SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LETTER

Warqad Farmaajo u Qoray Mahiga oo Muran ka dhex dhalisay Xubnaha Sare ee Xukuumadda FKMG

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Janaayo 13, 2011

Waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqul warqad uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u qoray Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey.

Warqaddaas oo Farmaajo kaga warbixiyey qorshaha xukuumaddiisa qodobada uu kaga hadlay waxaa kamid ah:

  • In Xukuumadda FKMG qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay sharciyayso ama dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan "Rome Statute of the International Criminal Court"
  • In la samaynayo Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa oo awood loosiinayo in baaritaan ku sameeyaan oo magacaabaan isla markaasna ceebeeyaan xubnaha ama kooxaha lagu helo musuqmaasuqa.
  • In xilliga xukuumadda FKMG in uu ku egyahay Agoosto 2011. Taas oo Farmaajo sheegay in Hay'adaha DFKG ay wajahayaan arrintaas oo uu ku tilmaamay xasaasi.
  • iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin Ammaanka, burcad badeedda, argagaxisada, dibu heshiisiinta, caddaalada, Dastuurka Qabyada ah...

Haddaba qormadii warqadda oo kooban hoos ka akhri:

Ammaanka

Ugu horayn Farmaajo waxa uu ka hadlay in xukuumaddiisu "ay garwaaqsan tahay muhiimadda ammaanka". Isagoo ka mahad celiyey joogitaanka Ciidamada Afrikaanka ee AMISOM iyo inuu soo dhaweynayo Golaha Ammaanka kordhintii ciidamada AMISOM in la gaarsiiyo 12,000 askari, isagoo sheegay in DFKMG jiritaankeeda iyo horumarkeedu ku taagan yahay AMISOM.

Waxana uu intaas raaciyey in xukuumaddiisu fahamsan tahay in ciidamo aan Soomaali ahayni aysan ahayn xalka, isla markaasna ay mar hore bilaabeen in ay tababaraan ciidamo Soomaaliyeed oo ay qorteen.

Laakiin waxa uu qiray in ay jiraan dhibaatooyin soo wajahay "ciidamada (ay xukuumaddu qoratay) waxaa soo wajahay dhibaatooyin kadhashay mushaharo la'aan, oo in badanoo dhallinyaro ah oo ciidamadaas ka mid ah ay ka huleeleen ama aysan soo xaadirin. Qaar kale oo aan badnayn inay ku biireen cadawgayaga," ayuu yiri Farmaajo, waxana uu intaas raaciyey "Mushar si loo helona waxaan la dagaalamaynaa musuqmaasuqa, taas oo hawl badan u baahan."

Burcad-Badeedda iyo Argaggaxisada

Waxa kale oo uu ka hadlay burcad badeedda oo uu tilmaamay in sannadkii 2008 ay xeebaha Soomaaliya ka dhaceen 111 weerar oo ay qaadeen burcad badeed Soomaaliyeed, kuna qafaasheen 42 markab. Waxana uu arrin layaab leh ku tilmaamay in isla xilliga ay weeraradaasi dhacayeen in xeebaha Soomaaliya ay ilaalinayeen maraakiib ilaalo ah oo lagu bixiyey $40 million, taas oo uu yiri ma aha arrin la aqbali karo. Waxa kale oo uu ka hadlay "argagaxisada" oo uu sheegay in ay cambaaraynayaan argagaxisada noocii ay doonto ha noqotee.

Musuq Maasuqa

Farmaajo waxa uu si xooggan uga hadlay musuqmaasuqa, gaar ahaan waxa uu sheegay in uu beesha caalamka ku raacsan yahay musuqmaasuqa xukuumaddii ka horeysey, isagoo arrinataas ka hadlayey waxa uu qoray: "Beesha caalamku waxay ka walaacsanaayeen xisaabtan la'aantii xukuumaddii hore ee KMG iyo sida ay u maaraysay lacagaha," waxana uu raaciyey in ay walaacaas la qabaan beesha caalamka.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu ay samaynayso guddi aad u awood badan oo la dagaalama musuqmaasuqa. Guddigaas oo awood loosiinayo in baaritaan ku sameeyaan oo magacaabaan isla markaasna ceebeeyaan xubnaha ama kooxaha lagu helo musuqmaasuqa. Guddigaas oo dadka lagu helo musuqmaasuqa keeni doona maxkamad, lana ciqaabi doono sida sharcigu qabo qofkii musuqmaasuq lagu helo.

Adeegyada iyo guddiyo

Waxa kale oo uu ka hadlay in uu yareeyey xukuumadda iyo in loo baahan yahay in la bedelo qaabkii xukuumaddu u shaqayn jirtey. Iyo in la sameeyey guddiyo madax bannaan kala duwan. Waxana uu xusay arrimaha la xiriira dhaqaalaha. Isagoo sheegay in ay xoogga saarayaan arrimaha la xiriira lacagta oo uu yiri jaah wareer ayaa ka jira lacagta Shillinka Soomaaliga.

Dib u heshiisiinta

Farmaajo waxa uu warqadda uu u qoray Mahiga ku xusay in dib u heshiisiinta Soomaalidu aysan weli dhamaystirnayn maadaama, ayuu yiri "Kooxaha fallaagada ah ay bannaanka ka taagan yihiin nidaamka nadabadaynta inkasta oo la isku deyey in la soo dumo.

Waxana uu xusay in xukuumaddu ay hadda haysato fursad maadaama ayuu yiri "ay Xisbul Islaam isu dhiibeen Al-Shaabaab, ayna rajaynayaan inbadani in ay garwaaqsadaan in nabaddu ay tahay dariiqa xalka qaran." Waxana uu xusay in xukuumaddu ay heshiis la gashay Puntland iyo Ahlu Sunna wal jamaaca oo ay qadarinayaan heshiisyadaas.

Caddaaladda Xilliga Kala Guurka

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Kumeel Gaarka ah waxa kale oo qoraalkiisa kaga hadlay arrinta la xiriira caddaalada iyo maxkamadda Caalamiga ah ee la saaro dadka gala faldembiyeedka dagaalka (International Criminal Court). Waxana uu si gaar ah u tibaaxay in xukuumadduusa ay qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay sharciyayso ama dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan "Rome Statute of the International Criminal Court" (FG. Xeerkaas tirada dalalka saxiixay ke eeg dhanka hoose ee bogga).

Xilliga Kumeelgaarka kaddib

Farmaajo waxa kale oo uu xusay in xilliga xukuumadda FKMG uu ku egyahay Agoosto 2011. Waxana uu sheegay in Hay'adaha DFKG ay wajahayaan arrintaas oo uu ku tilmaamay xasaasi. Waxana uu muujiyey in golaha baarlamaanku ay arrintaas kala shaqaynayaan xafiiska Madaxweynaha si loo soo bandhigo qorshe jihaysan oo ku saabsan xilliga kumeelgaarka marka uu dhammaado.

Dastuurka

Warqadda uu u qoray mahiga waxa kale Farmaajo kaga hadlay arrinta dastuurka oo uu sheegay inkasta oo dastuurkaas qabyada ah lagu soo wareejiyey xukuumadda hadana in  ay ku jiraan waxyaabo badan oo su'aalo ka taagan yihiin. Waxana uu yiri "Inkasta oo beesha caalamku ay maalgelin badan ku bixiyeen diyaarinta dastuurka qabyada ah haddana xubnaha guddigii (loo xilsaaray) waxbadan kuma lahayn, taas oo hoos u dhigtay tayada dastuurkaas qabyada ah. Waxaana weli su'aalo ka taagan yihiin nidaamka la qaadanayo in uu noqdo nidaam Baarlamaani ah mase nidaam madaxweyne ama nidaam laba gole ama hal gole baarlamaan ama in la qaato dastuurkii 1963 oo wax laga bedeley. Waxana uu sheegay in arrinta dastuurku ay tahay waxa ugu horeeya ee u qorshaysan xukuumadiisa.

Waxana uu Farmaajo qoraalkiisa ku gabagabeeyey in Soomaalidu ay diyaar u yihiin nabadgelyo dhexdooda ah, deriskooda iyo adduunka.

Khilaaf Warqaddaasi dhalisay

Warar SomaliTalk ka heshay ilo wargal ah ayaa tibaaxay in warqaddaas uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u dhiibey Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xogyahay Qarammada Midoobey iyo qoraallada ku faahfaasan in ay khilaaf ka dhex dhaliliyeen xubnaha sare ee xukuumadda.

Khilaafkaas oo ku salaysan xilliga u harsan xukuumadda, oo la isku hayo Janaayo iyo Agoosto 2011 iyo arrimo kale oo aan weli soo shaac bixin sida ay tibaaxeen ilo wargal ah.

Ra'iisul wasaaraha DFKMG Farmaajo warqadda uu u dhiibey Mahiga xilligii safarkiisii ugu dambeeyey ee Muqdisho waxa uu ku xusay Arrimaha Musuqmaasuqa cidda lagu helo in maxkamad la soo taagayo iyo in Soomaaliya ay sharciyayso xeerka caalamiga ah ee faldembiyeedka oo ah xeer loo cuskan karo dadka ka qayb qaata falal dembiyeed yadada dagaalada.


Cagaar: (Ansixin) | Huruud: (Saxiixid). Kaaki: (ma saxiixin weli)
Dalalka saxiixay Xeerka Caalamiga ee Faldembiyeedyada eeg halkan

FG. Xeerka loo yaqaan "Rome Statute" ee ka dhanka ah faldebiyeedyada Caalamiga ah waxaa 17 July 1998 lagu ansaxiyey shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Waxaana xeerkaasi dhaqan galay 1 July 2002. Ilaa hadda bishan Janaayo 2011 dalalka xeerkaas dhaqan geliyey tiradoodu waa 114 dal, waxaa intaas dheer in 34 dal ay saxiixay balse aan weli dhaqan gelin. Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ka mid yihiin 55 dal oo aan weli saxiixin oo dhaqan gelin xeerkaas loo cuskado dadka gala fal dembiyeedyada sida xasuuqa shacabka ee dagaaladda ka qayb qaata. Akhri Xeerka Caalamiga ee Faldembiyeedka (http://treaties.un.org/)

  • Xildhibaanada Baarlamaanka oo lala socodsiinayo in ay ka hor tagaan khatarta ka iman karta Qorshaha Norway iyo Commonwealth ee ku aadan damaca Badda Soomaaliyeed oo ah arrin weli taagan... AKHRI...

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 13, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: