Home » Warar
Baarlamanka Somaaliya oo loogu Hanjabey in Cunaqabatayn la Saari doono Haddii Khilaafaadkiisa Xalin Waayo
Waxaa Dalka Jabuuti weli ka socda Shirkii ICG oo ah Wadamada Daneeya Arrinta Soomaaliya ayaa arrimihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Road Map-ka. Shirkan oo ay ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamanka ee xilka laga qaaday, Madaxweynaha Gal Mudug iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa halkaa khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka...
Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas
Iyadoo dhawaan Magaaladda Beledweyne ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan nkuwaas oo la sheegey in ay Gacan siinayeen Ciidamo ka tirsan Dooxada Shabeele ka dib markii ay halkaa ka saareen Ciidamaddii Xarakadda Alshabaab ayaa wararka ka imaanaya Mgaaladaas waxay sheegayaan in Magaaladda Dadkii degenaa ay soo wajahdey Cabsi iyo argagax tii ugu weyneyd ka dib markii maalin weliba magaaladaas...
Shacabka Muqdisho oo Aragtiyo kala Duwan ka bixiyey Shirka London kuna Tilmaamey Madaxii oo Majo loo Rogey
Waxaa la filayaa in 23-ka bishan Febraayo 2012 Magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo shir la sheegay in loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaasi ka qaybgalaya dadkii saxiixay heshiisyadii Muqdisho iyo Garoowe ee kala ah Dowladda Federaalka oo ay kala matalayeen Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/wali Cali Gaas, sidoo kale waxaa ka qaybgalaya Maamulada Puntland,...
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Oo Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk
Cabdullaahi Goodax Barre “Cidna Nooma Fikiri-doonto, Annaguna Taas Ayaa Mowqifkeena Ah…”
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Jabuuti, islamarkaana Somalitalk wareysi dhinacyo kala duwan la yeelatey ayaa waxaa uu ka Hadley shir lagu qabanayo 05/02/2012 caasimadda dalka jabuuti, maamul u sameynta magaalada...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo soo gaaray Djibouti
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG).
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudbadna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5ta iyo 6da February. Sidoo kale waxaa lagu...
Mudaharaad looga soo horjeedo qaadka oo ka dhici doona London ee dalka Ingariiska
Ogeysiis: Waxaa si sharaf iyo xurmadi ku dheehan tahay loo ogeysiinayaa dhamaan umada soomaaliyeed eek u nool dalkan ingariiska inuu maalinimada Arabacada ee taariikhdu tahay-15/02/2012 u dhici doono mudaharaad aad u balaaran oo looga soo horjeedo qaadka,
Kaasoo ka dhici doona kazoo horjeedka aqalka looga taliyo dalkan ingariiska ee loo yaqaano-Number 10 downs street.
Hadaba waa fursad mudo dheer la...
Dawladda Kiinya oo sheegtey in Hawl Galka Ciidamada AMISOM ku Biirineyso 4600 oo Askari
Wasiiru Dibadeedka Xukuumadda Nairobi Mosas Watngula ayaa markii u horeeyay ka hadlay Dagaalka Ciidamadoodu ay ku galeen Dalka Soomaaliya.Mr. Watanguula ayaa sheegey in Dagaalka ay ku galeen Ciidamadooda Dalka Soomaaliya uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka Kiinya oo sida uu sheegay Caqabado ay kala soo gudboonaadeen Dhaq Dhaqaaqa Shabaab ee ka Dagaalama Gudaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa...
Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada
Shirkii caadiga ahaa oo ay Golaha Wasiirada isugu yimaadeen ayaa waxaa shir gudoomiyay Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise oo looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, arrimaha gobollada, siyaasadda guud ee isboortiska dalka, sharciyeynta shirkadaha gaarka ah ee amniga iyo xaaladda uu ku sugan yahay suuqii Xamarweyne ee gubtay.
Ugu...
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaaladda Beled weyne oo dad Rayid oo ay ku jiraan Ardey ku laayey Magaaladaas
Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaa ku sugan ay Maanta Feb 1, 2012 Siddeed Ruux ku Dileen Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beled Weeyne. Mashaqadan xasuuq ah ayaa timi ka gadaal markii Kolonyo Baabuur ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka lagu Weeraray Bambooyinka gacanta laga Tuuro iyo Miino Dhulka loogu Aasay....
Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo Dadaal ugu jira sidii ay u Fashilin lahaayeen Shirka Soomaalida ka dhacaya 23-ka bishan Magaalada London.
waxaa la filayaa 23-ka bishan Magaalada London lagu qabto shir loogu yeeray dib heshiisiin, waxaana la filayaa in loo qabto qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaani qabanqaabadiisa wada Dowladda Ingiriiska oo horey u sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato xaaladda Siyaasadda Soomaaliya, Burcad Badeeda iyo wax ay ugu yeertay la dagaalanka kooxaha Argagixisada, hase yeeshee...
Dowladda Kenya oo u Codsatey Amisom Diyaarado Dagaal si loogu Duqeeyo Deegaano ka tirsan Soomaaliya
Yuusuf xaaji oo ah Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Dalka Kiinya iminka ka qayb galaya Shirka Midowga Afrika ee Magaalada Addis ababa ayaa ka hadlay arrinta Soomaaliya.Wasiirka ayaa ka war bixiyay Duulaankii Ciidamada Kiinya ay ku galeen Gudaha Dalka Soomaaliya kaasoo uu sheegey inuu ahaa mid loo baahnaa in Kiinya ay ku tallaabsato.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Kiinya...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.
Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah...
Xarakada Shabaab oo Hayadda ICRC ka Mamnuucdey in ay ka Shaqeeyaan Deegaanada ay ka Taliyaan
War ka soo baxay Xarakada Shabaab ayaa lagu Mamnuucay in Hay’adda laankheyrta Cas ee ICRC ka shaqayn karin Degaanada ay maamulaan Xarakada Shabaab.,Warkaan ayaa lagu sheegey in Hay’addu Khiyaaneysey Dadka oo ay siisay raashiin waqtigiisii dhamaaday isla markaana xiligan aan la isticmaali karin,Warkaan ka soo baxay Xafiiska la socodka Hay’adaha samafalka ee Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegey in...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya...
Maxamed Farmaajo “Waxaan ku Baaqayaa in Wadahadal lala galo Xarakadda AlShabaab si bal Xal Loo gaaro”
Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waraysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ka hadlay arrimaha Soomaaliya,Farmaajo ayaa ku baaqay in wada hadal lala galo Xarakada Shabaab bal si loo gaaro Xalka Soomaaliya isagoo dhinaca kalena sheegey in Dagaalku uusan Xal noqoneyn.
Raiisul Wasaarihii Hore Maxamed farmaajo ayaa soo qaaday...
Shariif Xuseen Roobow “Haddii aan nahay Xisbiga Hiil Qaran waxaan ka Xunahay in dadka Soomaaliyeed Xiligaan la iskugu diro Qabiil,Goboleysi iyo Diin.
Shariif Xuseen Roobow oo ah Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magaaladda Muqdisho ayaa maanta Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho wuxuuma Shirkiisa Jaraaid uga Hadley laba arimood oo ah Dilkii loo geystey Wariye Xasan Ciismaan Fantaastik oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo 28 dii bishaan lagu dley Magaalada Muqdiho iyo Qayla dhaan ku aadan Iska horimaayada ka...
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Qorsheynaya in Dowladda Itoobiya ka Dhaadhiciyo in loo qabto Gobolada Bay iyo Bakool
Xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa noo sheegey in Shariif Xasan Shiikh Aadan haddii uu ka tanaasulo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga qaaday in ay u qorsheysan tahay in Dowladda Itoobiya uu ka codsado in Ciidamadeeda ay ku gacan siiyaan Sidii Xarakadda Al Shabaab looga Saari lahaa Gobolada Bay iyo Bakool.
Qorshaha uu wato Shariif Xasan Shiikh Aadan ayey Siyaasiyiintaas...
Waraysi: Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in 5 kamid ah Madaxda Sare ee DFKMG ay saxiixeen Badda Soomaaliya…
Roadmap-ka waxaa Nairobi ku soo qoray Xafiiska UNPOS, kumana imaan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.
Xubno katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in shan (5) ka mid ah oo madaxda Dawladda Kumeel gaarka ee Soomaaliya ay saxiixeen badda Soomaaliyeed, oo ay hayaan magacyadooda, waqtiga ku haboona la faafin doono. Sii Akhri
Read More →
Maxaa ka jira in Midowga Afrika uu Doonayo in Meesha uu ka Saaro Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow oo mar kale la qabto ..
Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka Dowladda Federaalka ka dib markii 12-kii bishii Desember Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka qaadeen Xilkii Shariif Xasan ayaa waxaa socda Dadaalo la doonayo in lagu Xaliyo Khilaafka Baarlamaanka waxaana wada Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rowling ka dib markii uu dhawaan kulama la yeeshey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo...
Waxgaradka Soomaaliyeed oo aad uga Xumaadey Warkii ka soo yeerey Boqortooyada Sacuudiga ee ay ku taageertey Howlgalka Ciidamada Kenya
Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka Amakaak iyo layaab u noqotey war ka soo yeerey Dowladda Sucuudiga oo ah in Boqortooyada Sacuudiga ay taageersan tahay Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadooaan Soomaaliya islamarkaan ay si aad u soo dhaweyneyso
Qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegey in aad uga Xumaadeen Hadalka Dowladda Sacuudiga ku taageerey Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Koonfurta Soomaaliya...
Xukuumadda Kiinya Boqol Maalmood ka dib Howgalkeedii Soomaaliya Maxaa u Qabsoomey
Cismaan Fiidow Cali “Howgalka Guuleystay ee Kenya Sheegtey ma Duqeynta Caruurta iyo Xoolaha”
Afhayeenka Xukuumadda Kiinya u qaabilsan Hawl Galka Soomaaliya ayaa maanta u waramay Jariidada The Stander oo ka soo baxda Dalka Kiiny afhayeenka ayaa ugu horeyntiiba Hadalkiisa ku sheegey in Ciidamada Keenya in ay galaan Soomaaliya in ay u sabab ahayd Xarakada Shabaab oo uu sheegey in dalka Kiinya...
DFKMG oo Taageertay Hawlgalkii Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho…
Press Release Our Ref 16/PR/CO/12
Warsaxafadeed
(Muqdisho 26 Jan 2012) Dowladda Soomaliy waxay taagersan tahay Howlgalkii Ciidmada Gaarka ah ee Maraykanku ku badbaadiyeen Nolosha Lahaystayaasha Hay’adda Denmark ee Miino barista.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir...
Bile Xuseen “Weerarka labada qof Maraykanku ku soo furtay waxa lagu qaaday Af-Duubayaashii oo hurda kaddib markii ay ruugeen Qaad”
Afduubayaashii labada qof laga soo furtay waxaa la weeraray ayagoo hurda kaddib markii ay cuneen Jaad, sidaas waxaa yiri Bile Xuseen oo sheegay in uu la hadlay burcad badeed ku sugan goobta weearku kadhacay oo u dhow magaalada Cadaado. Waxaa la diley sagaal, saddex kalena waa la dhaawacay….
Ciidaka Maraykanka ee loo yaqaan Navy SEALs ayaa habeenimadii Talaadada (Jan 24, 2012) ayagoo adeegsaanaay...
Dowladda KMG ah oo go’aan kasoo saartay dadka sida sharci darada ah ku heysta Hantida Qaranka
(Mogadishu 25th Jan 2012) .
Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan, kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax...
Modoobe Nuunow oo shir Gudoomiyey Kulankii Baarlamaanka isla markaana Xukuumada Gaaz u qabtey Muddo Saddex maalmood in ay Baarlamaanka ku Horkeento Road Map-ka
Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho damcey in ay ku kulmaan Xildhibaanadda Taagersan Shariif Xasan Shiikh Aadan hase yeeshe markii ay Warbaahinta ka maqleen ayaa Xildhibaanadda Taageersanaa Madoobe Nuuow ,markiiba ay is waceen waxaa Qola waliba ay dooneysey in aan looga hormarin Xarunta waxaa dhacay in Xildhiaano ka tirsan labada dhinaca ay Xaley ku Hoyeen Xarunta.
Xildhibaanadii...




