Home » Qoraallada Halkudhegga "Farmaajo"

Raiisul Wasaare Farmaajo oo Qirtey in Dowladiisa ay Heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah

Mar 21, 2011
Webka Somalitalka oo dhawaan soo bandhigey in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu heshiis Qarsoodi ah la galey Shirkad Mareykan ah oo lagu Magacaabo park-strategies (LOBBYING FIRM) oo ah Shirkad Dulaal-Ololayn ah ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo (Hoos ka akhri warsaxaafadeedka) iyo wareysi uu siiyey Idaacadda Codka Mareykanka Qaybteed Soomaaliya VOA-Somali ayuu wuxuu ku qirtey... 

Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif

Mar 1, 2011
Go’aankii kororsiga xilliga xukuumadda FKMG oo noqday isku tuurtuur, majaajillo iyo maaweelo… Shacaabka Soomaaliyeedna ay ku wareersan yihiin sida arrinta loo maareeyey… Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan ayaa Jimcadii Feb 25 sheegay in uu dib ugu celiyey warqaddii uu madaxweynaha DFKMG u soo qoray baarlamaanka ee ku saabsanayn kordhinta waqtiga baarlamaanka. Waxaa hadalkaas... 

Maxaa u qabsoomey Farmaajo Boqolkii Maalmood ee uu qabsadey?

Feb 26, 2011
21 kii Nofember ee Sannadkii tegey   ayaye ahayd markii Raiisul Wasaaraha Cusub ee Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqey in 100 Maalmood uu Nabadgelyo ku soo dabaali doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaana arrinkaa si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho oo u hamuun qabey  ammaan Buuxa maadaama 20 Sanno ay ku soo jireen Dagaalo aan dhamaad lahayn. Boqolkii Maamlmood... 
Halkudheg: ,

Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo oo ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib uga celiyey warqadii xilli kororsiga…

Feb 26, 2011
Kulan ay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Farmaajo ayaa lagu xusay in ay haboon tahay in hay’ad walba oo ka tirsan DFKMG ay ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah. Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii madaxweynaha DFKMG uu baarlamaanka dib ugu celiyey go’aankii xilli kororsiga, taas oo islamarkiiba Shariif Xasan guddoomiyaha baarlamaanku uu warqadda Sheikh Shariif dib isaguna ugu celiyey.... 
Halkudheg: ,

Farmaajo oo warqad taageero ah u diray Shariif Xasan

Feb 17, 2011
Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa 17kii Febraayo 2011 warqad taageero ahaa go’aankii saddex sano kororsiga waxa uu u diray Guddoomiyaha baarlamaanka… SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

War-saxaafadeed ku aadan shirka golaha Wasiirada

Feb 8, 2011
War-saxaafadeed ku aadan shirka golaha Wasiirada 08.02.2011——–Shir aan caadi aheyn oo ay maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada ayaa looga dooday Hab-raaca marxaalada kala guurka ee dalka oo ku eg August 20, 2011 waxaana shirkani guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Golaha Wasiiradu waxay isla soo qaadeen go’aankii uu Baarlamaanka... 
Halkudheg:

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Farmaajo ka dalbaday in arrimaha shirkadaha uu qoraal kusoo gudbiyo

Jan 30, 2011
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Maxamed ayaa Axaddii hortegey Xildhibaanada Baarlamaanka Waxana uu xusay shirkadaha uu kusoo ogaadey baaritaankiisii, sida SARACEN, SKA, SO, iyo shirkado badan oo uu sheegay in aan baarlmaanku aysan ogeyn oo dalka jooga oo qaarkood heshiis la galay Qarammada Midoobay iyo Maraykaanka… Qaar kamid ah Hadalkii Farmaajo Dhegeyso [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_jan30_shirkado.mp3] Xildhibaanada... 
Halkudheg:

Farmaajo oo ka warwareegey ka jawaabidda su’aalo la xiriira Shirkadda Saracen iyo inta ka dhiman Xukuumadda Shariif iyo cidda Safiir ka ah UN

Jan 15, 2011
Iyo Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ka jeediyey Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobey iyo Khudbadii Mahiga…. UNITED NATIONS: Warbixin ay qortay InnerCityPress ayaa tibaaxday in Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Jimcadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qarammada Midoobey (QM) in InnerCityPress ay ka rajaynaysey... 
Halkudheg: , ,

Warqad Farmaajo u Qoray Mahiga oo Muran ka dhex dhalisay Xubnaha Sare ee Xukuumadda FKMG

Jan 13, 2011
In Xukuumadda FKMG qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay  dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan “Rome Statute of the International Criminal Court” iyo l adagaalanka Musuqmaasuqa… SII AKHRI…  Read More →
Halkudheg: ,

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo 100-kii Maalmood ee uu qabsadey Xagee Mareysaa?

Jan 12, 2011
55 Maalmood ayaa ka tagtey waxaa u Harsan 45 Maalmood — 20-kii Nofember 2010 ayay ahayd markii Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu qabsadey Boqol Maalmood in uu wax kaga qabanayo Arrimaha Amaanka mar uu la hadlayey Golaha Baarlamaanka uuna soo bandhigey Qorshahiisa ee Dowlada ee wax ka qabashada arrimaha Nabadgelyada taasoo ay si aad ah ula dhaceen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka halka... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u Dhoofay Maraykanka iyo Wafti la socda oo sii dhoofaya dalka Norway

Jan 11, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ayaa tibaaxay in wafti uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ay u dhoofeen Maraykanka oo ay  ka qayb gelayaan shir lagu qabanyo Golaha ammaanka, waxaana waftigaas qaar kamid ah ay usii dhoofi doonaan dalka Norway si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo arrimaah Soomaaliya. Warsaxafadeedku waxa uu u qoraa sidan: Ra’iisal... 
Halkudheg:

“Cumar C/rashiid hore waa u adeegsadey Tixraaca xarfaha OPM” Hadal ka soo laabtay Warkii Ra’iisul Wasaarahii hore

Jan 4, 2011
Warqad uu Cumar C/rashiid hore ugu qoray Qarammada Midoobay oo ku astaysan OPM… Warqaddii October 10, 2009 uu QM ku war geliyey in Baarlamaanku uu diidey Heshiiskii is fahamka badda ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya…. SII AKHRI….  Read More →
Halkudheg:

Cumar C/rashiid: “Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay”, Mana jirto wax Warqad ah oo aan u qoray Shirkadda Saracen

Jan 3, 2011
Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo si qayaxan u beeniyey in uu saxiixay warqad la sheegay in loo diray shirkadda Saracen Internation ee qaabilsan ammaanka… Cumar C/rashiid ayaa si kulul u beeniyey hadalkii uu ra’iisul wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka DFKMG ee ahaa in Cumar C/rashiid uu warqad u qoray shirkadda... 
Halkudheg: ,

Cumar C/rashiid: “Saxiixayga Waa Lagu Been Abuurtay”

Jan 3, 2011
Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKMG, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo si qayaxan u beeniyey in uu saxiixay warqad la sheegay in loo diray shirkadda Saracen Internation ee qaabilsan ammaanka… Cumar C/rashiid ayaa si kulul u beeniyey hadalkii uu ra’iisul wasaaraha DFKMG ee hadda, Maxamed Farmaajo ka hor akhriyey baarlamaanka DFKMG ee ahaa in Cumar C/rashiid uu warqad u qoray shirkadda... 
Halkudheg:

War ku aadan shirka golaha Wasiirada: oo isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen,

Jan 3, 2011
…. ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka…. Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu  horeeyo in howlaha muhiimka... 
Halkudheg:

Video: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya

Dec 18, 2010
DFKMG oo aan weli ka jawaabin arrintaas — Telefishanku waxa uu ka warbixinayey Kulankii Farmaajo iyo Zenawi ee Dec 14, 2010 — Telefishanka Itoobiya ayaa soo bandhigay video kooban oo uu ku muujinayo kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Meles Zenawi, December 14, 2010. Warbixintaas kooban waxa uu TV-gu yiri: “Meles... 
Halkudheg:

Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegey Itoobiya, Jabuutina kula kulmay Madaxweynaha Puntland

Dec 14, 2010
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo si booqasho degdeg ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.. Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi farmaajo ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay in uu ku tago magaalada Addis Ababa... 
Halkudheg: ,

Khilaaf mar kale ka soo dhex Muuqday Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan

Dec 10, 2010
“Shariif Xasan oo wada Qorshe uu Beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in Shiikh Shariif xilku kaga egyahay 31 Janaayo 2011” …. Iyadoo dhawaan uu dhamaadey Khilaaf hore oo soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ku saabsanaa qaabkii loo ansaxin lahaa Golaha Wasiirada Xukuumada ee Raiisul Wasaaraha DFKMG... 
Halkudheg: , ,

Sidee looga arkay Magaalada Muqdisho booqaashadii Madaxweynaha Uganda.

Nov 30, 2010
Sheekh Bilaal “Musaveni waa ka Fuleysan yahay Miles Zanawi waayo” Musaveni oo ku qaabilay Madaxda Dowladda Dhufeyska hoostiisa.. Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafeni oo aan booqasho aan horey loo shaacin ku yimid shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqashadiisa aragtiyo kala duwan ka bixiyey aqoonyahano, culuma’udiin, ururada diiniga ah iyo qaar ka mid ah bulshada, waxayna intooda badan... 
Halkudheg: ,

Muqdisho: Wasiirro Dalka ku soo laabtay (cod, sawirro iyo qoraal )

Nov 27, 2010
Wasiirada xukuumada cusub qaar ka mid ah ayaa Sabtidii muqdisho soo gaarey xilli xarunta madaxtooyadana ay ka socotay dhaarinta golaha xukuumada uu soo dhisay raiisal wasaraha DFKMG Farmajo ,waxaana imaatinkooda ku soo aadey xilli xildhibaanada golaha barlamankuna ay ku heshiiyeen meelmarinta ansixinta golaha wasiirada.. Dhegeyso wasiir ka mid wasiirada soo laabtay Wasiiradii Sabtidii... 
Halkudheg:

Xukuumadii Raiisul Wasaare Farmaajo oo Codka Kalsoonida ka heshey Golaha Baarlamaanka

Nov 27, 2010
Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Golahiisa Wasirada oo maalmahan Wadnaha Farta ku hayey ayaa maanta (Sabti Nov 27, 2010) waxay Codka kalsoonida ka heshey Golaha Baarlamanka kadib markii Cod Gacan taag ah ay ku heleen Codka Kalsoonida 251 cod ayaa ogolaatey Xikuumada Farmaajo Waxaa diidey 92 Xildhibaan mana jiraan cid ka aamustey. Intii aan la guda gelin Codsiinta xukuumadda Farmaajo... 
Halkudheg:

Kullaankii Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida lagu siin lahaa Golaha Wasiirada Cusub oo ku dhamaaday Feer iyo Haraanti

Nov 22, 2010
Kulankii Baarlamaanka oo Buuq ku dhamaaday, xukuumaddii Farmaajo oo aan la ansixin …. Kulankii baarlamaanka DFKMG ayaa Maanta (Isniin Nov 22, 2010) lagu kala dareeray kaddib markii buuq xoog leh ka dhacay, arrintaas oo kadambaysay kaddib markii ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo uu baarlamaanka horkeenay golahiisa cusub ee wasiirada si ay u ansixiyaan, taas oo buuq ka dhashay... 
Halkudheg:

Wasiir-xigeenkii labaad ee Golaha Wasiiradii uu Magacaabey Raiisul Wasaaraha DFKMG oo is ka Casiley Xilkii

Nov 21, 2010
“Waxaa laga baxay heshiiskii Jabuuti iyo kii Mpaagathi, sidaas daraadeed waan is casilay….” Faysal Cumar Guuleed — Markii uu Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu balaariyey Golahiisa Wasirada isla markaana u ku kordhiyey 9 Sagaal Wasiiru Dowlo iyo 18 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa isa soo taraya Mucaaradada looga soo horjeeda Dhismaha Dowladda Cusub. Waxaa Axad... 
Halkudheg:

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegay in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan

Nov 20, 2010
Bishii Oktoobar ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Waxaa uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dib markii uu iscasiley Raiisul Wasaarhii Hore ee DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxayna Iscasilaadiisa ku timid ka gadaal markii ay iska horyimaadeen Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh. Farmaajo ayaa maanta... 
Halkudheg:

Mid ka mid Golaha Wasiiradii uu Magacaabey Raiisul Wasaaraha DFKMG oo is ka Casiley Xilkii

Nov 19, 2010
Markii uu Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu balaariyey Golahiisa Wasirada isla markaana u ku kordhiyey 9 (Sagaal) Wasiiru Dowlo iyo 18 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa maanta (Jimce Nov 19) shir Jaraaid qabtey Mid ka mid ah Wasiir ku xigeenadii uu magacabey Raisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna daboolka ka qaadey in uu iska casiley Xilkii Wasiir ku xigeen ee Wasaarada... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...