaxweynuhu si wanaagsan ayuu uga hadlay maalintii uu baarlamaanka la hadlayey…...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 5-8-2014
– Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in Maamulka loo sameynayo G/Dhexe uusan wax u Dhimeyn Puntland.
– Kooxdii hubaysnayd ee la wareegeen Xarunta TV-ga Puntland ee Garoowe oo ka baxay goobtaas.
– Diyaaradihii Tagi jirey Gaalkacyo qaarkood oo la joojiyey.
– Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu diley Dalka Koonfur Afrika.
– Xarakada...
Banaanbax looga soo horjeedo Madaxwene Xasan Shiikh o qaban qaabadiisa ka socota Dalka Mareykanka .
Warar goos goos ah --
– Ilaalada Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo Diley Ruux Rayid ah.
– Muwaadin Soomaliyeed oo loo Magacaabey Kuxigeenka Hayada UNICEF.
– Qarax Saqdii Dhexe ee Xaley ka dhacay Garaash ku yaal Degmada Hodon.
– Dagaalo Xaley ka dhacay Saraha Caymiska ilaa Qabuuraha Barkaad .
– Dagaalo ka Dhacay Magaalada Kismaayo.
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey...
Xildhibaan Suleymaan “68 Xildhibaan baa Haysata Dhalashada Norway waxay doonayaan in Dowlada Norway ku Gacansiiyaan Badda Soomaaliya”
Xildhibaan Xaaji Shukri “Dowlada Xasan Shiikh Dhabarka ayey noo Jeediyeen”
Xildhibaano Gaaraya 150 oo ahaa Xildhibaanadii hore oo kulan ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weerarey Siyaasada Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh, waxayne sheegeen in Dowladda Maanta jirta ay ku fashilantey arrimaha Nabadgelyada , Siyaasada iyo Dhaqaalaha .
Xubnihii halkaas ka...
Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:
Read More →
Xildhibaan Sh Aadan Madeer oo Muqdisho lagu dilay
Waxaa maanta salaaddii Jimcada kaddin Muqdishu lagu dilay xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Madeer.
Wararka ugu horeeya ee laga helay sida dilku u dhacay ayaa sheegay in marxuumka ay dileen koox ku hubaysnayd tuute, xilligaas oo uu kasoo baxay salaadii Jimcada masjidka Marwaas ee degmada Xamar Wayne.
Kooxdii dilka geysatayna waa ka carareen goobta.
Xildhibaanka la dilay waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga...
Qoraalkii Norway: Khiyaano Qaran oo Qayaxan
ee Badda Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ka qaybgalay xafladdii xiritaanka kalfadhigii 4aad ee Golaha Baarlamaanka oo qabsoomay 22kii July 2014, ayaa sheegay in uu Qaramada Midoobay (QM) u gudbiyay warqad ku saabsan xadeynta Badda Soomaaliya.
Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in qoraalka ay QM u gudbiyeen 21kii July 2014 ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo shisheeyeba isugu...
C/Weli Gaas oo Xiriirka u Jaray Dawladda Federaalka Soomaaliya
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu kala saxiixday in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kulankaas heshiiska lagu kala saxiixday waxa uu dhacay July 30, 2014.
Halkan ka akhri heshiiskaas…
Arrintaasi waxay sababtay in July 31, 2014 uu madaxweynaha maamul goboleedka Puntland xiriirkii u jray Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Halkan ka daawo
Sawirada heshiiskii:
Read More →
Ra’iisul W. Cabdiwali: “Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiska taariikhiga ah ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe”
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS:
Muqdisho, 30, luuliyo, 2014… Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta heshiis taariikhi ah oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ugu qabatay magaalada Muqdisho ergooyin ka socday Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlusunna Wal-jamaaca, iyo Hoggaamiyaal dhaqan, waxaana heshiiska goob-joog...




