Home » Archive Bisha September, 2011
Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa iyo gole fulineyd
Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa ,gole fulineyd iyo
Gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo manta loo Caleemo Saarey in uu noqdo Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( diinaari )
Xalaf balaaran oo si aad ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin,odoy dhaqameydyo ururada bulshada...
Bayaan ka soo baxay Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade
Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah
Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin...
Kampala: Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Kaalinta Ardayda Ee Nabadaynta iyo Dibu Dhiska oo Lagu Qabtay Uganda
Kampala: Aqoon is weydaarsi Hal ku dhigiisu ahaa Kaalinta Ardayda Somaliyeed kaga Aadan Nabadaynta iyo Dibu-Dhiska Dalka ayaa waxaa maalintii Axaddii Lagu Qabtay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda.
Halkan ka daawo sawirada
Aqoon Isweydaarsiga oo ay soo Qaban Qaabiyeen Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda ee Marka Magiciisa la soo Gaabiyo Loo Yaqaan (SSU), Ayaa waxaa ka soo Qayb galay Arday...
Uganda: Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Wacaysle Abgaal
Kulanka oo looga hadlayey iskaashiga iyo horumarinta iyo Wax la qabsiga Beelaha Hiraab oo manta ka dhacay magaalada Kampala ee Caasumada Dalka Uganda
Shirkani oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay islamarkaasina ay ka soo qeybgaleen dhamaan beesha Wacaysle Abgaal ayaa waxa ay ahmiyadiisa ahayd wax la qabsiga beelaha Hiraab iyadoo gundhig ay u tahay beesha Mudulood ayaa lagu qabtay Hoteelka weyn ee...
Warsaxaafadeed Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha oo Muqdisho yimid kormeerna ku tegay Xerada Barakacayaasha ee Rajo iyo Xerada tababarka ee Jaziira
Wasiirka Gaashaandhigga dalka
Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho
iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde
Int. Airport.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul
Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna
kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha...
Kulankii Wadatashiga ee Soomaalida ku dhaqan South Africa oo la soo gaba-gabeyey
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg shir mudo sadax maalin uga socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa. Shirkaan oo ay si wadajir u soo qaban qaabisan Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) iyo Jaaliyadda Sooamalaiyeed ee dalkaas ku nool. Waxaa uu daba socday wadatashiyo so socday lixdii bilood ee la soo dhaafay kaas oo qayb ka ahayeen...
Maxkamadda sare oo shirkadda SKA u fasaxday inay howlaheeda ka sii wadato Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Iyadoo waayadaan danbe qilaaf uu u dhaxeeyay shirakadda SKA iyo shirkada kale oo ay Soomaali leedahay , kaddib markii lagu eedeeyay Shirkadda SKA ee ku tagrifasho dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maxkamadda sare ee DKMG ah ayaa maanta u xukuntay shirkadda SKA Air & Logistic inay ka shaqeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Go’aanka maxkamadda ayaa...
Mudaharaad Email Ku Jawaabid ah Looga soo Horjeedo Boobka Badda Soomaaliyeed
in Madaxda DFKMG la xusuusiyo xeerkii badda Soomaaliyeed ee LAW NO. 37) oo dhigaya in xuduudda badda Soomaaliya tahay 200 maly badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir, SII AKHRI
Read More →
Warsaxaafadeed Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaraddii Gaashaandhigga sheegayna in Dib-u-dhis lagu sameynayo
Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa saaka kormeer
shaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga,
waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaasoo
iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii
Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah helin.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa kale oo...
Odayaasha Beelaha Hawiye oo Gaashaanka ku Dhuftey in Soomaaliya Xiligaan iyo Xili u Dhow aan loo Sameyn karin Dastuur
Dastuurka la sheegey in loo sameynayo Dadka Soomaaliyeedayaa waxaa la wadey Sanooyinkii ugu dambeeyey waxaana la dhehi karaa waxa lagu Cuney Malaayiin Doolar dhaqaalahaas ayaa lagu qabtey Siminaaro iyo Tababaro aan waxba ka soo bxin iyadoo dadka qaar ay qabaan in Dastuurka uu yahay mid ay wataan dalal shisheeye kuwaa oo lagu waramey in ay Soomaalia ka leeyhin Danno gaar haaneed Mid ka mid ah dadka...
Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya
Jiiftadan oo ah Deelleey, kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine.
Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan.
“Damacaa Badda Gaarey Yaa...
Maarso Ka Hadleysa Marxaladda Dalka Soomaaliya oo Cinwaankeedu Yahay Ambaqaad
Ambaqaad
Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay dedaalka iyo ifafaalaha ka soo muuqda wadankeena inuu u baahan yahay dhiirigelin dhinac walba leh, dhawaaq dheer oo umada la gaadhsiiyo lana rajo geliyo iyo in laga maarmo waxyaabaha ay dadka qaar aaminsan yihiin in aduunku dhib nagu hayo ama dheef noohayo, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu samaynay, waxaana kaga gudbi karnaa...
“Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Warbixin-Washington DC: RW Gaas oo ku barriiqday su’aalo Sharciga Law. No 37 ee Badda Soomaaliya laga weydiiyeya–Shirkii cashasharafta RW C/weli M.C. Gaas.
RW Gaas su’aalihii ku saabsanaa xadka badda Soomaaliya uu weydiiyey Cabdiraxman Warsame, oo meesha loogu caga jugleeyey, microphone-kana loo oggolaaday isqaqabsi kadib ayaa RW Gaas wuuxi kaga jawaabey, “…Haddii...
Ra’isul Wasaaraha DFKMG “Hadda Dowlad Dhab ah ma Nihin laakiin….”
Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ku meel gaarka ah C/wali Maxmed Cali Gaas ayaa isagoo ku sugan Magaalada Washington una waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in mudada sanadka ah ee dowladda u haray ay dadaal ka gaysan doonto sidii loo fulin lahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu soo gebagabeeyey xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen dhinacyada...
“DFKMG oo Saxiixaysa Xuduud Beenaadkii Soomaaliya la wadaagtey Itoobiya iyo Kenya” Qamar Haashim
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa ii Sheegtay in Badda Soomaaliya la doonayo in loo sameeyo cabbir cusub” Qamar Haashim
“Shirkii Xamar ka dhacay ee wadatashiga loo bixiyey yoolkiisu waxa uu ahaa in ay saxiixaan xuduud beenaadkii Kenya iyo Itoobiya aan la lahayn iyo biyihii badda.” Sii Akhri
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Maraykanka kala hadlay fulinta Roadmap-ka
Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in “shirkii Muqdishu uu ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana u sheegay Dowladda Mareykanka in Xukuumaddu ay ka go’antahay dhaqangelinta iyo fulinta Roadmap ka oo uu Ra’iisul wasaarahu sheegay inuu yahay mid ay Soomaalidu sameysteen ayna sahlanaan doonto dhaqangelintiisa, hase ahaatee uu ka...
Qarammada Midoobey: “Waa in la sameeyo cabirka xuduudda badda Soomaaliya ee EEZ si Dawladda looga saaro Kumeel-Gaarka”
iyo Wasiiru-Dawlahii hore ee Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo Sheegay in Shirkii Muqdisho ahaa mid lagu baabi’inayo sharciga Badda Somalia
SII AKHRI
Read More →
Majmuucada Dacwatu-Towxiid oo Deeq ka Timid Jaaliyadda Biljimka Gaarsiiyay Qoysas Tabaaleysan oo ku Dhaqan Magaalada Baydhabo
Qosas gaaraya ilaa iyo 200 oo Qoys,islamarkaana ka mid ah dad ka ay Abaartu saameysay kuna nool gudaha Magaalada Beydhaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa la gaarsiiyay Deeq Raashiin ah.
Deeqdaan oo ay qeybiyeen Majmuucada Dacwatu-Towxiid ayaa waxaa soo dhiibay Jaaliayadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka.
Qaar kamid ah dadkii Deeqdaas ay gaartay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin...
Deeq lacag ay soo Direen Jamaacada Masjidka Ibnu Cutheymiin ee Dalka U.K. gaar ahaan Xaafadda Leicester oo la Gaarsiiyay qaar ka mid ah Barakacayaasha Abaaraha
Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Jamaacadda Masjidka Ibnu Cutyeymiin ee Dalka Ingiriiska gaar haan Xaafadda Leicester ayaa waxay ugu tala galeen in ay kala qeyb qaatan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateeysan oo waxyeeleeyeen Abaaraha Dalka ka jira.
Qeybinta Deeqdani lacagta ah ayaa waxaa loosoo Wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateeysan oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen.
Cadad...
Warbixin ku Saabsan Qaabka loo Bixiyo Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya
Baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa wuxuu ku dambeeyaa ama lagu tagaa Maamulka la magacbaxay Somaliland, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ee ka baxaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuna sii jeeda Gobalada dalka gaar haan Soomaaliland way qariyaan Baasaboorka cagaaran hase yeeshee marka ay ka degaan Magaalada Hargeysa ayay dib ula soo baxaan, arrintaas ayaa sabab u ah Waaxda socdaalka Soomaaliya...
Website-ka SomaaliTalk Difaacaha Badda Soomaaliyeed !!!!
Webside-ka Soomalitalk oo 10 Jirsaday sannadkii hore 2009 ayaa Waxuuna soo Bandhigaa wararka, Maqaallada, Cilmi Baarista, Suugaanta iyo ka faalooshahaa Arrimaha Diinta, Bulshada, Waxbarashada IWM.
Waxaa kaloo lagu gaareyn ama aan iraahdo waa webside-ka kaliya ee Boqolaalka Somaali-Websides ee u guntaday Difaaca Badda Soomaaliyeed.
Akhristoow laga soo bilaabo April-2009 wuxuu Somaalitalk u tafa xeytay...
Doorka warbaahintu ku leedahay isbedelka mujtamaca
qore
Abdulkadir Mohamoud Walayo
Saxafi Soomaaliyeed
Intaan mowducan uu guda gelin, waxaan jecelahay inaan aan marka hore nalka ku daaro oo aan idiin iftiimiyo inta nooc oo warbaahin ee maanta caalamka lagaga shaqeeyo waxaana ka mid kuwa xagga hoose ku qoran:
1. Nooca shuuciga
2. Nooca keli talisnimada
3. Nooca xorta ah
4. Nooca bulshada...
Xildhibaano Soomaaliyeed oo Daaha ka Rogey in Soomaaliya ay ku jirto Maxmiyad
“Xildhibaan Mushaar ka qaato islamarkaana ay ilaaliyaan Shisheeye Ma Badbaadin karaa Xuduuda Badda iyo Dhulka Soomaaliya”
Shirkii Wadatashiga Soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ayna horboodeysey Qaramada Midoobey ayaa dadka soomaaliyeed ku soo baraarugeen Go’aamadii ka soo baxay ka dib markii siyaasiyiin Soomaliyeed ay daaha ka rogeen in shirkaas uu ahaa mid laga...
“BADBAADI BADDA SOOMAALIYEED” – “SAVE THE SOMALI SEAS”
Xubin ka noqo Xaruntan Cusub..
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in codsigii aan usoo jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliyeed in qaarkood aaysan la soconnin, sidaas awgeed waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in intii la xiriirikarta Xildhibaannada Baarlamaanka KMG in aay la xiriiraan oo ka dhaadhiciyaan in laga horyimaado Qorshahan loogu magac daray ROADMAP oo khatar...