Home » Warar
Gargaarkii Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay weji kale (Warbixin faahfaahsan)
Dowladda Turkiga oo ah dowladdii ugu horeysay ee Soomaaliya u dirtay Ra’iisal Wasaaraheeda Rajab Dayib Ordogan isla markaana u soo gurmatay xilli shacabka Soomaaliyeed ay hareeyeen abaaro, colaado iyo dagaallo socday muddo 21-sano ah ayaa ku guuleysatay inay gargaar u fidiso malaayiin Soomaali ah oo intooda badan ka soo barakacay gobolada dalka.
Imaanshiyihii Ra’iisal Wasaaraha Turkiga...
Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba
iyo Golaha Wasiirada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015 oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka…
Warsaxaafadeed
Muqdisho, March 24, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee lagu laayay odayaasha...
Dalada Suxufiyiinta Qorahay Media oo cambareeyay Xukuumada Itoobiya.
Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Badhtamaha) oo ah wariye caan ka ah Soomaaliya mudobadan u soo shaqeeyay saxaafado kale duwan gudaha Soomaaliya ayay Xukuumadda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xadhig ah ayaga oo aan u haynin wax dambi ah oo uu galay Wariyahaas oo si qoxootinimo ah ku joogay Itoobiya.
Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media ayada oo tixgalinaysa xoriyadda...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland.
Warsaxaafadeed – 22/03/2014 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Geneva waxaa uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, waxaa uu warbixin ka siiyay booqashada uu ku joogo dalka Switzerland iyo holwgallada ay dawladdu ku baacsanayso Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo dalkaba uu sheegay in lasoo afjari...
Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) ee Q.M oo heshiis kala saxiixday.
War-saxaafadeed |
Dawladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) ee hoos-taga Qaramada Midoobay, loona yaqaano International Labour Organisation ayaa maanta magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday heshiis caalami ah oo la xiriira kor-u-qaadida shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha iyadoo heshiiskan uu Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli...
Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka Hadley Dhibaatada ka imaan karta Arrimaha Federaalka.
Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka mid ah Ugaasyada sida weyn looga yaaaan Soomaaliya ayaa waxaa uu ka waramey Xaalada Wadanka haatan uu marayo iyo sida looga bixi karo, waxaa uu farta si gaar ah ugu fiiqey Dhibaatda ka imaan karta arrimaha Federaalka uu u leeyahay Ummada Soomaaliyeed waxaana uu yiri” Markii ay dhacadey Doorashadii Sannadkii 2004 ee lagu doortey Cabdulaahi Yuusuf waxaana Khudbad...
Mustaf Bashiir Goobdoon oo Faahfaahin ka bixiyey Waxqabadkii Hayadaha Samafalka ee Swiss-Kalmo iyo New-Way
Hayadda Swiss-Kalmo IYO New-Way waxay ka mid ahaayeen Hayadihii Fara ku tiriska ahaa ee Shacabka Soomaaliyeed u soo gurmadey Sanadihii Dagaalada Sokeeye ay ka jireen Wadanka Soomaaliya , waxay Hayadahaan Xiligaas Xooga Saareen in Gobolo Soomaalieed ay ka fuliyaan Mashaariic Isugu jirtey Caafimaadka , Waxbarashada , Biyaha iyo in ay Gacan siiso dadka Tabaaleysan , waxaana Hayadahaas ka si weyn...
Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo weli ku mashquulsan bixinta lacagtii shacabka uga xayirana shirkadii Albarakat
Munaasibad lagu soo dhaweeyey ka qaadista hayiraadii saarneyd
Xaflada laga soo dhaweynayay xayiraadda ay Qaramada Midoobay ka qaaday Ganacsadaha Caanka ah ee Axmed Nuur Cali Jimcaale isla markaana ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Max’ud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyihii Hore oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii...
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo Safiirka Britain oo ka wada hadlay gurmadka iyo xasiloonida goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka.
Warsaxaafadeed, — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka
Soomaaliya ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi
Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dawladda Britain ee
Soomaaliya Neill Wigan, waxaana ay ka wada hadleen gargaarka
bani’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay
Nabad-diidka iyadoo Britain ay kamid tahay dawladaha ka qayb-qaadanaya
gurmadka...
Xarunta Cali Kaar (APHAD) oo Warbixin Xasaasi ah ka Qortey Qoys Soomaaliyeed oo Ciidamada Amisom Aabbahooda ay Dileen.
Meeshu waa magaalada Muqdisho, Waddada Makka Al-mukarama, meel ku dhaw Hotel Ambassador, Xilligu waxa uu ahaa 9:00 am, 28-kii January 2014-ka, markii laba Gaari oo ay wateen ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM ay si arxan-darro ah ku jiireen nin magaciisa la odhan jirey Saalax Nuur Maxammed oo dhanka koofur u goynayey Laamiga hormara Hotelka Ambassador, ee u dhaw Trepiano. Waxa...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay aaska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec
Ra’iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas’uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka ….
Warsaxaafadeed
Aaska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec
Muqdisho, March 16, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay aaska marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaan caana ah oo si weyn looga yaqaano...
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Oo Kampala Aqoon Kororsiyo Kala Duwan Kusoo Xiray
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala aqoon
kororsiyo kala duwan ugu soo xiray guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya iyo howlwadeennada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda
Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka qaarkood.
Gelinkii hore ee maanta Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye...
Idaacadda Mustaqabal oo Xustey Sannad Guuradeedii labaad ee markii la Aas-Aasey.
Waxaa Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad aad u balaaran oo ku aadan Sannad Guuradii Labaad ee Markii Dhidibada loo taagey Idaacada Mustaqbal , waxaana Munaasabadaasi oo si aad loo soo Agaasmiey waxaa ka soo qaybgaley Xildhibaano, Madax ka tirsan Dowlada , Hayadaha Samafalka, Ururrada Dalka ka jira, Jaamacadaha,Haween , Dhalinyaro, iyo Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta.
Ugu...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhoweeyay Warmurtiyeedka kasoo baxay shirweyanaha aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
13th March 2013
Addis Ababa, Ethiopia
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka qaybgalay Shirweynaha 25aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhoweeyay taageerada loo fidiyay dalka Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta...
Sheikh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo soo Dhaweeyey Go’aankii Qaramada Midoobey uga qaadey Xayiraada.
Sheikh Axmed Nuur Cali Jimcaale Madaxii Shirkaddii Barakaat ayaa soo dhaweeyay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Xayiraaddii uga qaaday dhaq dhaqaaqiisii Hantiyeed iyoXayiraddii dhinaca Safarada ka saarneed. Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay Seddax iyo Toban Sanno kaddib in laga qaado Xayiradii Saarneed Hantidiisii iyo tii uu u hayay...
Madaxweynaha DFS “Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn”
Warsaxaafadeed
Madaxweyne Xasan Sheekh “Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso”
Japan-Maarso 12-2014-Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jaban ayaa maanta tegay Dekadda magaalada Yokohama ee Dalka japan.
Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay xarunta...
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Oo Aqoon Kororsi Kampala Uga Furay Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon kororsi mudo shan cisho ah magaalada Kampala uga socon doona Gudoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Aqoon kororsigan oo la xiriira qorshe howleedka howlaha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa...
Ra’iisul Wasaaraha oo bulshada rayidka ka codsaday inay kala qeybgalaan isku soo dhoweynta bulshada
Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaarhaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta ka qeybgalay munaasabada sanad-guurada 6-aad ee Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENCA), wuxuuna ka codsaday hay’addaha aan dawliga aheyn iyo ururada bulshada rayidku inay dawladda kala shaqeeyaan isku soo dhoweynta bulshada iyo horumarinta...
Siciid Aadam Axmed oo loo magacaabay maareeyaha guud ee shirkadda Golis.
Maamulka shirkadda Golis ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Siciid Aadam Axmed loo magacaabay maareeyaha guud ee shirkadda Golis, ka dib markii uu Aadam Sheekhdoon Cali si ku-meel gaarnimo ah u waday shaqada Maareeye nimo ee shirkadda Golis.
Maareeyaha Cusub ayaa la kulmay dhammaan shaqaalaha shirkadda isagoo ay kulankaasi ku weheliyeen maamulka sare ee shirkadda Golis, kuwaas oo gaarsiiyay...
Madaxweyne Xasan “Howlgalada socda waxey fursad u siinayaan shacabka inay aayahooda ka tashadaan.”
Warsaxaafadeed
Muqdisho, 10 Maarso 2014 – Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre iyo mas’uuiliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
Guddoomiyeyaasha Gobollada waxaa ka mid...
Xarunta Muqdisho ee Cilmibaarista & Diraasaadka oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya
8/3/2014 Xarunta Muqdisho ee diraasaadka & cilmibaarista ayaa soo qabanqaabisay Dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahaya & sida looga gudbi karo.
Dood cilmiyeedkan oo ka dhacay xarunta mu’asasada SAFAA , waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan maamullada jaamacadaha Muqdisho , aqoonyahano ku xeeldheer waxbarashada , culumaa’udiin , bareyaasha...
Jaamacadda Somalia International University (SIU) oo Heshiis la Gashey Jaamacadaha ,EAIU, Kenyatta & Makerere .
Ka dib wada hadlo iyo xiriiro mudo soo socday, ayaa Jaamacada Somali International University (SIU) , waxay Heshiis Dhinaca Waxbarashda ah la gashay Saddex ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Geeska Africa.
Jaamacada SIU waxaa ka mid ah Saddedda Jaamacadood ee ay Heshiiska la gashey Jaamacada Kenyatta ee Dalka Kenya iyo Jaamacada Makerere ee Dalka Uganda iyo East Africa International University...
Golaha Wasiiradda oo meelmariyey Hindise-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga
Mogadishu, March 08, 2013…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad...
Urur ay leeyihiin Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay (SOWDA) oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho.
Waxaa Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDC lagu qabtey Munaasabad lagu yegleelayey ama lagu Dhisayey Urur ay leeyihiin Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay ( Somali Women Disability Association ) oo marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SOWDA) ayna ka qayb galeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Madaxda Xarunta SWDC , Ururada ay leeyhiin Naafadda Soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale.
Ugu...
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Deeq ka Guddoomay Xukuumadda Maraykanka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi Indho Qarsho ayaa Xerada Jaziira Tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Gen Indha Qarshe oo ciidankaasi la hadlay ayaa sheegay in wejigii koowaad ee Tababarku u soo dhamaaday Ciidanku isla markaana u harsan yahay wejiga labaad ee Tababarka isagoona Ciidankii uu la hadlayay ku booriyay inay isu diyaariyaan Tababarkaas.
Taliyaha...




