Home » Maqaallo
Burburkii Qaran ilaa Qoys Q- 4aad|Mingiste
Maxaa Burburay ? Aug.2009
(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah)
Ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-
Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil...
Qoysas Soomaaliyeed oo Ku Dhaqanaa Galbeedka oo u Guuray Malaysia | Xasan Cade
Qoysas Badan oo Soomaaliyeed oo Ku Dhaqanaa Dalalka reer Galbeedka Oo Si’aad ah Ugu Soo Qulqulaya Dalka Malaysia, Sababtu maxay tahay?
Waxaa dhawanaahan dalka Malaysia soo gaaray qoysas badan oo ka yimid dalalka ka tirsan qaaraada yurub iyo waqooyiga Amerika kuwasoo u soo guuray dalkan Malaysia, waxaana si aad ah loogu arkayaa xaafadaha ay soomalidu ka degan tahay caasimada Dalka Malaysia ee...
Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan | Albanna
Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan
Qore: Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Hargeysa
Ilaahay waxa uu abuuray khalqiga markaasuu ka doortay Nebiyada (Nabdgalyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee) waxaanu ka sii doortay shanta ugu samirka badan waa Nuux, Ibraahim, Ciise, Muuse, iyo Muxamed(dhamaantoodba Naxariisi korkooda ha ahaatee), waxa aha Ilaaahay agtiisa 12 bilood waxaa ku jira 4 xurmo leh,...
Qaska Khawaarijtu : Aljihaad ama Aljibaax waa kee? | Deeq
Qaska Khawaarijtu : Aljihaad ama Aljibaax waa kee?
Kalimadda Jihaad waa kalimo Islaamka qiimo badan ugu fadhida, wuxuu islaamku ka leeyahey jihaadku ujeeddooyin waaweyn, tiirar uu ku taagan yahey ayaa jirta iyo anshax u gaar ah jiaadka iyo dadka wada, qof kasta oo mujaahid sheegtana ma ahan mujaahid, sida qof kasta oo darajo uusan gaarin sheegta uusan uusan uga tageynin xaqiiqda waxa uu yahey si...
Samaaxatul Shiikh C/siis ibnu c/llaahi ibnu Baaz !!!(1)
Waa imaam saalix ah oo xalaal quute ah oo saahid ah, waa kii Muslimiintu meel ay joogaanba ay umuuraha Diintooda kula noqonaayeen xagga fatwada iyo Cilmigaba,waana mid ka haray salafkii saalaxa ahaa xagga laazimida xaqa iyo raacidda sunadda.Shiikhu wuxuu ka soo jeedaa Qoys Cilmiga ku xeel dheer laguna yaqaano garsho iyo Akhlaaq, wuxuu ku yiri Suleymaan ibnu Xamdaan kitaabkiisa uu uga hadlaayey Culumada...
Sharuur|Aadam Zaki
Xabsiga dusha ka furan ee Af-duubka loogu jiro 20 sano dhawr Afar jeeble soo maahan inaan daawadii waydiisanayno curudkii lagu dawayn lahaa ? Warbaahinta Somalia eek u dhisan Nadaamka aadka u foosha xun (Sharuur) waxay ka daran tahay Mooryaanta Xanbaarsan Qoryaha ay noogu deeqeen kuwa Neceb Inaan Nabad helno ,
Markaad shaqo siinaysid Wariye aan khibrad lahayn kana soo bixin Iskool ee aqoontiisu aysan...
Suufiyada gadaashooda waxaa kasoo bidhaamaysa qabyaalad|Cumar
Suufiyada gadaashooda waxaa kasoo bidhaamaysa qabyaalad, jiritaanka shariifka iyo kooxdiisuna waxay gali doontaa halis
Mahad oo dhan ilaahay bay u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato.
Meles zinaawi wuxuu ka dhawaajiyey hada kohor in beelihii mujaahidiinta xanaanayn jiray in maanta ay dagaal kalasoo horjeedaan asaguna uu taageersanyahay,
Zinaawi waa nin dhaqanka somalida...
Soomaaliyeey waxaa wax laga xumaada ah|Ahmed Haadi
Qof kasta oo soomaali ah oo leh damiir islaanimo iyo wadaninimo wuxuu aad uga xun yahay, hurdi la’yahay, la murugoonayaa, wadnihiisu la garaacmayaa, ceeb ku ah iyo waji gabax, isweydiinayaa daqiiqad kastaba, la kufaa dhacayaa, masiibada ku habsatay wadankeenii haba ugu darnaadeen gobolada koofureed gaar ahaan caasimadii quruxda iyo qaayaha badneed ee Muqdisho, caasimadii uu qalbiga ku hayn jiray...
Danjirow Ina Ayaad Tahay?|Waayeel
Inta dayaxu dhicis yahay
xiddiguna dhammays noqon…
haddaan dhimashooy ku diido…
haddaan dhalashooy ku sheegto!
( Xuseen Aw-Faarax Dubbad: Hees )
_______________________________________________
ARAR
QABIIL JIRA ba, aniga ahaantay, sida aan rumays nahay, waxa iila wada wanaagsan midka ( ayan sheegan xataa cid haybteeda ) aan la aqoon. Kuu ka dhashay beel san amaba beel xun; Aadmiga na waxa loogu...
Farxadda iyo soo dhoweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan | Daadurey
Dunida Muslimka ayaa waxay farxad aad u saraysa ku soo dhoweynayaan Bishan Barakaysan ee Ramadaan , sida uu alle uu Qu’aanka Kariimka uu ugu bayaaniyay meelo badan Alle wuxuu yidhi” Kuwa Alle iyo Rasuulkiisa rumayayow, waxaan idinku Waajib yeelay Soon ,sida aan ugu Waajibiyay kuwii idinka horeeyey” iyo Suurado badan iyo Axaadiis dhammaantood ka hadlaya fadliga ay leedahay bishaan...
Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah | Ahmed-Haadi
Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, [doqoni qufacday, meel laga gaarayna ma garaneyso], soomaalida intii ka horaysay dowladnimada waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, waxayna ku dagaalami jireen daaqa iyo biyaha, ninkii xoog leh baana u hari jiray daaqa iyo biyahaba, ninkii laga xoog roonaadana wuu haajiri jiray oo wuxuu aadi jiray meel taaktii iyo tabartii...
Qaylo dhaanta Qanyare Ma Cod baahiye Qabiil baa mise waa Siyaasi Soomaaliyeed? | Bile Qabowsade
Qaylo dhaanta Qanyare Ma Cod baahiye Qabiil baa mise waa Siyaasi Soomaaliyeed?
Inkastoo aanan jecleen inaan ka hadlo Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Hogaankeeda sare iyo Maamul Goboleedka Puntland, hadana waxaa ii muuqatay Codad iyo qoraalo lagu baahinayey maalmahan Idaacadaha Caalamiga iyo Bogoga Wararka Soomaalida xanbaara ee Intarnetka.
Qeylo dhaanta Qanyare iyo Rag Siyaasiyiin isku...
Universal TV iyo Filinka Muhanad|Adam Zaki
Safaro is xigay ayaan ku jiray oo aan ku marayay dhawr magaalo oo Geeska Africa ku yaall , waxaa hubaal ah inaad ka yara nasanaysid culayska iyo cadaadiska ay maskaxdu ka qaado warbaahinta dilka dhaca kufsiga iyo balaayoo dhan ka sheekaysa , laakiin waxaa jira kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah oo ka faa iidaysta wakhti aan munaasib ahayn.
Bishii Maajo 2009 ka ayaan ugu bishaareeyay shucuubta carabta...
RW Cumar C/Rashiid: Hoggaamiye daacad u ah dalkiisa|Maxamed
Hordhac: Tan iyo intii Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka jagada ra’iisal wasaarannimo loo dhiibay, wax ceebanaynaya ama wax ka sheegaya igama soo horbixin. Waxan aad isugu deyey bal inaan ra’yiga Soomaalidu ninkan ka qabto—anoon laftiisa aqoon gaar ah anigu u lahayn—inaan u yara dhabba galo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Soomaali dhexdeed waxba kuma qarsoomaan,”...
Dhallinyaradu Dhankee u Ciirsadaan | Ahmed-haadi
DHALINYARADU DHANKEE U CIIRSADAAN??
Dhalinyarada soomaaliyeed waxaa hareeyey dhibaato aan kala go’ lahayn tan iyo markii u dalkeenu burburay. qaar xabad baa la tagtay, qaar waa dhaawac, qaar gaajo bay la il daran yihiin, qaar badda baa liqday, qaarna waxay ku xirxiran yihiin xabsiyo wadamo shisheeye. Runtii dhibaatada dhalinyaradu waa mid aan indhaha laga qarsan karin, oo saameysay qoys kasta...
Shariifka oo salafiyada ee taageerey usoo watay suufiyo | Cumar
Shariifka oo wadaadadii salafiyada ee taageerey usoo watay suufiyo iyo tigreee!
Ilaahay baa mahad iska leh naxariis iyo nabad galyo nabigeenii korkiisa ha ahaato
Sharifka sidii larabay ayuu yeeley, abaal loo sameeyey ayuu gudayaa wadaado badan war baa haysta, ha ahaadeen tabliiq salafiya iyo islaax, shariifka wuxuu isbahaysi lasameeyey American iyo Ethiopian ciidana waxaa u ah suufiyo aduunka oo...
Sunna Waljameeca : Sun iyo Soordanbeed|Gendisch
Taariikhdu waa sanadihii 80kii . waxaa la assasay ururo badan oo qabiil lagu aasaasay si ay ula dagaalaan una ridaan dowladii kacaankii hungoobay,waxaa marna la is waydiin waxaa ka iman kara asaaskii SSDF,SNM iyo USC. Midkoodna lagama faa’idin oo waxaa hormuud u noqdeen baaba’a iyo burbur shacbi iyo qarankii somaliya, iyo dhalasho kala qaybsanaan iyo in xaydaabyo yaryar goboladii dalka ah...
Taariikhdii Hore ee Culumada Soomaaliyeed iyo Tan Cusub|M.Tigay
Ugu horrayn waxaan qormadaan ku Falanqaynayaa aniga oo ilaalinaya xuquuqda Qoraalka Aniga oo aan Difaacayn Koox Diimeed kuna xadgudbayn koox diimeed.
Waa gii hore soomaalidu waxay lahayd laba Dhaqan oo lagu faanikaro oo kala ah:
1. Soomaalinimada oo qofka soomaaliga ah meeshuu qof soomaali ah ku arko uu kala kulmayay soo dhowayn iyo sooryo taasu waxay dhamaatay markii dagaalka sokeeye dhacay ee...
Is caddee!|Sh.Axmed C/samad
Is caddee waa oraah loo jeediyo ninkii Muqdisho taga oo hadalkiisa ama ficilkiisa ay ka caddaan weydo cidda uu ka tirsan yahay ama uu taageersan yahay. Waxaa kale oo dhacda in qofka si toos ah loo weydiiyo su’aalo haddii uu ka jawaabo lagu ogaan karo ra’yigiisa. Is caddayntu waxay laga ma maarmaan u tahay in ay dadka aad la joogtid idin dhexmarto sheeko dhab ah, oo noqon karta mid kalsooni xambaarsan,...
Sidee u kasbanaysaa Quluubta Dadka kale
Walaalayaal marka hore waxaad iga gudoontaan salaanta islaamka, salaan ka bacdi waxaan dhammaantiinba idiin rajeynayaa kheyr iyo barwaaqo. Walaalayaal waxaan warqaddan idiinku soo dirayaa si aad iila qaybsataan kheyrka iyo nimcada aan arkey.
Walaalayaal waxaa markey taariikhdu ahayd 09kii bishii agoosto nagu soo booqday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, sheekh Ibraahim bin cabdalla Aduweyish....
WADAAD FEKARAYA!|Abdulaahi Adam
Waxaa ceeb wayn ku ah af soomaaliga in erayga feker uu yahay eray carabi ah oo aan afkeena hooyo ku jirin, malaha in erayga feker aan ka soo amaahano af carabiga waxaa nagu qasbaya in aynu nahay umad aan fakerin ee hadba wixii loo dhiibto meelaha la wareega, waa dood wayn oo u baahan in cilmi baaris gaar ah lagu sameeyo sababta afkeena hooyo looga waayay magac u dhigma erayga carabiga ah ee feker,...
Aaway masuuliyiintii Xawaaladdii Dalsan??| Ahmed-haadi
Waxaan wax badan maqalnaa dadkii Shirkaddii barakaat ay lacaguhu uga xayirmeen waxaa la ogeysiinayaa ama waxaa ay heleen in badan oo ka mid ah lacagahoodii. Haddaba su´aasha isweydiinta mudan waa xaggee ku dambaysay shirkaddii Dalsan? Ilaa iyo hadda dadkii wax ku darsaday shirkadan hantidoodii war iyo wacaal waa waayeen laga soo bilaabo bishii Abril 2006dii. Arintaa cid isu xil qaantay malaha, waana...
Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon ee QM|Q-2-aad
Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon Ee Hay’adaha QM ee Al-shabaab Dalka Ka Eryeen.
W/Q: C/nuur Maxamed Axmed
Qaybta 2aad:
Kadibkadib burbur
Kadib burburkii baahsanaa ee dalka ka dhacay horaantii 1991dii ka soo saameeyay hab nololeedkii dalka ka jiray oo idil, waxaa soo if baxay xirfado badan oo ay dadka ku raadiyaan inay maal ku tabcadaan.
Waxaa xirfadahaa kamid ah waxa afka qalaad lagu yiraahdo NGO...
Khamriga iyo Dhibaatada uu ku Hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed|Daaduray
Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa burburkii ku dhacay Dalka wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay dhinacyada waxbarashada , Shaqooyinka, Ciyaaraha , iyo arimaha Bulshada waxaase qaarkood u sii dheeraa Isticmaalka Khamriga iyo Qaadka oo ay Meherad ka dhigteen qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed
Dhallinyaradu waxay leeyihiin kuwa wax bartay oo aan ku jirin Merheradan Khamriga ah Jaamacadaha iyo...
Horta barro Dalkaada Soomaaliya|Najax
Horta barro Dalkaada Soomaaliya?
Maxaad ka taqaanaa isbadaladii Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Maamuladii soo maray intii udhaxeysay
1960 ilaa hada 2009!!!?
Soomaaliya waa Wadan ka mid ah Dalalka ku yaalo Bariga qaarada Africa, wuxuuna ka mid ahaa Wadamadii lagu qeybsaday Shirkii ka dhacay Caasimada Dalka Germany ee Barliin sanadii 1884.Waxaana loo kala jaray dhul weynihii Soomaaliyeed shan qeybood...




