Home » Archive Maalinta November 24th, 2010

Farmaajo Ma Qaban Doonaa RIGOORAHA Shariif Xasan ?

Nov 24, 2010
Qofkii Daawada Cayaaraha K/cagta waxa uu isla markiiba garan karaa in kooxda markay dooneyso in ay guuleysato ay guushaasi ku timaado dadaal ay wada galaan Cayaartooyda Kooxda hase yeeshee mararka qaar guushaasi waxa ay ku xiran tahay haddaba Khibradda Goolhayaha, marka lays mari waayo waxaana farta lagu wada fiiqaa Goolhayaha waayo isaga ayaa laga sugayaa sidii uu Kooxda ugu keeni lahaa Guul aad... 
Halkudheg:

Boqolkiiba 80% Dadka lagu dilay Muqdisho oo lagu eedeeyey AMISOM iyo DFKMG

Nov 24, 2010
4,260 qof ayaa lagu diley Muqdisho, waxaana la dhaawacay 12,567 qof, intii u dhaxaysan 2009-2010 – Warbixin ay qortay jariidadda WashingtonPost oo soo xiganeysey tirakoobkii ay soo bandhigtay hay’adda Lifeline Africa oo sheegtay in dadka shacabka ay Muqdisho lagu diley labadii sano ee ugu dambaysey ay kor u dhaafeen 4,200 qof, isla markaasna ay Muqdisho ka halis badan tahay Afghanistan... 
Halkudheg:

Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil: Bannaanbax Nabadeed oo lagu difaacayo Badda Soomaaliya

Nov 24, 2010
Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo Dowlad Goboleedyada) in aay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula geedadeedu tahay in aan ka badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda Soomaaliya. SII AKHRI….  Read More →
Halkudheg: ,

Yuusuf Indha-Cadde oo daboolka ka qaaday inuu gebi ahaanba kala baxay ciidamadiisii Dowladda FKMG

Nov 24, 2010
Indhacadde oo sheegay in uu ka baxay DFKMG…. Yuusuf Max’ed Siyaad (Indho-Cadde) oo dhawaan sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Ururka Xisbu Islaam (garabkii hore heshiiska ula galay DFKMG) ayaa maanta (Nov 24, 2010) shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uuna daboolka ka qaaday in uu gebi ahaanba uu ciidamadiisii kala baxay Dowladda Federaalka KMG isla markaana aagagii ay ciidamadiisii... 
Halkudheg:

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Marxuum Maxamuud Faarax Cumar Indhabur oo Geeriyoodey

Nov 24, 2010
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee DFKMG,Marxuum Maxamuud Faarax Cumar Indhabur, ayaa xalay (Nov 24, 2010) u geeriyoodey magaalada Muqdisho. Waxaana marxuumka lagu aasay magaalada Muqdisho. Geerida marxuumka waxaa qoraal tacsi ah ka soo saaray madaxweynaha DFKMG, qoraalka oo u qornaa sidan: ……….. Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay maalmo baroor-diiq qaran Inaa Lillaahi wa inaa... 
Halkudheg:

Ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ay ku laayeen Muqdisho

Nov 24, 2010
Ciidamada AMISOM ayaa warsaxafaadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ciidamadaasi ay ku dileen Muqdisho, waxaana warsaxafadeedka AMISOM u qornaa sidan: War saxafadeed November 23 2010 Arrin aad u foolxun oo wax laga xumaado ah ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay Magalada Muqdisho oo ay ku dinteen laba qof oo rayid ah. Baaritaan ayaa socda balse waraarka nasoo gaaray ayaa tilmaamaya in kolonyo gaadiid... 
Halkudheg:

Nin Soomaali ah oo lagu diley xaafada Eastleigh

Nov 24, 2010
Talaada: 23 November, 2010. Star FM.  Nairobi, Kenya…. Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa diley tuugo, iyagoo toorey kala dhacey dhuunto, dhiig bax badan kadib halkii ayuu ku naf waayey. Dadweynihii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacey ayaa aad ugga naxey, wuxuuna wakhtiga ku beegnaa xili hore oo aroortii ah, kaasoo dadka intiisa badan ay jiifeen. Ninkan markii la dilayey waxa uu u socdey garoonka... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...