Home » Warar
War saxaafadeed kasoo baxay shir golaha wasiiradu ay maanta ku yeesheen Muqdisho
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimodhowr ah oo ay ka mid yihiin:1. Howlaha amniga iyo xasilinta Muqdisho,2. Shirka Wadatashiga ee Soomaalida iyo3. Hay’ada Nile ee waxbarashada dalka Turkiga.Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageysteywarbixin...
Soomaalida Ku Nool Gobolka Perth ee Dalka Australia oo Deeq Lacageed soo Gaasiiyey Bukaanadda ku jira Isbitaalada Madiina
Iyadoo Xawli ay ku socdaan Gargaarka la gaarsiinayo Dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo Dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya ayaa Soomaalida ku noor Gobolka Perth ee dalka Australia waxay Deeq Balaaran soo gaarsiiyeeyn dadka ay abaaraha iyo Dagaalada waxyeeleeyeen waxayna ugu horeyn Deeq lacageed gaarsiiyeen Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyada ugu badan Isbitaalada...
Markazka Sunni Center ee Magaalada Gothenbourg ee wadanka Sweden oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyay Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Deeqdani oo ay soo direen Soomaalida ku nool Magaaladda Gothenbourg ee Dalka Swden gaar ahaan Masjidka ugu weyn Wadamada SCANDINEVIAN oo la kaashanaya Jamaacadda ku Tukata Masjidka iyo Markaska Soomaalida ee Xaafadda Hinsingen,ayaa waxay u soo Wakiisheen Xubin ka mid ah Gudiga Culimada & Ganacsatada Gurmadka Degdega ee Abaaraha .
Walaalaha Soomaaliyeed oo iska soo Aruuriyay lacag Gaareeysa...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo xafiiska ku qaabilay Amb Mahiga iyo wafdi la socday
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maantaxafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobey oo uuhoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM AmbassadorAugistine Mahiga. Sidoo kale kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ambassador WafulaWamunyinyi oo...
Shirkadda HORMUUD TELCOM oo 2500 oo Qoys Raashin Gargaar ah ugu qaybisey Gobolada Bay iyo Bakool
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeqdii u horeysay ee gar gaar ah sama fal ah gaarsiisay Gobolada Bay iyo Bakool, halkaasoo 2500-qoys ugu qeybisay Raashin isugu jiray Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid, xilli abaaro ba’an ay ka jiraan deegaanada Goboladaas.
Iyadoo shirkada ka jawaabeysa qeyla-dhaanta abaaraha iyo baahida deg deg ah ee xilligan ka jirta Gobolada dalka, ayay mar kale...
Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Magaalada Muqdisho
Iyadoo maalmo ka hor Xoogagii Xarakada Al-Shabaab ay ka baxeen Goobo ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa dadka qaar waxay ku tilmaameen ka bixtaankaas mid aan wax ka badaleyn Xaaladdii Cakirneyd ee Magaalada Muqdisho ilaa hadda Ma muuqdaan ifafaalo ay dadka ugu soo laabanayaan Guryahoodii qaarkood waxay sheegeen in xaaladda ay haatan taagan Xiligii ay joogeen Ciidamadii Itoobiya.
Dad baa damcay inay ku...
Hayadda SAHDO oo Muqdisho ka qaybisey Deeq Lacageed oo ay u soo Wakiisheen Hayadda Horn Africa Development Trust
Waxaa Magaalada Muqdisho weli soo gaaraya dad fara badan oo ka soo carerey ama ay saameeysey Abaaraha ka dilaacey Gobolo ka tirsan Soomaaliya waxaana dadkaan ay Abaarta Saameeysey u soo gurmaday Hayado kala Duwan, Dalal ka tirsan Dunida,Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa waxaa laba Xero oo ku taal Degmooyinka Hodan iyo Waaberi laga qaybiyey Deeq lacageed oo la gaarsiiyey,Xerada...
Jaamacadda Muqdisho oo gargaar kala duwan siisay 500 oo qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha
Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdish ayaa maanta oo Talaado ah gargaar kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.
Gargaarkan oo isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo xafiiska ku qaabilay wafuud ka kala soctay Midowga Yurub, dalka Turkey iyo Bisha Cas ee dalka Iran.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul DFKMG ayaa waxaa ka mid ahaa:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maantaxafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub iyo wafdi kale oo ka socdayBisha Cas ee dalka Iran.
Ra’iisul Wasaaraha kulankii u la qaatay wafdigii uu hoggaaminayey George MarkAndre oo ah Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxey...
Jaaliyadda Soomaliyeed ee SALAALA ee Saldanada Cumaan oo Deeqdii ugu Balaarneyd soo gaarsiyey Dadka Abaaraha Saameeyeen
Jaaliyadda Soomaaliyeed SALAALA ee ku Nool Dalka Saldanada Cummaan ayaa soo gaarsiiyeen Deeq Lacageed iyo Raashiin walaalhooda ay waxyeeleeyeen Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya. Deeqdaan ay soo Direen Jaaliyada Salaala ayaa waxaa loo soo wakiishay Shiikh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka Dhibaateeysan looguna iibiyo Raashiin . Ku talagalka deeqda ayaa wuxuu ahaa in la gaarsiiyo in ka badan kun...
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday Qarmada Midoobey (UN)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo kasocday Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Mark Bowden, Isu-DuwahaXiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Bruno Geddo,Madaxa UNHCR Somalia, Alvaro Rodriguez, Madaxa UNDP Somalia, Kiki Gbeho,Madaxa OCHA, iyo saraakiil ka socotay WFP, UNHCR, UNDP iyo OCHA....
Shir mahiim u ah oo looga hadlayey Gobolada dalka somaliya oo ka dhacay london/Uk
Waxaa shir ay si wada jira usoo abaabuleen (WORLD G18 SOMALI) iyo uqaabil sanhaha Baarlamaanka Uk xiriirka UN-ka uu ka dhacay shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/11 Galbeedka magaalada london.
Shirkaas ayaa looga hadlayey xaalada Soomaaliya ee cakiran waqtiga adaga ee marxalada uu haatan dalku kusugan yahay.
Shirkaas oo loogu magac daray (WORLD G18 SOMALIA Progress Reports Meeting).
Waxaa shirkaasi...
Shacabka Muqdisho: Filimkaan Hore ayaan u Daawaney.
Shacabka Muqdisho ayaa aragtiyio kala duwan ka bixiyey markii Xoogagii Al-Shabaab ay faaruqiyeen Goobo badan oo ku yaal Magaalada Magaalada oo dhufeysyo waaweyn ay uga Qodnaayeen ,qaarkood aad bay u soo dhaweeyeen qaar kalena waxay sheegeen in ka bxitaanka Muqdisho Xarakada Al-Shabaab ay tahay mid aan soo afjari doonin dagaaladii Sanadaha badnaa ka jirey Magaalada Muqdisho.
Dr Yuususf Mire Daahir...
Xeradii Badbaado ee Dadka Abaaraha oo loo bixiyey Ma Badbaado
Dhawaan ayay ahayd markii xero ay Dowladdu u sameysay dadka ka soo barakacay abaaraha kuna taalay agagaarka Xoosh ee degmada Dharkeynlay ay ka dhacdo xanuun badan oo maalmihii la soo dhaafey Shacabku hadal hayaan kadib markii dad gaaraya 12 qofood lagu dilay kuwaas oo ahaa dadkii ku jiray xeradasi, waxaana falkaan gaystay Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka oo watay Gawaari Tikniko ah.
Falkaan...
Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada soomaliya
Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay Al-Shabaab laga xorreeyey magaalada. Ugu horreyntii golahu waxey hambalyo u dirayaan geesiyaasha ciidamada Dowladda Soomaaliyeed iyo AMISOM oo ku guuleystay dagaaladdii...
Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha
Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha Deeq ay soo ururiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta loo qaybiyay qaar ka mid ah barakacayaasha abaaraha oo ku jira kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Deeqdan oo ahayd lacag caddaana ayaa waxaa loosoo wakiishay Suhuur Xasan Axmed oo...
Reysalwasaaha DFKMG Soomaaliya oo sheegay in Alshabaab laga baacsaday Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay sidan: Ciidanka Dowladda oo kaalmo ka helaya AMISOM ayaa maanta ku guuleystay inay magaalada Muqdisho ka xorreeyaan kooxaha xag jirka ah ee Al-Shabaab oo ku xiran kooxda Al-Qaeda.Al-Shabaab waxey ku qasbanaadeen inay ka cararaan magaalada Muqdisho, tan oo daba joogtay dagaalo usbuucyadii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Sheffield UK oo Deeq Lacageed oo ay soo direen loo qaybiyey dad ku jira Xerada Ansalooti ee Muqdisho
Iyadoo welii Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayaan dadka ay saameeysey Abaaraha kuwaas oo ay ka muuqato Darxumadii iyo Dhibaatadii Abaarta ayaa Hayada SWACRO Somali Women Children Rescue Organization waxay xerada lagu magacaabo Ansaloot ee Degmada Xamar JabJab ka qaybisey Deeq Lacageed oo ay qaybinteeda u soo Wakiisheen Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Sheffield UK waxaana lagu magacaabaa...
Xarakada Al-Shabaab oo Sheegey in ay Xeelad Dagaal uga Baxeen Goobo ku yaal Muqdisho
Laga soo bilaabo Sanadkiii 2007 waxaa Magaalada Muqdosho iyo qaar ka mid Gobolada Soomaaliya ka jirey dagaalo aad u qaraaraa waxayna Dagaalada Xoogooda dhaceen Magaalada Muqdisho waxaana Dagaaladaas ay galaafteen Kumanaan Soomaaliyeed waxaana ku dhaawacmey kumaan kale iyadoo sidoo kale ay ku barakaceen dad lagu qiyaasi karo 3 Milyan oo qof kuwaas oo ku dandareysan Daafaha Magaalada Muqdisho Xuduudaha...
Reysal wasaaraha soomaliya oo maanta booqday xerada Badbaado..
Xerada badbaado oo uu maanta booqday reyasalawasaaraha soomaaliya isagoo halkaa kasheegay dhacdo kadhacday xeradaa oo ku saabsanayd in la boobay raashin la geeyey xeradaa wuxuuna yiri aad baan uga xumahay in laboobo xoolo loo wadey dad masaakiin ah inkastoo ayuuu yiri la,iisheegay in raashinkii qayb lasoo celiyey wuxuuna ku dhawaaqay MR.Cabdiweli in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha xerada sida...
Ururka Samafalka Markabley oo howl Gargaar Raashin qeybin ah ka bilaabay Deegano ka tirsan Gobolka Gedo
Ururka Samafalka Wadaniga ah Markabley Relief and Development Trust ee fadhigiisu uu yahay Dalka Ingiriiska ayaa Maalmahii ugu dambeeyey waxaa uu howlo gurmad Raashin qeybin ah ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo xilligani ay ka taagan yihiin xaalado Qalafasan oo la xariira Abaaraha iyo dhibaaatooyin nololxumo oo saameysay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka.
Gargaarkani...
Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qatar Charity
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’ada Qatar Charity International oo ah hay’adii ugu horreysay ee caalami ah ee soo gaartay shacabka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho. Wafidgan oo ay ka mid ahaayeen Mohamed Ader-deor, Agaasimaha Gurmadka Deg-degga ah, Ali Mubarak Al-Kubaisi ahna Madaxa qeybta xiriirka deeqbixiyeyaasha,...
Ma Fogeysanayo in Muqdisho lagu iibiyo Xoolo Bakhtiyey”Xuseen Fiidow Cali”
Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991 waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay arrimo fara badan oo dadka ku reebey Ma hadho waxayna arrimahaan inta badan dadku ku sababeeyeen dowlad la’aanta jirta, waayo dadka haddii aysan haysan sharci kala haga, waxaa xaqiiqo ah in ay sameynayaan wixii ay doonaan, iyadoo ay taasi jirto ayaan xuuraansi u galay arrimo ka mid ahaa kuwo ugu foosha xun ee...
Shirkii uu horeeyey ee ay golaha wasiiradu yeeshaan oo maanta dhacay
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen barnaamijka xukuumadda, shirka wadatashiga ah ee Soomaalida iyo arrimaha abaaraha baahsan ee dalka ka jira.Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay golaha cusub ee wasiirada in loo baahanyahay...




