Home » Warar
Itoobiya oo Sheegtay in ay Qabsatay magaalada Bedelweyne
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon, ayaa sheegay in ciidankoodu qabsadeen magaalada Soomaaliyeed ee Bedelweyne.
Bereket Simon said: “Enemy troops were routed during the operation and have retreated. We only had minimal losses,” Reuters.
Waa markii labaad oo Itoobiya qiratay in ay xoog ku gashay Soomaaliya, bishii Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho,...
Kulan lagu soo Bandhigey Sawiradii Xasuuqii Deegaanka Hosingow ee ay ka geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo ka dhacay Muqdisho
Iyadoo weli ay socdaan Duulaamada Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ka wado qaar ka mid Gobolada Soomaaliya ayaa Kulan looga hadlayey Xasuuqii ka dhacay Tuuladda Hosingow ee Gobolka Jubadda Hoose ka dib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ay halkaa ka geysteen Xasuuq aad u ba’an kaasoo ay ku dhitneen ilaa iyo laba Toban Ruux oo u badnaa Caruur iyo Haween waxaa ku dhaawacmey ilaa Soddon...
Louis Michele oo Sheegey in Soomaaliya aan looga Maarmin Xal u helideeda Wadamada Deriska la ah.
Lewis Michele oo mar ahaa Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub haatana ah mudane ka tirsan Barlamanka Yurub ayaa ka hadlay Xalka Soomaaliya.
Mr Luwis ayaa sheegey in xalka soomaaliya loo baahan yahay in laga raadiyo Wadamada ku yaala Mandiqadda geeska afrika oo uu sheegay in si weyn ay ugu xiran yihiin Dalka Soomaaliya.
Lewis Michele oo haatan ku sugan Dalka Jabuuti oo la hadlay Idaacadda VOAda ayaa sheegey...
Xuska Sannad Guurada 10 aad ee Wanle Weyn Human Rights iyo Sannad Guurada 1aad ee Xushmo Press
Waxaa maanta Xarunta Hayadda Wanle Weyn Human Rights ee Magaaladda Muqdisho ka dhacdey Laba Munaasabadood oo mid ay ahayd Xuska Sannad Guurada 10-aad ee Aas-Aaskii Hayadda xaquuqda Adanaha ee Wanle Weyn Human Rights iyo Xuska Sannad Guuradda 1-aad ee Wargeyska Xushmo Press oo ah Wargeyska ay soo saarto Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle weyn kana faalooda arrimaha Xaquuqda Aadanaha, Baniaadanimada...
Warsaxaafadeed Wasiirka Warfaafinta oo Hanbalyo u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed
Wasiirka Warfaafinta, Boostada &Isgaarsiinta ayaa u diray Hanbalyo ku aadan sanadka cusub dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) ayaa yiri “Waxaan u hanbaleynayaa Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo Dibaddaba, munaasabadda sanadka cusub, waxaanan u rajeynayaa in sanadkaani noqdo sanadkii...
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisii oo galabta caasimadda dib ugu soo laabtay kadib todobaadyo uu ku tegay degaanada Puntland
Wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Bosaaso ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo booqasho labo todobaad qaadatay uu ku tegay.
Ka hor inta uusan ka soo dhoofin Ra’iisul Wasaare Gaas magaalada Bosaaso ayaa waxaa garoonka u soo...
Fadhigii Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maanta Dib U Dhacay
Iyadoo maanta loo Madalsanaa Fadhigii ay xildhibanada ka soo hor jeeda Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa haddana kulankaasi uusan qabsoomin isla markaana uu dib ugu dhacay maalinimada sabtida ee soo socota.
Baarlamanka Xaruntiisa ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta soo xaadiray Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddoomiyahii hore Baarlamaanka iyo kuwa taageersanba kuwaasoo sida la sheegay kulamo...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday Maxjaro ku yaala Bosaaso iyo Jaamacadda Bariga Afrika
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG soo gaaray Bosaaso kadib safar dhanka dhulka ah oo uu kaga soo ambabaxay Garowe
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah saaka aroortii kaga soo ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa...
Musharixii u Horreeyay ee Jagada Guddomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Isa Soo Sharaxay
Xildhibaan Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah xildhibanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa noqday Musharixii u horeeyay oo shaaciyay inuu isu soo taagayo Jagada Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo maanta Magaalada Muqdisho Saxaafadda kula hadlay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha uu qaban doono haddii uu noqdo oo loo doorto Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta booqday dhaawacyadii dadkii wax ku noqday dhacdadii shalay
Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aaneey waxba ka hakran doonin dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay shilkii gaari ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay taageerayaashii ciyaartooyda degmada Wadjir.
kadib kormeer uu maanta ku tagay mudane Maxamuud Axmed nuur Tarsan Cisbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyo...
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Guluf ugu Jira ku Qancinta in ay Go’aankoodii Ka Laabtaan Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soo maaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa wada dadaal uu ku doonayo inuu ku qaboojiyo Xiisadda ka dhex aloosan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaano ka tirsan kuwii dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka.
Illaa Toban...
kaalmo la gaarsiiyey barakacayaal ku sugan xeryo gargaar oo muqdisho ku yaal
Kaalmo lacageed oo Gaareysa ilaa todobo kun oo doolar oo la gaarsiiyey barakacayaal hooyooyin caruur iyo curyaamiin .
Kaalmadan lacageed ayaa waxaa bixinteeda iska kaashaday hey.adda UNICEF GLOBAL STAFF ASSOCIATION waxayna aheyd Mid ay iska kaashadeen oo ah cash support to Mugadishu IDPS distributedby:
WOMEN PIONEERIS FOR PEACE AND LIFE ( HINNA)
Deeqdaan oo aheyd lacago doolar kaash ah oo qofkiiba...
Shirweynhii Xisbiga Hiil Qaran oo Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey
Waxaa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xisbiga Hiil Qaran lagu soo gabagabeeyey Shirweynihi Xisbiga Hiil Qaran waxaana ka qaybgaley Xubnaha Xisbigaas , Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo inta aan la soo gabagabeynin Shirweynahaas in Xubnaha Xisbiga Hiil Qaran Muddo Saddex maalmod ay lahaayeen dood ku aadan qaabka loo wajahayo haddii Xisbiga Xisbiga Hiil Qaran uu ku guuleysto Hagaanka Dalka...
Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG oo Ku Gacan Sayrey Hadaladii ka soo Yeeray Shariif Xasan
Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo Shir ay Ku Yeesheen Muqdisho ayaa Ku Gacan Sayrey Hadaladii ka soo Yeeray Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Xildhibaanaddii dhawaan Xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG Soomaaliya oo maanta (Isniin) kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa falanqeeyay hadaladii shalay ka soo yeeray Shariif Xasan ee ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanku ay dib ugu laabtaan...
War-Saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho
Shir aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed Mohamud Haji Ibrahim ayaa looga hadlay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay ay bixiso oo loo yaqaan United Nations Population Award.
Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha Wasiirada u sharaxay Bilad Sharafta...
Abuukar Badri “Haddii Bahda Warbaahinta waxaa Dhigi doonaa Banaanbax la mid ah kii ka dhacay Fagaaraha Taxriir hadii aan Dowladda Cabashadeena Dhageysan”
Tan iyo markii dilka loo gaystey Wariye Cabdisalaan Xiis Todobaadkii hore waxaa jiray Cabashooyin ka soo yeerayay Bahda Saxaafadda ka hawl gasha Magaalad a Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Shalay ayay saxafiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho waxa ay dibad bax cabasha ah ay ka sameeyaan afaafka Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.,Sarkaal ka tirsan qaybta Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha oo...
Bahda Warbaahinta Muqdisha Ka Hawl Gasha oo Dibad Bax Cabasha ah Ka Sameeyey Xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.
Banaanbax si wanaagsan loo soo abaabulay oo ay ka qayb qaadanayeen qayabaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisha ka hawl gasha ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wariyayaashan oo tiradoodu boqolaal gaaraysey ayaa socod dheer ku soo maray wadada Maka al Mukarama iyagoona sitay Boorar ay dawladda Federaalka kaga codsanayaan in caddaaladda la hor keeno Gacan ku dhiiglihii Todobaadkii Dilka u gaystay...
Gabagabadii shirkii Garoowe oo lagu go’aamiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu soo koobo 225 xildhibaan oo lagu soo xushay hab qabiil
Shirkii Garoowe oo soo gabagaboobey Sabtidii Dec 24, 2011 ayaa go’aamadii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo samaynayo June 2012, laguna soo doorto habka-qabiilka ee loo yaqaan 4.5, isla markaasna lagu soo koobo 225 xildhibaan.
Madaxweynaah DGPL waxa uu sheegay in sababta go’aankaas 4.5 ay u aqbaleen ay tahay in ay ugu turayaan madaxda ka...
Waxaa lasoo gaaray waqtigii ay ku talagashay Kenya in Shiidaalkii Badda Soomaaliya loo qodo
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in lasoo gaaray waqtigii aay ku tala gashay Dowladda Keenya in shiidaalka batroolkii badda Soomaaliya loo qodo, ayadoo isla markaasna ay ciidammada Dalka Kenya ku suganyihiin gudaha Dalka Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer in dayaaradohoodu ay duqeynayaan magaalooyin Soomaaliyeed.
Waxaa arrin la yaab leh ah annagoo la wada soconna DAMACA aay KENYA ka leedahay Batroolka...
Caalim Geeridii waa Furin aan la Awdi karin| Daawo 10 Muxaadaro Dec 9-11, 2011
Asalaamu Calaykum Waraxmah
Sidaan horay idinku balan qaadnay illaahay fadligii waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 Muxaadaro oo daawasho ah, kana mid ah Nadwadii lagu qabtay Masaajidka Abubakar ee Minneapolis oo cin waankeedu ahaa “أثر فقد العلماء على الأمة Saamaynta Dhimashada Culimadu Ummada ku Leedahay” Muxaadarooyinkaan oo aad muhiim u ah kana faa’iidaysteen...
Xildhibaan Casoowe ayaa ku gacan sayray go’aankii Wasiirka Amnigu ku xiray Baarlamaanka
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga DKMG oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in muddo afar (4) toddobaad ah la xiray kalfadhigii baarlamaanka, waqtigaas 4ta asbuuc ahna la joojiyey shaqadii iyo shirarkii Barlamaanka, waxaana xukuumadda FKMG arrinta xiritaanka baarlamaanka sabab uga dhigay arrimo la xiriira ammaaanka xildhibaanada. Waxaana hadalka wasiirka markiiba ka soo...
Shirkii Garowe oo furmay iyo Shariif Xasan oo kaga qayb galay “Guddoomiyaha” Baarlamaanka DFKMG
DFKMG oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Furitaankii Shirka Garoowe –
“Shirkan oo daba socda shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho 4-6 bishii October kaasoo loogu magac daray shirka Wadatashiga Soomaaliya” waxaa warsaxaafadeedka hoose ka soo saaray DFKMG…
Shirkii Garowe oo furmay iyo madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay
Garowe, Arboco, December 21,2011———Shirkii...
Fadhigii Baarlamanka KMG oo Mar Kale Gacmaha la Isula Tegay, Isla markaana markii Dambe Af Garad Ku Soo Gaba Gaboobey
Iyadoo maantay sidii qorshuhu ahaa xildhibaanada Baarlamanka KMG ee ka soo horjeeda Guddoomiyihii hore Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ay u Madalsanayeen Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheekadaba waxa ay ku bilaaban tay Ciidamada ammaanka ee Goobtaas ku sugan iyo Xildhibaanada oo Foodda Is Daray kadib markii Ciidamada Diideen in wax kulana ah uu ka dhaco Xarunta Golaha
Ciidamada...
Tafaasiil Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Duqeyntii Diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Degaanka Hoosiingga ee Gobolka Jubada Hoose.
Inta la xaqiijiyay illaa shan iyo Toban Ruux ayaa dhimatay halka 38 kalena ay ku dhaawacmeen Duqeyntii shalay gelinkii danbe ka dhacday Degaanka Hoosiinggo oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Diyaaradaha dagaalka Nooca Miigga ayay sheegeen dadka degaankaasi ku dhaqan in weerar laba mar ah ay ku soo qaadeen gudaha magaalada iyo meel hal kiilo ka durugsan magaalada .
Maxamuud Ibraahim...
Imaanshihii Ciidamada Jabuuti ee Muqdisho oo markiiba Khilaaf ka dhex Abuurey kuwa Uganda iyo Burundi
Weli waxaa taagan Khiaafkii Ciidamadda Jabuuti iyo kuwa Amisom ka dib markii Taliyaha Ciidamada Jabuuti Gen Zakeriye uu sheegey in heshiiska Ciidamada Jabuuti ay ku yimaadeen Muqdisho aya tahay in ay ilaalyaan xarunta Madaxtooyadda , Dekeda Weyn ee Magaaladda Muqdisho iyo Garoonka taasoo aya ka diideen kuwa Amisom gaar ahaan kuwa Uganda
Ciidmadda Amisom,ayaa sheegey in Cidmadda jabuuti ay qayb ka...




