Home » Warar
Yaasiin Maaxi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxnimadiisa Madaxweynenimada Soomaaliya
Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macallin ayaa musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya kaga dhawaaqay Magaalada Katrinholm ee dalka Sweden, isagoo xafladdii musharaxnimadiisa ka sheegay in haddii la doorto uu isbedel ku sameyn doono Soomaaliya.
Halkan ka daawo Sawirada
Munaasabadda uu Yaasiin Maaxi uga dhawaaqay musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka qeybgalay dad aad u faro badan oo ka kala yimid dalalka Ingiriiska,...
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo si weyn loogu soo dhaweyay Guri-Ceel
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa dadweyne faro badan kusoo dhaweyeen garoonka magalada Guri-Ceel ee gobolka Galgaduud.
Halkan ka daawo Sawiro…..
Prof, Saciid Ciise oo garoonka Guri-Ceel kazoo galbiyeen dadweyne farobadan ayaa waxa uu booqday hoyga uu magalada ka dagan yahay ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo muddo daqiiqado ah si gaar ah u qaateyn...
Prof Axmed Ismaaciil oo Xisbiga Hiil Qaran u Sharaxay ka Qaygalka Tartanka Doorasho Madaxweyne ee Soomaaliya
Prof Ibraahim Macalin Mursal oo sheegey in Haddii Axmed Ismaaciil uu ku guulleysto Tartanka Doorashada uu Mashaarkiisu Noqon Doono Hal Doolar Bishii
Prof Axmed Ismaaciil Samatar”Halayaabina Mushaarkeyga Halkaan uma imaan in aan lacag Gurto, in igu filan Ilaah waa I siiyey
Marwo Xamdi “ Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxaan Filayaa in haddii loo doorto Xilka in uu xiriirin doono Xerada Madaxtooyada...
DIGNIIN: Virus halis ah oo Computerada ka Xanibaya Khadka Internetka marka la gaaro July 9, 2012
AQOONKAAL.COM: Sidee ku ogaan kartaa in uu Computer-kaaga aafeeyey viruska “DNS Changer”, kaas oo xanibaya khadka Internetka July 9, 2012
Kumanyaal computer ayaa waxaa dhici karta in ay Isniinta (July 9, 2012) ku xiriirsami waayaan khadka Internetka, arrintaas oo la xiriirta virus bedelaya Cinwaanka (DNS) computerka.
Halkan ka akhri
Eray bixin u baahan: SPAM, VIRUS, PHISHING – Eraygee ku macnaynaa...
Xaalada Wariye Cabduqaadir Kuwaaral oo u Shaqeynayey TV-ga Universal oo ka soo Reyneysa ka dib markii la dhaawacey
Wariye Cabdulqaadir Camar Cabdulle (Kuwaaral ) oo ka tirsnaa T.V.ga Universal Xafiiska Xafiiska Muqdisho Kooxo Hubaysan ay Rasaas huwiyeen Xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaala Degmada Wadajir Xaafadda Korontada. Wariye Kuwaaral ayaa Rasaastaasi ay ku Rideen Kooxihii Hubaysnaa ayaa waxaa ka soo gaaray Dhaawac dhinaca Caloosha ah iyo Jab dhinaca Lugta ah.
Kooxdii Wariyaha Weerartay...
Madaxweynaha Maamulka Pundland oo Raja Xumo ka Muujiyay Hanaanka Road-Mapka ku soo Gabagaboobayo
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo dhawaan ku soo laabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Siyaasadda Soomaaliya Maanta iyo safaradii uu ku soo kala bixiyay Dalal kala duwan.Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole ayaa ugu horeynba ka hadlay heshiis ay kala saxiixdeen mamulkiisa iyo Xukuumadda Itoobiya kaasoo ah sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.
Cabdiraxmaan...
FSNAU ayaa haatan shaacisay Warbixinta Saddex-biloodlaha Kooban ee Suganaanta Cunnada iyo Nafaqada: Diirad Saarid Hore-u-Digidda ka dib Xilliga Guga.
Warbixintan kooban ayaa siinaysa xogtii ugu dambaysay ee la xiriira arrimaha Cimilada, Colaadaha Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada, falanqayn baahsan ee dadka ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinka iyo warar kooban oo la xiriira arrimaha ugu muhiimsan haatan iyo hore u digista bilaha July ilaa December 2012:
· FSNAU ayaa saadaalinaysa in tirada dadka ay haysato dhibaatada cunto ay...
Dowladda Talyaaniga ma ka dhabaa Dib u Dhiska Ciidamda Badda Soomaaliya iyadoo shirkado laga leeyahay Talyaaniga Heshiish Qodis Shidaal la galeen Dowladda Kenya
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ku taageerayo Soomaaliya ku dhowaad Seddex Malyuun Oo lacagta Yururb ah dib u dhiska iyo diyaarinta Ciidanka ammaanka Soomaliya, taas oo la sheegay in Talyaanigu uga qeeb qaato dibu dhiska Heyadaha Dowladda ,waqtiga kala guurka oo lagu wado in Soomaaliya ay yeelato dowladda Rasmi ah.
Dowladda Talyaaniga ayaa haatan wado qorshe...
Odoyaasha Dhaqanka ee Shirku uga Socdo Muqdisho oo Sheegey in ay la Haystayaal ku yihiin Xeraddii hore ee Xalane
Iyadoo Odoyaasha Dhaqanka Soomaalida Shirkoodii Caadiga ahaa uga soconayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Cabasho dhinaca Odoyaashaas ah taasoo ay ka cabanayaan faragelin dhinaca Dawladda FKMG uga Imaanaysa.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii ay imaanayeen Magaalada Muqdisho loo sheegey in Masiirka Umadda Soomaaliyeed...
War Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya
2-3 Luulyo 2012, Roma
Moqdisho 04,July, 2012……. Shirka 22aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG) ayaa lagu qabtay Rome 2da ilaa iyo 3da Luulyo 2012 iyadoo uu guddoominayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya qaramada midoobay Dr. Augustine Mahiga iyo wadamada Norway iyo Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Sharif Hassan Sheikh Adan, Raisul wasaaraha...
Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Ka Furmay Roma iyo Ra’iisul Wasaare Gaas oo Khudbad Ka Jeediyey
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay qodoba looga hadlayo shirka ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, sida Dhameystirka xiliga kala guurka, Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka iyo qodobo kale sida ku cad warsaxaafadeedka oo u qornaa sidan:
Mudisho 02, July 2012……. Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii...
Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka oo sheegey in Raiisul Wasaare Gaas uu Mudan yahay in Xilka uu ka dego ka dib markii Qaraxii ka dhacay Kaniisadii Gaarisa uu u saariyey Dadka Soomaliyeed
Qaar ka tirsan Xildhibaanada barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan ayaa shirkooda Jaraa’id waxa ay uga hadlayeen hadalo sida ay sheegeen ka soo yeeray Maalinimadii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya Dr Cabdiweli Gaaz.
Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka mid ahaa xildhibaanadii goobtaas...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Faaffaahin ka bixiyey Shirka Roma uga Furmaya Saxiixayaashii Road Map-ka
Iyadoo dhawaan Xukuumadda Talyaaniga ay shaacisey in Kooxaha Soomaalida ay u qabanayso Shir weeyne Caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa misana waxaa arrintaa si hor dhac ah uga hadlay Ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaaz.
Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta Waraysi siiyay ayaa qiray in shirkaasi uu jiro isla markaana ay soo qaban qaabinayso Hay’adda ICG kaasoo sanadkan ay...
Warbixi dheer oo ku saabsan Munaasibadda Kowda Luuliyo Xalay iyo Maanta si Weyn Looga Xusay Magaalada Muqdisho, Gobolada Dalka iyo Dibadda
Munaasibad si heer sare loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta sare ee Xukuumadda, Barlamanka, Ururada Bulshada, qurba Joogta iyo Ganacsato ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday Xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Munaasibaddan oo ahayd laba iyo Konton iyo Laba Guuradii ka soo wareegtay Xornimadii Gobolada Koofureed ee Soomaaliya iyo is Raacii labadii Gobol...
Dufcaddii Labaad ee Ciidamada Dalka Jabuuti oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka mid ah Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa maAnta soo gaarsiisay Dufcaddii labaad ee ciidamadooda qaybta ka ah Amisom Magaalada Muqdisho.
Xukuumadda Jabuuti ayaa hore ciidamo hor u dhac ah ay dalka Soomaaliya ugu soo direen horraantii sanadkan kuwaasoo shaqo ahaan lagu qorey ama lagu magacabay Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho oo...
Kooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saldhigga Boliiska oo ku yaal Magaalada Wajeer.
iyo Itoobiya oo Sheegtey in uu Dhamaadey Khilaaf u dhaxeeyey iyaga iyo Kenya oo ku Aadan sidii ay u Qaban lahaayeen Dekedda Kismaayo
– Faah Faahin Dheeraad ah oo ka soo baxaysa Afduubkii Sahqaale Ajnabi oo laga Afduubey Xerada Dhadhaab
Kooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saldhigga Boliiska oo ku yaal Magaalada Wajeer.
Kooxo si aad ah u hubaysan ayaa Weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Boliisku...
Videos: Mutamarkii 12aad ee uu soo qaban qaabiyey Masjid Abuubakar ee Seattle Washington
iyo Mu’tamarkii Switzerland 2012 (Video) –
SEATTLE: Waxaa magaalada Seattle Washington si habsami leh uga socdo mu’amarkii sannadlaha ahaa ee uu soo qaban qaabiyo masjidka Abu-bakar (Seattle), waxaana maanta uu galay maalinkii ugu dambeysay.
Mutamarkan waa kii 12aad ee lagu qabto Seattle, Washington.
Haddaba hoos ka daawo muxaadarooyinkii ay culimadu ka soo jeediyeen Mutamarka, waxaana...
Madaxweynaha DFKMG oo Shaaciyay in Cafis loo Fidinayo Cid Kasta oo Burcad Badeednimada ka Tanaasusha
– Yaa Daran Burcada Soomaalida iyo Burcadnimada Reer Galbeedka
– Shiikh Shariif iyo Siilaanyo oo Dubai ku qaatey Kulan qaatey Laba saacadood
– Xarakada Shabaab oo Guulo Milatery ka Sheegatay Dagaalo ka Dhacay inta u Dhaxaysa Goof Gaduud iyo Baydhabo.
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo iminka ku sugan Magaalada Dubaay ee Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kaga qayb galayo...
Shirkadda Golis oo daah-furtay Gurigeeda Qardho.
Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo isugu jirtay daah-furka guriga Golis iyo soo dhawaynta macaamiisha ayaa lagu qabtay magaalada Qardho.
Halkan ka daawo Sawirada furitaanka guriga Golis…
Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan shirkadda Golis ee uu hogaaminayey C/casiis guureeye kaarshe gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis Telecom Somalia iyo maareeyaha guud ee shirkadda...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ka Bari yeelay Eedeyntii hore loogu Jeediyay
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu yahay magaalada New York ee Caraiga Mareykanka ayaa Ku Yeeshay Kulan gaar ah waxaana kulankaas looga Hadley arrimo la xiriira Shirkadda Isgaariisnya Hormuud ka dib markii la soo eedeeyey
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku taariikhaysan 26 June 2012 , lambarkiisuna yahay SC/10685 ayaa lagu caddeeyay in aanay Shirkadda Isgaarsiinta...
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dawladda FKMG oo Ra’iisul Wasaare Gaas ku Eedeeyay inuu ku been Abuurtay.
Iyadoo uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Xuseen carab Ciise uu sheegey in ay bixiyeen lacagihii Mushaaraadka Ciidanka ah isla markaana la joogteyn doono ayaa haddana arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda.
Col. Axmadeey Maxamed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda KMG ee ku sugan Aagga afgooye oo la hadlay qaar...
Odayaasha Dhaqanka oo iska soo xulay Gudigga Xalinta Khilaafaadka Odoyaasha.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda kumeel gaarka ah ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ay iska suleen guddi ka kooban 26 xubnood oo xallin doona Khilaafaadka Odoyaasha. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa maanta Arbaca u ambabaxay dalka Uganda.
Hoos ka akhri:
Warsaxaafadeed:
Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa isla soo xuley gudigga Xalinta Khilaafaadka Odayaasha.
Gudigga...
Maxaa ka jira in Kaniisaddii weyneyd ee ku taalay Muqdisho dib loo Dhisi doono
Warar naga soo gaaraya Dalka Talyaaniga waxay sheegayaan in Dowladda Talyaaniga ay wado qorshe dib loogu dhisayo Kaniisaddii Weyneyd ee ku taalay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho , taas oo ku burburtay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wixii ka haray burburkii Kaniisadda oo haatan ay degan yihiin dad Qaxooti ah ayaa Dowladda Talyaaniga waxay Dowladda Federaalka KMG ka codsatay in dadka...
Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland oo lagu soo gabagabeeyey shirkii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Soomaalida
Shirka waxaa lagu qabtay Markaska Islaamiga ee Weyn ee Magaalada Lausanne, Dadweynihii ugu badnaa reer Switzerland ayaa sanadkan kasoo qayb galay shirka.. Warbixinta faahfaahsan hoos ka akhri:
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisi Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Waxaa Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey maalintii axadda 24/6/2012 shirkii sanadlaha ahaa ee ay soo...
Shiikh Shariif oo Markale Lagu Fariisiyey Kursigii…
Madaxweynaha DFKMG, Shiikh Shariif ayaa booqasho degdeg ah waxa uu galabnimadii Isniin June 25, 2012 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa si uu halkaas kulan ugula yeesho ra’iisul wasaaraha xukuumadda gumeysiga Itoobiya, Zenawi.
Safarka degdeg ah ee Sheikh Shariif kutegey Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli qaylo-dhaan xoog badani ka soo yeertay dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi June 22, 2012.
Read More →




