Home » Archive Maalinta November 12th, 2010

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo

Nov 12, 2010
Magacyada 18 Wasiir ee Golaha Wasiirada cusub ee DFKMG iyo Puntland oo wareegto ka soo saartay in ay dib uga fiirsaneyso xiriirka ay la leedahay DFKMG… Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Jimcadii (November 12, 2010) waxa uu ku dhawaaqay xubnaha golahiisa Wasiirada oo ka kooban 18 wasiir, 15 kamid ah ay yihiin wasiiro cusub. Waxaa arrintaas wareegto/Digreeto ka soo saaray... 
Halkudheg: ,

iibinta Astaanta .SO. ee Qaranka Somaliyeed

Nov 12, 2010
1960 Markii u xornimadiisa ka helay waddamada Ingriiska iyo Talyaaniga oo gumeysan jiray Somaliya, waxaa helnay aqoonsi buuxda oo adduunyada noo aqoonsatay in Somaliya aay tahay waddan xor ah. Iyadoo la tixraacayo xornimadaas ayaa Somaliya waxay yeelay labo (2) shey oo lagu aqoonsado oo kala ah 1. Calanka buluugga ah oo xidigta cad aay dhaxda kaga taal (taasoo astaan u noqoto dhinaca aragga). 2.... 
Halkudheg:

DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)

Nov 12, 2010
Heshiis Qarsoodi ah oo ka dhacay Nairobi iyo Tokyo oo Shirkad Laga leeyahay Dalka Japan  laga iibiyey Domain-ka Rugta Internetka rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya (SO), shirkaddaasina noqonayso midda maamusha…. Dhowaanahan waxaa soo shaac baxayey in xukuumadda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay iibisey magaca guud ee Diiwaanka u ah DOMAIN-ka Internetka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo .SO in shirkaddaasi... 
Halkudheg:

Ciid-ul-Adxa Talaado, November 16 iyo Masjid Abubakar oo idiin soo diyaariyey, Minneapolis Convention Center

Nov 12, 2010
Abubakar As-Saddique Islamic Center Wuxuu idiin soo diyaariyey Minneapils Convention Centre 7:00 am – 9:00 am Ciid-ul-Adxa Talaado, November 16, 2010 Ogaysiiska Ciida Waxaa illaahay Mahadiis ah inaan markale  idin lawadaagno u diyaar garowga Ciidul Adxa. Ilaahayna waxaan waydiisanaynaa inuu inoo fududeeyo imaana nagu garsiiyo. Xarunta Ububakar As-Saddique Islamic Centre Waxay ogaysiinaysaa dhamaan... 
Halkudheg:

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyey Talaabadii Ciidamada Amisom ka qaadeen Xildhibaanada

Nov 12, 2010
Xildhibaan Aadan Cabdulle “Maalinka Sabtida kalfadhi ayaan ku yeelaneynaa Golaha Shacabka xitaa haddi ay ishortaag nagu sameeyaan Amisom” Iyadoo Maalintii shaley ahayd ayaa Ciidamada Amisom xoog uga saareen Xarunta Golaha Shacabka Xildhibaano doonayey in ay ku yeeshaan kalfadhi ku aadan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka... 

Siminaarka Macalimiinta Garsoorayaasha Kubadda Cagta oo ka furmey Dalka Tansaaniya

Nov 12, 2010
Magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania waxaa ka soconaya tababar caalami ah oo loo qabanayo macalimiinta garoorayaasha Qaarada Afrika, waxaana Soomaaliya tababarkaas ku matalaya 4 macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray. Seminaarkan oo magiciisu yahay {FUTURO III course} oo ay qabanaqaabiso FIFA ayaa waxaa ka qeyb gala dhamaan wadamada adduunka iyadoo afrika loo kala qeybiyo 2 qeybood... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...