Home » Warar
Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn u Geystey Markii labaad Xero ay Degenaayeen Dad Barakacayaal ah
iyo Maamulka Idaacadda Banadir Oo Ku Baaqay in Xabsiga Laga Sii Daayo Wariyaal U Xiran Dawladda Ku Meel Gaarka Soomaliya….
Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyey Xero Barakacayaal
Degaanka Ceel Cadde ee hoos yimaada Magaalada Baar dheere ee Gobolka Gedo ayaa saaka lagu soo waramayaa in xaalad deganaansha ahi ay ka jirto ka gadaal markii shalay gelinkii danbe ay halkaa duqeyn ka gaysteen Diyaarado dagaal...
Xukuumadda Ingiriiska Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ku Dhawaaqdey ma yahay mid daba Socda Shir Hore uga Dhacay Magaaladda London.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Mr William Hague ayaa sheegey in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhici doono Dalka Ingiriiska Bisha Febraayo ee kal dambe kaasoo uu sheegey in lagu martiqaadi doono dhamaan qaybaha Kala duwan ee Bulshadda
Wasiirka oo la hadlayay Wakaaladaha Wararka caalamiga ayaa sheegey in hore arrintaa uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ingiriiska...
Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Diyaarinaya Mooshin ka dhan Shariif Xasan ka dib markii lagu eedeeyey in uu diidey in Baarlamaanka la horkeeno Road Map-ka
In badan Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha Magaalada Muqdisho.
Kulankan ay maanta Xildhibaanadu ku yeesheen Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayay waxay ku diyaarinayeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Shariif xasan Shiikh Aadan.
Xildhibaanadan Maanta kulanka isugu yimid ayaa ka doodayay sidii...
Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo Mas’uuliyadda Soo Gelitaanka Ciidamada Shisheeye Dhabarka U Saarisey Xarakada Shabaab.
Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soo galay.
Shiikh Bashiir ayaa ayaa u aaneeyay soo gelitaanka Ciidamada shisheeye ee dalka Xarakada Shabaab isagoona sheegey in ay ku gacan seeyreen sidii nabad dalkan loogu soo dabbaali lahaa.
“Mas’uuliyadda arrintan waxaa qaadaya Xarakada Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo cambaareyn kulul dusha uga tuuray kuwii ka dambeeyay qaraxii maanta lala eegtay haween ka shaqeynayay Nadaafadda magaalda Muqdisho.
War saxaafadeed lagu cambaareynayo Qaraxyada Muqdisho gaar ahaan kii barqo nimadii maanta lagu beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda demada Dharkinleey ee magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii maanta lagula beegsaday xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkiinleey haween ka shaqeynayay...
DFKMG oo cambaareysay bombooyinkii isdaba joogga ahaa ee lala beegsaday dadka ku jira cisbitaalada iyo skuulada
Mogadishu, November 30, 2011.) DFKM ayaa cambaareynaysa bambooyinkii isdaba joogga ahaa ee ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab ee ku xiriirsan Alqaacida.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFKMG, Md:Cqaadir Xuseen Maxamed ‘Jaahweyn” ayaa ku tilmaamay bambooyinka Alshabab ‘fal fuleynimo ah ayna caddahay in ay Islaamka kasoo horjeedo, dhagarqabayaashu waxay beegsanayaan...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kumay Amiir-ka Qatar
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan gaar ah la qaatay Amir ka Qatar His Highness Emir Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Doha ayaa kala hadlay Amir ka Qatar arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta,...
Injineer Idiris Xasan Faarax oo si weyn uga Hadley Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya iyo Itoobiya
Injineer Idiris Xasan Faarax oo ah Siyaasi ku sugan wadanka Finland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacad Islaamiga ah Al-furqaan waxa uu ku sheegay Duulaanka Dowladda Kenya Ciidamadoodu ay kusoo Galeen Wadanka Soomaaliya kuwa kalana haatan ay ku soo wajahan yihiin ay la xiriirto sidii Gudaha Wadanka Soomaaliya Itoobiya ay kaga Difaacan lahayd kaniisadaha ku yaala Wadankeeda.
Injineer Idiris Xasan...
Sheikh Shariif oo Sheegey In Itoobiya Ciidamadeedu aanay Marnaba Soomaaliya u Soo Direyn laakiin Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogi Doonaan Magaca AMISOM
Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa ka qayb galay Dood furan oo ay dadweynuhu su’aalo ku weydiinayeen ayaa ka jawaabay Su’aalihii la weeydiinayay. Waana Doodii Labaad oo loo qabto Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka
Dooddan oo ay soo qaban qaabisey Hay’adda CRD ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasoo ay ka soo qayb galeen Illaa Shan...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday UN-ka oo uu hogaaminayay Mack Bowden.
Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha Hayadaha UN-ka oo u hogaaminayay xiriiriyaha dhanka Bani?aadanimada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Kulankan aya waxaa kasoo qeyb galay madax ka kala socotay qeybaha hayadda UN-ka oo uu sidoo kale ka mid ahaa Alvaro Rodrigues (Head of UNDP Somalia), waxaana ay kawada hadleen guddomiyaha gobolka Banaadir...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani. Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar ee magaalada Doha ayaa labada Ra’iisul Wasaare waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Qatar iyo Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka qotada dheer...
Kenya: Saldhig Boolis oo la haystey muddo saddex saacadood ah, Laguna gubey aaladahii Isgaarsiinta oo ku yiro raadiyihii Saldhigga Booliska – Standard
“Dagaalyahanno loo malaynayo Al Shabaab ayaa Jimcadii waxay weerar ku qaadeen tuulada Arabia oo 45 km koonfur ka xigta magaalada Madheera, waxayna tuuladaas haysteen saddex saacadood, waxay qabsadeen saldhig boolis kaddib markii ay cararay saraakiishii ku sugnaa halkaas, waxayna gubeen aaladdii isgaarsiinta ee saldhib booliska” sidaas waxaa qortay Jariidadda Standard ee ka so baxda Nairobi...
Dugsiga Badda iyo kaluumeysiga ee lagu Baran jirey Culuunta Badda halkee buu ku Dambeeyey.
Markii ay burburtey Dowladii Soomaaliya ee Sanandkii 1991 waxaa dalka ku habsadey Burbur aad weyn oo soo gaarey Adeegyadii Bulshada ee Shacabka Soomaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaan mar aan booqdey Dugsigii Sare ee Badda waxaa iiga muuqdey Burbur uu la qaybsadey Dugsiyadii dalka ka jirey oo ay ka soo bixi jireen Xirfadlayaal Badeed wax badan ku soo kordhiyey Xagga badda Hadaba si aan wax uga ogaano...
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo “Soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya Waxay Fursad siinayaan Al-Shabaab”
iyo Odoyasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Muqdisho oo ka soo hor jeestay Shirka Khariidada Nabadda Road Map oo maanta ka furmey Muqdisho isla Markaana ku Baaqey in la eryo Mahiga ….
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa markii u horeeyay ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay Soomaaliya soo galayaan.kuna sugan yihiin Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud.
Farmaajo ayaa ka war bixiyay Taariikhda...
Raiisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga oo maanta Dhagax Dhigey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Wafdigan heerka sare ah waxaa ka mid ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun, Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Caafimaadka, Cevdet Erdol, Xubno baarlamaanka Turkiga ah sida Sayn Huseyin Tanriverdi, Sayn Selcuk Ozdag, Muzaffer Yurttas, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka...
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray maanta
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Wafdigan heerka sare ah waxaa ka mid ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun, Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Caafimaadka, Cevdet Erdol, Xubno baarlamaanka Turkiga ah sida Sayn Huseyin Tanriverdi, Sayn Selcuk Ozdag, Muzaffer Yurttas, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka...
Wasaaradda Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka oo sheegey in Ciidmada Kenya ay ka mid noqonyaa AMISOM laakiin kuwa Itoobiya waxay naga taageerayaan Logistigada
Iyadoo Habeenimadii Xalay Magaalada adis ababa ee Carriga Itoobiya lagu soo gaba gabeeyay Shir madaxeedkii Wadamada Xubnaha ka ah Urur Goboleedka Igad ayaa haddana Shirkaas lagu taageeray soo gelitaanka Ciidamada Kiinya ee gudaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Ku Xigeen ahna wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaasi iyo go’aanadii...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo galabta ciyaar K/cagta uga qeybgalay Xeebta Liido
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.
Ciyaartan oo aheyd mid...
Soomaalida iyo Urur Goboleedka IGAD iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo Shir Xasaasi Ah Ugu Soo Gaba-gaboobey Caasimadda Dalka Jabuuti.
Shir xasaasi ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta maashaariicda ka hortaga abbaaraha goboladda dalka soomaaliya oo ay si wada jir usoo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika, islamarkaana ay ka soo qayb galeen xubno ka socda DFKMG, maamul goboleedyada dalka soomaaliya ee Puntland iyo Somaliland ayaa lagu qabtey xarunta urur goboleedka IGAD ee caasimadda dalka Jaabuuti...
Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kiiniya Faarax Macallin Oraahdiisii Shaley iyo Maanta Wareysi!!
Gudoomiye Faarax isagoo ka hadlaya arrimaha soomaaliya waxaa uu yiri “soomaaliya, iyadda ha is qadariso, ha isla doodo, wax meel ha isla dhigto, wax kasta way ku heshiin kaartaa Soomaali, wanaagii iyo horumarkii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed ay leedahayna waa la soocelinkaraa, intaa uun baan kuu sheegikaraa”. Ayuu yiri
Gudoomiye ku xigeenka mar aan weydiiyey soomaaliya waxa ka barankarto doorashadan...
Kenya oo Shaaca ka Qaaday in Lamu laga Hirgelinayo Mashruuc Aag Dhaqaale (Economic Zone), islamarkaasna la samaynayo Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa
Meles Zenawi ayaa Kenya u sheegay in uu diyaariyey kharashkii jidka-tareenka ee isku xiraya Addis Ababa iyo Mooyaale, laakiin Kenya laga doonayo in ay dhamaystiraan Mashruuca dhinacooda wadada-tareenka ee isku xireysa Lamu iyo Mooyaale, sidaas waxaa caddeeyey Raila Odinga.
Sii Akhri
Read More →
Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka Jawaabey Hadalkii Faarax Macallim ee ahaa “Mar dambe Muqdisho loogama Talin doono Kulbiyow”.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Faarax Macallim ee uu ka sii daayey Idaacadda Al-Furqaan ee Magaaladda Muqdisho ee ahaa “Mar dambe Muqdisho loogama talin doono Kulbiyow”. Cabdi waxa uu s heegay in Faarax Macalin uu hadalkaasi kaga golleeyahay Kenya ayaa looga talindoonaa Kulbiyow, isagoona weydiiyay su’aal ah. Mar haddii aad tiri” Mar dambe Muqdisho loogama talin...
Warsaxaafadeed xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta shir guddoominayay shir xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka, taliyeyaasha ciidamada Booliska, Xooga dalka, iyo Nabad sugidda, oo maanta ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaana Ajandaha kulankaasi uu ahaa sidii loo sugi lahaa amaanka...
War saxaafadeed kasoo baxay golihii wasiirada oo uu shirgudoominayey Reysal wasaare Cabdiweli Gaas.
Shir ay maanta isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, waxqabadka Xukuumadda, mataaneynta booliiska iyo wasaaradaha dowladda, iyo adeegyada bulshada.
Ugu horreyntii guddiga heerka wasiir ee amniga ayaa warbixin buuxda siiyey golaha sheegayna in amniga caasimadda wax badan laga qabtay...
Shir jaraa,id oo ay maanta ku wada qabteen Reysalwasaaraha DFKMG iyo Radhika Coomarswamy magaalada Muqdisho.
Waxaa maanta kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wefdi sare oo ka socday UN-ka oo ay hogaamineysay Radhika Coomaraswamy oo ah kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha difaaca Caruurta, waxayna kulanka kadib wadaqabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayeen waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Wuxuu yiri waxay noogu...




