Home » Archive Qoraaga
Xaasilkii Dawlad nimada Puntland Ee 15 jirsatey | W.Q.Cabdulaahi Ciise Yuusuf
Ka qeybgalkeygii kulanka Garowe, Karkaar & Haylaand 31/12/2011
Shirkii Garowe 2aad, ee leysguku keenay odey-dhaqmedyada 2gobol, waxaa ka horeyey 3 shir, oo odayo dhaqmedyada 6gobol laga qeybgeliyey shirarka soo socda:
1) Garoowe1aad “Nugaal iyo Sool”
2) Galkacyo “Mudug & ceyn
3) Bosaaso “ Bari & Sanaaag”
Hawlwadeennada dawlada P/Land, waxay ka soo xuleen 8 gobol, odayo dhaqmeedyo...
Gugiga xalinta khilaafaka ma gutay hawshiisi
Sidaa la wada socano gudiga xalinta khilaafadaka markiisi hore waxaa uu ah mid muran uu ka taagan yahay cida xaqa u leh in aay soo magacaabi karto isagooo murankaa ku jira aya maxada waynnahu C/raxman Maxamed soo magacabay iyaad murankii ka taagnaa naan loo joojin waxay keentay in uu murankii halkisi ka sii cosdo ilaa uu mushariinta ay muu jiyaan tanaasul leh geesinimo daacadnimo iyo ilaalita aayaha...
Qofku inta uu gaariga wado waa ka xaaraan isticmaalka Mobaile-ku
Sheekh Khalaf Almudlaq oo ka mid ah culumada waaweyn ee Sucuudiga ayaa fatwooday inay xaaraan tahay in qofka gaariga wada uu mobile-ka isticmaalo.
Sheekhu wuxuu yiri: shareecadu waxay u timid inay ilaaliso dadka diintooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda iyo ubadkooda.
Sheekhu wuxuu yiri: isticmaalka mobile-ku waa arrin khatar badan marka qofku gaariga wado; waayo wadida gaarigu waxay u baahantahay...
Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta .
Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Aqoon Isweydaarsi loogu Magacdarey Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warrbaahinta waxaana soo qaban qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana ka soo qeyb galey ku dhowaad Boqol Xubnood oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta ee ka Howlgala Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Kulankaan...
QEEYBINTA WAXAA I BARTEY ISHAA DHURWAA KA LAALAADA!
“Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, aan ku bilaabo’e, Dawacaa laga sheegey, “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”, kadib markii Libaax ku yiri Dhurwaa, “Bal Dhurwaa hilbaha neefkan Habar-Dugaag...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo sheegay in sanadkan ay Ciidanka Qalabka sida u noqon doonto sanadkii dib u dhiska iyo xoreynta
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay sidan:
Muqdisho, January 1, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska...
Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortagga Burcad-Badeednimada ee SAPIC oo kulan Wacyi-gelin ah ku Qabatay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Xarunta ka-Hortagga Brcadbadeedda Soomaaliya ee(SAPIC) ayaa kulan looga hadlayay dhibaatooyinka Burcad-Badeednimada ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo kulankan ay hadallo u badan wacyi-gelin ay ka jeediyeen waxgarad iyo Mas’uuliyiinta xarunta SAPIC.
Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay, Sheekh Carmiye C/qaadir oo ka mid ahaa xubnihii kulanka...
WAXTARXUMIDA JAWAARI IYO BAARLAMANKA UU HOGGAAMIYO
Haddi dowladi xumaato mar ama labo waxaa caado u ah baarlamaanka dalku leeyay in ay dib u baaraan waxa dhacay ee dowladdu u xumaatay si aysan mar labaad u dhicin xumaantaasi.
Soomalida muddoyinkaan dambe waxaa soomaray 4 madaxweyne iyo 12 Rasii’sul Wasaare oo maamulka ku heshiinwaayey. Arrintaas waxay ragaadisay howlihii qaranka burburay oo loo baahnaa in dib loo dhiso.
Yaa marka laga sugaayey...
Kulan la Tashi ah oo ay soo Qaban Qaabisey INTERNEWS-Somalia kuna saabsanaa sidoo loo Yagleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.
Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan la tashi ah oo ku saabsan sidoo loo yegleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Heer Qaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka ,Xildhibaano , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha , Bulshada Rayidka, Culimaudiin , Haween , Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale , waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey...
Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo loo soo jeediyey in uu soo Magacaabo Wasiiro aan ka soo Tooseyn Madaxtooyadda.
Siyaasiga Xuseen Carraale Caddaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Barlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa muujiyay Taageerada uu u hayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaanta uu soo magacabay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.Siyaasiga ayaa sheegey in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya in looga fadhiyo inuu soo xulo wasiiro tayo leh isla markaana wax ka bedeli kara xaaladda waddanku...
Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegey in Ciidamo Dheeraad ah u Dirayaan Dalka Soomaaliya.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo is bedelada haatan ka jira.,Madaxweyne Geelle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay Ammaanka dalka Soomaaliya isagoona farta ku fiiqay dadaaladii ay bixiyeen Ciidamada Afrikaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya is bedleada ay ku soo Dabbaaleen Ammaanka guud ee Dalka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa kalsooni buuxda ka...
Daladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan Dood Wadaag ah ku saabsan Dib u Habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka.
Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey Dood ku saabsan dib u habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka waxaa dooddii maanta ka qayb galey GudoomiyAha Maxakamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka waxayna Bulshada Rayidka ay weydiiyeen Su/aalo ku saabsan Xadgudubyada Kufsiga ,is qabsiga Dhulalka, Dilalka iyo Xadgudubyo kale waxayan Masuuliyiintaas...
Warsaxaafadeed : Ra’iisul Wasaare C.weli Sh. Axmed oo maanta kormeeray Dekedda, iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo, xarigana ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac
Muqdisho, December 28, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyey ku tegay Dekedda Caalamigaah ee magaalada Muqdisho, Xerada Barakacayaasha ee Rajo, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo dib u dhis iyo qalabeyn dawladdu ku sameysay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Dayniile
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Muqdisho, December 27, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
“Waa...
Warsaxaafadeed: Madaxweyne Xasan “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”
Nairobi, 27 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”
Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha...
Dhowr Idaacadood oo sheegay in aysan ka mid ahayn Urur la sheegay in ay ku Midaysan yihiin Milkiilayaasha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed.
Wa-Ssaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu yiri “Anaga oo ah Idaacaddaha hoos ku saxiixan waxaan si cad u beeninaynaa in aanan ka mid nahay Ururka lagu sheegay in ay ku Midaysan yihiin Milkiilayaasha Warbaahinta Madaxa banaan ee Soomaaliyeed”
“Sidoo kale haddii aan nahay Idaacadahan waxaan ku faraxsanahay soona dhowaynaa cidkasta oo sameysata urur ay ku Midaysanyihiin, balse waxa muhiim ah...
DIFAACA SHEIKH MOHAMED IDRIIS WAA WAAJIB
Video: Culimo badan oo ka hadlay difaaca Sheikh Maxamed Idris.
Video: Imaam Sheikh Axmed Nuur oo ka hadlay difaaca Sheikh Maxamed Idris – SOMTV-SEATTLE
Daawo Video-ga:
BAAQ KU SOCDA DHAMAAN BULSHADA SOOMAALIYEED
MAXKAMADDA MARAYKANKA KAGA FURAN SH. MAXAMED IDRIS AXMED
Mahad oo Dhan Allaah Ayey u Sugnaatay Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa
ha ahaato..Intaa ka dib:
Walaalayaal,
Meel...
Wasarada Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya waxay u baahan tahay Miisaaniyad wanaagsan
Dowladdi dhexee ee Soomaaliya intii aysan bur burin 1991, Dalka Soomaaliya waxay laheyd 39 Safaaradood waa inta aan hubo waxayna kala yihiin:
USA, United Nations, Canada, Italy , Japan, India, Germany, China, UK , France ,United Arab Emirates, Saudi Arabia, Kuwait, Iraq, Iran, Qatar, Belgium , Sweden, Romania , Russia , Switzerland , Yugoslavia , Turkiya, Syria, Pakistan, Yemen, Oman , Libiya, Tunisia,...
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sh. Axmad Maxamed oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Warsaxaafadeed
Muqdisho, December 26, 2013——Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan...
DOOWLADAANEEY MA WAXA AAN KU MOODNEY, MISE WAXA AAD INAGU NOQOTEY!
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, akhristaha sharafta badanoow, aan ku bilaabo’e, waxaan in badan oo ummada Soomaaliyeed ka mid ah aan kala simanaa xaga niyad wanaaga, rajo ku qabida, iyo ku faraxsanaanta dowlada maanta jirta iyo madaxda xilka qabatey, oo igala duwanaa kuwii aan kasoo daalney.Waxaan...
IMAAM ABUU XANIIFA ( 3 )
6 –Abuu Xaniifa wuxuu lahaa Culumo ay isku waqti yihiin oo ay ka dhexayso Tartan iyo is riix riix ,taas oo ah caado Bani’aadamnimo oo ruuxu wuxuu xasdaa Ruux ka fiican ama uu niyadda wax uga qaadaa ,maadaama uu ka fiican yahay ama ka caansan yahay.
Taas oo ku bixisa in uu ximiyo ama xinsho aan iraahdo, Arrinkaasina waa arrin aysan ka nabad galin Ruux Allaah u gargaaray mooyee xataa Culumada.
Imaam...
Hayadda WARDI oo 120 Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho u soo Gabagabeeyey Waxbarasho Dhinaca Xirfadaha ah oo ay ku Shaqeystaan.
Waxaa Xarunta Hayadda WARDI ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 120 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kuwaasoo Waxbarashada Bilaabey oo Bishii May ee Sanadkaan waxana la barayey Xirfadaha kala ha , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alwaaxda,sida loo Dayactiro Mobile-da,Farsmada Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha , Barashada Computerka...
Radio Mogadisho: Ma Condka Dadkwaynahaa, Misa Waa Afka Dowlada U Adeega?
Inta aan u guda gelin muhimada qoraalka, waxaa xusid mudam in la xuso dhamaan Suxufiyiintii Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata “Radio Mogadisho iyo SNTV”, ee ku dhawacmay, kuwa eheladoodii la dilay iyo kuwa naftoodii qaaliga ahayd ku waayey shaqada ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed u balan qaadeen in ay u qabtaan. Iyaka oo aan marna dheg u dhigin cabsi gelinta cadowga. Sidoo kale, waxaa...
QORAAL KU SOCDA GUDDIGA DHAQAALAHA GANACSIGA IYO WARSHADAHA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
WARSAXAAFADEED
28/12/2013
Annagoo ah Milkiilayaasha Warshadda RAJO CONSTRUCTION AND TRANSPORTATION CO.LTD, waxaan cabasho ku aaddan in la buburiyay dhamman Warshaddii iyo qalabkii kale ee dhismaha ee Rajo Construction lahayd, taariikhdu markay ahayd 22/12/2013 ay ciidamo ka socda Booliska Soomaaliyeed oo watay wiishash ay si aan munaasib ahayn u rareen...
The future of Somalia and the threat of nationhood
Not long time ago when Somalia’s huge problems arose following the collapse of the statehood of Somalia in 1991. The ensuing political and social footballs precipitated waves of hostilities and conflict that wiped out any sign of government and paved the way for destruction, disarray and internecine war. The lucky people managed to walk away from the tragedy and sought a refuge in overseas. The vulnerable...




