Home » Archive Maalinta November 28th, 2011

AROOS:Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad)

Nov 28, 2011
Waxaa 26-kii bisha November 2011, ka dhacay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden Aroos aad iyo aad u qiimo badan. Waxaana halkaas ka dhacay aqalgalka Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad) Waxaa Arooska kasoo qaybgalay ehelada arooska iyo aroosada, asxaabta iyo dhamaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Eskilstuna iyo gobolada u dhow. Dadka ehelka ah ee arooska kasoo qaybgalay... 

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo qado sharaf lagu sagootiyey Denmark.

Nov 28, 2011
Waxaa maanta oo ay tahay 27.11. 2011. Ay jaaliyadda Puntland qado sharaf u sameeyeen wasiirka caafimaadka ee Dowlad Goboleelka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo dhawaan booqasho shaqo ku yimid wadankaan Denmark. Intii ay qadado socotay waxay Jaaliyadda Puntland ee Denmark u soo gudbisey wasiirka warbixinno iyo macluumaad ku saabsan qurbajoogta Jaaliyadda Puntland ee dalkaan Denmark. Dhinaca... 
Halkudheg:

Sheikh Shariif oo Sheegey In Itoobiya Ciidamadeedu aanay Marnaba Soomaaliya u Soo Direyn laakiin Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogi Doonaan Magaca AMISOM

Nov 28, 2011
Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa ka qayb galay Dood furan oo ay dadweynuhu su’aalo ku weydiinayeen ayaa ka jawaabay Su’aalihii la weeydiinayay. Waana Doodii Labaad oo loo qabto Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Dooddan oo ay soo qaban qaabisey Hay’adda CRD ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasoo ay ka soo qayb galeen Illaa Shan... 
Halkudheg: ,

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday UN-ka oo uu hogaaminayay Mack Bowden.

Nov 28, 2011
Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha Hayadaha UN-ka oo u hogaaminayay xiriiriyaha dhanka Bani?aadanimada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Kulankan aya waxaa kasoo qeyb galay madax ka kala socotay qeybaha hayadda UN-ka oo uu sidoo kale ka mid ahaa Alvaro Rodrigues (Head of UNDP Somalia), waxaana ay kawada hadleen guddomiyaha gobolka Banaadir... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Nov 28, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani. Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar ee magaalada Doha ayaa labada Ra’iisul Wasaare waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Qatar iyo Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka qotada dheer... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...