Home » Warar

Wararkii ug Dambeeyey Qarax Nafhurnimo ah maanta ka dhacay Magaaladda Beled Weynoo Khasaarana ka soo gaartey Ciidamo Itoobiyaan ah.

Jan 24, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Saakey aroortii hore Xarunta Gobolka uu ka dhacay Qarax naftii hurnimo ka dib markii Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey uu galey Xarunta Gobola Hiiraan Xiligaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan oo dhawaan soo galey Magaalada Beled weyne Qaraxaan oo si weyne looga maqley Magaalada Beled weyne ayaa wararkii... 

Maamulka Jaamacada Muqdisho oo Cabasho ka muujiyay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee Dhawaan Fariisimaha ka sameeystay Xarunta Jaamacadaasi .

Jan 24, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka guud ee Jaamacadda Muqdisho ayaa looga hadlay gelintaankii ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay galeen Jimcihii lasoo dhaafay dhismaha Jaamacadda Muqdisho Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan: jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga furay dalka kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kuna taalla xarunteeda dhexe degmada Yaaqshiid... 

Maxay Tahay Ujeedooyinka ka Dambeeya Shirka Dib u Hesiishiinta ee Dowladd Ingriiska u qabaneyso Ummadda Soomaaliyeed

Jan 23, 2012
21-kii sanno ee Soomaalida ay ku jirey Dagaalada aan dhamaadka lahayn ayaa waxaa loo qabtey in ka badan Labaatan shir oo dhamaantood laga dhaxley Dhimasho , Dhawaac , Barakacay iyo Hanti ku burburey Ilaa iyo hadda dadka Soomaaliyeed weli ku waaya aragnmo ku qaadan La’ yihiin shirarkaas hadba qolo qabaneyso oo aan lahayn Natiijo dhaxal gal ah. 23 Bishaan ayaa la filayaa in Dowladda Ingiriiska ay Marti... 
Halkudheg:

Hayadaha WAMY iyo HARO oo si Wadajir ah u Qaybiyey Deeq Gargaar oo la siiyey Dad Gaaraya 550 Qoys oo Barakacayaal ah

Jan 23, 2012
Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa deeq gargaar noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo kun nool l Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir. Kaam lagu magacaabo Raaxoole ayaa waxaa Deeq raashin ah la siiyey Qoysas Tiradooda gaareyso 550 Qoys waxaana qoys kasta la siiyey 25 Bur ah , 25 kiilo oo Bariis ah 10... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee UK

Jan 23, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraa DFKMG ayaa u qornaa sidan: Muqdisho, January 23, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Matt Baugh, Ergeyga gaarka ah ee UK. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha roadmap ka iyo horumarka laga sameeyey sida Go’aanadii Garowe... 
Halkudheg: ,

Warbixin ku saabsan Masuuliyiinta Sare ee Dowladda oo isku Khilaafsan Qaabka la iskugu Shaandheynayo Xukuumada Gaas

Jan 22, 2012
  Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira Masuuliyiinta Dowladda Federaalka KMG oo isku Khilaafsan Qaabka loo shaandheynayo Xukuumadda Raiisul Wasaaraha DFKMG Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas, waxayna Saraakiil ku dhow dhow Madaxtooyada noo Sheegeen in 20 –kii Bishan uu Raiisul Wsaaraha uu doonayey in uu ku dhawaaqo isku shaadheynta Xukuumadiisa. Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa... 
Halkudheg: ,

Dowladda Mareykanka oo Qiratey in ay Bilaal Al Barjaawi ku Dileen Duleedka Muqdisho

Jan 22, 2012
Shiikh Cali Dheere “Bilaal Al Barjaawi wuxuu heley wuxuu Muddo Raadinyey ee Shahiidnimo Waxaan Dowladda Mareykanka u sheegeynaa in loo Aari doono” Dowladda Mareykanka ayaa qirtey in Duleed Muqdisho ee loo barakacay ay ku dishey Hogaamiye Sare oo ka tirsan ururka Alqaacida 00 lagu magacaabo Bilaal Al-Barjaawi waxaana Dowladda Mareykankaa ay sheegtey in Dilakaas ay geysteen Diyaaradaha Iswada... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed R.W. oo maanta la hadlay boqolaal Arday ah oo waxbarasho lacag la’aan ah dowladdu siisay

Jan 22, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dugsiga Maxamuud Mire kaasoo ay wax ka bartaan ku dhowaad 1,000 arday kuwaasoo si lacag la’aan ah wax ku barta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisan waxaa ku wehlinayay Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Waxbarashada iyo maamuleyaasha iskoolka Maxamuud Mire, iyadoo ra’iisul wasaaruhu... 
Halkudheg:

Qaxootiga Soomaalida ee ku jirey Xeryaha Qaxootiga Kenya oo Bilaabaya in ay dib ugu soo Laabtaan Soomaaliya…

Jan 21, 2012
Tan iyo markii dagaalada Sokeeye ay ka qarxeen gudaha Soomaaliya ayaa waxaa jiray Kumanaan Soomaali ah oo dalka Dibaddiisa u Firxaday kuwaasoo ka cararayay Dagaalada ahliga ah ee Soomaaliya ka jira. Qaxootiga ugu badan Adduunka ayaa waxa ay ku jiraan Xeryaha qaxootiga dalka Kiinya halkaasoo Kumanaan Kun oo Soomaali qaxooti ah ay ku jiraan Xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga bari ee dalka Kiinya. Qaxootiga... 
Halkudheg:

Faah faahin Dheeraad ah oo ka soo Baxday Dagaaladii ka qarxay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Jan 21, 2012
Iyadoo dagaalo waqti badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo gacan ka hel;aya kuwa amisom iyo Xarakada Shabaab ay Xalay illaa maanta ka socdeen Magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah ayaa waxaa soo baxaya warar hor u dhac ah oo khasaaraha dagaalkaas ka waramaya. Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo barqanimadii maanta saxaafadda kula hadlay qaybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid gaar haa Jidka Warshadaha... 
Halkudheg:

Xisbiga Hiil Qaran oo si kulul u Cambaareeyey Xasuuqa Ciidamada Kenya ka gaysanayaan qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya.

Jan 20, 2012
Xisbiga Hiil Qaran ayaa xaruntiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ku qabtay shir jaraa’id balse ka hor inta uusan shirku bilaaban ayaa saxaafadda loo soo bandhigay sawirada shacab Soomaaliyeed oo diyaaradaha Kenya dhibaato ku gaarsiiyeen qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya kadib markii 16-kii bishii October ee sanadkii hore ciidamada Kenya soo galeen gudaha dalka Soomaaliya. Shirkaasi jaraa’id ayaa... 
Halkudheg:

Faah faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Shirkadda African Oil oo Qodista Ceel Shidaal ka Bilowdey Deegaanka Dharoor.

Jan 19, 2012
Cabdiraxmaan Faroole “Sagaashan Cisho ayaa Shidaalka lagu soo saarayaa” iyo Dr Cumar Kaahiye oo sheegay “Haddii Shirkaddu African Oil Sharciyeysan tahay Waxaa Xafladeeda ka qaybgeli lahaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka”. Sii Akhri  Read More →
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha oo magcaabay Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa

Jan 19, 2012
Waxaan maanta soo dhameystirnay xubnihii Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u howlgalaan. 17kii November 2011 ayaa golaha wasiiradu waxey ansixiyeen in dib loo cusbooneysiiyo sharciga Law no. 10 ee 1968 ee lagu aasaasay Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa. Guddigan ayaa la filayaa inay dar-dar geliyaan la dagaalanka musuqmaasuqa oo qeyb weyn ka ah maamul wanaaga aan in muddo ah soo wadnay, si... 
Halkudheg:

Markaz As-Sunnah oo laga Dhisaayo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, Somalia

Jan 19, 2012
Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ay DFKMG maanta kasoo saartay duqayntii jilib

Jan 18, 2012
Shirkan Jaraa’id waxuu ku saabsanyahay dhacadii ka dhacday Axadii degmada Jilib oo diyaaradaha dagaalka ay geysteen khasaare isla markaana goobtaas lagu dilay 4 wiil iyo gabar oo uu dhalay Abdullahi Macallin Hussein. Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay Abdullahi Macallin Hussein oo aan si shaqsi ah uga tacsiyeeyey dhimashada shantiisa carruur, waxaana EEBBE uga baryey inuu samir iyo iimaan isaga... 
Halkudheg:

War-murtiyeed Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka KMG

Jan 17, 2012
iyo Waraysi Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil “…Hadda Dastuurka Waxaa La Wareegay Gudiga Khubaradda, Waxayna Ku Sameynayaan Daraasad… Hawsha Loo Direy Gudiga Dastuurka Madaxa Bannaan Wuxuu Ahaa Inuu Soo Diyaariyo Qabyo Qoraal, Wuuna Soogudbiyey…” wareysi Sii Akhri  Read More →
Halkudheg:

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Mar Kale Duqeyn ka Gaystay Degaano Hoos Yimaada Af Madow

Jan 17, 2012
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Kiinya ay Maanta Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada Degmada Af Madow. Diyaaradahan ayaa la sheegey in muddo dheer ay isaga daba laabanyeen goobihii ay duqeynayeen isla markaana duqeyntaasi sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka ay dhibaato ka soo gaadhay Dad Rayid ah. Sarkaal... 
Halkudheg:

Xukuumadda Kenya oo Xarakada Shabaab ugu Baaqday in si Shuruud La’aan ah ay ku sii Deyso Saraakiisha ay ka Hayso.

Jan 17, 2012
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya ayaa lagu sheegayin xukuumaddakiinya si aad ah uga walaacsan tahay Saraakiil ka tirsan Ciidamadeeda oo Xarakada Shabaab hore u sheegatay in ay gacanta ku hayaan. George Siatoti wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha ee dawladda kiinya ayaa sheegey in dawladda Kiinya ay ka go’an tahay sidii ay juhddi badan ugu bixin lahayd sii deynta... 
Halkudheg:

Maxay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay xasuuqa ay Diyaaradaha Kenya u Gaysanayaan dadka Rayidka ah.

Jan 16, 2012
Waxaan aad uga xumahay in Qoys inta la laayo la yiraahdo Shabaab ayaan Bartilmaameedsanay, Caqligaas mid Dad loo Sheego ma ahan Mar aan saakay oo dhex qaaday qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan xasuuqa diyaaradaha kenya ka gaysanayaan deegano ka tirsan Soomaaliya kuwaas oo ay maalin walba ku dhimanayaan dad aan waxba galabsan ayaa dadkii aan... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ay soo saareen gudiga amniga DFKMG

Jan 16, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ka yeeshay Dagaaladaka dhacay Buuhoodle (Muqdisho: 16-janaayo-2012): Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo gaar ahaan dagaalada ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda... 
Halkudheg:

Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya oo Shan Caruur oo isku Qoys ah ku diley Degmada Jilib

Jan 15, 2012
Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya ayaa Duqeeyey maanta Magaaladda Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe waxaa dadka deegaanka ayaa sheegeen in Diyaaradaha ay ahaayeen laba diyaaradood oo noocoodu ahaa kuwa dagaalka waxayna Bombooyin la dhceen Goobo ay ku sugnaayeen dad Rayid ah. Duqeyntaan ayaa wararka ugu horeeya oo ka soo baxay ay tibaaxeen in ay ku dhinteen Qoys ka koobnaa lix qofood waxaana... 

Maamulka SoomaaliLand oo Maanta Xabsiga u Taxaabay Wariyaal Dibad Bax ka Dhigayay Magaalada Harggaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed

Jan 15, 2012
iyo Dagaalo sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Degmada Buuhoodle Ciidamada ammaanka ee Maamulka la magac baxay Soomaali Land ayaa maanta Tiro wariyayaal Xabsiga u taxaabay ka gadaal markii ay wariyayaashaasi Dibad bax Cabasha ah ay ka sameeyeen gudaha magaalada Harggaysa. Wariyayaashan maanta dibad baxa ka dhigayay magaalada Harggaysa ayaa ka cabanayay Xarigga loo gaystey T.V.gii Horn... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti

Jan 14, 2012
Muqdisho, January 14, 2012——Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku soo mareen dalalka Kenya iyo Jabuuti halkaasoo ay kulamo iyo wadahadalo kula soo qaateen madaxda dalalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta garoonka ku soo dhoweeyey Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna... 
Halkudheg:

Xildhiban Porf. Maxamed Cumar Dhalxa oo Dawladda Talyaaniga Ugu Baaqay in ay Xabsiga ka sii Deeyso Boqolaal Dhallinyaro Soomaali ah

Jan 14, 2012
Xildhibaan Proff. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya aya a maanta ka hadlay dhibaatada dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysata dalalka dibadda. Xildhibaanka ayaa sheegey in boqolaal dhalinyaraah oo soomaali ah oo dalka ku noolaa markii ay u adkeysan waayeen duruufihii adkaa ee dalka soo maray in ay u yaaceen dibadaha. Dhalxa ayaa sheegey in dhallinyaradan Soomaaliyeed ay ku silacsan... 
Halkudheg:

Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Shabeeladda Dhexe oo Fariin u direy Madaxweyne Shiikh Shariif

Jan 14, 2012
Kulan ay isugu yimaadeen Maanta 14./1/2012 Waxgaradka , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Culima’udiinka ,Dhalinyarada iyo Haweenka ka soo jeeda Gobolka Shabelada Dhex gaar ahaan Beesha Yuusuf Galmaax ayaa waxaa kulankaas lagu lafa gurey Xaaladda Gobolka Shabeelada Dhexe Gaar ahaan Xiligaan oo Gobolada Soomaaliya ay sameysanayaan Maamul Federaal ah Kulankaa ayaa waxa Xubnhii ka Hadley ka mid ahaa Siyaasiga...