Home » Warar
Cabdiweli Cali Gaas oo Dowlada Kenya uga Digey in ay Dib u Celiso Qaxootiga Soomaaliyeed
Dowladda Dalka Kenya ayaa mar kale waxa ay ka hadleen Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Gudaha Magaalada Nairobi gaar ahaana Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. Xukuumadda Kenya ayaa amar ka soo saartay Qaxootigaas gaar ahaana kuwooda haysta Kaararka Aqoonsi ee ay bixisey Hay’adda UNHCR oo cadeyneysa Qaxootinimadooda kuwaasoo loogu baaqay in ay dy dib ugu laabmaan Xeryaha Qaxooti eek u yaala...
Mid kamid ah Wasiir Ku-Xigeenadii uu soo magacaabay Shirdoon oo is-casilay….
Waxaa Jimacadii is-casiley mid kamid ah wasiiro-ku-xigeenadii uu Khamiistii magacaabay ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, sida laga soo xigtey ilo ku dhow wasiir xigeenka is casilay.
Is-casilaadda Abuukar Xasan Cali – oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta – ayaa wararka ugu horeeyey ee ka soo baxdaya ay tibaaxeen in ay sabab u tahay...
Raiisul Wasaare Shirdoon oo Magacaabey 20 Wasiir Ku-Xigeen iyo Shan Wasiiru Dowlayaal
Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta December 13, 2012 soo saarey Wareegto uu ku Magacaabayo Wasiir Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal kuwaas oo ka koobana 20 Wasiir Xigeen oo Tabanka Wasaaradood loogu qaybiyey min Laba Wasiir Kuxigeen, halka Shanta Wasiiru Dowlayaasha loo Magacaabey Shan Wasaardood oo ugu Muhiimsan waxayna kala yihiin Magacyada
Magacyada Wasiir u Dowlayaasha
1. Cabdi...
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Sheegay in Wax Khilaaf ah Uusan Kala Dhaxayn Xukuumadda Kenya.
Madaxweynaha DFS ayaa ka hadlay Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuuna sheegay inaysan jirin wax Caqabad ah isla markaana Kenya ay kaalin ka qaadanayso nabadeynta dadka Soomaaliyeed isagoo dhinaca kalena sheegay dhinaca maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka in Kenya wax shaqo ah aysan ku lahayn Gobolada Jubbooyinkana ay Xaq u leedahay in dawladda Soomaaliyeed ay go’aankeeda qaadato.
Prof. Xasan...
Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo Wada Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku Aadan in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada isli Nairobi Is Difaacaan
Iyadoo weli ay taagan tahay Qalalaasha ka jira Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii iyo Gobolka “waqooyi Bari” ee Soomalida Degto ayaa Shiikh Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada waaweyn Soomaaliyeed ee ku sugana Dalka Kenya ayaa weli Wada Baraarujinta iyo wacyigelinta dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay dhacewen dhowr weerary oo la Damcsanaa in lagu boobo Suuqa ugu weyn Afrikada Bari...
Shir Looga Hadlay Horumarinta Degmada Dolondole ayaa ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha ka soo jeeda degamada Dolondole ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho 9ka December 2012. Shirkaas oo ay soo abaabuleen xildhibaanada ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameedka, siyaasiyiinta, wax-garadka, qurba-joogta, ganacsatada iyo dhalinyarada.
Shirkaas ayaa waxaa...
Dawladda ay Hoggaamiyaan Calasow, Shirdoon iyo Jawaari oo aan weli ka jawaabin Hadalkii Qareen Maraykan ah oo ku saabsanaa Badda Soomaaliya – 200 vs 12-miles
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan muddo toddobaad kor u dhaaftay wax jawaab ah ka bixin hadalkii ka soo yeeray Garyaqaanad ka tirsan Dawladda Maraykanka:
“inkasta oo qareenada difaacayey ay soo bandhigeen caddaymo farabadan oo muujinayey in Soomaaliya ay sheegatay 200-mile badeed oo ah Territorial Waters ah, haddana waxay ku guul daraysteen in ay muujiyaan in Soomaaliya ay madax-bannaani...
Shacabka ku Dhaqan Magaalada Kismaayo oo ka Cabanaya Bandow Halkaa lagu soo Rogay
Iyadoo Maamulka ka arrimiya Magaalada Kismaayo uu Bandow ka bilaabanaysa Lixda Maqribnimo ku soo rogay Magaalada ayaa waxaa arrintaa si weyn ay u saameysey dadka Reer Kismaayo oo xiligan si aad ah uga cabanaya baandowgaas.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaca ku leh Magaalada Kismaayo ayaa Maamulka Magaaladaasi u gudbiyay Codsi ay ku weydiisanayaan in Magaalada laga qaado Bandowga iyagoona sheegay in...
Dugsiga Sare ee Suldaan Hurre oo Degmada Xarfo laga dhagax dhigay
Gaalkacayo: Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug dhacdana dhinaca Waqooyi barri ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa December 6, 2012 laga dhagax dhigay Dugsi sarre oo loo bixiyey “Dugsiga Sarre ee Suldaan Hurre”
Dugsigan sarre ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa Degmada Xarfo laga hirgaliyo. Qabanqaabada iyo dhisida Dugsiga sarre ee Suldaan Hurre ayaa waxaa iska kaashaday Jaaliyada dibadda...
Qarax ka dhacay Nairobi oo uu ku dhaawacmay Xildhibaan Yusuf Hassan oo laga soo doorto Kamukunji, Nairobi
Saddex qof ayaa dhintay habeenimadii Jimcada (ee Sabtidu soo geleysey), waxaa kale oo ku dhaawacmay siddeed qof oo uu ka mid yahay xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Kamukunji Nairobi, kaddib markii qarax ka dhacay meel u dhow Masaajid oo ku taal xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi, sidaas waxaa qortay jariidada Standard.
Laba qof oo kale ayaa u dhintay dhaawacii.
Qaraxaasi waxa...
Golaha Wasiiradda DFS Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha wasiirada Dawlada Federaalka soomaaliya ayaa sheegay “in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.”
Waxa kale oo warsaxaafadeedku xusay in golaha wasiradu ka ay ka doodeen sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee...
Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo ku sugan Turkiga oo Heshiisyo la Saxiixan Doono Dowlada Dalkaas
Iyadoo maalintii Shalay Magaalada Istanbuul uu gaaray Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Dalkaas. Sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Istanbuul oo ka hadlayay Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Dalka Turkiga ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya shalay markii uu gaaray dalka Turkiga in halkaas si...
Jaamacada Kismaayo oo ay ka qalin jabiyeen 94 arday
Maalintii khamiista ahayd 29/11/2012 ayaa xarunta Jaamacadda kismayo waxaa ka dhacay xaflad qalin jabin ah oo si weyn loo soo agaasimay uuna shicaarkeedu ahaa “helidda Jiir aqoon leh” , xafladaas oo ay ku qalin jabinayeen arday gaadhaysa 94 arday ayna ka soo qeyb galeen dhamaan bahda waxbarashada, ganacsatada, ururada bulshada iyo qeybaha kaladuwan ee Saxaafada.
Ardayda qalin jabinaysay ayaa waxay...
Isbaaradii ugu Weyneyd Isbaarooyinka ee Magaalada Muqdisho oo la qaadey
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku Sugan Ex. Kontorll Afgooye ayaa Isniintii qaaday Isbaaradii Gaadiidka Lacagaha looga qaaday ee halkaas taalay.Isbaaro qaadistaas kaddib ayaa waxaa Saxaafadda halkaa kula hadlay Taliyaha Ex. Kontorool Afgooye Gaashaanle Nuur Xasan oo Saxaafadda uga warbixiyay qaabkii ay u qaadeen Isbaaradaas.
Taliyaha ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha...
Cudurka Dilaaga ah ee AIDS oo Fara ba’an ku haya caalamka, waxaana sannadkii 2011 u dhintay 1,700,000 qof
Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI
“…dadka qaba AIDSee Sannadkii Tagey 2011 Caalamka waa 34 Milyan. Dadka uu ku dhacay ee qaadey waa 2 Milyan iyo Bar. Dadka u Dhintey waa 1 Milyan iyo Todobo Boqol oo kun qof ….
“Soomaalida...
Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Roma oo Shirkad Talyaani ah laga kireeyey muddo 18-sano ah
Nuur Cadde, safiirka DFS u fadhiya Roma ayaa qiran in safaaradii Soomaalida laga kireeyey dad Talyaani ah. Dhismaha daartaasi waxaa mulkiyadeeda leh qaranka Soomaaliyeed, waxaase hadda lagu wareejiyey shirkad shisheeye oo muddo 18-sano ah deganaan doonta. Arrintaas warbixinteeda ka aqri qormada hoose oo ay isku soo dubaridey Muna Abshir Abdi.
Dhismaha Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ma Nuur Cadde...
Maxaa ka soo baxay Kulankii Waftigii Madaxweyne Culusow iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Itoobiya waxay Soomaaliya ka caawinaysaa xagga Beeraha ….
Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Xasan Maxamuud Culusow ayaa Arbacadii Nov 28, 2012 waxay magaalada Addis Ababa kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam.
Hailemariam waxa uu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay caawinto Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu xusay in Itoobiya ay Soomaaliya...
Madaxweyne Xasan “Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa u Hor marey Taariikh Xun Maanta Taariikhdaas Xun Meesha waa ka baxdey”
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maalinimadii shalay waxaa uu kulan kula qaatay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas. Kulankaas labada Mas’uul markii uu soo gabagaboobey ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen Shir Jaraa’id oo ay uga hadlayeen Natiijooyinkii ka soo baxay kulankoodaas.
Ugu horeyntii waxaa shirka Jaraa’id ka hadlay Madaxweynaha dawladda...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka Warbixisey Kulamo ay la Qaadatay Seddax Mas’uul oo ka Tirsan Kenya.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeen oo haatan Booqasho ku joogta Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka warbixisey Kulamo ay la qaadatay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya.
Fawsiyo ayaa sheegtay kulamadaas ay la yeelatay Mas’uuliyiinta Kenya in ay kala hadashay arrimo fara badan oo uu ugu horeeyo...
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhaweeyey wafti uu hogaaminayey madaxweynaha DFS….
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh...
Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Maanta lagu Diley Muqdisho islamarkaana lagu Aasey Isbitaalka Madiina
Meydka Alle ha u Naxariistee Marxuum Axmed Nuure Aw Diini Guddoomiyihii Ganacasatada Suuqa Bakaaraha ayaa Barqanimadii Maanta lagu Aasay gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa Subaxnimadii hore ee saaka Rag Hubaysan waxa ay ku weerareen xaruntiisa oo ku taala gudaha Suuqaas kuwaasoo la beegsaday dhowr Xabadood oo uu ku dhaawacmay.Dhaawaca Nuure ayaa loola soo cararay Isbitaalka...
Xaflad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyihii hore iyo kan cusub ee Jaaamacadda Somalia ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadaas ee magaalada Muqdisho.
Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira ganacsato waxgarad, aqoonyahano, maamulka, macalimiinta, ardayda, waalidiin, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.Waxaa ugu horeyn...
Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Degmada Beled Xaawo iyo Al-Shabaab oo ka Hadashey Dagaalo ka dhacay Gedo,Shabeelada iyo Banaadir
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaa Xaalad Deggaanaansho ay ka jirto ka dib marki ay ka dhaceen dagaalo Qaraar,Shalay gelinkii ayaa waxaa halkaa ka dhacay dagaal Muddo Saacado soconayay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo Xarakada Shabaab.
Dagaalkaan oo muddo soconayay ayaa waxaa Guulo ka sheegtay Xarakada Shabaab oo sheegtay in gebi ahaanba...
Wasiirada Dowlada Cusub oo shaqo bilaabay, Wasiirada Arimaha Dibada, Gaashaandhiga iyo Maaliyada oo Warsaxaafadeed soo saaray
War saxaafadeed – Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo isbadal ku sameyn doonta Waaxyaha Wasaaradda iyo Safaaradaha Dibadda.
Mogadishu – Sabti 24 Nov 2012 – Kulan isbarasho ah oo ay maanta la yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka u matala qaar ka...
Muqdisho oo laga Xusey Maalinta Caalimiga ah ee Dambiyada Aan la isku Ciqaabin ee Qaybta ka ah Saxaafada
Ururka Suxufiyiinta Qaranka oo Sheegay in ay Wadayaan Dadaal ay ku Doonayaan Sidii Wariye Ibrahim Maxamed Aadan Xoriyaddiisu dib ugu Heli lahaa.
Waxaa Maalintii Shaley ahayd kuna beegneyd 23 Nofembar oo ah Maalinta Caalimiga ah ee dambiyada Aan la isku Ciqaabin taasoo Qayb ka ah Saxaafadda ayaa Xaflad ku saabsan Maalinkii waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas ka qatbgaley Qayabha...




