Home » Warar

Daladda SOSCENSA oo soo Gabagabeysey Kulan la tashi ah oo ku saabsan Dastuurka Qabyada ah

Feb 5, 2011
Daladda jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA), ayaa maanta oo Khamiis ah kusoo gabgabeeyay hoteelka Ambassador ee Muqdisho, kulan wadatashi ahaan oo ku saabsan qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Dallada SOSCENSA, C/qaadir sheekh C/llaahi Colow oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka ay kasoo qaybgaleen 60-qof oo ka kala socday ururrada... 
Halkudheg:

Baarlamaanka DFKMG oo muddo saddex sano ah ku darsaday waqtigiisii

Feb 4, 2011
Shariif Xasan oo sheegay in uu isu soo sharaxi doono guddoomiyaha baarlamaanka KMG…. iyo Maqaayadii Xildhibaanada oo mar kale dib u Shidantey Kalfadhi ay Khamiistii Feb 3, 2011 isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaanka  uuna shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif  Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa looga doodayey hadalkii dhawaan ka soo yeerey Dalalka la isku yiraahdo IGAD  ee ahaa in waqtigaan... 
Halkudheg:

Baarlamaan ay u harsan tahay Lix bilood Wax Go’aan ah ma gaari karo ,hadaba maxaa Xal ah ?!!

Feb 3, 2011
Madaxweynaha DFKMG  Xilkiisa oo  la sheegey in uu ku eg yahay  bisha Ogoosto Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya oo waqtiga loo Kordhinayo inta ka horeysa labaatanka Bishaan Iyadoo dhawaan Wadamada la isku yiraahdo IGAD ay sheegeen in loo baahan yahay in Baarlamaanka soomaaliya loo kordhiyo Xilliga uu jiraya ayaa waxaa arrintaa si weyn u soo dhaweeyey Xubnaha Baarlamaanka hase yeeshee  dhinaca... 
Halkudheg:

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo eedeyn Kulul u jeediyey SKA oo ka mid ah Shirkadaha Ajnabiga ee ku sugan Muqdisho

Feb 2, 2011
Waxaa Talaadadii shir Jaraaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho Guddi ka tirsan xubnaha baarlamaanka, iyadoo shirkooda jaraa’id ku sheegay in ay kaga soo horjeedaan Shirkadda SKA Air & Logistic ee ka howlgasha garoonka Diyaradaha ee magaalada Muqdisho ayagoo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan qaabka ay ku shaqeeyso shirkadasi. Gudoomiyaha Gudigaasi Xildhibaan Bishaare Cabdi Carabeey, Maxamuud... 
Halkudheg:

Gaari Zuu ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda FKMG oo Xasuuq u geystey Dad Rayid ah oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka Banaadir

Feb 1, 2011
(Waa arrin la yaab leh in shaqsi inta soo ka xaysta Gaari ku Calaamadeysan astaan Ciidamada Dowladda  uu Xasuuq u geysto Dad Rayid ah ) – (Inta lagu hayo Cidamada Beel Hebla iyo Ciidamada Hebel  Shacabka Muqdisho ka dheer Dowladnimo ) Isniintii Saacadu ahaad 4 Barqabnimo ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda FKMG  Gaar ahaan kuwa loo yaqaan PIS-ta waxay toogasho ku dileen nin la sheegay... 
Halkudheg: ,

IGAD oo isku raacday in loo baahan yahay in Waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka Federaalka KMG ee hadda

Jan 31, 2011
Halka Arrimaha kale ee siyaasadeed loo dhaafay Dadka Soomaaliyeed…. Qoraal ka soo baxay kulankii Ururka IGAD ee ku shiray magaalada Addis Ababa ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaa qormadaas lagu xusay “in xilliga Dawladda FKMG oo dhammaanayo 20 August 2011 sidaas daraadeed ay ururku isku waafaqsan yihiin in si degdeg ah loogu baahan in waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka... 
Halkudheg: , ,

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Farmaajo ka dalbaday in arrimaha shirkadaha uu qoraal kusoo gudbiyo

Jan 30, 2011
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Maxamed ayaa Axaddii hortegey Xildhibaanada Baarlamaanka Waxana uu xusay shirkadaha uu kusoo ogaadey baaritaankiisii, sida SARACEN, SKA, SO, iyo shirkado badan oo uu sheegay in aan baarlmaanku aysan ogeyn oo dalka jooga oo qaarkood heshiis la galay Qarammada Midoobay iyo Maraykaanka… Qaar kamid ah Hadalkii Farmaajo Dhegeyso [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_jan30_shirkado.mp3] Xildhibaanada... 
Halkudheg:

Warbixin: Jaaliyadda Soomaalidda ee Dalka Jabuuti oo Fariin Digniin Ah U Direy Diyaariyeyaasha Qabyo Qoraalka Dastuurka iyo Dowladda Federaalka.

Jan 30, 2011
Denjire Cabdiraxmaan Guulwade “…Idinkaa Soo Diyaariyey oo Aqoon Yahankii Ah, Yeynaan Dukumiinti Ahaan u Jebin, Annagoon Dagaalamin…” Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) “…Dastuurka Qadiyadda Yaan Laga Qadin Ee Qodobo Ha Loogu Qoro…” SII AKHRI…  Read More →
Halkudheg: ,

“Museveni oo ku gacan sayray laba arrimood oo uu ka codsaday Sheikh Shariif”

Jan 29, 2011
iyo Sheikh Shariif oo Sabtidii u dhoofay Itoobiya — Madaxweynaha DFKMG oo dadaal ugu jira sidii Xilka loogu kordhin laaha ayaa Kulan ku saabsan arrintaa wuxuu la soo yeeshey Madaxweynaha Uganda (Maxaa ka soo baxay Kulankaas) — Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Safar Deg deg ah ugu baxay Dalka Uganda, Deg degna dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho ayaa warar... 
Halkudheg: , ,

Madaxweynaha DFKMG oo Waraaqihii Aqoonsia Ka Gudoomey Danjiraha Cusub ee Itoobiya

Jan 29, 2011
Dowlada Federaalka  oo aan marnaba ka hadlin Wakiilada Itoobiya u magacwdo Maamulada Soomaaliland Iyo Pundland Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shaley dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho ka dib markii uu magaalada Kambaala ee Dalka Uganda kulan Xasaasi ah  uu kula  soo yeeshey Madaxweynaha Uganada ayaa wuxuu Waraaqihii  aqoonsiga Danjiranimo Magaalada Muqdisho kaga... 
Halkudheg: , ,

Puntland: Wasiiro xilkii laga qaaday

Jan 29, 2011
Wareegto ka soo baxday Puntland ayaa xilkii looga qaaday Afar Wasiir iyo Wasiir ku xigeen, waxaana lagu bedeley wasiiro cusub. Wasiirada xilkoodii waayey waxay kala yihiin: Axmed Cilmi Cismaan (Garaash) oo ahaa Wasiirkii Duulista iyo Garoomada, Cabdixakiim Axmed Guuled oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta, Maxamuud Nuur Xirsi (Cagweyn) oo ahaa wasiirkii Isboortiga & Shaqaalaha iyo Xasan Cabdi Axmed oo... 
Halkudheg: ,

Shirkii Norway oo Digniin loogu diray DFKMG

Jan 28, 2011
iyo Magacyada dadkii ka qayb galay shirkaas…. Kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, looguna magac daray “Kulanka Nabadda, Wadahadalka iyo La dagaalanka Xag-jirnimada” oo lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway 13-14kii Janaayo 2011 ayaa waxaa ka qayb galay dalalka loo yaqaan NORDIC (Norway, Denmark, Finland iyo Sweden). Qoraalkii lagu furay kulankaas ayaa xubnihii ka socdey DFKMG... 
Halkudheg:

Furitaanka Dhismaha Cusub ee Masjidka A-Ixsaan ee Magaalada St.Paul, MN.

Jan 28, 2011
Waxaa dhamaan Muslimiinta ku nool labada magaalo ee mataanaha ah iyo nawaaxigooda lagu marti qaadayaa xafalada furitaanka ee Masjid Al-Ihsan. Oo ay kasoo qayb gali doonaan Culimo badab oo ka kala socota Masaajida ku yaala Magaalooyinka mataanaha. Sabti Janaayo 29, 2011 10:00am-7:00pm Fadlan fiiri Flayer-ka hoose.  Read More →

Dalka Malaysia:- Buuq iyo dood ka taagan Maxkamadeynta Burcad-Badeed Soomaali ah!

Jan 28, 2011
Khamiis  January 20, 2011 ayay aheyd markii Burcad-Badeed Soomaali ah kuna hubeeysan AK-47 ay afduubteen Markab lagu magacaabo MT Bunga Laurel balse Shaqaalaha Markabka ayaa Qaylo dhaan u dirsaday Markab dagaal oo ay dowladda Malaysia leedahay kuna sugan meel u dhow Xeebaha Soomaaliya kaasoo ugu danbeytnii soo bad-baadiyay Markabka iyo Shaqaalihii saarna iyadoo Dhaawac u geestay qaar ka mid ah Burcad-Badeeda... 
Halkudheg:

Sheekh Shariif oo laga yaabo in uu Maro Wadadii uu xilka isaga Casiley Cabdulaahi Yuusuf

Jan 27, 2011
Shiikh Shariif haddii uu tago waa in ay la tagaan Ragga kale ay Dowlada kuwada jiraan waayo.. Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Arbacada saqdii dhex mar ahayd tahay waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegey rag isaga ku dhow dhow isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay u... 
Halkudheg:

“Xilliga Ku Meergaarka ah waa inuu dhammaado bisha Agoosto”: Ergeyga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya

Jan 27, 2011
“Dhammaadka xilliga ku meelgaarka waxaa nooga harsan toddoba bilood oo keliya, welina waxaa harsan wax badan in la qabto” Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 03/2011 Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya: Xilliga Ku Meergaarka ah waa inuu dhammaado bisha Agoosto Nayroobi, 26 Janaayo 2011 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha... 
Halkudheg:

Dawladda Norway oo Joojisay Qandaraaskii Shirkad Gaar loo leeyahay looga iibiyey Markab Militari oo ka hawl geli lahaa Xeebaha Soomaaliya

Jan 26, 2011
iyo DFKMG oo Sheegtay in ay xiriirka u jarayaan Shirkadda SARACEN – iyo Puntland oo ilaa 2012 waqtiga u kordhisey  Africa Oil, Range Resource iyo Lion Energy , waqtiga sahaminta batroolka…. “Heshiiska waxaa shirkadda reer Norway la soo galay sarkaal hore u ahaan jirey Wasiir , laakiin hadda ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha DFKMG” ilo wargal ah oo ku sugan Norway… Shirdon... 
Halkudheg:

VIDEO DAAWO: Soomaalida Minneapolis oo mudaharaad ka hor geeyey xubno ka socdey Gumeysiga Itoobiya

Jan 24, 2011
VIDEO laga duubay dareenka Soomaalida Minnesota ee ku aaddan gumaysiga Itoobiya: Galabnimadii Axaddii (Jan 23, 2011) ayaa mudaharaad xooggan waxa uu ka dhacay faras-magaalaha magaalada Minneapolis, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka soo safray Itoobiya. Meesha mudaharaadku dhacay ayaa la sheegay in Hotel ku dhaw ay ku degeen xubnahaasi. VIDEO-ga Hoos ka daawo Waxaa dariiqyada u dhow... 
Halkudheg: ,

Qiime Dhimis ay sameeyeen Kooxaha Burcadeeda Soomaaliya ka dib markii la weeraray …

Jan 24, 2011
Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo sanadkii la soo dhaafay lacag fara badan ka helay Maraakiibta ay qafaashaan ayaa lacagtii ay heleen lagu qiyaasay sanadkaas 238 Milyan kadib markii sanadkaas ay afduubteen ilaa iyo 50 Markab, hase yeeshee arrinta burcad badeeda waxay cirka isku shareertay markii todobaadkaan lagu soo qaaday weeraro looga furtay labo markab. Markabkii ugu horeeyey ee todobaadkaan... 
Halkudheg:

Warbixin: kullamo ka socda Jabuuti iyo codadkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta DFKMG, Wakiilka AU iyo Mahiga

Jan 23, 2011
Wasiirka Qoreynta DFKMG Prof, Cabdiwali Maxamed“…In Hay’adda UNDP Soomaaliya ay u Fakarto, Koleey Annigu Intaan Joogo Ma Dhaceyso !!” wareysi muhiim ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan “Waxaad Moodaa Inuu Shirkaanu Ka Xoog Badan Yahay oo Annaguna Haddaanu Nahay DF-ka Aan Uga Xoog Badanahay Ka Qaybgalkiisa Sidii Hore…” Denjire Mahiga “…Haddii Aan... 
Halkudheg:

Gurigii Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka oo Soomaalida dib loogu soo celiyey

Jan 23, 2011
“waxaa markii hore si Qarsoodi ah looga iibiyeen nin Jarmal ah Asalkiisa ka soo jeedo Dalka Giriiga, kaas oo ay laga qaatay Lacag horumaris oo Dhameyd 147000€…. Safaaradda waxaa hore u iibsadey laba nin oo hore uga tirsanaa Safaaradda, waxaana hadda Maxkamad Jarmalka ahi xukuntay in aan cid gaar ah laga iibin karin hanti ummadda Soomaaliyeed ka wada dhaxaysa… Danjire Tifow :-... 
Halkudheg:

Prof. Dalxa oo Xabsiga Mombasa ku booqday Dhalliyaro Da’yar oo ku xiran halkaan

Jan 23, 2011
Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka KMGS oo Xabsi ku yaala Magaalada Mombasa ku booqdey da’yar qeyb ka ah Qaxooti Soomaaliyeed oo ku xirxiran Xabsiyada wadanka Kenya. Mudane ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo booqasho ku jooga Wadanka Kenya ayaa waxa uu u kuur galay Xaaladda Qaxooti Soomaaliyeed oo ku xirxiran xabsiyo ku yaala Magaalada Mombasa. Xildhibaan Prof.Max’ed Cumar Dalxa... 

Shirkadda SKA: “Waxaan nahay Shirkad Madaxbanaan oo aan Cidna hoos Tagin”

Jan 23, 2011
“Lacagata aan gelineyno Garoonka waa mid Qar Iska Tuurnimo ah” Shirkadda SKA Air & Logistic oo dhawaan Dowladda Federaalka la gashay heshiis 10 sano ah oo ku saabsan in shirkaddaasi maamusho garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa iska fogeysay warar sheegayey in ay hoos tagaan Mareykan, Yurub, Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo caalami ah. “Waxaan nahay shirkad ganacsi oo dooneysa in ay... 
Halkudheg:

Ciidammo ka socda dalka Malaysia oo si xoog ah ku furtay Markab u afduubnaa Burcad badeed Soomaali ah.

Jan 22, 2011
Ciidamada Badda ee dalka Malaysia ayaa aroortii hore ee Maalinimadii Jimcaha aheyd January 21, 2011 xoog ku soo furtay markab ka diiwaan gashay dalka Malaysia oo ay burcad badeed Soomaali ah ka afduubteen meel u dhow gacanka Carbeed habeenadii Khamiista ku dhawaad 11pm xilliga Afrika. Markabka oo lagu magacaabo MT Bunga Laurel iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa oo gaaraya 23 ayaa laga soo badbaadiyay... 
Halkudheg:

Mahiga oo Bilaabey in uu dhexdhexaadiyo Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole

Jan 21, 2011
iyo Shiikh Shariif oo Khamiistii ku soo laabtay Muqdisho – Iyadoo dhawaan Maamulka Puntland uu ku dhawaaqey in uu xiriirkii u jarey Dowladda Federaalka ee uu Madaxda u yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed  iyagoo ku eedeeyey Dowlada Federaalka in ay ka soo horjeedo Horumarka Deegaanada Maamulka Pundland,  hase yeeshee waxaa jira in la sheegay dhab ahaan in  Maamulka uu ka xumaadey Hadal ka soo... 
Halkudheg: ,