Maxkamadda Hague oo soo bandhigtay Dacwaddii Xuduudda Badda ee ay u
gudbisey Dawladda Federaalka Soomaaliya
iyo Qareenka Guud ee Kenya oo sheegay arrinta Badda ee u dhaxaysa
Soomaaliya iyo Kenya in September 3, 2014 ay New York ku dhagaysanayaan guddiga
xadaynta badda ee New York
- Faalladii SomaliTalk.com | August 31, 2014
Dacwadda DFS u gudbisey Hague waa mid lagu tirtirayo Law no. 37, laguna
xagal daacinayo Baarlamaanka Soomaaliya?
Maxkamadda Qaramada Midoobey (QM) ee Hague ayaa website-keeda ku daabacday
dacwaddii Xadka Badda ee ay u gudsatey Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS),
taas oo ka kooban 17 bog, oo la sheegay in laga dacwoonayo Kenya oo ay sheegeen
in ay bad ku haysato.
Laakiin marka la dhuuxo qoraalkaas waxaa kasoo baxaya in dacwaddaasi ay dan u
tahay Kenya, in lagu tirtirayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37, in lagu
tirtitayo diidmadii baarlamaanka Soomaaliya diideen is-afgaradkii, in la
tirtirayo go'aankii golaha wasiirada DFS ay ku sheegeen in aan laga tanaasulin
Law no. 37. Arrimahaas waxaa cadaynaya qodobadan:
- Qoraalka dacwadda ah ee DFS waxaa lagu qeexay in uu jiro MURAN (the
dispute) badeed. Taas oo ah wixii Kenya ku taamaysey in ay muran geliso
badda Soomaaliya, ee ay soo bilaabatay 2009 xilligii DFKG ahayd ee ay
hoggaaminayeen Shariif iyo Cumar C/rashiid. Waxaase nasiib darro ah in qoraalka
DFS aan lagu xusin in murankaas iyo is-afgarkii MoU ay diideen baarlamaankii
Soomaaliya August 1, 2009, kana dhigeen in aan la cuskan karin..
- Waxaa ka sii daran in qoraalka lagu qoray in ay jirto dhul-badeed is-dhex
galaya (ovelap) oo ay leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Sidee caqliga
fekerayaa ku keeni karaa in uu yiraahdo dhul-badeed-kayga ayaa waxaa dul saaran
dhul badeed dal kale ee hanaloo gar naqo. Yaa taasi dan u tahay.
-
Waxaa DFS ay qoraalka meel kaga xustay in Kenya ay hadda ku doodeyso in
xarriiqda kala qaybisa badda labada dal u soo qaloociyo xagga Soomaaliya, taas
oo DFS intaas raacisey in Kenya aysan sidaas hore u sheegan jirin. Su'aasha
isweydiinta mudan waxay tahay haddii ay sheegashada Kenya tahay mid cusub, maxaa
kugu kallifaya in aad tiraahdid badda Soomaaliya iyo badda Kenya waa
isdhexgashan yihiin ee hanaloo gar-naqa.
- Khariidadaha la raaciyey dacwadda DFS waa kuwii ay samaysatay Kenya. Ma jiro
khariidado ay Soomaaliya samaysatay oo ku lifaaqan dacwadda. (Aqoon yahan
Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtey in uu yiri "Ka warran haddii miiska dacwadda
lagu qaadayo aadan waxba soo dhigan, balse soo saartid wixii qofka kugu mudiciga
ah oo kaliya, maxaa laguu xakumayaa.")
- Waxaa cad in si qayaxan loo tirtirayo Xeerkii badda Soomaaliya ee
Law No. 37 ee soo baxay 1972. Xeerkaas oo dhigaya in dhul-badeedka
Soomaaliya Territorial Waters yahay 200 mayl-badeed.
- Waxaa markaas dhul-badda Soomaaliya (Territorial Waters) si qayaxan loogu
soo koobayaa 12 mayl-badeed, taas oo qoraalka dacwadda ah uu ku celcilanayo in
dhul-badeedka Soomaaliya tahay 12nm. Ayadoo gebi ahaanba la iska in dhaasabayo
xeerka Law No. 37. Balse kasii darane lagu xusay qoraalka in la nasaakhay ama la
baabi'iyey dhammaan xeerarkii badda Soomaaliya ee ka horeeyey 1989 (ogow 1972
waa ka horeysey 1989).
- Waxaa qoraalku ku meeraysanayaa erayo iska hor imanaya oo ku saabsan
baaxadda aagga loo yaqaan aagga dhaqaalaha (EEZ = Exclusive Economic Zone) oo
meel uu ku xusayo in EEZ ay Soomaaliya sheegatay 1989 ka dhigtay 200nm, isla
qodobka taas ku xigana uu qoraalku ku andacoonayo in madaxweynaha hadda (ee DFS)
oo 30 June 2014 u gudbiyey UN oo uu EEZ-kii gaarsiiyey ama ku fidiyey ilaa
200nm. Sidee isu qabanaysaa halkaasi.
- Waxaa sidoo kale meesha lagu tirtirayaa go'aankii golaha wasiirada DFS ee
June 6, 2013 ee ahaa: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay
aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka
badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf .
Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday
24kii Luuliyo 1989 ayadoo
aan ka tanaasulin sharciga qaran (oo ah Law no. 37).
Xamar ayaa nalooku iman waayey
Dawladda Federaalka Soomaaliya dacwadda ay u gudbisey Hague waxay ku sheegtay in
ay ka quusatay in wadahadal ay Kenya la yeeshaan in lagu dhamaystiro arrinta
xadka badda.
Waxaa qoraalku xusay in wadahaladii ugu dambeeyey ay ahaayeen bilihii March iyo
July oo lagu qabtay Nairobi. Waxaana kulankii ugu dambeeyey ee July 2014 ay
Kenya soo jeedisey in kulan kale lagu qabto magaalada Muqdisho.
Waxaa qoraalku sheegay in kulankii Muqdisho ku qabsoomi lahaa 25-kii iyo 26-kii
August 2014 in waftigii Kenya aysan soo xaadirin ama ka baaqatay ayagoo aan wax
sabab ah bixin, waftigii Soomaaliyana ay ku sugayeen Muqdisho, sidaasna uu ku
baaqday kulankii ay Kenya dalbatay, ayaa qoraalku xusay. Sidaas daraadeed ayadoo
labada dhinac aysan isu soo dhawaan karin, Kenyana ka baaqatay kulankii u
dambeeyey ayaan dacwadan ugu gudbiney Hague, ayaa qoraalku xusay. Waxaana DFS ay
dacwadda gudbisey 28-kii August 2014.
Kenya Attorney General Githu Muigai: Kenya and Somalia had agreed on
the continental shelf maritime boundary and the agreement was deposited
at the Law of the Sea Commission. However, Somalia parliament refused
to ratify the agreement and consequently, Somalia President wrote a
letter withdrawing the agreement.
Read more |
Taas waxaa ka soo hor jeeda hadal uu sheegay Qareenka Guud ee Kenya Attorney
General Githu Muigai oo Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi
khamiistii (August 28, 2014) u sheegay in labada dal (Kenya & Soomaaliya) ay
arrintaas ka heshiiyeen, uuna la yaabay markii Soomaaliya is bedeshey.
Mr. Githu Muigai waxa uu yiri "Marka hore waxaa jira muran ka taagan qalfoofka
qaaradda ee badda, kaas oo arrintiisa ay September 3, 2014 magaalada New York ku
dhagaysanayaan guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan sharciga badaha. Waana
wixii ka durugsan Territorial waters-ka."
Mr. Muigai oo hadalkiisii sii watey ayaa yiri "Kenya iyo Soomaaliya arrintaas
qalfoofka qaaradda (Continental shelf) waxay ka gaareen heshiis, heshiiskaasna
waxaa loo gudbiyey guddiga Xadaynta badaha u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Laakiin Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diidey in uu ansixiyo heshiiskaas, taas oo
sababtay in madaxweynaha Soomaaliya uu qoray warqad uu heshiiskaas kaga
laabanayo.
Sidaas oo kale ayaa Kenya markaas waxay warqad u qortay guddiga xadaynta badaha
ay ku adkaysanayso in loo aqoonsado xadka ay jeexatay Kenya ee qalfoofka
qaaradda ayadoo la sugayo xallinta muranka, ayuu yiri qareenka Kenya.
Halkaas waxa uu shaaca kaga qaaday in Kenya ay haysatey heshiiska xukuumadda,
laakiin la mari waayey baarlamaanka. Taas oo ah sir ka qarsoonayd shacabka iyo
DFS ay heshiis hoose la gashay Kenya, laakiin baarlamaanku diidey in uu ansixiyo.
Sidoo kale warbaahinta Kenya oo ka hadlay dacwadda Soomaaliya u gudbisey
Hague ayaa tibaaxay aagga dacwaddu ku saabsan tahay in ay tahay meel laga yaabo
in ay qani ku tahay shidaalka. Jariidadda Daily Nation waxay qortay "Kenya oo
ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya ilaa 2011 ayagoo markii hore weerartay,
markii dambena ku biiray AMISOM waxa ay sheegatay (Kenya) baaxad badeed oo ka
badan
100,000 square kilometres taas oo Muqdishona ay sheegatay, ayey qortay
jariidadaddu.
Gabagabadii
Haddaba marka la dhuuxo dacwadda DFS u gudbisey Hague (oo
laga daalacan karo halkan), waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed ay
rumaysan yihin in:
1. Hadii Soomaaliya laga xakumo, waxaa Kenya u xalaaloobaya dhul-badeedkii ay
muranka gelisey oo ka badan 100,000 Kiilomitir oo laba jibbaaran. Waxaa taas
dheer in Soomaaliya ay waayeyso 97% xuquuqdeeda Dhul-Badeed keeda (territorial
waters) waayo sida kor ku cad waxaa la tirtirayaa Law no. 37.
2. Haddii Soomaaliya loo xakumo, markaas Kenya waxba kama khasaarin. Laakiin
Soomaaliya waxay waayeysaa
97% xuquuqdeeda
Dhul-Badeed keeda (territorial waters) mar haddii la tirtiro Law no. 37 oo
Territorial Waters lagu soo koobo 12nm. Waxaana markaas dhacaysa in wixii xad
gudub ka dhacay 188nm oo badda Soomaaliyeed ah 22sano ee la dhaafay aan cidna
loo raacin. (Daawo Video-gan
madaxweynaha DFS oo dhahaya waxaa nala yiri baddiina lama yaqaan).
3. Laba jeerba Soomaalida dan uma ahayn dacwaddaasi.
Haddii arrintu sidaas u muuqato, su'aasha hadda taagan ayaa ah maxaa keenay
degdega cusub ee DFS ay dacwadda ugu gudbisey Hague? Jawaabta waqtiga ayaan u
dhaafnay iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale la arki doonee go'aanka uu baarlamaanka Soomaaliya ka qaato
arrintan mar haddii la hareer maray baarlamaankaas.
- Halkan ka daalaco dacwadda DFS:
http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18362.pdf
- Warsaxaafadeedka Maxkamadda Hague:
http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18360.pdf -
Somalia
institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning
maritime delimitation in the Indian Ocean”
- Qoraalka AP:
http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA?
SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18
- from Abdirahman Beileh to UN:
http://www.un.org/depts/los/ clcs_new/submissions_files/
ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf
- Waraysiga wasiiradda:
https://www.youtube.com/watch?v=ZU9kGOcI9d4#t=1698
- Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon
Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015
- SOMALIA:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/SOM.htm
- KENYA:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/KEN.htm
- Law No. 37:
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf
-- KTN TV: Video Somalia sues Kenya at the international court of justice
over border
https://www.youtube.com/watch?v=iGC8JusrtMk
-- Daily Nation: Somalia sues Kenya at top UN court over maritime border
http://www.nation.co.ke/news/Somalia-sues-Kenya-at-top-
UN-court-over-maritime-border/-/1056/2434020/-/4jpvppz/-/index.html
-- Norway iyo Kenya
oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka ( Kenya
and Norway to enter into deal on resource management)
- Waxaa dacwadda DFS ay iska indha saabtay go'aabkii August 1, 2009 kulan ay
isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen
heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in
heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).
http://somalitalk.com/2009/may/13/badda117.html
- Madaxweyne Mooge: Muxuu kala Socdaa muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay
Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobay ee Hague?
http://somalitalk.com/badda/difaacid03.html
Faafin: SomaliTalk.com | August 31, 2014
|