Home » Maqaallo

Profasoorka Aqoon xumoow Somalitalk ma taag darnee garo

Nov 2, 2009
Wasiirkii gaadiidka dhulka iyo cirka ee xukuumaddii Cali khaliif ayaan xafiiskiisa ugu soo galay asagoo ilmo ku taagan tahay , markuu noo sheegay dhibaato markaas kaligiis dareen sanaa ahayd se dhibaato Qarankii Somalia wixii la oran jiray haysatay ayuu qalbigu i ruxmay waxaa laba kacleeyay nacayb aan u qabay UN ka . Cabdi Guuleed wuxuu war fidiyeenka u sheegay in xafiiska wasaaradiisa ee la socodka... 
Halkudheg:

Puntland: Saylada Somali Galbeed !| Aadan Cige

Nov 2, 2009
W/Q: Aadan Cige Cali . EMAIL: softhair05@hotmail.com 1991 berisamaadkii dabadeed iyo burburkii dawladii dhexe ee somalia,waxaa meesha ka baxay haykalkii dawladnimo iyo haybaddii qaranimo, ka gadaal markii hanaankii siyaasadeed ee ummadu hogga dheer ku shalwaday. Dadkii iyo dalkii somaliyed waxay noqdeen hilib bisil oo cid waliba u hungurooto, hanashadiisana u hanqaltaagto haba ugu horreeyeen dalalka... 
Halkudheg: , ,

Dabinkii la inoo dhigaba ma ku dhacaynaa? | Sh Axmed C/samad

Nov 1, 2009
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Ma yara dabinada la inoo qoolay oo aynu badankooda ku dhacnay, walina aynaan ka bixin iyo kuwa aynu hadda ku sii soconoba. Iyada oo muddo aynu ku jirnay laandayro marar kala duwan ina la kacay, xargo badana ina ku xirxiranyihiin, oo cadaaweheenu hadba meeshii uu doono ina ka cantuugayo ayaa Alle mahaddi si aan la filayn mar loo hinqaday, xargihii badnaana bar la iska... 
Halkudheg:

Caweyskii Cumar Sharmaake ee London iyo Ceebihii ku Gaddaan | Muxyadiin

Oct 31, 2009
CAWEYSKII CUMAR SHARMAARKE EE LONDON IYO CEEBIHII KU GADDAANAA Waxa ay aheyd dharaartii iigu horeysay oo aan tago fagaare ay imanayaan Madaxda Dowlad Soomaaliyeed, tan iyo 1991-kii marna iima suuragalin in aan majlis iskugu tagno rag sheeganaya Hogaanka Soomaaliya, balse waxaan usoo hubqaatay 28/10/2009, u kuurgalka masuuliyiintan iyo indha indheynta dareenka guud ee Bulshaweynta Soomaaliyeed, kuwaasoo... 
Halkudheg:

Jaaliyadda Soomalida Maraykan oo Aragtidii dib u laabashadu ka Dhamaatay Sh C/risaaq Sancaani

Oct 26, 2009
 Jaaliyadda Soomalida Maraykan oo Aragtidii dib u laabashadu ka Dhamaatay Sh C/risaaq Sancaani Maqaalkii Dunida Muslimkaa ugu Akhriska badnaa oo Afka carabiga ku Qoran ee Lagu Daabacay Shabakada Afka Carabiga qorta ee Somaliatoday.net Maqaal uu Qoray Sh C/risaaq Macalin Abshir Sancaani Imaamka Masjidka Rowdah ee Magaalada Minneapilis Maqaalkaas oo afka Caribaga ku qornaa ayaa Ciwaan u ahaa Jaaliyadda... 
Halkudheg:

Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa? | Xasan

Oct 26, 2009
Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa? Xasan Maxamed Ibraahim xasanyare@msn.com Gumeysiga Itoobiya oo dhib iyo tacadiyo badan oo isugu jira dil, jirdil, dhac, barakicin iyo xabsiba ku hayey dadweynaha reer soomaali galbeed wuxuu baryahaan danbe billaabay tab cusub oo ah inuu heshiis hoosaadyo la galay maamullada ka jira Soomaaliya qaarkood; si ay ugu soo gacangaliyaan dadka... 
Halkudheg:

11 Sano Jirkii Puntland iyo Fursadaha Wali Taagan | Mohamed Wali

Oct 26, 2009
11 Sano Jirkii Puntland iyo Fursadaha Wali Taagan. Hordhac:- Waxaa cad oo si waadix ah umuuqda habayaraatee 11kii Sano ee ay Puntland Jirtey in aan laga gaarin guulihii Udub dhexaadka u ahaa Dawlad Goboleedka Puntland oo Shacbiga puntland uu isha ku hayey Maamuladii kala duwanaa ee Puntland soo marey, sanadkii 1998 Xiligii Beelaha Walaalaha ah ee Puntland isugu yimaadeen in maamul loo dhanyahay ladhisto,... 
Halkudheg:

KHATARTA DABKA | Cabduqaadir

Oct 26, 2009
KHATARTA DABKA  Dabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha asaasiga ah ee nolosha aadanahu ku tiirsan tahay oo aan sina looga maarmi Karin miyi iyo magaalaba, wuxuuna soo jiray oo lagu intifaaci jirey ilaa abuuritaankii aadanaha, waana lagu intifaaci doonaa inta aadanuhu dunidaan korkeeda ku nool-yahay. Dabku wuxuu soo maray heerar kala duwan oo waagii hore waxaa laga dhalin jiray Geedaha, Dhagxaanta iwm.,... 

Dameero Dacwo Ah | Qore: Amiin Yuusuf

Oct 25, 2009
Dameero Dacwo Ah. “Waxaan ku soo baxay buuq iyo sawaxan, markaan u kuurgalayna waxaan ogaaday in ay meesha isku haystaan Haweenay iyo Ninkeeda, Haweeneyda ayaa waxay ku doodeysaa “Ninkaan Dameerka ayuu silcinayaa, waxaana ogaaday in marka uu galo aagga ay ka taliyaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin in uu Liijaanka ka furo ,Dameerka marka uu ka soo baxna dib ayuu ugu celiyaa wuxuuna dhigtaa Liijaan... 
Halkudheg:

Xaqiiqda Puntland iyo kursi kala cayrsiga | Dr. Yuusuf

Oct 25, 2009
Waxaan salaamayaa dhamaan akhyaarta maqaalkan akhrisandoonta weliba waxaan jeclahay in tixgelin gaara lasiiyo waayo runta ma badna ee beenta ayaa tiro badan. 1.Puntland wax ay qabsatay maleh aan ka ahayn beelo nabad kuwada degenaa kuwaas oo isir wadaag ah, aan caadifi ahayn, nabadgeliyana Deriska ka agdhow ama Qabiil ha wadaageen ama Somalinimo haba ka dhexeysee, anigoo meesha ka saareyn Somali oo... 
Halkudheg:

Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina… | Bile Qaboowsade

Oct 25, 2009
Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina waxaa hubaal ah in Kooxaha Xag-jirka la wareegi doonaan Puntland.   Waxaa jira jahawareer iyo habacsanaan ka dhex muuqata Maamulka Puntland ee hadda Talada haya, taasoo loo aaneynayo Awooda Xukunka oo ku soo ururtay Dad gaar ah ama shakhsiyaad aan Dalka horay u joogin lana socon dhibaatooyinka soo jireenka ah ee... 
Halkudheg:

Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1) | Shiikh sahid

Oct 25, 2009
Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1). Horudhac: Shiikhaan oon markaan xulaayey Culumaddii Sideeda ahaa ee aan Qarnigaan ku soo moodnay, ayaan tirada iskaga buuxsaday,maadaama uu ka soojeedo Barriga yurub uuna la diriray Dawladdii Cilmaaniga ahayd ee Mustafa Atatork. Laakiin markaan Taariikhdiisa dib ugu noqday asaga ayaaba safka hore ugu jira Culumada aan ka sheekeynaayo, xagga xifdiska iyo... 
Halkudheg:

Dowlad Diyaarad Saaran Dadkeediina Daafaha Muqdisho Duumo Kulaysay

Oct 24, 2009
Waa nasiib daro lasoo daristay umada somaliyeed, waxayna nasiib u heleen mudo 20 sano ah dagaalo soo noqnoqda, abaaro, cuduro, aan qaarkood la-aqoon qaarna laga dabar gooyey caalamka, hogaan aan arxan lahayn kanashaqeeya dantiisa iyo mida ehelkiisa iyo caalamka oo kusii ciqaaba dhibka ay kujiraan shacabka Soomaaliyeed. Waxaan dadlkaan soo maray mudadii 10 ka sano ahayd ee udanabysay 3 Dowladood waxay... 

Burburkii Qoys ilaa Qaran|Q-5aad|Mingiste

Oct 24, 2009
(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah). Sababihii keenay burburka:- Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli... 
Halkudheg:

Sacdiyooy Allaha kuu naxariisto!Kaneec

Oct 23, 2009
Waxay ahayd maalin kamid ah maalmaha illaahay, waa arooryo ay Qoraxda soo baxayso si ay u iftiimiso dhanka aan dunida kaga noolnahay, waa kuwan falaaraheedii si’ay noo ogaysiiso in waagii baryey oo aan Irsaaqada illaahay u raadsano, waa kuwan dadkii deganaa magaalada Muqdisha oo u kalahaaya kasab iyo tacliin. Sacdiyana waxay kamid ahayd dadkii waxbarashada u kalahaayey, subaxaas reerkii sacdiya... 

Qisadii Nabi Muuse iyo Khadir |Q-2aad

Oct 21, 2009
Qeybtii koowaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo aynu af soomaali ku tarjumnay. Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadaynaa qayb ka mid ah faa’iidooyinka iyo cibrooyinka inoo ku sugan qisadaan qiimaha badan. Qisada waxaa ku jira cilmi iyo faa’iido badan oo aan hal maqaal lagu soo koobi Karin; sidaa darteed waxaan ka dhigaynaa labo qaybood, isla markaasna si... 
Halkudheg:

Hayadaha Amniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Marykanka | Abuukar Carmaan

Oct 19, 2009
Hayadaha Amniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Marykanka Maqaalkan waxaa afka Ingariiska ku qoray Abuukar Carmaan. Waxaana tarjuntay Cabdiya Sheikh Axmed Isagoo isku dayaayo in uu wanaajiyo xiriirka ku wajahan dunida Muslimka ah, ayuu Madaxweyne Obama sameeyey wax uusan horay u sameyn madaxweyne Mareykan ah. Laga bilaabo khudbadiisii caleemasaarka oo uu xoogga ku saaray sidii loo dabcin lahaa... 

“Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay?” Muxamad Idris

Oct 19, 2009
بسم الله الرحمن الرحيم Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay? Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Innaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaa maanta xagga aakhiro inooka guurey Sheekh Cabdulqaadir Muxammad Cabdullaahi, Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu Jannaatul Firdoos ka waraabiyo, Eheladiisii iyo Asxaabtiisi iyo Muslimoontoo... 
Halkudheg:

Maxay qabatay Towraddu & Maxaynnu Maantay Joognaa?

Oct 19, 2009
Kacaankii 21 Oktoobar ee 1969kii ayaa wuxuu ka mid ahaa Kacaamadii ka dhashay Afrika kaddib markii ay xornimadeedii ka qaadatay gumeystiyaashii reer Yurub ee mudada reer Xukumayey iyo Dowladihii ka dambeeyey ee ay ka Talinayeen Dadka Raydka ahaa ee lagu dhaliilayey inuu Xukunkoodu aad u Dabacsanaa ama uu ka Muuqday Musuq Maasuq, Soomaaliya ayaa waxay ku sugnayd Xaalad Murugsan iyadoo Madaxweynihii... 
Halkudheg:

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir|Q-1aad |Sh. Axmed C/samad

Oct 18, 2009
Bukhaari iyo Muslim baa ka wariyey Saciid Ibnu Jubeyr in uu yiri: Cabdullaahi Ibnu Cabbaas baan ku iri: Nawf Albikaaliy wuxuu ku andacoonayaa: in Muusaha raacey Khadir uusan ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil, markaas buu yiri Ibnu Cabbaas: been buu sheegay cadawga Ilaahay!. Ubay Ibnu Kacab baa ii sheegay in uu rasuulka (scw) ka maqlay isaga oo leh: Muuse ayaa ka dhex kacay reer Banii Israa’iil... 
Halkudheg:

Ma laga yaabaa inay garwaaqsadaan? | Sh. Muxamad Idris

Oct 18, 2009
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Maanta taariikhdu waa 18/10/2009. Waxaan Maqaalkan ku bilaabayaa inaan wax yar ka xusuusiyo akhristaha maqaalkii aan qoray 3/2/2009 (laba Maalin kadib markii loo doortay Sh. Sharif Sh. Axmad Madaxweynaha DKMG). Waxaa u dhexeeya maalintaas iyo Maanta 8 bilood iyo maalmo. Maqaalkaas oo aad loo fidiyey, waxaan filayaa inuu... 
Halkudheg:

Sidee ayaa loo hormarin karaa adeegyada asaasisga ah? | Jooje

Oct 18, 2009
Sidee ayaa loo hormarin karaa adeegyada asaasisga ah? (Fariin ku socota maamulka iyo dadweynaha Puntland) Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat. Ummad waliba ee ku nool adduunkan waxaa jira arimo u ah asaasi, kuwaas oo wax walbaa laga... 
Halkudheg:

Gablan talo aduuneey|Dhaguuf

Oct 17, 2009
Nin aan u malaynayo inuusan waligii magaalo ka bixin baa waxaa laga hayaa indhihiii dhiman waayaa geel dhalaayana waa ku tusaan. Waxaan filayaa inaan ruuxna hore u suureysan in Shariif sheekh Axmed oran doono masaajida daroogaa caruurta lagu siiyaa. GABLAN TALO ADUUNEEY MAXAY GALABA HEER JOOGTEY. Bal aan yara dul istaagno dhowrkan qodob oo ka mid ah qodbadii madaxweynaha. Masaajida Shaki kuma jiro... 
Halkudheg:

Dagaal aan dhamaad lahayn, Umad aan Dantooda aqoon Iyo Dagaal ooge Danayste ah ayaa Dowlad la,aanta Sabab u ah

Oct 17, 2009
Waxaa soomaaliya mudo gaaraysa 31 sano marka laga soo bilaabo 1978kii Ayaa waxaa ka bilowday dagaal jabhadeed ka dib dagaalkii dowladii soomaaliya ee meleteriga ahayd iyo amxaarada ama wayaanada la gashay ka dib waxaa bilowday dagaalkii jabhadaha iyo beelihii mucaaradka noqday ee magacyada la baxay Sida jabhadii kowaad waxaan isku dayayaa inaan dhamaan jabhadaha magacyadoodii fasirno ama cadayo oo... 
Halkudheg: ,

Maxaad uga soo horjeeda wanaaga iyo horumarka|Jooje

Oct 17, 2009
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamaka ah Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi wabarakaat. Ummad waxa uu horumarkeeda ku xiran yahay, marka ay dadkeedu diyaar u yihiin in ay horumaraan, laakiin waa waxaan dhici karin in ay hormarto...