Home » Archive Qoraaga
Magacaabista Golaha Wasiiradda waxaa xaq u leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed
Beryahaan waxaad warbaahinta ka maqleeysa ee waxa la isku heysta Magacaabiista Golaha Wasiiradda hase yeeshe haddii ay taas jirto waa nacasnimo iyo dadnimo xumo heysata Dowladda soomaaliya oo dhan.
Tusaale Haddii lugu magaacaabo Ra’iisal Wasaare waxaad xaq u leedahay in aad keensato Gole wasiiro ah oo aad soo xulatey laakin haddii ay noqoto mid adiga lugu soo xuley waxaad noqoneeysa qof aan Xukumin...
Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) oo ay ku soo Biireen Warbaahino kale.
Waxaa Hotelka Maka- Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad lagu soo dhaweynayey Warbaahino kale oo ku soo biirey Ururka Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) oo 16-ka Bishii December looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadii maanta ka soo qayb galey Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir , Ururrada...
Waalidiinta Qurbaha: cidaan adinka ahayn xilka kama saarna caruurtiina dhaqankooda iyo diintooda.
Inta aanan u gelin faalada qoraalkayga, aan idin xasuusiyo dhaqankeena ku salaysan diinta islaamka in uu yahay mid lagu faano. Dhaqankaas oo aan waligay hilmaamayn inkastoo ay iigu danbaysay hoyga dhaqankeena, Soomaaliya, in ka badan 22 sano.
Intaa kadib, sida aad ka maqashaan idaacada wararka ama aad ka aqristaan shabakadaha wararka, ama aad ka daawataan idaacadaha wararka ee la iska arko, waxaa...
Maraykanka oo shaaciyay in uu si Qarsoodi ah tiro Ciidama ah ugu Diray Soomaaliya
Xukuumadda Washington ayaa markii u horeeyay shaaca ka qaadday in tiro ciidamada Maraykanka ah oo Khubaro ah loo diray Gudaha Dalka Soomaaliya.Warbixin ay qortay Jariidada Washington Post oo soo xigatay Sarkaal ka tirsan Taliska hawl Galka Maraykanka ee Africom yaa sheegay in tiradan Khubarada Maraykanka ah ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya in shaqadoodu ay tahay talo bixinta iyo tababaridda Ciidamada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Digtay in loo Hoggaansamo Bayaankii ay ku jooojiyeen Inter-Net-ka Fiber Optic-ka
War saxaafadeed ka soo baxay WasaaraddaArrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambbaareeyayBbayaankii dhawaan ka soo yeeray Xarakada Shabaab ee ku aadanaa in la joojiyo Isticmaalka Inter Net-ka ee Fabric Optic iyo Mobailka dhinaca Internetka.Sii Hayaha xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen oo war saxaafadeedkaas ku Saxiixna...
Muwaadinimadu Waqti ay ku Dhacdo Ma Leedahay ? (Expire Date)
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladeeda Hoose ee Muqdisho waxay isla meel dhigeen lagama Maarmaanimada in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Meelaha ay ka Taliyaan loo sameeyo Waraaqaha Aqoonsiga (National Identity) si Waraaqahaasi gacan uga gaystaan Sugidda Amaanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo markii ugu horaysay gacanta u gashay Hal Maamul ka badan mudo 20 sano ah.
Waxay...
Howlaha ugu muhiimsan ee horyaal madaxweyanaha cusub ee Puntland
Hordhac
Sida lawada ogsoon yahay waxaa 8-dii janaayo 2014-ka madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland loo doortay prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Doorashada ayaa u dhacday si aad iyo aad u saraysa, taasoo soo jiidatay indhaha guud ahaan caalamka iyo weliba soomaaliya. Goobjoogayaashii ka socdey guud ahaan aduunka waxaa ay isku raaceen in qaabka doorashada loo agaasimey ay ahayd mid sharaf weyn iyo...
Afar Soomaali ah ayaa ku Geeriyoodey Shil Gaari oo ka dhacay Maraykanka, gobolka IOWA
Wiil & Hooyadiis iyo Habaryartiis iyo gabar ay qaraabo ama asxaab ahaayeen oo ku geeriyoodey shil gaari.
Afar qof oo Soomaali ah oo deganaa magaalada Postville ee gobolka IOWA ayaa ku dhintay shil gaari oo Jimcadii (Jan 10, 2014) ka dhacay meel u dhow dhanka Woqooyi ee Magaalada Clermont ee Gobolka Iowa ee dalka Maraykanka, aagga loo yaqaan Fayette County.
Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana...
Warqad furan oo ku socota Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed – By Aden A. Colujoog
Dhambaal xambaarsan talo soo jeedin oo si toos ah ugu sacota Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sh. Axmed
Mudane Ra’isal wasaare,
Marka koowaad iga guddoon salaan diiran oo kal iyo laab ah, salaan kaddib, waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilka culus ee aad dusha u ridatay, marka labaadna, waxaan kuu sheegayaa in magacaabistaadii Ra’isal wasaare-nimo ay igu...
Qofkii Dareen Naxariis lihi ku jirto ha u Gargaaro Labadaan Gabdhood ee Walaalaha ah.
Ma jirto cid aan ALLE aheyn oo sidii uu doono heli kara ama sameeyn kara aAadamiguna waa mid ka mid ah noolaha la Maamulo.Sacdiyo Macalin Cismaan Macalin Cali oo 13jir ah iyo Naciimo Macalin Cismaan Macalin Cali oo 11jir ah ayaa ku nool xaalad aad u liidata ka dib markii Sanado badan ay la jiifeen Cudur ay ku Dhasheen kaasi oo Daashaday.
Waxa ay Qoyskoodu ku nool yihiin Degaan Miyi ah oo lagu magacaabo...
Soomaalidu Meel ay ku Sugan Tahayba Maxaa Silica Baday?.
Somaali baan ahay, waxaan ka sii ahay Islaam, taasina mahadeeda waxaa iska leh Ilaaheey Subxaanuhu wa-tacaalaa ee Jinsiyaddeyda Soomaali ka yeelay, kolleybase waan filayaa in ruuxna Jinsiyadda uu yahay marnaba aysan baab’eyn walow aad maqasho mararka qaarkood hebel oo haysta Jinsiyadda dal fulaan asalkiisi horesae ahaa Somali ama dal kale, waxayna murti hore u tiri “waa loo Dhashaa Waddani’ ee...
Sannad Guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo la Xusey.
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guurada 41 aad ee Aas-Aaska Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyina Gobolka Banaadir oo ku began 8-da Janaayo ,waxaana ka qayb galey Masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Urarada Bulshada Rayidka, Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyntii halkaa...
Warsaxaafadeed – Madaxweyne Xasan “Hay’adda Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Somalia.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa tibaaxay in: Muqdisho, 09 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa yiri “Hay’ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”
Xafladan...
Madaxweynuhu yuu matalaa?
Xaqiiqa ahaan madaxweynaha, xildhibaanka iyo wasiirka waxaa loo xushay inuu ummadda wada matalo laakiin dadkeenu waxay sheegaan in madaxweynaha ama xildhibaanka ama wasiirku tolkiis matalo, dawladda ama wasaaradda uu maamulayana ay tahay dowlad ama wasaarad reer hebel laakiin marka la eego dadka badan ee jifo walba usoo safanaya jagada madaxweynenimada ama xildhibaanimada ama wasiirnimada waxaad ogaanaysaa...
Cabdiweli Gaas oo ku guulaystey doorashadii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
Arbaca Janaayo 8, 2014 waxaa magaalada Garoowe ka dhacay doorashadii madaxweynaha maamul gobolledka Puntland.
Doorashada oo 66 xildhibaan ee baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen musharaxiinta ayaa wareegii saddexaad waxaa codadka 33 ku guulaystay C/weli Gaas, halka uu madaxweynahii hore ee Puntland helay 32 cod. (1 xildhibaan ayaa codkiisii xumaaday).
Wareegiis kaas ka horeeyey ee labaad waxaa Cabdiweli...
Madaxweynaha Somalia “Doorashada Puntland waa horumar lagu tallaabsaday.”
Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa madaxweynaha DFS waxa uu kaga hadlay doorashada Puntlad. Waxana uu u qornaa sidan.
Muqdisho, 07 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Puntland horumar lagu tallaabsaday, una rajeeyey in doorashada madaxweynaha Puntland ee berri dhaceysa ay noqoto mid sii xoojisa...
Maxaa kala Haysta Fariimaha Mobile-lada iyo Lamaanayaasha !!
Markaan arkey Dhibaaatada ka Dhex Dhacda lamaanayaasha is qaba ama Is jecel ee uu sababo Mobil-ka ayaa waxaa go’aansadey in aa wax ka Qoro ka dib markii maalin maalmaha ka mid ah aan arkey nin Saaviibkey ah oo meel gaar ah Fadhiya islamarkaana Fekeraya kana muuqata Murugo ayaan inta u yeerey waxaana weydiiyey halka laga heysto?,waxaana uu i yri “Saaxiib sidee ii fahamtey nin...
Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD
Warsaxaaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, madaxtooyada DFS ayaa tibaaxay sidan:
Muqdisho, 06 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.
Ambassador Afey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan arrmaha...
Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo shuruud looga dhigay in ay isku-diiwaan geliyaan $10,000
Guddiga Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee qaabilsan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka ayaa Axad Janaayo 5, 2014 waxay soo saareen go’aan ay ku kordhinayaan lacagta ay isku diiwaan gelinayaan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamul goboleedka Puntland.
Go’aankaas soo baxay Maanta (janaayo 5, 2014) iyo shuruudaha lagu xiray musharaxiinta...
Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Dalka Soomaaliya ka dhacay Sanadkii 2013
9-kii Janaayo 2013 waxay Dowlada Xirtey Warie Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo u shaqeynayey Idaacada Dalsan ka dib markii Dowlada ku eedeysey in uu sameeyey war been Abuur ah balse markii Dambigaas lagu waayey isaga iyo Gabadhii uu Wareystey
January 17, 2013 Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiik Maxamuud ayaa Booqasho ku tegay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo isagoona...
In ka Badan 2000 Arday oo u Fariisatay Imtixaanka Semester Dhamaadka ee Jaamacada Somali international University (SIU)
Ku Dhawaad 2000 oo Arday oo wax ka Barata Campus-yada kala duwan ee Jaamacada Somali international University (SIU) ayaa waxa ay si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka Semester Dhamaadka ee Sanad Wax-Barashadeedka 2013-2014.
Cabdulaahi Cali Culusoow, Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka ee Jaamcada SIU oo aan wax ka weydiinay habsami u socodka Imtixaanka ayaa waxa uu yiri, “Waxaa si rasmi ah u bilaawday...
Dawro aqoon iswaydaarsi ah oo loo qabtay qayb ka midah ardada iskuulka imaamu shaafici.
Bosaaso:- magalada Boosaso ayaa waxaa ka bilawday manta oo tariikhdu tahay 05/01/2014 dawro aqoon iswaydaarsi ah oo ay soo qabanqabisay iskuulka imaamu shaafici oo kashanaya mu’assada Minhaaj ee dacwada iyo horimarinta lana magic baxday raad ku reeb bulshada, dawradan oo soconaysa muddu labo maalmood ah loona qabtay qaybka midah ardayda iskuulka.
Dawradan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee AMAL...
Madaxtinmada Soomaaliya Waa Xabsi iyo Qaxootinimo!!
Tan iyo markii ay dhaceen Dagaalada Sokeeye ee Soomaliya waxaa mar waliba aad arkeysa waxaad la yaabtid oo ku soo kordha Dhacdooyinkii Soomaalya ka jirey , waxay 10-kii September ee Sannadkii 2012 markii lagu Dhawaaqey in Xasan Shiikh uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markiiba Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo wada jira ay Guryahooda ugu tageen Qoyska Madaxweynaha la doortey si loo...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS.
Muqdisho, January 3, 2014—- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada joogtada ah...
Biibto: Madaale Howlkar ah oo aan ku Guuleysan Abaalmarin Caalami ah
Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto): Mucjisada Saxaafadda
In ka badan Muddo 24 Sanno ayaa aad u aqaaney Xabiibo Axmed Jimcaale oo ku Magac Dheer Biibto , waxaana dhawaan kula kulmey Munaasabad ka dhacaysey Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dib markii aan Xoogaa ismoogeyn, hase yeeshee mudadaas dheer ee aan is naqaaney Biibto waxaa inta badan aan ku kulmi jirey Goobaha Saxafada ee ay wararka ka...




