SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Wasaaradda Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka oo sheegey in Ciidmada Kenya ay ka mid noqonyaa AMISOM laakiin kuwa Itoobiya waxay naga taageerayaan Logistigada

Iyadoo Habeenimadii Xalay Magaalada adis ababa ee Carriga Itoobiya lagu soo gaba gabeeyay Shir madaxeedkii Wadamada Xubnaha ka ah Urur Goboleedka Igad ayaa haddana Shirkaas lagu taageeray soo gelitaanka Ciidamada Kiinya ee gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Ku Xigeen ahna wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaasi iyo go’aanadii ka soo baxay.isagoo sheegey in Dowladda Federaalka ay taageero weyn ka heshey Wadamadda ka tirsan urur Goboleedka IGAD

Xuseen Carab ayaa sheegey in Ciidamada Kiinya loo Ogolaaday in ay Xubin ka noqdaan Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM halka uu sheegey in Ciidamada Itoobiyana laga Codsaday in ay Taakuleeyaan Hawl galada Ciidama amisom, kuwa dawladda iyo Kiinya ay kula dagaalamayaan Xarakada Shabaab.

Wasiirka Gaashaan dhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Itoobiya ay ku soo galayso Dalka Soomaaliya Magaca Itoobiya isla markaana aysan hoos imaanayn Taliska amisom.

Xuseen Ciise Carab oo ka mid ahaa wafdigii Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya uga qayb galay shirkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoddo dheer uga hadlay shirka IGAD ee sanadkan oo intiisa badan loo hadlayay arrimaha Soomaaliya gaar ahaana sidii xarakada Shabaab looga saari lahaa Dalka Soomaaliya.

Shirka IGAD ee sanadkan ayaa sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyay Xubin ahaanshaha Dawladda Koofurta Suudaan oo markii u horeeyay shirkaas ka soo qayb gashay.,Si kasta ha ahaatee Imaatinka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ah arrin si weyn muran u dhalisey taasoo wax la iska weeydiinayo waxa ay xaaladda soomaaliya xiligan ku soo kordhin karto Itoobiya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Mashruuca Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa

faarax macallin
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...



Qaadka Quba



October 31, 2011 Communique - Read here



Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012



Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG



Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

oil somalia
Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya..



Oct 27, 2011:
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya



Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya



Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....



Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya



Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya



Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni