War-murtiyeed Si Wada Jir Ay Usoo Saareen Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya Iyo Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka
iyo Arrimaha Federaalka Oo Digniin Loogu Jeediyey
iyo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil “…Hadda Dastuurka Waxaa La
Wareegay Gudiga Khubaradda, Waxayna Ku Sameynayaan Daraasad… Hawsha Loo Direy
Gudiga Dastuurka Madaxa Bannaan Wuxuu Ahaa Inuu Soo Diyaariyo Qabyo Qoraal,
Wuuna Soogudbiyey…” wareysi Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka FKMG Soomaaliya (PCC) iyo
Gudiga Madaxa Bannaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka (IFCC) oo todobaadkii
aynu ka soogudubney shir kula lahaa Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha federaalka
DKMG Md. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Xubno ka socda xafiiska Madaxweynaha, kan
Ra’iisul wasaaraha, UNPOS, UNDP, IIDA, COSPEN, xubno ka socdey xafiiska
gudoomiyihii xilka ay ka qaadeen 283-da xildhibaan ee Shariif Xasan Sheekh
Aadan, Maamul goboleedyada Putland iyo Galmudug, ururka Ahlu Sunna waljameeca,
Ururadda Bulshada koofurta soomaaliya iyo gudi cusub oo ay dhowaan magacawdey
xukuumadda soomaaliya ayaa waxay 11/01/2012 Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka
Jabuuti ka soo saareen war-mutiyeed xambaarsan lix qodob. War-murtiyeedkan ayaa yimid kadib markii ay sheki weyn ka muujiyeen Gudiga
Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo Gudiga Madaxa
Bannaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka (IFCC) hanaanka loo soo agaasimay
shirka iyo qaybaha lagu martiqaadey, islamarkaana ay ula muuqatey in la marin
habaabinayo hawlaha gudiyadan baarlamaanka (PCC) iyo gudiga madaxa bannaan ee
(IFCC).

Qodobada war-mutiyeedkooda ay ku xuseen waxaa ka mid ahaa, in lagu dhaqmo Axdiga
iyo shuruucda dalka, cid walbana lagu dhowro awoodaha Axdiga iyo shuruucda dalka
uu siiyey oo aysan cidina awoodeeda ku xad-gudbin, shaqada muhiimka ah ee ka
socota dalka sida (Road Map-ka) ee arrimaha Amaanka, Dastuurka, Dibu-habeynta
Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxduna si wada jir ah looga shaqeeyo, lana
waafajiyo Axdiga iyo shuruucda dalka si looga fogaado khilaaf dhibaato keena”.
Ayey war-murtiyeedkooda ku yiraahdeen.

Gudiyada PCC iyo IFCC, Waxay kale war-murtiyeedkooda si gaar ah ugu tilmaameen
“in dastuurku yahay shaqooyinka muhiimka ah, labada gudi ee PCC iyo IFCC-na, ay
diyaar u yihiin meel marinta shaqada dastuurka iyo arrimaha federaalka, ayna
raacayaan awoodaha axdigu siiyey”. Ugu dambeyn Labada gudi waxay war-murtiyeedkooda digniin ugu soo jeediyeen cid
kasta oo Axdiga iyo Shuruucda dalka baal marta, in ay hor-istaagayso geedi
socodka arrimaha muhiimka ah, ayna qaadayaan cawaaqib xumada ka dhalata, ayey ku
yiraahdeen war-mutiyeedkooda (War-mutiyeedkii oo dhameystiran halkaan ka akh-riso)
 Intii uu socdey shirka ayaa waxaa khilaaf kala arragti duwanaansho dhinaca
dastuurka soo kala dhex-galey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha
federaalka DFKMG iyo labada Gudi PCC iyo IFCC, kadib markii xubno khubaro ah oo
ka kooban 9-xubnood oo ay dhowaan magacawdey xukuumadda soomaaliya, islamarkaana
aan haysan ogolaanshaha baarlamaanka oo la doonayey in lagu wareejiyo xilka
qabyo qoraalka dastuurka, taasoo labadii gudi ee baarlamanka iyo kii qabyo
qoraalka dastuurka ay kala hortageen diidmo qayaxan, waxayna si wada jir ah u
qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arragtidooda ku aadan nidaamkii ay ku
yimaadeen dalka jabuuti iyo sida jaatarka TFG uu dhigayey.
(Qoraalka oo ka kooban seddax bogg halkaan ka akh-riso)
 Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa hoolka shirarka ka socdey waxay ku qaybiyeen
qoraal uu ku sixiixan yahay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka
soomaaliya, Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe), qoraalkaasoo lagu
sharxayey qodobada shirkii garoowe iyo arrimo kale oo aad xasaasi u ah.
Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil “…Hadda Dastuurka Waxaa La
Wareegay Gudiga Khubaradda, Waxayna Ku Sameynayaan Daraasad…” Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG Soomaaliya Cabdiraxmaan
Xoosh Jibriil oo wareysi gaar ah SomaliTalk siiyey ayaa waxaa uu qeexay sababaha
uu u yimid dalka jabuuti, khilaafka Baarlamaanka, sida ay isugalayaan gudi
khubaro oo ay dhowaan xukuumada magacowdey iyo gudigii madaxa bannaanaa ee
qorayaasha qabyo qoraalka Dastuurka iyo arrimaha federaalka, sidey isu
qabanayaan qodobadii garoowe ka soobaxay iyo jaatarka TFG-du ay ku dhaqanto iyo
arrimo kale oo muhiim ah, ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaas waxaa uu yiri

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
(Wareysiga halkaan ka dhegeyso)-
mp3 “sababta aan Jabuuti u nimid waxay ahayd, inaan sameyno aqoon is-weydaarsi ay
wada sameynayaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee wadanka dhan iyo khubaro aduunka
ka kala timid oo lagu casuumay, inay dastuurka munaaqaasho nala galaan,
khubaradan waxay ka soo shaqeeyeen wadamo fara badan dastuurkooda…”.
Waxaan kaloo wax ka weydiinay soomaaliya waxay leedahay dastuur lixdankii la
sameeyey oo uu kacaankii laalay, maxaa diidaya in dastuurkii lixdankii qodobada
cusub ee xiligan dalka soomaaliya ka hawl galikara iyo kuwii hore u degsanaa in
la isku kabo? Wasiirka isagoo ka jawaabaya waxaa uu yiri “walaalloow wax noodiidayo ma jiro, hadana wax caadi ah waaye, Ummadaha soomara
dagaalada sokeeye, inay dib u eegaan dastuurkoodii oo mid cusub qortaan ama kii
hore iyo kuwo kaleeto isku dhexdaraan, had iyo goorna dastuur waligiis meel iska
yaalayo oo iska jiraayo ma lahan, badanaa wadamada soo koraaya ee dunida
seddaxaad kuma yara hawlahaan oo kale… “…markaa gudiga khubarada ayaa gacanta kula jirta, Ummadda soomaaliyeed
wadatashi ayey la sameynayaan, haddii ay isla gartaan in dastuurkii hore ee
jiray inta la sooqaado oo kan hadda la sameeyey waxyaalo ka mid ah lagu kabana
wax mac-quul ah waaye, dastuur kale oo waxaa jira 1990-kii la sameeyey oo
asagana aad u fiican, isna wax baa laga qaadankaraa oo lagu darikaraa, laakiin
mid u taalo ma ahan wasaaradda inay tiraahdo kan hala qaato, Ummaddu waa inay
munaaqasho galaan, gorgortan galaan, wixii ka soobaxa markaas, gudiga khubarada
ah, iyagaa aruurin doona, markaasna daraafti ku sameynkaraan”. Mar
aan weydiiyey su’aal ahayd, Gudiga khubarada ee aad hadda addigu sheegtay,
hore waxaa u jirey gudigii dastuurka, marka sidey isugalayaan labadaasi gudi?,
ayaa wuxuu ku jawaabey “…Hadda dastuurka waxaa la wareegay Gudiga Khubaradda, waxayna ku sameynayaan
daraasad, waxa khaldan ka tirayaan, wixii loo baahan yahayna ku darayaan,
wadatashigii Ummadda la sameeyeena ay aaraa’ada ka soo uruuriyaan ay ku darayaan
dastuurka, marka ugu dambeysana, iyagaa soo sameyn doona dastuurkii ugu
dambeeyey, markii ay soo sameeyaana, waxay dib ugu soocelin doonaan, gudiga
dastuurka madax-bannaan, gudigaas dastuurka madaxa bannaana, dib wuxuu u eegayaa
dastuurkii, isagoo fiirinaya in uu waafaqsan yahay Axdiga iyo in kale, haddii uu
waafaqsan yahay, wuxuu u gudbinayaa golihii ansixinta, haddii uusan
waafaqsaneyn, wuxuu sameynayaa isagoo la kaashanaya khubaro inuu waafajiyo
Axdiga”. Markii aan weydiinay Gudigaan khubarada ah goormaa la magacaabay?.
wasiirku waxaa uu ku jawaabay sidan “waxaa la magacaabay September sannadkan”
Sidoo kale waxaan weydiinayey wasiir Xoosh, Gudigan khubarada ee la magacaabey
September, gudigii hore ee dastuurka madaxa bannaanaa, waxaa uu soomarey nidaam
iyo haykal, marka mala dhihikaraa, waa la magacaabey oo hore ayuu ka hawl galay
oo nidaam ma soomarin?. Waxaa uu ku jawaabay “horta sidaad ogtahayba, wixii ka dambeeyey September
6-dii, hawsha aan ku koobanahay waa hawsha Road Map-ka ku jirta, wax-yaabaha aan
dooneyno in aan uga gudubno KM-nimada, waa Afar wax oo ah, in la dhameystiro
dastuurka, in dibu-heshiisiin dhab ah la galo oo lala galo cid kasta oo
dibu-heshiin rabta, xitaa Al-shabaab haday yiraahdaan qoriga waa iska dhigeynaa
wadahadal baanu geleynaa, inaan diyaar u noqono inaan la fariisano, sidii loo
sameyn lahaa dowlad wanaag iyo in ammniga la sugo, sidaad aragteyba guulo fiican
laga gaarey Xamar, Jubooyinka Hiiraan, mar dhowna Baay iyo Bakool haddii alle
yiraahdo gacanta soogelidoonaan, marka dastuurkii uu ka mid yahay qaybta ugu
weyn oo la qeexay in laga shaqeeyo, ayaa Road Map-ka waxaa ku jirtey in
lamagacaabo Gudi khubaro ah oo la wareega dastuurka.. “!! …gudigaas oo ka kooban soomaali aad cilmi u leh xaga sharciga iyo xaga
siyaasadda, xaga bulshada oona isku dhafan qabiil ahaan marka la yiraahdo iyo
gobol, ayna ku jiraan seddax dumar ah oo aad mutacalimiin u ah ayaa hadda
gacanta ku haya, marka wax is-khilaaf ahna ma jiro, maxaayeelay hawshii loo
direy gudiga dastuurka madaxa bannaan wuxuu ahaa inuu soo diyaariyo qabyo
qoraal, wuuna soogudbiyey, sidaas ay tahay hawl kale ayaan u sii dhiibney, iyaga
iyo gudigii khubarada ahaa, waxay galayaan wadatashigii Ummadda, laakiin
barnaamijka waxaa hadda gacanta ku haya gudiga khubarada!”. Waxaad soo taabatey arrimaha Road Map-ka, hadda waxaa jira khilaaf baarlamaanka
dhexdiisa ah oo arrimaha Road map-ka ah, ama qorsho hawleedka xukuumada, isagoon
la soomarsiinin Road Map-ka baarlamaanka, ayaa xukuumadu iska sameysatey,
xukuumadihii hore ee dalka soomareyna ee KM-rada ahaa iyo kuwii ka horeeyeyba ee
dalka waxay ahaayeen kuwo la soomariyo sharciyan baarlamaanka, addiguna waxaad
sheegtey in gudigan arrimaha Road Map-ka lagu dhex abuurey haddaba sidey isu
qabsanayaan?! “…heshiiska Kambala baarlamaanka naftigiisa ayaa ansixiyey, hadda dooda meesha
ka socota u maleyn maayo in ay taas ku saleysan tahay, annagu naftigeena dastuur
baa na keenay, baarlamaan baa na dhaley, dadd baarlamaanka ka soo horjeesan kara
ma nihin, laakiin xukuumadu inay noqotaa loo baahan yahay iyo baarlamaankuba
dowladnimo mas’uuliyad xambaarsan in la noqdo oo isku meel wax loowado, laakiin
markii wax inta la carqaladeeyo, la yiraahdo Jaatarkii baa laga horyimid wax
soconaayo runtii ma ahan, khilaafakan hadda waa jiraa, waxaan rajeyneynaa in uu
dhamaado mardhow oo siyaasad lagu xaliyo, hal ujeedana aan wada yeelano oo ah
Ummaddaan dhibaateysan sidii looga saari lahaa KMG-nimada”. Waxaan weydiiyey wasiir Cabdiraxmaan, Ma is leedahay khilaafka hadda
baarlamaanka ka dhex taagan waxaa u sabab ah, xukuumada ayaa dhibaatada dhan
wada, sababtoo ah, Road Map-kan Baarlamaanka lama soomarin ayey qaar ku
doodayaan, baarlamaanka dhexdiisa way isku dagaaleen arrimaha Road Map-ka,
gduoomiyihii baarlamaanka ayey ku dhegan yihiin oo waa ku kala qaybsan yihiin,
markaa miyaan dhalihikarin khaladaadka jira baarlamaanka dhexdiisa xukuumada
ayaaba qayb ka ah? “runta haddii la yiraahdo waa wax wacyiga ka fog waaye, dhibaatada ugu weyn
haddaad runta rabtid waxaa waaye, baarlamaanka oo dhan ma ahan, baarlamaanka
waxaa ku jira odayaal iyo dumar aad iyo aad xil kasta u ah oo wadankaan rabaan
dhibaatada uu ku jiro laga saaro, laakiin baarlamaanka waxaa ku jira qaar aan
rabin in la sameeyo dibu-habayn, sidaad ogtahay shirkii garoowe, waxaa ka soo
baxay go’aan ah, in baarlamaan cusub oo tayo leh oo 225 ah in la keeno oo
kareeteeriyan loo sameeyo, waxyaalaha kale waa ekis kiyuus mii waaye”. Qodobadii shirkii garoowe waxaa ka mid ahayd, in qabyo qoraalka ay ansixin
doonaan ergo 1000 qof ah, laakiin inta aan la gaarin ka hor jaatarka waxaa uu
dhigayaa in shacabka soomaaliyeed ay ansixiyaan oo cod looweydiiyo, haddii
shacabka soomaaliyeed codkooda uusan soconeyna, in baarlamaanka si KMG ah uu u
ansixiyo, haddaba sidey isu qabanayaan qodobadaas garoowe ka soobaxay iyo
jaatarkii?!
(Codka Wareysiga Wasiirka oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso)
Wuxuu ku jawaabay “horta jaatarka wuxuu dhigayaa in shacabka uu ansixiyo, sida
ugu xalaaleysan oo dastuur lagu sameeyo taas waaye, laakiin runtu waxay tahay,
wadamo badan oo adduunka ah, ayaa waxay u ansixiyeen dastuurkii golo ansixin,
markii la fiiriyey marxaladii lagu jirey in aysan saamaxeynin!, sidaad ogtahay
marxalada wadanka ka jirta nabad-gelyadeeda ma fiicna, marka lama sameynkaro ee
laba mid baa lagu sameynkaraa oo ah, inuu baarlamaanka sameeyo ama in gudi
ansixin la sameeyo, arrintaas waxaa ka dhacay doodd weyn!.
“waxaa la fiiriyey meesha ugu xalaal badan in la raadiyo, dibu-habayn ama
riferendam baa ugu xalaal ah waa la waayey, kaas kadib markii la fiiriyey wuxuu
noqdaa gole ansixin in la sameeyo oo Ummadda soomaaliyeed oo dhan ay ka timaado
oona fara badan, kan kusii xiga kaleeto wuxuu noqonayaa Baarlamaanka, marka kii
dhexda ayaan qaadanay, marka hore waxaan rabney inaan ka dhigno 3000 oo qofood
inay isku yimaadaan, taas naftigeeda nabad-gelyadii iyo dhaqaalihii intaas oo
dhan baan saamaxeynin, marka 1000 baa la gartey inay Ummadda oo dhan ka
yimaadaan, laguna qaybsado 4.5, maadaama formale kale jirin, boqolkiiba sodona
ay noqdaan dumar”. Waa sida aad sheegayso qodobadii shirkii garoowe ka soobaxay, soomaaliya mudo
badan ayaa waxyaabo si kale ku yimaada oo aan sharci ahayn, 21 sanno ayaa lagu
wadey oo dowladii hore 21 sanno dalka xukumeysay lagu eedeeyey, tan hadda jirta
waxay ka dhalatey waxyaabo aan sharci ahayn oo isagoo madaxweyne jira ayaa la
casiley, ra’iisul wasaare ayaa jirey oo is casiley, hadaba xili kasta
xukuumadihii burburka, marka xiligooda uu soodhawaado, waxaa la sameeyaa wax aan
sharci ahayn maxaa diidaya in baarlamaanku uu xiligiisa dhameysto, xukuumaduna
xiligeeda dhameysato maadaama heshiiskii Kambala hal sanno loogu daray oo
gudiyadii iyo dhamaan in sidooda u shaqeeyaan, kadib xiligooda marka la gaaro ay
shaqadii wareejiso dowladda?! “walaalloow haddii ay sidaas ku socon lahayd waa fiicnaan lahayd, laakiin anniga
maba rabo in aan ku dheeraado, baarlamaanku waa hay’addii ugu weyneyd ee
dastuuriga ahayd shaqo ayaa u taal, inaan annagu faragelino maloobaahno, waxaa
nahay hay’addii fulinta, annaguna mida nootaal waa inaan ka shaqeynaa, mida
nootaalna gacanta ayaan kula jirnaa, dastuur haddey noqoto halkii nalaga rabey
waa soowada sameynay oo waa dhameynay, dibu-heshiisiin haday noqoto faraha ayaan
kula jirnaa, tii ahayd nabada sugideeda faraha ayaan kula jirnaa, markaa
hay’adda Baarlamaanka, iyada ayey u taalaa hawlaha ay qabaneyso, ummadda
soomaaliyeedna dan uguma jirto in la isku qab qabb qabsado baarlamaanka
dhexdiisa, maxaayeelay sidaad u sheegtay hawlo badan ayaa noo yaala, annaga
teena ayaan ka soobaxeynaa, iyaguna tooda haka soobaxaan”. Dhamaad Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
- Xildhibaan Cawed Axmed Cashara "Halkan (Toronto) markii ay noogu
yimaadeen Wasiirka (Dastuurka) iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa la weydiiyey
su'aal ku saabsan badda, ra'iisul Wasaarahu wuxuu ku jawaabey sida websiteka
SomaliTalk in aanan sax ahayn ayuu ku jawaabey, dabeedna waxa uu yiri
wasiirkayga ayaa ka jawaabaya, wasiirkiisu wuxuu ku jawaabey arrintaas 12
nautical miles ayaan leenahay oo aynaan waxba ka qaban karin, marka waxaa
muuqata nin aan danaynayn 200 nautical miles iyo wixii kasii badan oo aynu
xaq u leenahay in wax kala soo baxno."
Ka akhri Difaaca
Badda
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2012
|