SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Suldaan Deeqow: Kenya Waxay Jubbaland u Gashay in muran la geliyo Kismaayo, si markaas loo ilaawo NFD

"Sababta kale ee Kenya u gashay Jubbaland waa Khayraadka Badda (marine resources)"

"Gaarisa Waa Dhul ay Leedahay Soomaaliya"...  "waxay NFD u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo taagan."

Guddoomihii Xornima Doonkii dhulka Soomaaliyeed ee NFD (Northern Frontier District), Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul, oo isagoo ku sugan magaalada Soomaaliyeed ee Gaarisa waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay in sababihii ay Kenya u gashay Jubbaland ay yihiin Khayraadka badda ee ku jira iyo Kenya oo ku fikiraysay in Kismaayo muran gasho oo markaas la ilaawo NFD. Waxana uu markaas hadalka ku adkeeyey "Sideedii ayey tahay NFD, waxay NFD u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo taagan."

Waraysiga halkan ka dhagayso (VOA June 11, 2013)


Xildhibaan Faarax Mallin: "Ma dhici doonto (Kulbiyow) looga taliyo Xamar, ninkii taas ku riyoonaya qarni kale ayuu ku nool yahay." Dhegeyso


Xildhibaan Aadan Barre Ducaale: "Waa u sheegnay madaxsweynaha Soomaaliya, ciidanka Kenya bixi maayaan, Soomaaliya waxaan ka rabnaa sarsar." Dhegeyso (Sidaas waxa uu ka yiri Gaarisa June 9, 2013)


TAARIIIKHDA NFD ... AKHRI HALKAN

 

Waraysiga Suldaan Deeqow Macalin Sanbuul waxaa la yeeshay weriye Maxamed Faarax Shire oo ku sugan Gaarisa.

Suldaan Deeqow waxaa uu si qeexan u sheegay in magaalada Gaarisa ay tahay dhul Soomaaliyeed, asagoo rumaysan in magaaladaasi aysan xor ahayn.

Waraysigii oo si kooban ay SomaliTalk.com ugu rogtey qoraal, hoos ka akhri:

Suldaan Deeqow: Jubbaland nidaamka loo sameeyey khalad weeye, dawlad ajnabi ah ayaa wadey, waxayna gashay ayadoo aan idan (ama ogolaansho) ka haysan Soomaaliya. Niman ayaa si xun ula taliyey dawladda Kenya. Waxa kale oo jirta in ay Jubbaland ku jiraan khayraad badeed (Marine resources), intii aanan la dhisin dawladahii kumeel gaar ah waxaan arki jirey niman dhallinyaro caddaan ah oo Farasiis ah oo halkan sii mara (sii mara Gaarisa) oo geli jirey Jubbaland kuwaas oo ahaa Joolojiiste wax baara.

Weriyaha VOA: Marka ma waxaad leedahay Kenya waxay Soomaaliya iyo weliba Kismaayo u gashay in ay noqoto meel lagu murmo oo weliba la isku qab-qabsado?

Suldaan Deeqow: Waakaas, kaas weeye, wax la qarqarinaayo ma aha, waa wax caddaan ah, 4000 oo ciidan ah ayey geysey ayadoo cid Soomaali ah aysan ogeyn, waxay ahaayeen wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo koox noocaas ah ayaa kaalmeeyey in Kismaayo la qabto oo loo qabto ayagoo markaas ku fikirsanaa in Kismaayo muran gasho oo markaas la ilaawo NFD. Sideedii ayey tahay NFD, waxay NFD u aamustay waayo Geeska Afrika ayaa burbursan, arrinta NFD waa masalo taagan.

Weriyaha VOA: Dhulkaasi (Gaarisa) sow dhul xor ah ma ahaa, oo dawladi ka jirto, maxaa ka khuseeya arrimaha Soomaaliya?

Suldaan Deeqow: Horta taas hadday xornimo jirto ragga dhallinyarada ee Jiilka (Generation-ka) soo bixi doona ayaa ka jawaabi doona, annagu sidaan u arkayno sidaas ma aha, arrinta lama xallin, jajuubna ma noqon karto.

Weriyaah VOA: Adiga Suldaan ahaan, maadaama adiga ay weli kugu qufulan tahay NFD iyo gobolkan oo xorooba oo gobol Soomaaliyeed noqda, xaggee ka xoroobeyaa Soomaaliyaa ayadii ayaaba khatar ka taagan tahaye?

Suldaan Deeqow: Dhegeyso, aniga mucaarad ayaan ahaa, Kikuuyo iyo anaga isku meel ayaan joogney. Iguma qufulna, waa wax Ilaahay i-siiyey.

Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul waxa kale oo uu sheegay in Kenya ay malaayiin shillin ku bixisay Kismaayo, waxana uu arrin khaldan oo dagaal hurin ah ku tilmaamay hadalkii Afhayeenka Dawladda Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ee ahaa in ay Kismaayo ka dhigtaan Sarsar. Waxana uu hadalka ku xoojiyey: Jubbaland waa dhul Soomaaliyeed, waa qayb kamid ah Soomaaliya waxana xukunkeedu soo hoos geliyaa dawladda Soomaaliyeed ee hadda jirta (taxta amri Somal). Axmed Madoobe waxaa riixaya waa Kenya." Waxana uu xildhibaanada ku jira baarlamaanka Kenya kula taliyey in ay arrinta Soomaaliya dhaxdhaxaad ka noqdaan.

Suldaanka oo hadalkiisii sii watay:

Suldaan Deeqow: Kenya waxay sheegtay in ay 8million oo shillin ku bixisay, sabab WHY? Maxay ugu bixisay? ayaa suldaanku weydiiyey weriyaha VOA.

Weriyaha VOA: Waxa uu ku jawaabay: Dabcan waxay (Kenya) sheeganaysaa inay isku difaacayso sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda (Aaden Barre Ducaale) oo yiri "Sarsar ayey inoo tahay Jubbaland."

Suldaan Deeqow: inta ayaa u ah (Sarsar), inta (Gaarisa) waa Soomaaliya.

Weriyaha VOA: Gaarisa waa Kenya ee Soomaaliya ma aha, ayuu yiriye weriyaah VOA.

Suldaan Deeqow: Ma aha Kenya. Juqraafi ahaan waa ku jirtaa Kenya, laakiin dadka dhulkan degan waa ayo? waa Soomaali, haddii aan Muqdisho tago yaa ka reebi kara (yaa ka hor istaagi kara).Wadankaan waa waddan Soomaali ah, haddii ay buffer zone-tahay We are buffer zone, anagaa ah aagga Buffer zone, midkale oo Buffer Zone ah lagama samayn karo Kismaayo.


STIRRING THE SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR?

Haddii arrintu sidaas kusii socoto, ayuu yiri Suldaan Deeqow Suldaan Macallin Sanbul, waxaa aakhirka arrintu ay noqon doontaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Kenya.

Dhanka Itoobiya inay ku lug leedahay (Kismaayo) markii la weydiiyey, Suldaanku waxa uu kaga jawaabey "Itoobiya kuma lug yeelan karto waxa halkaas ka dhacaya ayadoo fiirsanaysa ammaankeeda, waayo dhul weyn oo Soomaaliyeed ayey haysataa."

Gabagadiina Suldaan Deeqow waxa uu yiri "Afrika waa isa sixi doontaa, Afrika ma aha xor, waxa ku dhacay Soomaaliya waa wax loo qasdey, dhibaatada weyna inagaa u keenay, goboladii maqnaa ayey ka timid, anagaa baabi'nay militarigoodii, anagaa baabi'nay siyaasadoodii..."

Waraysiga halkan ka dhagayso

Codka Waraysiga waxaan ka xiganey VOA, qoraal ahaana waxaa u rogey SomaliTalk.com

Si aad wax uga ogaatid taariikha NFD AKHRI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com |  June 11, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda



Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."


somalia map