Home » Maqaallo
Aqool xumada hey’adaha gar gaarka, iyo Xeeladaha Barakacayaasha, Alloow ur u bixi,
war bixin ka hadleysa xaaladda, Barakacayaasha…
Weedhan ama hadalkan waxa ay dibnaha qof ama bulsho soo dhaafaan marka hooyo ubadkeeda diidoo wax la quuto la waayo, ama naf nolol lagu ogyahay ay dabin u gasho wax halis ku ah, welina aan laga quusan, hadaba maanta dad badan oo soomaaliyeed waxa ay halis ugu jiraan geeri,welina lagama quusanoo naftu wey ku jirtaa,waayoo inta cagahooda soo maashayee...
Saadaalinta siyaasadda iyo horumarka Ahlu sunna waljameeca
Todobaadkaan, August 26, 2011, ayaa magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud loogu doortay Prof. Xirsi Maxamad Hilowle, Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunnah waljamaacah. Professorka waxa alagu doortay cod aqlabiyad ah oo ku dhacay nidaamka ah “hal nin iyo hal cod” oo ka barax la’ musuqmaasuq marin habaanin iyo muruq marin intaba. Haddaba waxaan maqaalkaan ku falanqaynaynaa waxa uu Prof. Hilowle ku...
Isbedelka Dunida ka socdaahi waa dib usoo noolaashada Soomaaliya.
Subxaana muqayiril axwaal: Soomaalidu waxeey ku mahmaahdaa ‘’Qeeyla yeertaa qoon ayey qeeyr utahay” Waxaa aad dareenkeeyga usoo jiitay isbedelada lama filaanka ah ee Dunida kasocda kuwaasi oo igu dhaliyey feker ah ineey suurta gal weeyn tahay in Soomaaliya dib ugu soo laabato Dunida iyadoo Maamul, kala danbeeyn iyo nabadi ka jirto 21 sano kadib.
Hadii aad u fiirsato isbedelada dunida...
Baaq ku aadan carqaladaha ka socda magaalooyin ka mid Dalka Ingiriiska
OGEYSIIS:Dhamaan Waalidiinta, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Ingiriiska
Annagoo ku hadleyna magaca waayeelka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Bristol, waxaan u soo jeedineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka UK, ineysan wax lug ah aysan ku yeelan dhaca iyo boobka ka socda magaalooyinka qaarkood ee dalka Ingiriiska.
Waxaan dhamaan u sheegeynaa dhalinyarada...
Xuska 1da Luulyo iyo Xaaladda Guud ee Dalka Soomaaliya
Sanad guuradan 51aad ee 1da Luulyo ayaa waxay ku soo beegantay xaalad aan deganayn oo uu dalku ku sugan yahay dagaallo aan joogsi lahayn, abaaro ku baahay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan taasoo kaddib markii ay roobabkii yaraadeen waxsoosaarkiina uu yaraaday ay timi in ay bilowdaan xaaladan abuurtayna abaaraha iyadoo ay weheliyaan arimo kale oo la xiriira xaalufinta degaanada...
Ma oran karnaa Ra’iisul wasaaraha cusub Professor Cabdiwali M Cali Gaas, waxaa la magacaabay Xilligii ugu haboonaa
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeena ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhyaarta sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ah (ACWW).
Sida aynu ka warqabno Soomaaliya waxaa ka jiray waayahan danbe siyaasad khalafsan oo runtii mar marka qaar aad is oranaysao amaba ay dadka qaar aaminsan yihiin in soomaalida la maaweelinayo uun aysan farahooda...
AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda
Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu...
Xukuumadda Farmaajo yow dirsaday hawsha? | CabdiXiis
Kn:Tiiha iyo is daba meerka Soomaalida haysta wuxuu u baahanyahay fahan ku salaysan caqli dagan oo ka fayow dhamaanba cudurada qalbiga iyo maskaxda ku dhaca ee degdegga iyo ka fiirsasho la`aanta ka bilowda, waaliduna ugu darajo sarayso.
Akhriste, ha degdegin oo ha is odhan maxaa iska galay ciwaanka iyo mawduuca aan qoraalka ku bilaabay, barkee waxaan uga danleeyahay inaad si degenaani ku jirto...
Muqdisho iyo Mowjadaha Siyaasadeed ee Maanta | Daadurey
Soomaaliya ayaa waxay soo martay xaalado siyaasadeed oo aad u adag marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii markii uu bilowday dagaalkii sokeeye waxaanna mar waliba jiray xaalado siyaasadeed oo qalafsan oo shacabka soomaaliyeed ku abuuray walwal iyo walaac, dagaalo aan dhammaad lahayn siyaasad ay ka muuqato gulufyo colaadeed qabqablayaal iyo ciidamo beeleedyo hadba dhinac isu cayrsanaya abuurayna burbur,...
Shacabkii waddaniga ahaa ee S.Y.L. waxay haddana doorteen hoggaamiyehooda cusub ee Farmaajo
Taariikhdu waa lama illoobaan,shacabkii Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahaa oo ku sugnaa gudaha iyo dibedda Soomaaliya kuna jiray halgan gobannimodoon ah waxay doorteen in uu xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L. uu hoggaamiyo u noqdo Xaaji Maxamed Xuseen, doorashadaasina waxay ku dhacday isagoo Xaajigu uu ku sugnaa dalka Masar,maantana shacabka Soomaaliyed ee waddaniyiinta ah kuna sugan dalka gudihiisa...
Muxuu keeni karaa kacdoonka dhalinyarada soomaaliyeed ee sagaalka jun???
Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya heshiiska ay kugaareen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kooxaha iskukhilaafsan siyaasadda soomaaliya waa guddoomiyaha barrlamaanka Shariif sakiin iyo shariif Jooker oo ah madaxweynaha dawladda KMG ee soomaaliya .Heshiiskaas oo dhigaayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen
1- In doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa...
WAX HUBSADA | Abdiaziiz Mohamed
Dabcan sida daawadu u leedahay dhinac dawo ah ayay u leedahay dhinac cudur wata sida markaad u isticmaasho cudur aan loogu tala galin ama in ka badan intii loogu talagalay, saas oo kale sheeko walba waxa ay ledahay dhinac kale oo aan ahayn kan muuqda.
Marka hore waxaan ugu hanbalyaynayaa dadweynaha reer muqdisho biseylka siyasadeed ee ay muujiyeen markii ay si soomaali nimo ah oo aan ahayn nin jeclaysi...
Sidee baad saaxiibo ku kasbataa bulshadana saameyn ugu yeelataa
Mohamad Yusuf Muse
Copenhagen, Denmark
Assallaamu Caleykum wr wbr
Walaalayaal marka waad salaaman tihiin, salaan ka bacdi waxaan idiin rajeynayaa kheyr iyo barwaaqo. Walaalayaal waxaan jeclaystay inaad nala wadaagtaan mowduucan soo socda.
Culimada ku takhasustay cilmiga bulshadu wexey yiraahdaan, horumarka qofku uu noloshiisa ka gaaro waxaa asal u ahay boqolkiiba 85% qaab la dhaqanka iyo xiriirka...
Yaa Dhalay… Muxuu ku dhintay? | Qore: Cabdulqaadir Cabdi Diiriye
Warqad ay ku taxan yihiin magacyo ayaa la soo hordhigay kornayl Hafiye. “waa liiskii dadkii nagaga shahiiday dagaalkii dorraad” ayuu yiri wiilkii warqadda keenay.
Hafiye warqaddii ayuu hoos u eegay, magacyadu waa ilaa dhawr iyo labaatan. Dhalinta qoyska u dagaalanta magacyadooda ma wada yaqaan oo intooda badan waxay dhasheen intuu waddanka ka maqnaa. Hal hal ayuu u akhriyey isagoo isku...
Giraangirta Gumeysiga (The Cycle of Oppression)
Waxaan marar badan isweydiiyey habeena badana ka seexan waayey, su’aasha maanta igu kaliftay inaan qoraalkan qoro. Taasoo ah, sideey ku dhacday in gumeysigii awowgey Sh. Axmed daldalay, awowgey Sh. Cabdi dabka ku shiday, aabahay Sh. Moxamud dibada u raray, anna maanta ii dulmin karaa? Akhristow su’aashan jawaabteeda shaqsiyan in mudda ah ayeey igu qaadatay. Hadaba si aan jawaabta su’aashan u...
Hadii aad ku kalsoontahay in roob uu da’ayo maxaad u soo qaadan weyday dallad ?!
W/diyaariyay Qoraa sare : Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”
Waxaan aqristay qisso , taasoo ku saabsaneyd in abaar ay ku dhacday tuulo , oo roob li’i uu asiibay , odaygii tuulada ayaa waxa uu go,aansaday in dadka uu ugu yeero inay sameeyaan salaada roob doonka oo lagu qabto goob banaan ah , si uu allah ugu arzuqo daruur roob leh si murugada ay uga baxaan , dadku markii ay kulmeen ayaa wadaadkii...
15ka May Dhallinyaradii S.Y.L iyo Dhallinyarada Maanta
Hordhaca taariikhda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqanaya hormoodkii xurnimada Soomaaliyeed inay ahaayeen 13kii asaasay ururkii S.Y.L ee ay hoggaanka u ahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed bishii May 05/15/1943kii, halgankii ay bilaabeena uu noqday midkii dhaliyey xornimadii bishii July 07/01/1960kii taariikhda ay xambaarsabn tahay iyo qiimaha ay leedahay 15 May laguma soo koobi karo faalladani hase...
Muranka Siyaasadda Soomaaliya, Fashilka Dowladda Jirta!
Qore: Xassan Xayle –
Waxaa arrin laga walwalo iyo ayaan daro ah in dhamaan dowladihii KMG ahaa ee loo sameeyay inay dalka u horseedaan nabad iyo soo cilin hanaan dowladnimo ay dhamaantood guul-daro iyo ku dhamadeen fashal; fashalkaas oo ka dhigaya in su’aalo badan la iska weydiiyo mustaqbalka siyaasadeed Soomaaliay
Waxyaabaha keenay, sababtana u noqday fashalka ku yimid dowladahaas, sida muuqata...
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maalmahan Gawaarida Raaxada siinayey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Taageersan
(Warbixi Dheer)
Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin
Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu...
Dhacdo Cajiib ah | Barta Luqadaha
Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo aan markoodii hore nasiib u helin gelidda Dugsiyada iyo Waxbarasho ay Luqaduhu ka mid yihiin, ayay Duruufaha adag iyo Colaadda dalka ka aloosan awgood, dantu waxay ku kalliftay inay iyagu xoogsatanimo, dhaqaale-doon iyo sababo kale dartood ugu hayaamaan, oo ugu qaxaan qaar ka mid ah Dalalka Carbeed.
Dalalka ay Dhallinyaradaasu u haajireen, gaareen, ku nool-yihiin,...
MAHIIGA IYO KOOXDIISU CADDOOWGA QARAN-NIMADDA
Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-
Shaki kuma jiro in Danjire-Mahiiga ergayga Wakiilka Qaramadda Midoobeey ee Somaaliya wado oo wuu cadeeystay la dagaalanka jiritaanka Somaaliyeed waxaana markhaati cad u ah qorshaha shirka Shir-qoolka Kenya lagu qaban doono 13/04/2011 ujeedada ka dameeysaana tahay kala dirida dawladda KMG ah iyo soo nooleeynta awoodii qabqablayaasha(gacan ku dhiiglayaashii) iyo...
Maalmuhu isu ekaa!!! | Qore: Cabdicasiis M. Mataan
Garaadka, soo gocashada wixii dhaafey iyo goobeynta dhacdooyinka ayaa ah waxa looga sooco shan faroodlaha noolayaasha kale ee alle abuurey. Hadii dadka uu adeegsan waayo, hibadaa u gaarka ah, waxaa ka nolol iyo ammaan fiicnaanaya kuwa adeegsada urka iyo aragga oo kaliya.
Waxaa qofka wax garadka ah u muuqanaya marka uu dib u celiyo xasuustiisaba, dhacdooyinka hortiisa yaal sida ay ugu egyihiin kuwa...
Maqaal:Agustin Mahiga oo Noqday Caqabada dawladnimada Soomaaliya
Tan iyo intii la magacaabay Ergayga gaarka ah ee xoghaya guud ee Q,M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Dr: Agustin Mahiga, ayaa waxaa dalka Soomaaliya hadheeyey khilaafaad cusub iyo kala qaybsanaan joogto ah.
Taasoo u kala baxday labo qaybood, mid u dhaxaysa dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya dhexdeeda, iyo weliba maamul goboleedyada qaarkood. Khilaafka ayaa waxaa kii ugu weynaa ee saldhiga u ahaa gacantiisa...
Gabeygii Gurdan Raac
Gurdan Raac waxaan Tiriyay dhmaadkii Sanadkii tegay ee 2010-ka Maalintii Ninka ku Magacaaban Ra’iisalwasaaraha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Golaha wasiirada ee sidiisoo kale ahaa Qurbo joog aanay Shacabka soomaalidu aqoon buuxda u lahayn.
Waxa ay bedeleen oo Kuraastoodi ku fariisteen kuwo sidooda oo kale Liiskooda Shisheeyaha Lagala Tashaday .
Waxa ay ku soo Biireen xubno...
Gulufka dagaal ee Dawladda haduu guuleeysto lacalla maxaa dhicikara?
W.Q. Shuqul Sh Aadan
____________________
Dawladda TFG da waxay tijaabisay awoodeeda ciidan iyo hub waxay heli karto si ay xoogga mucaaradka u jiirto, TFG du waxay heeysataa quwadda ASWJ oo si rasmi ah ula howwlgala ciidamada TFGda, hadaba waxaa hubaal ah in awooda dawladdu soo korayso iyadoo waliba haysata taageerada AMISOM ee hagar la’aanta leh markasta.Waxaana suurta gal ah in degaanada gobolada...




