Home » Warar

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa

Nov 22, 2014
Iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka oo ku hanjabey in Maalinta Isniinta ay halkii ka sii wadi doonaan Heestii Somaaliyeey Toosa. Iyadoo Weli uu taagan yahay Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaasoo soo jiitamayey muddo ku dhow Laba bilood, waxaana Khilaafkaas uu sababay in Gabi ahaanba ay istaagaan dhamaan Howlahii... 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS

Nov 22, 2014
“Horumarku wuu sii soconayaa, iyadoo mudnaantu tahay Hiigsiga 2016, tanoo ah danta Soomaaliya” Mogadishu, November 22: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho ka dib markii ay ka qeybgaleen shirkii Heerka Sare oo lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark. Waa inaan dib u jaleecnaa shirkii... 

Shan Qof oo Soomaali ah oo Koonfur Africa lagu dilay Todobaadkani iyo cabsi kale oo jirta Warbixin – Daawo Video

Nov 22, 2014
Shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaadkani taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Pologwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada... 

Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed oo Xustey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21 November.

Nov 22, 2014
Xaflad lagu Maamuusayey Maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 November uuna soo qaban qaabiyey Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed STN (Somali Teachers Net-work ) ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Macalinmiin, Daladaha Waxbarashad, Hayadaha Samafalka, Bulshada Rayidka , Ardey,Ganacsato iyo qaar ka mid ah Macalimiintii hore . Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley... 

(Dugsi kamida Dugsiyada Quraanka ee Hooyo oo laga furay Magaalada  Gaalkacyo)

Nov 22, 2014
(Jamciyada Hooyo oo Dugsi Cusub ka furtay Gaalkacyo) 21.11.2014 Gaalkacyo Jimciyada hooyo oo kashaqaysa Arimaha Khayriga ah ayaa xarun cusub oo lagu baranayo quraanka kariimka ah kafurtay  xaafada garsoor ee magaalada galkacyo gaar ahaan agagaarka masjidka ramadaan. Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen hugaanka jimciyada hooyo , maamulka mu asasada al, minhaaj , dhalin yaro haween... 

Xildhibaano ka noqday Motion-kii – madaxwayne Xasana baaq u jeediyey

Nov 20, 2014
Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F. Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo. Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo horey... 

WARMURTIYEED – Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare – COPENHAGEN 19-20 November 2014

Nov 20, 2014
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen inta u dhexeysay 19 iyo 20 November, waxaana wada-shirguddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, waxaana martigelisay Dowladda Denmark. 2. Waxaa madasha shirka ku kulmay 56 wefdi (oo isugu jira dowlado iyo ururraba)... 

Al-Minhaaj- Maxaadaro kusaabsan Danbiyada Waawayn oo lagu qabtay Gaalkacyo

Nov 20, 2014
Muxaadaradaani oo lagu qabtay Masjidka Ramadaaan ee Xaafada Garsoor ayaa loo qabtay Bulshada qaybaheeeda kala duwan waxaana ay Masaajidka kabilabatay Salaadii Makhrib kadib. Muxaadarada ayaa waxaa soojeediyay shiikh cabdicaziiz axmad aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu kahadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada. Shiikh cabdicaziiz wuxuu... 
Halkudheg:

Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo ka digtay Cabudhinta Saxaafadeed ee Itoobiya ku hayso Ogaadeenya

Nov 19, 2014
Warbaahinta Qorahay Media oo mudo dheer hawada ku soo jirtay la aasasay sanadkii 1999, waxaa loo aasasay kadib markii ay muuqatay baahida saxaafadeed & sida Ogaadeenya aysan uga jirin wax saxaaafad ah xukuumadda Itoobiyana ay ka mamnuucday guud ahaan saxaafad oo qofkii loo maleyaa in uu aqoon leeyahay lagu tuuro xabsi kuwo badana ka soo carareen. Warbaahinta Qorahay Media waxay leedahay Yool &... 

Golaha Wasiirada oo Meelmariyey Miisaaniyadda dalka ee 2015 iyo Hindise-sharciyadeedyo

Nov 18, 2014
Muqdisho, Nov, 2014….. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey miisaaniyadda dalka ee sannadka 2015 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda. Miisaaniyadda oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha caalamiga ah ayaa gaaraysa $216 malyuun oo dollar,... 

Ridwaan Xirsi oo sheegey in Wasiirada soo jeediyey in Raiisul Wasaaraha uu Iscasilo uusan Saameyn ku yeelan doonin Howlahooda

Nov 18, 2014
Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ay bishu tahay 18-11-2014 waxaa uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha CabdiweliShiikh Axmed waxaana Shika Shir Gdoominayey Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin looga dhagaystay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg kaasoo ka hadlay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan is bedel weyn laga dareemayo. Gabagabadii... 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha ka Codsaday inuu Xilkaas isaga dego.

Nov 17, 2014
iyo Warmurtiyeed RW Cabdiweli oo tibaaxay: “Xubnaha Golaha Wasiirada oo ah Awooda fulinta dalka, waa iney u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka Dalka” Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah isugu yimid ayaa waxaa ay kulankoodaasi ka soo saareen Codsi sida ay sheegeen ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo kulankaas... 

Halkaan ka Akhriso Mooshinka looga soo hor jeedo Raiisul Wasaaraha ee loo Gudbiyey Gudoonka Baarlamaanka

Nov 17, 2014
Waxaa na soo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraalkii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay u Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka ee ku aadan Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Cabdiweli Shiikh Axmed ka dib markii ay is Khilaafeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud , Qoraalka ayaa waxaa ku cad Qodobo dhowr ah oo lagu eedeeyey Raisul Wasaaraha ka dib markii Xildhibaanada ku jaalka ah Madaxweynaha ay sheegeen in... 

Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda oo baaq soo saaray “Sawirro”

Nov 17, 2014
Kulan ay Axadii (Nov 16, 2014) isugu yimaadeen xubnaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan ay guddoonka u gudbiyeen qaar kamid ah Xuldhibaanada Baarlamanka ayaa soo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan Hay’addaha dowladda, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Mooshinku. Xildhibaan... 

WARSAXAAFADEED Kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ku Aaddan Dhisidda Maamulka Koonfur Galbeed

Nov 17, 2014
Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya... 

Xaalada Siyaasada Soomaaliya oo Meel Xun Mareysa ka dib markii mar Labaad oo Fashil ku dhamaadey Kulankii Baarlamaanka.

Nov 15, 2014
Kunakii Baarlamaanka oo markale Buuq ku dhammaaday…. iyo Shabakada ABC NEWS oo qortay in maraykanku jarayo gebi ahaan mucaawinada uu siiyo Soomaaliya haddii aan… Iyadoo Maanta loo madalsanaa Kulankii Baarlamaanka si looga doodo Mooshin ay soo Gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo ku aadan Raiisul Wasaarahada Soomaaliya, hase yeeshee markii Gudoonka Baarlamaanka uu... 

ONLF oo dagaalo cul-culus ku qaaday Ciidanka Ethiopia

Nov 15, 2014
Warar lagu shaaciyay Warbaahinta taageerta Ururka ONLF ayaa lagu qoray dagaalo cul-culus oo ay Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta xukuumada Ethiopia. Warbaahinta Qorahay Media ayaa qortay dagaalo qorshaysay oo ay ONLF ku qaaday meelo kamid ah dhulka Ogaadeenya dagaaladaas oo isugu jira Mir, Dhabagal, & Weerar ku qadaan Ciidama wadoonka. 13/11/14 Waxay Ciidamada ONLF weerarro saf balaadhan ah... 

Halgan.net oo labaraalriyey laguna kordhiyey qayb cusub (Radio Halgan)

Nov 15, 2014
Maamulka Shabakadda Wararka Halgan.net waxay ugu bishaareynaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed in ay hawada soo galisay Mareeg cusub oo Islaami ah oo la yiraahdo www.Radio Halgan.net Eeg Halkan waxaana si gaar ah loogu keydin doonaa Mareegta cusub Duruusta ,Nadwooyinka ,Muxaadaraadka iyo tawjiihaadka culumada Soomaaliyeed, Mareegta ayaa waxaad ka heli doontaa hadii alle idmo duruustii iyo muxaadaraadka... 

Xulashada Jimcaha: Xiirane & Xusuustiisii Nabadsugidda

Nov 14, 2014
Waa xusuus la yaab leh iyo gocasho xanuun badan. Waa casharro xiiso gaar ah leh oo noo soo gudbinaya xogo muhiim ah oo wax badan laga baran karo. Somalitalk, waxay toddobadaadkan akhristeyaasheeda u soo xushay, qoraallo taxane ah oo uu noo soo diyaariyay F. Xiirane oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidankii Nabadsugidda Qaranka ( NSS), sanadihii u dhaxeeyay 1976kii ilaa 1991kii. Halkan ka akhri  Read More →
Halkudheg:

Suldaan Dhiirane Muxumed  oo Dhaliil u jeediyey Taliska Ciidamada Amisom iyo Dowladda Federaalka.

Nov 13, 2014
  Suldaan Dhirane Muxumed Nuuriyow oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo ku haybta ah Marxuum Saalax Maxamed Nuur oo Bishii Janaayo 28 2014  ay dileen Ciidamada Amisom  ka dib markii si bareer ah u jiirsiiyeen Gaari ay lahaayeen ayaa dhaliil u jeediyey Taliska sare ee Ciidamada Amisom “ Balan qaadyadii ay u sameeyaan Taliska Amisom  Qoyskii Marxuum Saalax iyo weliba Bixinta Diyadii Marxuumka... 

Abdirahman Beileh : waxaa dalka laga dhisayaa 10 Xarumood oo leh dugsiyo farsamada gacanta

Nov 12, 2014
Mogadishu, November 12, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo cishooyinkii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia , ayaa maanta Caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay, isagoo shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle , ku faah faahiyay guulaha uu ka soo hoyay kulamo kala duwan... 
Halkudheg:

Baarlamaanka Kenya oo Dowladiisa ka dalbadey in Xiriirka u jarto Dowlada Soomaaliya Sababo la xiriira Muranka Badda.

Nov 11, 2014
Kulan ay isugu yimaadeen Baarlaamanka dalka Kenya 11-11-2014 islamarkaana uu shir Guddoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Wadanka Kenya ayaa waxaa looga dooday in dowlada Kenya ay xirirka kala dhexeya wadanka Soomaaliya ay jarto ,sababo la xiriira muranka Badda iyadoo lagu wado in dhawaan labada dowladood ay tagaan Maxkamada Hague ee Caalamiga si loo kala saaro. Xubnaha Baarlamaanka dalkaasi Qaar ka... 

RW. Cabdiweli “Waa inaan meel uga soo wada jeedsano ilaalinta Dastuurka KMG iyo Shuruucda dalka”

Nov 11, 2014
Warsaxaafadeed: Muqdisho, 11, Nov, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaadka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin . Ra’iisul Wasaarhaa ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga... 

Mu’assasada Al-Minhaaj Galdogob oo Safar Dacwo ku tagtay Xero-jaale iyo Isqanbuus

Nov 11, 2014
(Galdogob) Culumada Mu,assasada Alminhaaj Galdogob oo ay wehliyeen Odoyaal , Waxgarad iyo waliba Masuul kamid ah Gudida joogtada ah ee Golaha Deegaanka degmada ayaa waxay ugu bexeen Jowlo dacawi ah qaybo kamid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Galdogob. Jawladaani oo ah tii labaad ee Mu’asasadu ay ugu baxdo Deegaanada Hoostaga Galdogob ayaa waxaa looga gol lahaa in lagu wacyi galiyo Dadka deegaanadaas... 

Ra’iisul Wasaaraha DFS: “Xukuumadaydu waxay samaysay horumar ballaaran oo aan dib looga noqonayn”

Nov 10, 2014
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo hadal ka jeediyey Shirka Hay’adda Horumarka iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF): Muqdisho – 10 November 2014….. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey shirka wada jirka ah ee Hay’adda Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) iyo Golaha Sare ee Shuraakada Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya...