Home » Archive Maalinta September 20th, 2011
DFKMG oo faahfaahin ka bixisay Xeerka Xaaladda degdegga ah iyo Waxqabadka Maxkamadda Ciidamada
Waxay Amnesty International soo saartay 2dii Sebtember 2011 war saxaafadeed ku wahajan Xeerka ku saabsan Xaaladda degdegga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka soo saaray aagagga ay banneeyeen Al-Shabaab oo caalamku u aqoonsan yahay koox argagixiso ah iyo xerooyin ay ku jiraan dadka ka soo barakacay gobollada ay saameeyeen abaarta iyo dagaallada ay kooxdaasi waddo. Waxaa kale oo ay si...
Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa iyo gole fulineyd
Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa ,gole fulineyd iyo
Gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo manta loo Caleemo Saarey in uu noqdo Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( diinaari )
Xalaf balaaran oo si aad ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin,odoy dhaqameydyo ururada bulshada...
Bayaan ka soo baxay Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade
Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah
Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin...
Kampala: Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Kaalinta Ardayda Ee Nabadaynta iyo Dibu Dhiska oo Lagu Qabtay Uganda
Kampala: Aqoon is weydaarsi Hal ku dhigiisu ahaa Kaalinta Ardayda Somaliyeed kaga Aadan Nabadaynta iyo Dibu-Dhiska Dalka ayaa waxaa maalintii Axaddii Lagu Qabtay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda.
Halkan ka daawo sawirada
Aqoon Isweydaarsiga oo ay soo Qaban Qaabiyeen Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda ee Marka Magiciisa la soo Gaabiyo Loo Yaqaan (SSU), Ayaa waxaa ka soo Qayb galay Arday...
Uganda: Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Wacaysle Abgaal
Kulanka oo looga hadlayey iskaashiga iyo horumarinta iyo Wax la qabsiga Beelaha Hiraab oo manta ka dhacay magaalada Kampala ee Caasumada Dalka Uganda
Shirkani oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay islamarkaasina ay ka soo qeybgaleen dhamaan beesha Wacaysle Abgaal ayaa waxa ay ahmiyadiisa ahayd wax la qabsiga beelaha Hiraab iyadoo gundhig ay u tahay beesha Mudulood ayaa lagu qabtay Hoteelka weyn ee...
Warsaxaafadeed Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha oo Muqdisho yimid kormeerna ku tegay Xerada Barakacayaasha ee Rajo iyo Xerada tababarka ee Jaziira
Wasiirka Gaashaandhigga dalka
Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho
iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde
Int. Airport.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul
Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna
kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha...
Kulankii Wadatashiga ee Soomaalida ku dhaqan South Africa oo la soo gaba-gabeyey
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg shir mudo sadax maalin uga socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa. Shirkaan oo ay si wadajir u soo qaban qaabisan Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) iyo Jaaliyadda Sooamalaiyeed ee dalkaas ku nool. Waxaa uu daba socday wadatashiyo so socday lixdii bilood ee la soo dhaafay kaas oo qayb ka ahayeen...
Maxkamadda sare oo shirkadda SKA u fasaxday inay howlaheeda ka sii wadato Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Iyadoo waayadaan danbe qilaaf uu u dhaxeeyay shirakadda SKA iyo shirkada kale oo ay Soomaali leedahay , kaddib markii lagu eedeeyay Shirkadda SKA ee ku tagrifasho dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maxkamadda sare ee DKMG ah ayaa maanta u xukuntay shirkadda SKA Air & Logistic inay ka shaqeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Go’aanka maxkamadda ayaa...