Home » Warar

Norway iyo Kenya oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka

Sep 21, 2014
“Kenya iyo Norway waxay gelayaan heshiis ku saabsan maaraynta Khayraadka Batroolka,” waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed September 9, 2014 ay faafiyey websiteka madaxtooyada Kenya. Arrintaas waxaa shaaca laga qaaday xilli aqalka madaxtooyada Nairobi uu booqday Safiirka Cusub ee Norway u fadhiyi doona Kenya, Victor Conrad Ronneberg, si uu waraaqahiisa aqoonsiga u gudoonsiiyo madaxweynaha... 
Halkudheg:

Oslo: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarahii hore ee Norway

Sep 20, 2014
Warsaxaafadeed ka soooo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in “Cabdiweli Sheekh Axmed uu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic,” ayagoo sida warsaxaafadeedku sheegay “ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.” Warsaxaafadeedkii oo dhan hoos ka akhri War-saxaafadeed:... 

Maxkamadda Sare ee Caddaaladda Caalamka oo dhawaan bilaabi doonta Dhagaysiga Dacwadda u Dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ee Dhinaca Xuduud Badeedka

Sep 20, 2014
Wararka ka imaanaya Xarunta Maxkamadda Caalamiga ee The Huege ayaa sheegaya in ay socdaan hawlo ay Maxkamaddaas isugu diyaarinayso dhagaysiga Dacwadda u dhaxeeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Xuduudda labada Dal ah Soomaaliya ayaa Bishii aynu soo dhaafnay waxa ay Ashtako arrintaa ku saabsan u gudbisey Maxkamaddaas iyadoona weydiisatay in Maxkamadda adduunku ay soo faragaliso Muranka u dhaxeeya... 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya o sheegey in ay Diyaarsadeen Qareeno iska Difaaca Dacwda Biyaha Badda ee Dowlada Soomaaliya Gudbisey.

Sep 20, 2014
Tan iyo markii Dawladda Soomaaliya Dacwadda u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamiga weydiisatayna in la soo faragaliyo Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Xukuumadda Kenya, waxaa soconayay dadaalo dhinacyo badan oo ay samayneysey Xukuumadda Nairobi Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya Xeer Ilaaliyaha guud ee Dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay Diyaarsadeen Qareeno fara badan oo Kenyan iyo Ajaaniib... 
Halkudheg:

Labadii Urur ee Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Midoobey.

Sep 20, 2014
Taariikhdu markey ahayd 18/09/2014ka ayaa waxaa Hal urur ku Midoobay labadii Urur ee kala ahaa Ururkii Midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed kuwaas oo wada qaatay magaca SOMALI ASSOCIATION BLIND (SAB) Midnimadaan ayaa waxay timid da daal dheeri ah oo ay sameyeen Xubnaha labadaas Urur. Xubnahaan ayaa gartay in aysan midnimo la,aanteed wax qaban Karin ugu horeyn... 

Prof Cabdi Samatar oo qeexay Ujeedka Kenya ka leedahay Biyaha Badda Soomaaliya.

Sep 18, 2014
Prof Cabdi iimaaciil Samatar oo si weyn uga hadla arrimaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka fog ee Xukuumadda Kenya ay leedahay Muranka ay ka furtay Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya. Prof.ka ayaa sheegay in Keenya oo muddo dheer ku hamiyaysey sidii ay ula wareegi lahayd Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadda uun Indhaha ay ku kala furtay Dacwaddii Soomaaliya u gudbisey Maxkamadda Sare... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmigham

Sep 18, 2014
Warsxaafadeed ….17,09,2014 … Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mudanayaal ka tirsan Soomaaliya Soomaaliya Baarlamaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad balaaran oo ka dhacday magaaladda Birimingham ee dalka Britain oo jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo London u yimid ka qayb-galka... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in uusan jirin Khilaaf kala Dhaxeeya Madaxweynaha

Sep 17, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo Magaalada Brigimham ee Dalka Ingiriiska kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ayaa kulankaas ka sheegay in sanadkan 2014ka inta uusan dhamaan Shabaab guud ahaan Dalka laga saari doono meelaha ay kaga sugan yihiin. Ra’iisulwasaaraha oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyay ayaa sheegey in ay bilowdeen hawlgaladii ugu horeeyay... 

Suldaan Deeqow: Kenya Waxay Jubbaland u Gashay in muran la geliyo Kismaayo, si markaas loo ilaawo NFD

Sep 17, 2014
Waraysi taariikhi ah: “Sababta kale ee Kenya u gashay Jubbaland waa Khayraadka Badda (marine resources)” “Gaarisa Waa Dhul ay Leedahay Soomaaliya”… “waxay NFD u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo taagan.”  Read More →

Madaxweynha Soomaaliya oo Xariga ka jarey Shirkii Dib u Heshiisiinta ee Jubooyinka oo ka furmey Kismaayo

Sep 16, 2014
Iyo Ra’iisul wasaaraha DFS oo gaaray magaalada London – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu maanta halkaas uu gaarey waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madax ka tirsan Maamulka Jubba oo uu Horkacayey Madaxweynaha Maamulka Jubbada Axmed Madoobe. Ka dib Madaxweynaha waxaa gaarey halkii lagu qabanayey Shirweynaha... 

Dowladda Kenya oo sheegtey in Laba Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay New-York kana wada hadli doonaan Muranka Badda

Sep 15, 2014
Amina Maxamed Jibriil oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya ayaa u sheegtay Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya in kulan deg deg ah oo ku saabsan muranka ay Dowladu Kenya Sheegtey in uu ka jiro Xuduud-Biyoodka ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxaana uu Kulankaas Dhex mari doonaa Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa ay tilmaantay... 

Baydhabo: Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda FS

Sep 14, 2014
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta si rasmi ah u furay Shirkii dib-u-heshiisinta saddexda gobol ee Koonfur Galbeed. Baydhabo, September 14, 2014—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa ka qeyb galay furitaanka shirweynaha dib-u-heshiisiinta... 

Raiisul Wasaaraha oo ka degey Magaalada Baydhabo si uu u furo Shirka Dib Heshisiinta

Sep 14, 2014
Wararka ka imaanaya Magaala madaxda Gobolka Bay ee baydhabo ayaa sheegaya in Maanta si rasmi ah uu halkaa uga furmi doono shir dib u heshiisiineed ah oo la filayo in ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiin ka socota Dawladda federaalka Soomaaliya.Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalida oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ayaa hore u iclaaniyay in halkaas uu ka furmi doono shir dib... 

Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo oo lagu eedeynayo Tacadiyo ay halkaas ka gaystaan

Sep 13, 2014
Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Keny ay xad gudubyo ka gaystaan degaano hoos yimaada Degmadaas. Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Diyaaradaha Ciidamada Kenya ay duqeyn dhinaca Cirka ah u gaystaan Goobaha ay Dadku Biyaha ka cabbaan ama Ceelasha iyagoo mar marsiinyo ka dhiganaya... 

Xukuumadda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa shaqaalaha Rayidka ah

Sep 13, 2014
Muqdisho, September 13, 2014—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka. Amniga guud, iyo qodobo kale oo kamid yahay dowladda Soomaaliya oo dib-u-habayn... 

Madaxweynaha DFS: Kenya inta wax iska Xar Xariiqatey ayey u Gudbisey Qaramada Midaabey si ay hesho Qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Sep 12, 2014
Xasan Shiikh Maxamuud oo Shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax u taagan Doorashada Sannadka 2016ka Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Habeenkii xalay Su’aalo toos ah ay weeydiinayeen Dadweynaha isagoo ku sugan Xarunta Villa Soomaaliya ayaa ka jawaabay su’aalihii ay dadku soo weeydiiyeen. Xasan Shiikh ayaa ka hadlay Barnaamijka Kufsiga oo beryihii dambe hadal hayntiisu... 

Cali Ameeriko “Waan Cafiyey ninkii Diley Gabadheyda Muddo laga joogo 22 Sanno “

Sep 11, 2014
“Aniga oo Joga Baar Liido ayaa waxa isoo agfariistey Nin markaasuu I yiri ma kula hadli kaaraa markaas aan ku iri haa waa ila hadli kartaa, markasuu I yiri Aabbe waan maqaley in uu Dhintey marka walaal aniga waxaan ka mid ahaa Koox Maleeshiyo ah oo soo weerartey Gurigiina, waxaana Weearakaas ku Geeeriyootey Gabar aad dhashey marka waxaan maanta kaa doonayaa in aad I Cafiso” sidaa Waxaa yiri Cali... 

Xildhibaan Shiiraar oo Beeniyey in Xarigiisa uu ka Dambeeyey Faarax Cabduqaadir.

Sep 10, 2014
C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar) oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay war lagu daabacay Shabakad ka mid ah kuwa Soomaalida, taasoo lagu sheegay in xarigga xildhibaanka uu ka dambeeyay Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Dastsuurka xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanka oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aysan waxba ka jirin... 

Madaxweyne Xasan oo Maanta Laba Sanno u Buuxsantey.

Sep 10, 2014
Munaasibad lagu Maamuusayo Sanad Guurada labaad ee ka soo wareegatay markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu qabtay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa la filayaa in goor dhow lagu qabto Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaa Khudbad ballaaran ka jeediyo taas oo uu uga hadlayo wax qabadkii Xukuumaddiisa mudadii labada sano ahayd ee ay dalka ka talinaysey.... 

Ciidamada Amisom oo lagu Eedeeyey in ay Kufsadeen Haween gargaar u doontey

Sep 8, 2014
Hayadda Xaquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa Warbixin soo saartey ku sheegtey in Ciidamada AMISOM eek u sugan Dalka Soomaaliya ay geystey Xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha ka dib markii ay Kufsadeen Haween Soomaaliyeed oo gargaar iyo Daawo u doontey, Hayada waxay sheegety in Ciidamada Uganda iyo Burndi ay ahaayeen kuwa lagu eedeeyey Falalkaas Kufsiga. Halkan ka akhri warbixinta human rights... 

Gen. Gaafow oo Beeniyey in Dowlada Talyaaniga diidey Baasaboorka Soomaaliga

Sep 7, 2014
Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyey in Dowladda Talyaaniga ay diidey isticmaalka Baasaboorka Soomaaliga marka ay timaado Dal ku galka Wadankooda waxaa uu intaa sii raacicyey “ Xooga awaxaa jirey Isfamwaa dhinaca isbedelka Baasaboorka waayo waxay ahayd in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ay ugu gudbiso... 

Dowlada Federaalka ayaa sheegtey in Dacwad ka Gudbineyso Shirkad laga leeyahay Dalka Norway

Sep 5, 2014
Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay Shirkada Shidaalka baarta ee DNO oo laga leeyahay dalka Norway inay waqti badan ku bixineyso sidii ay usii dheeraan laheyd daganaasho la’aanta ka jirta Somaaliya. Wakaalada Wararka ee Reutres ayaa soo xiganeysa war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Tamarta Somaaliya taasi oo ay ku sheegeyso in dacwad ka dhan ah Shirkadan u gudbin doonto Golaha Amaanka... 

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Maanta ee Soomaaliya.

Sep 3, 2014
Somalitalk 3-9-2014 Qaybaha kala duwan ee Saxaafada oo Walaac ka Muujiiyey Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida Iyadoo Maalintii Shaley oo Taariikhdu ahayd 2-9-2014 Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida kaasoo Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta aysan Faafin Karin War ku saabsan Xarakada Alshabaab iyo Howlgalada Ciidamada Dowladda , waxaana Amarkaan Walaac ka Muujiyey Qaybaha kala duwan... 

Warsaxaafadeed: Xukuumadda Soomaaliya oo go’aamo muhiim ah kasoo saartay howlgallada amni ee dalka ka socda

Sep 3, 2014
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada DFS ayaa u qornaa sidan: Muqdisho, September 02, 2014—Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxana laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo... 

Wasaaradda Waxbarashada oo soo Bandhigtay Manhajka Cusub, una Qeybsay Daladaha Ahliga.

Sep 3, 2014
Wasaaradda Waxarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Buugaagta Manhajka Cusub ee dalka uu yeelanayo kuwaas oo la dhameystiray Daabacaadooda islamarkaana lagu wado in laga dhigo inta badan Iskuulaadka Dalka sanadkaan kadib markii maanta loo qeeybiyay Daladaha gaarka loo leeyahay Buugaagtaasi Goobta lagu soo bandhigay Buugaagta oo aheyd Xarunta Daabacada Soomaaliya...