Home » Warar
Ogeysiis: Mutamarkii Seattle Washington oo la qaban doono June 4-6, 2010
MU,TAMARKII SANAWIGA AHAA EE AY SOO ABUUBULIJIREEN MARKISKA ABUBAKAR EE GOBALKA WASHINGTON,MAGAALADA SEATTLE,IYO GOLAHA IIMAMYADA EE WAQOYIGA MARAYKANKA.
WARGALIN..
Waxaa loogu hambelyeynayaa Dhammaan Muslimiinta degan Seattle iyo nawaaxigeeda in Abu-bakr islamic center uu marti galin doono Mu’tamarkii 9 aad ee sanad walba lagu qaban...
Muqdisho: Shirweynaha Odayaasha dhaqanka iyo Culumada
Shirkaas oo ka furmay Muqdisho oo socon doona 3 maalmood ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah:
1. Xal u helidda mushkiladda Somaliya
2. Xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka
3. Helida xoog islaami ah
Iyada oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo odoyaasha dahqanka , aqoonyahano, culumaau’diin dhalinyaro
Shirkaan ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan...
Guddi loo xilsaaray samaynta sharci ay yeeshaan suxufiyiinta Qaxootiga ku ah Uganda
iyo Haweenay iyo Afar carruur oo ku geeriyooday hilib sumeysan
Guddi loo xilsaaray in ay soo sameeyaan Sharci ay yeelanayaan urur Suxufiyiinta Qaxootoga ku ah Kampaala oo la dhamaystiray.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen wariyaasha Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Magaalada kampala ayaa guddi farsamo oo horay loogu xilsaaray in ay soo sameeyaan sharcigii lagu maamuli lahaa ururka ayaa la soo hordhigay...
Lecture ku saabsan xalinta khilaafaadka oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal ee L/caanood
Waxa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood lecture ku saabsan habka xalinta khilaafaadka (Conflict resolution) waxana soo jeediyay Dr. Cabdi Axmed Nuur(Cabdi Gurey) oo wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa isla markaana shahaadada labaad ee jaamacadeed (master degree of political science and history) culuumta taariikhda iyo siyaasadda ku soo bartay waddanka Rusia...
DFKMG oo Shirka Istanbul ka sheegtay in Badda Soomaaliya aysan hore u cabbirnayn
Arrintaasi waxay meel ka dhac ku tahay Xeerkii u deganaa Soomaaliya XEER # 37 (1972): oo ah Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya…
Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa shirka Istanbul ku soo bandhigay qoraal ay ku jiraan erayadan:
“Somalıa has the longest coastlıne ın continental Afrıca (3333) km and therefore a very important Economic Exclusive...
Gudiga Dastuurka iyo Federaalka oo Soo Bandhigey Warbixin Ka Hadleysa Mabaadii’ida Lagu Saleyndoono Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya
Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee “Madaxa bannaan” Cabdullaahi Xasan Jaamac ayaa shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 20/05/2010, iyadoo ay goob joog ka haayeen shirkiisa jaraa’id 26 xubnood oo ka tirsan gudigiisa, waxaana uu shirkiisa jaraa’id uga Hadley arimaha dastuurka, go’aano ay isla gaareen iyo waxqaabadkii gudiga dastuurka Shan sano kadib.
Gudoomiye...
Shirka Istanbul ee Turkiga oo lagu tilmaamey Shimbiriyahaw Heesa
Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya Jimcihii ka furmay Magaalada Istanbul ee Caasimadda wadanka Turkiga, waxaana la sheegay in looga hadlayo arrimo fara badan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr BanKin Mon iyo xubno kale oo ka kala socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, waxaana shirkaasi uga qaybgalaya Soomaaliya Madaxweynaha...
Sheekh Aadan Madoobey oo si weyn carooday in dib loo soo celiyo Ra’isul Wasaare Sharmaake…
iyo Hayadda PRADO oo Maalmahan Cunaqaybin ka wadey Deegaano ka tirsan Degmada Guriceel
……….
Sheekh Aadan Madoobey oo si weyn carooday in dib loo soo celiyo Ra’isul Wasaare Sharmaake…
Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) uu si weyn uga carooday in Madaxweyne Sheekh Shariif dib u...
Wararkii ugu dambeeyey dagaalada ka socda Muqdisho
– iyo Shirkii Istanbul oo ay Dowladda FKMG ka heshay taageera afka ah
– Buundadii Liiqliiqato ee Baladweyne oo burburtay ayadoo uu dulmarayey Gaari weyn oo siday Cusbo
Wararka dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho
Iyadoo mudo saddex maalmood ah ay dagaalo ka socdeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Shibis, Boondhere iyo Cabdicasiis ayaa haddana wararkii ugu...
Q. 2-aad: Warbixintii Dastuurka Jabuuti loogu samaynayo DFKMG
Warbixintii Gudiga Dastuurka Waa Loo Heesay….
Akh-ristoow inta aynaan qaybteena labaad u gudbin hadii aan taariikhda shirkii dibu heshiisiinta lagu qabtey dalka Jabuuti wax yar aan dib u eego, tan iyo xiligii lagu dhawaaqey shirka dibu-heshiisiinta Soomaalida in lagu qabto dalka Jabuuti 2008-kii, waxaa indhahaygu qabanayeen muuqaalo layaab leh oo shirkasta iyo siminaar kasta oo ay leedahay TFG...
Shiikh Shariif oo ka laabtey Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdi Rashiid
iyo Sheikh Shariif oo ka Dhoofay Muqdisho isagoo ku siijeeda Istanbul Turkey….
iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo u hambalyeeyey Cumar C/rashiid…
Warsaxaafadeed Sheikh Shariif kaga laabatay Xil ka qaadistii
Iyadoo Qalalaase siyaasadeed uu soo wajahday Dowladda FKMG ee uu hogaamiyo Madaxwyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii uu is qabqabsi uu dhexmarey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka...
Minneapolis: Mutamarkii 10aad ee Waqooyiga Ameerika oo la qabanayo June 18, 19 iyo 20, 2010
Qofkuu Illahay Khayr la doono, Diinta ayuu fahansiiyaa
Waxaa Farxad u ah Xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic Center inay idiin soo gudbiso Mu’tamarkii 10-aad ee sanadlaha ahaa. Abuubakar wuxuu idinku bishaaraynayaa sanadkan in Mu’tamarka labalaariyey,laguna daray qaybto siyaado ah, 1-Qaybta Soomaaliga oo usii kala bixi doonta ilaa sadex qaybood, waxaa kabixi doona Muxaadaraad iyo duruus...
Boston: Jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu wargelinayo in ay ka soo qaybgalaan barnaamij loo samayanayo Jaamadda Gedo
University of Gedo: Kulanka oo ka dhacaya Boston, Massachusetts, maalinta Axadda May 30, 2010.
Akhbaarta kulanka ka daalaco Flyerka hoose.
Abdulkadir Hindi
Email: abdulkadirhindi@yahoo.com
Read More →
Minneapolis: Shir ku saabsan Jaamacadda Nugaal University ee Sabtida iyo Minnesota
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa lagu wargelinayaa kulan looga hadli doono Shirka Jaamacadda Nugaal University oo Sabtida May 22 lagu qaban doono Jaamacadda Minnesota (Kulliyadda Carlson School of Management).
Hoos ka akhri goobta iyo waqtiga kulanka.
Read More →
Ururka Xisbul Islaam oo Shacabka uga digay in ay qaataan lacago DFKMG dhawaan soo sameysatay
Xoogaga islaamiyiita Soomaaliya ayaa ka hor yimid in deegaanada ay ka taliyaan laga isticmaalo lacag cusub oo ay dhawaan soo daabacatay dawlada kmgs islamarkaana lakeenay gudaha caasimada soomaaliya ee muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka banaadir ee maamulka islaamiga ah xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ganacasatada soomaaliyeed uga digay...
Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Dhul-Badeedka Soomaaliya uusan lahayn xad cabiran – Arrintaas oo la mid ah tii ay shacabku ka dhiidhiyeen
… iyo Walad Cabdalla oo si Jees-Jees ah uga Jawaabay eedayntii ay u soo jeediyeen 300 Xildhibaanada Soomaaliya (Video)..
Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, oo dhawaan la cabmaareeyey, islamarkaasna in uu iscasilo ay weydiisteen xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 300 xildhibaan, ayaa waxa uu Arbacadii 12 May 2010 ganafka kudhuftay...
Cumar Cabdirashiid oo ku Gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay Xukuumada
Ra’iisal Wasaare Sharmarke“Aniga iyo madaxweynaha waan is aragnay waxaan u cadeeyay in aan istiqaalo keenin, aqlabiyad baarlaamaana aan codka lagala noqon Xukuumada, Xukuumaduna ay tahay mid sharci ah”
“Taladii lasoo jeediyey ee ahayd in Madaxweynaha uu soo dhiso xukuumad ma waafaqsanayn Axdiga Kumeelgaarka. Qodobka 44aad iyo 51aad ayey ku caddahay” Cumar C/rashiid
Shir jaraa’id...
Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda
Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku taageeray go’aankii uu Sheikh Shariif uu ku casilay xukuumaddii Cumar Cabdirashiid. Warsaxaafadeedka aya au qornaa sidan:
WARSAXAAFADEED 012/2010
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo taageeray go’aanka Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda
Nairobi, 17 May –...
Wadooyinka Xerada Kakuma oo la dhisi rabo dhawaan iyo xaalada Kaakuma
Muqaal ahaan xerada Kaakuma waa guryaha Arshaanta ay kor ka saaran tahay Teendhada ay bixiso Hay’ada qoxootiga ad aduunka marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqaan UNHCR kuwa kalana waxa saray Tarniiga walow aysan u badneen sababtoo ah jawiga xerada ayaa ah mid aad u kulul, Markaad soo gashid xerada waxa ka jira loolan dhaq dhaqaaq oo ganacsi waxa ka furan tukaamo aad u waaween oo gudahooda ay...
Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo lakala direy iyo Afhayeenkii Barlamaanka oo xilkiisii iska casilay
Afhayeenkii Golaha Barlamanka Dowlada fedaraalka KMG somaliyeed oo sheegay in u xilkiisii iska casilay iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo aqbalaad ka dib xukumadii Raisalwasare shar’maarke kala direy .
Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo ay yeelato xukuumadda Federaalka kumeelgaarka.
Dhanka kale Sheikh Aadan madoobe...
Khudbadihii Walad Cabdalla iyo Dr. Faroole u jeediyeen Guddiga Dastuurka DFKMG
iyo Waraysi Gudoomiyaha Gudiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka DFKMG Cabdullaahi Xasan Jaamac ay SomaliTalk kula yeelatay Jabuuti ……
Warbixin;- Amb. Axmed Wallad Cabdalla “Ma Keligeeda Ayaa Muslim Ah Soomaaliya, Marka Haba Gaabnaadee Waa In La Helaa Qoraal, Ma Aha Dastuurku In Laga Dhigo Sida Aad Gaariga U Kaxeyneyso…”
Amb. Axmed Wallad Cabdalla oo ah wakiilka gaarka...
Warbixin dheeraad oo ku saabsan Xasuuqyada Ciidamada AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho
Ciidamada AMISOM oo la sheegay in ay nabad ilaalin u yimaadeen Soomaaliya waxay wadaan weli xasuuqa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana Xasuuqii ugu dambeeyey ka gaysteen wadada Makka Almukarama gaar ahaan halka ay ka degan yihiin shaqaalaha kadib markii gaari caasi ah oo ka yimid Suuqa Bakaaraha kuna sii jeeday Degmada Afgooye ay rasaas la beegsadeen, waxaana...
Soomaaliya: Madaxa Guddiga Baarlamaanka oo ugu baaqay inay si degdeg ah isu casilaan Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid
Cawad Cashara waxa uu Asharq Al Awsat u sheegay in dhibaatada saddexda hoggaanka haya ay sii socoto…
Qoraal ku soo baxay Asharq Al-Awsat … Turjumadii SomaliTalk.com:
Ayadoo uu si degdeg ah u soo shaac baxayo khilaafka u dhexeeya saddexda masuul ee ugu sareeya Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxweynaha), ayaa Cawad Cashara oo ah madaxa Guddiga Saxaafadda...
Ciidamada AMISOM oo guriga shaqaalaha mar kale Xasuuq ka geystay
Gaari hoomey ah oo marayey agagaarka guriga shaqaalaha isla markaana siday dad rakaab rayid ah oo u socday KM 4 ayaa waxaa risaas xogan la eegtay qaar ka tiran askarta Ugaandha ee fadhisinka ku leh guriga shaqalaha ee wadada Maka al mukarama ee Mgaalada Muqdisho.
Risaastan ayaa sababtay dhimashada 5 ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa iyada oo dhawac soo garay in ka badan 10 qof oo dhamaantood...
Somalia for Sale: Soomaaliya waa iib (Wasaarada Maaliyadda)
Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan...




