SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Warbixin: Jaaliyadda Soomaalidda ee Dalka Jabuuti oo Fariin Digniin Ah U Direy Diyaariyeyaasha Qabyo Qoraalka Dastuurka iyo Dowladda Federaalka.

Denjire Cabdiraxmaan Guulwade “…Idinkaa Soo Diyaariyey oo Aqoon Yahankii Ah, Yeynaan Dukumiinti Ahaan u Jebin, Annagoon Dagaalamin…”

Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) “…Dastuurka Qadiyadda Yaan Laga Qadin Ee Qodobo Ha Loogu Qoro…”

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyey Gudiga la tashiga dadweynaha ee qabyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ay ka soo qayb galeen Denjiraha Soomaaliya ee dalka Jabuuti u fadhiya, Amb, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, aqoon yahano Soomaaliyeed, Abwaano, waxgarad, dhalinyaro iyo haween ayaa lagu qabtey Hoteel Rayaan ee caasimadda dalka Jabuuti.

Furitaankii Aqoon is-weydaarsigan ayaa waxaa ka Hadley Denjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti Amb, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad oo ah hogaamiyaha gudiga Iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga, Aqoon yahan Soomaaliyeed Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax), Sangub, odey dhaqameedyo Soomaaliyeed, inta badan xubnaha meesha ka Hadley ayaa waxay hadaladoodu ku soo noq noqonayeen halka uu gaarey bur burka dalka, baahida loo qabo sidii loo heli lahaa nabadgelyo, nidaam iyo dastuur kala haga oo uu yeesho dalka Soomaaliya.

Denjire Cabdiraxmaan Guulwade oo meesha ka Hadley ayaa waxaa uu mahad balaaran u soo jeediyey shacabiga reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana ku dheeraadey wax qabadka mudadii dowlad la’aanta ka jirtey sida ay ugu gurmadeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo walina ay u garab taagan yihiin

“maanta waxaa nahaya wiilall yar yar oo 14 jir oo u weyn yahay meel ay ka socdaan iyo wax ay ka socdaan aqoonin iyo kuwo ka siiwaalan oo iyaga ka dambeeya oo aannan waalid xuseynin, walaall xuseyn oo qori loosoodhiibey oo haween cizeyn oo cauur cizeyneynin oo dadka dilaaya, waa dadd qalato cusub waxaan dhihi lahaa, maanta kuwaas ayaa dalkeena nabada u diidey,wixii kale oo dhan markey soodhamaadeen, jabhadihii qabiilka ahaa, kuwii looma dhama dhihi jirey waa wada aamuseen, waxaanaa yimid fidnadaan, waxaan uga bixikarnaa inagoo kuligeen isutagno oo wiilashaas dadkii dhaley ay qabtaan, hadaysan qabsankarin shacbiga soomaaliyeed uma gagsankaro intaan ka badan…”


Fadhiga guud ee shir guddoonka

Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad iyo xubnaha la socda waxay sharaxaad ka bixiyeen qaabka dastuurka ay u soo diyaariyeen, waxa laga doonayo dadweynaha Soomaaliyeed, sida ay usoo gudbinayaan fikradahooda iyo balan qaad ay bixiyeen xubnaha gudiga oo ahayd in aan la qoreyn wax aysan dadweynaha Soomaaliyeed raali ka ahayn.


bidix Guulwade oo Akh-rinaaya Qabyo Qoraalka , midig xubnaha qabyo qoraalka iyo xubin safaaradda ka tirsan

Suldaan Axmed Jaamac Xirsi “Da’baa maykarafoonka la iisoo hoos dhigayey ee caqli la iima soo hor dhigin, waa mahadsan tahay qoladii da’da igu ixtiraamtey, kelmad baan oranayaa u noqon maayo, waxaan hadalka u badineyn waxaan iri hore Soomaali baan u soo Iri, wax aan iri way arki doontaa aakhirka marka u dambeysa, way soo aragtey wax kalena waa hareen, Dastuurka qabyada ah ee la keeney yeynaan ku murmin, dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle madaxda u yahay cimrigiisa alle ha dheereeyee, waqti kasta inaynu korkooda ku murano oo wax kasta inoo qabtey oo heer kastaba gaarey ceeb iyo fadeexad bay inoo tahay, bal maanta keliya Dastuurkii bay ku heshiiyeen intaa keliya hala helo, haddaad ku heshiisaan adinkuu dan idiin yahay, anniga dan iima aha, wadankiina waa la idiinka qaadi doonaa maalin kasta haddaad sidaan isu hor fadhisaan”. Codka Suldaanka oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

Abwaan Sangub“…Ruwaayadaha Aan Sameeyey Waa Qabyo, Dowladuna Waa Qabyo, Dastuurkuna Waa Qabyo…”

Sangub “tacab baa la galey, waloow goorta layna soo dhex dhigey iyo goorta aynu doonayno inuu hirgalo ay kala fog yihiin, kalkii dastuuradda aduunku sameysanayo laba uun baa mid loo qaadaa, in magaaladeena la yimaado oo toban ruux wax la weydiiyo oo hadey lix is-raacdo la yiraahdo wey ogoshahay magaaladaasi, waxaa ugu daran dadka hadal jaceylkiisa qoladii inoosoodhigtey ee haddana buugaggta ina siisey oo khudbeyneysa, wixii ra’yi ahaa oo idil halkaan ayey ku qoran tahay, waqtigii baa dib u riixmaya, annigu waxaan oran lahaa dastuurka ninkii yiraahda imakhuseeyo, isagoon dastuur lahaynba wuu dhaqmayey ee ma dastuurkaa uga daraya dadka, koleey waa in midaa laga fakaro” ayuu yiri isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey


Sangub oo hadlaya

“waxaa jira wax ina dhibey, mathalan ruwaayadaha aan sameeyey waa qabyo, dowladuna waa qabyo, dastuurkuna waa qabyo, dastuurkuna maxaad inoogu soo dhameystiriweyseen, waxaad ogtihiin waxaa fiican ee aad soo sameyseen inay koley ku murmayaan, waa wax ay dabeecad u leeyihii, annigu khudbad ma aqaano ee waan gabyaa, isaguna waqtiguu idiinka qaadayaa, annigu dastuurkan waxaan qabaa fikrad sidaan si ka dabacsan loo dedejiyo, maadaama aynu badaney, annigu maanta waxaan ahay 40 qof baan ahay, marka dastuurkeenii hore anni uun buu ila ekaa, ileyn ceeb ma lahayne dadkiin baa batey ama dhibihii baa batey, haddana waxaan dastuurkan ku raacsanahay Diinteena halagu saleeyo, deedna kii diinta diidaa aan gaal u aqoonsano”.

Sangub waxaa kale oo uu ka Hadley arrimaha federaalka “federaalka waxaa la yiraahdaa diinteena uun baa sameyn karta, laakiin waxay dhashaa fasahaado, haddaan diinteenu xakameyn, federal waxay u isticmaalaan qofku wuxuu doono in uusameynkaro, laakiin diinteenu iyadu xukun bey leedahay, inkastoo aan ka jeclaa qabyo qoraalka dhameystir, qabiilkii baan raadiyoo, raadiyoo labadeyda bahood uun buu noqdey, adigu hab sidaas baa tahay iyo hooyadey dheg uma soogadin waxaan ka dhamaan la’ahay caruurteydii, niman yahoow Ummadd baynu nahaye bal wax aynu isku raacno, khaladka gadaalba halaga saxee, Qodobka shanaad caasimadd hala sameeyo baa la yiri, Muqdishona waa la eedey maxaynu ku sameynaa baa imaaneysa…”

Haddaad wax tixgelineysaana waxaan ahay gabyaagiina oo duqoobey oo jecel Ummadda Soomaaliyeed, haddana gabyaagu wuxuu ka hadlaa Ummaddiisa dareenka ku jira, anniga dareenkeyga baa kan ku jira, waxaan deena oran lahaa…” Sangub gabaygiisa iyo hadalkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

Furitaankii aqoon is-weydaarsiga kadib, xubnaha gudiga iyo ka sooqayb galayaashii siminaarka ayaa waxaa dhex martey dood kulull oo xamaadsad sare leh, islamarkaana ku bilaabatey qaab dhaliileed iyo su’aalo, doodaasoo ifisey waxyaabo badan oo qarsoonaa.

Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) “…Dastuurka Qadiyadda Yaan Laga Qadin Ee Qodobo Ha Loogu Qoro…”

Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) oo ka Hadley meesha ayaa ugu horeyn ifiyey waxyaabo badan wuxuu yiri “anniga dastuurka Soomaaliya ardey ahaan baan ku bartey,…, dastuurka soomaaliya waxaan aad iyo aad ula dhacsanaa qaabka loodhigey oo loo dhisey, afar qodob oo mucjiso ah oo ku yaaley oo aan dhamaanteen mutafiq ku noqoney, afartii qodob midna halkaan laguma soo xusin…” codkii Xaaji Dhagax ka halkaan ka dhegeyso. iyo HALKAN


Duuliye sare Xaaji Dhagax oo ka hadlaya qabyo qoraalka

Denjire Cabdiraxmaan Guulwade “…Idinkaa Soo Diyaariyey oo Aqoon Yahankii Ah, Yeynaan Dukumiinti Ahaan u Jebin, Annagoon Dagaalamin…”

Denjire Cabdiraxmaan Guulwade oo inta badan sharxaad dheeri ah siinayey dadka islamarkaana aqoon is-weydaarsiga xiiso weyn gelinayey qaabka uu u socdey ayaa wuxuu yiri “… idinkaa soo diyaariyey oo aqoon yahankii ah, yeynaan dukumiinti ahaan u jebin, anagoon dagaalamin, yeynaan tanaasulin, inta dastuurka Itoobiya ku taala keena halagu qoro, hadey yiraahdaan dal baad raadineysaan iyo durugsi, adinkaaba qorey iney soomaali meesha degan tahay, xaqna u leedahay aayo ka talin, waad mahadsan tihiin”. Halkan ka dhegeyso hadalkii Guulwade.

Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad “…Waxaan Idiin Niri, Waa Qabyo Qoraal, Meelo Badan oo Laga Tegeyna Waa Ku Jirtaa…”

Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad oo ahaa hogaamiyihii xubnaha gudiga dastuurka oo ka jawaabaya labada mas’uul soojeedinada kala duwan ee ay soo gudbiyeen ayaa wuxuu yiri “labadaan soojeedineed ayaan rabaa inaan isku duubo, ma ahan innaan su’aalihii xirney, waa arin aad u taabaneysa nolosha dadka soomaaliyeed, mida xaaji dhagax uu sheegey ama saaxiibkey sahal aan iraahdee iyo safiirka, waxna qabyo qoraalka ayey ku qoran yihiin, waxna kuma qorna, waxaan aan sido, markaan bilaabeyney waxaan idiin niri, waa qabyo qoraal, meelo badan oo laga tegeyna waa ku jirtaa, waxa loogateyna aqoondari ma ahan, laakiin waxaa ujeedadu tahay wuxu inay noqdaan wax meel laga bartiireyn karo…” codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.


Sheekh Cabdullaahi oo akh-rinayo qodobo ka mid ah qabyo qoraalka

Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa sharaxaad ka bixinaya qaabka ay u soo qoreen, qodobada la isku haysto, wuxuuna akh-rinayaa qayb ka mid ah qodobada buugga ku qoran “cutubka koowaad, qodobka afaraad, waxaa ku qoran meeshaan soomaaliya waa jamhuuriyadd federaal ah oo gobb ah, kuna dhisan matilaada dadweynaha loodhan yahay…” codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

Sangub oo dooda isna qaybtiisa ka galey ayaa wuxuu yiri “midnimada soomaaliyeed in dadd la dhex dhigo ma ahan, waxaa weeye findhicil ma xalaall baa mise waa xaaraan, innagu dastuurka inuu wax isukeennaan rabney, marka in laga doodaba ayaa xaaraan ah, annigu sidaan qabo…” Dhegeyso


Xubno safaaradda iyo shaqaalaha hoteelka iyo Duuliye sare Xaaji dhagax

Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi oo markale ku soo noqdey doodda ayaa sidaan qaba “tti hore fadhi ayaan ku sheegey, markaan waan u istaagayaa, ninka la yiraahdo Xayle Salase, wuxuu ahaa nin wax yaqaan, 1963-dii wuxuu suubiyey, wuxuu yiri afrikooy soohdin waxaa noo ah, soohdinta uu suubiyey isticmaarka, laakiin sohdineey maxaa tahay?, waan idiin baryaa ii dulqaata kelmadaan…” codkiisa halkaan ka dhegeyso. iyo HALKAN

 


Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi
 

Denjire Guulwade oo dooda soo dhexgaley markale ayaa wuxuu yiri “innaga iyo jiiraanka xuduuda inoo dhexeysa, waxaan u naqaanaa xuduud beenaad, innagana markii la sameynayey nalagama qaybgelinnin, xuduudu waa laba nooc…” codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.


Tarabi oo ka hadlaaya

Maxamuud Tarabi oo ka mid ah xubin gudiga Olonbikada Soomaaliyeed oo isna goobta joogey ayaa qaba fikir ah “xuduudihii uu sameeyey isticmaarka, markaan ka hadleyno, kii hore ee xorta ahaa ayaa is-baarooyin lag dhex sameystey oo waxaa loo baahan yahay in la qaado is-baarooyinkaas, marka kaas intaan la gaarin guriga dhexdiisii hore, marka in laga hadlo kaas ayaa ku haboon, laakiin qodob aan meesha ku arkey cutubka shanaad, qodobkiisa koowaad wuxuu leedhay, dhulka waa kheyraadka koowaad ee dalka, nimanka aqoonyahanadda dhaqaalaha ku takhasusey, aduunka waxay u qoraan, hantida koowaad ama kheyraadka koowaad ee dal leeyahay, waa bani’aadamka, haddaba...” codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.


Cali Daahir

Calidaahir Xasan Calikure oo ah gudoomiyaha qoxootiga Soomaalida jabuuti oo isna aragtidiisa dooda ku cabiraya ayaa wuxuu yiri ‘…waxaan jecelnahay in ay ka muuqato sidii aan ugu soo barbaarney, inay soomaali shantaa tahay, gumeysiga u qaybiyey, laakiin Soomaaliya looyaqaano ee DF lagagga Hadley oo dastuurkaan federaalka loosameynaayo waa nambar Sabankii…”

Doodan ayaa ku soogebagebowdey si xamaasad ay ku jirto, islamarkaana laga dareemayey, boogaha waaweyn ee ka qodan dalka iyo dadka Soomaaliya oo mudadda fog ee dowlad la’aanta ka jirta, lagu sababeynkaro, iyadoo aan loo helin aqoonyahano iyo siyaasiin wax ku oola ah oo maareysa.


Axmed Nuur

Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo ka mid ah xubnaha gudiga dastuurka ee diyaarinta qabyo qoraalka Dastuurka oo aan kula kulmey Hoteel Rayaan waxna ka weydiiyey ujeedadda safarkooda ee dalka Jabuuti, arrimaha qabyo qoraalka dastuurka iyo qaybaha ugu muhiimsan ee su’aalaha taagan ayaa wareysigiisa ku sheegey... Halkan ka dhegeyso..

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 29, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: