Faah faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Shirkadda African Oil oo Qodista Ceel
Shidaal ka Bilowdey Deegaanka Dharoor.
Cabdiraxmaan Faroole “Sagaashan Cisho ayaa Shidaalka lagu soo saarayaa” .
Dr Cumar Kaahiye “Haddii Shirkaddu African Oil Sharciyeysan tahay Waxaa
Xafladeeda ka qaybgeli lahaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka”. “SHirkadda African Oil Shidaalka ay ka Baareyso Dharoor waa Mi Qamaar ah haddii
ay hesho waxay ka iibsaneysaa Shirkado kale haddii ay Weyso”. “Waxaa Bilowdey Dagaalkii Shidaalka ee Soomaaliya bal fiiri Dagaalka Kenya ee
labada Jiho mid ay ku difaacayo Ceelka Badda iyo midka Faaxfaax Dhuun ee Gedo oo
hadda lagu sii socdo” .

Waxaa dhawaan Halka lagu magacaabo
Dooxada Dharoor oo ka tirsan Gobolka Bari ka dhacdey Xaflad Xariga looga jarayey Ceel
shidaal oo Qodostiisa qaadatey Shirkad lagu magacaabo African Oil waxaana Xariga ka
jarey Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Cabdiraxmaan Faroole oo Goobta ka Hadley ayaa yiri
"Muddo Konton Sanno ayaa
Soomaaliya Shidaal laga baarayey marka ay wax soo dhawaadaan baa lagu kala tagi
jirey waxa kaloo la oron jirey Qarniga 21 aad ayaa Soomaaliya laga soo saarayaa
Shidaalka maanta ayaa la joogaa Qarngii 21 aad marka Puntland baa nasiib u
yeelatey in shidaal ay ka soo saarto deegaanka Puntland".

Cadde Muuse iyo Dr Faroole oo uu dhex fadhiyo
peter |
Cabdiraxamaan Faroole wuxuu kaloo uu sheegey in Ceelka maanta laga qadayo
Dharoor uu sheegey in loogu Magacdarey Ceellka Shabeel 1 isagoo sheegey in
deegaano ka tirsan Gobolkka Nugaal iyana waqti dhow laga soo saari doono Shidaal
waxaana Ceelka maanta Xarigiisa la jarey uu shidaal ku soo saari doonaa Muddo 90
Cisho ah.. Xafaladii lagu furayey Ceelka Dharoor waxaana ka maqnaa Dowladda Federaalka
lamana garanayo sababta ay Dowladda Federaalka uga maqaneyd Xafladaas inkastoo
Masuuliyiinta Pundland ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay ogolaatey in
Shidaal laga soo saaro deegaanada Pundland hase yeeshee Shacabka soomaaliyeed
ayaa is weydiinaya Sababta Raiisul Wasaaraha DFKMG uga qaybgeli waayey Xafladii Xariga
looga jarayey Ceelkaas iyadoo maalmo uu Raiisul Wasaaraha Moog yahay Magaaladda
Boosaaso. Warar ayaa sheegeya in Raiisul Wasaaraha DFKMG uusan Ogolaansho ka haysan Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ku aadan Xafladii Xariga
looga jarayey Ceelkaas iyadoo lagu waramey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka
biya diidsan yahay in shidaalka laga baaro Deegaano ka tirsan Soomaaliya oo aan
ogolaansho looga haysan Dowladda Federaalka waxaana weli taagan Khilaafkii
Dowladda Federaalka ee in shidaal laga baaro Deegaanada Pundland oo soo bilowdey
Waagii uu Madaxweyne KMG dalka uu ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf oo isaga iyo Raiisul
Wasaarihii Xiligaas Cali Maxamed Geedi isku qabteen , waxaa kaloo xigey is
qabsigii dhex maray Madaxweynaha haatan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raisul
Wasaarihii Hore Cumar Cabdirashiid .
Dr Cumar Kaahiye Jabriil oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadlayey
Ceelka la sheegey in Qodostisa laga bilaabey Deegaanka Dharoor ayaa sheegey in
Shirkadda Shidaalka halkaa ka bilowdey ay tahay Shirkad Calool u shaqeyste ah oo
laga yaqaan Qaarada Afrika kuwaas oo hore uga fashilmey Wadamo badan oo Afrikaan
qaar kale oo wadamadaas ay dhibaatooyin ku soo siyaadiyeen. Dr Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Sababta Xiligaan ku soo beegey
in Shidaal laga baaro Deegaanada Pundland waa iyadoo maamulka Puntland uu
doonayo in iska jeedyo shacabka Soomaaliyeed ee maalin weliba la dhacayo
Xoolahooda iyo weliba Khayraadkoda ee dhab kama ah in Shidaal la soo saaro waayo
hore ayaa loogu fashilmey gaar ahaa Deegaanada Galgala iyo Majiyahan waxaana kuu
cadeynaya in Shirkadda ay tahay mid Calool u shaqeytayaal ah iyadoo Ciidamo u
yihiin Calool u shaqeystayaal kale ka dib markii laga maarmey dadkii xaqa u
lahaa in ay shaqaale ka noqdaan Shidaal Qodista wuxuu sii raaciyey. “Shirkadu in ay Maafiyo tahay waxaa kuu caddeynaya ma sameysan Goobihii lagu
xafidi lahaa waxa ka soo hara sifeynta Shidaalka waxayan dooneysaa in Deegaanka
ku aasto ama ay ku daadiso Badda waxaana Haraagaas hore dhibaatooyin uga soo
gaareen Wadamo fara badan oo Afrikaan ah shirkadda ay Shidaal ka qodey”ayuu yir
Dr Cumar oo ugu baaqey shacabka Pundland in ay ka digtoonaadaan Shirkadaha
Maafiyada ah” wuxuu iintaa ku darey .
Haddi Shirkadu tahay shirkad la yaqaan waxaa Xafladda Furitaanka Goob joog ka
noqon lahaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka,Soomaalida waxay
Tiraah “Xalaal Barqaa la Qashaa” haddi aysan wax ku jirin Dowladda Federaalka
ayaa ka soo qaygeli lahayd weliba Raiisul Wasaaraha oo Todobaadkii hore ugu
dambeysey Magaaladda Boosaaso haddii shirkadu tahay Shirkad Sharciyeysan waxay
mari lahayd habka Dowliga ee Dunida ka dhisan ee lagu soo saaro Shidaalka marka
waa Shirkad si qarsoodi ah Shidaal u soo sareysa
“Waxaa la doonayaa in Khayraadkii dadka soomaaliyeed la iska gurto waayo waxa
lagu dhawaaqi lahaa habka loo qaybsanayo Saamiga ka soo baxa shidaalkaa taasina
lama sheegin waxaa jira in Shirkadaha noocaan oo kale ah waxay sameeyaan haddii
ay ogaadaan in Ceelka uu shidaal ku jro waxay yiraahdaan halkaan waan ka weyney
sidaana ceelka lagu joojiyo iyagoo doonaya in waqti fog ay la baxaan waa sida
Deegaano soomaaliyeed uga dhaceen Xiliyo hore,Shirkadda African Oil waxaa
Xaqiiqo ah in ay tahay mid dooneysa in ay Xoolaheeda ku Qamaarto waana Shirkad
Biimo ah waayo haddii ay shidaal hesho waxay rabtaa in ay Shirkado kale ay
hadhow ka iibsato marka ay Shidaal hesho marka waa Shul ama Shal ama waa
faaiideysa ama waa Khasaareysaa marka waxaa Bilowdey Dagaalkii Shidaalka ee
Soomaaliya bal fiiri Dagaalka Kenya waa labo jiho mid lagu difaacayo midka hadda
Badda laga Qodayo iyo midka hada lagu sii socdo ee Faax-Fax Dhuun ee Gedo ee
Gaas-ka Dabiiciga ee Soomaaliyey fadhiga ka kaca ”ayuu yiri Dr Cumar oo u soo
jeediyey Dowladda Federaalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hadasho boobka
lagu hayo Khayraadkii shacabka Soomaaliyed . . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk .
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2012
|