Home » Warar

Kulan looga soo horjeedey Dastuurka Qabyada iyo Agostina Mahiga oo Dowladda Faderaalka Maanta is hortaagtay

May 3, 2012
Iyadoo maalmahaan ay jirtey Mucaaradad weyn oo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho Ciidamada Amaanka ee Dowladda Ku meel gaarka ay is hortaageen kulan ay isugu imaan lahaayeen Xildhibaano , Siyaasiyiin iyo Odey dhaqaameedyo iyo Aqoonyahano kaasoo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah iyo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Mahiga. Kulankaan oo ka dhici lahaa... 
Halkudheg:

Qaar ka mid ah Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Magaalada Dhuusa Mareeb oo Diyaarado laga leeyahay Itoobiya u qaadeen Adis-Ababa

May 3, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guri Ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Magaalada Guri Ceel laga duuliyay illaa Todoba Xnbnood oo ka mid ah Dadkii Shalay ku dhawaacmay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb.Dadkan Maanta laga duuliyay Magaalada Guri Ceel ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane ka tirsnaa Baarlamanka iyo Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Dadkan oo ay kala qaadeen laba Diyaaradooda... 
Halkudheg:

200 Maalmood oo u Buuxsantey inta Ciidamada Gumeysiga Kenya ku jiraan Gudaha Soomaaliya

May 2, 2012
Iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ayaguna ku jira gudaha Soomaaliya in ka badan 124-maalmood –  Ciidamada gumeysiga Kenya waxay ka gudbeen xad beenaadka NFD bishii October 16, 2011, ayagoo intii ka dambeysey deggaanada goboladda Jubooyinka iyo kuwa laolloga ahba ka geystey duqayn isugu jirta madaafiicda noocyadeeda kala duwan iyo duqayn hawada oo ay ku waxyeeleeyeen shacab Soomaaliyeed oo... 
Halkudheg:

Kulankii Soomaalida Minnesota ugu mahad celiyeen Turkiga oo uu ka qayb galay Shirkii Safiir kuxigeenka Turkiga u fadhiya USA

May 2, 2012
Somalitalk Minnepolis: Shir si aad wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Minneapolis, Sabti 04/28/2012 Shirkaas oo looga gol lahaa Soo dhawayn iyo mahadcelin loo naqayey Dowlada Turkiga iyo shacabkeeda. Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa waxay marti qaaday Masuuliyiin ka socday Safaarada Turkigu ku leeyahay Maraykanka. Wafdiga ka socday Safaarada Turkiga waxaa hogaaminayey Timur... 
Halkudheg:

Xildhibaano ku dhintay Qaraxii ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

May 2, 2012
Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ayaa ka mid ahaa dadkii ku dintay qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Waxaana qaraxaas in ay ka dambeeyeen sheegtay Alshabaab. Waxaa arrintaas cambaareeyey DFKMG oo soo saartay warsaxaafadeedka hoose: Warsaxaafadeed Xukuumadda oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb. Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii... 
Halkudheg:

Safiirkii Soomaalida ee Dalka Yaman oo Geeryoodey

May 2, 2012
Alle ha u Naxariistee waxaa Isbitaal ku yaala Magaalada Sanca ee Dalka Yaman ku Geeryoodey Safiirkii Soomaaliya ee Dalkaas Marxuum Axmed Aadan Cusmaan.Geerida Danjiraha ayaa waxaa xaqiijiyay Xuseen Xaaji oo ka mid ah Qunsuliyadda Soomaalida ee dalkaas Yaman isagoona sheegey in Marxuum Axmed Aadan uu u dhintay Cudur muddooyinkii daMbaba ka hayay dhinaca Beerka. Safiirka ayaa dhinaca dipolumaasiyadda... 
Halkudheg:

Dastuurka Qabyada ah oo laga soo horjeestey

May 2, 2012
Cali Khaliif Galeyr,Maxamed Xasan Xaad ,Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Axmed Dhicisow oo si Weyn uga soo Horjeestey Dastuurka Qabyada   Waxaa isa soo taraya Qayla dhaanta looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah oo Dowladu sheegtey in la ansaxin doono Bartamaha Bisha May ee aan ku jirno waxaana Warbahinta kala duwan ka qaylinaya Siyaasiyiin Aqoonyahano, Haween iyo qaar ka mid ah Odoyaasha... 
Halkudheg:

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Ardey u qabatey Siminaar ku saabsan Gargaarka Deg Dega

May 1, 2012
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Siminaar ku saabsan Gargaarka deg dega oo ay ka qaybgaleen ilaa lixdan Ardey oo ka socdey Dusiyada Sare ee Magaalada Muqdisho , wuxuuna Siminaarkaan uu socdey muddo laba maalmood ah waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Humanitarian African Relief Organization ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan HARO Muddadii uu socdey Siminaarkaan ayaa waxaa ardeyda lagu... 
Halkudheg:

Maxay Xukuumadda FKMG kala socotaa Cabbirka badda Kenya

Apr 30, 2012
Sida ku cad khariidaddan iyo kuwo kale xuduud-badeedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya waa xarriiq u socota Koonfur-Bari ee uma socoto dhanka Bari .. khariiradadda Eeg Halkan  Read More →
Halkudheg:

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo iyana Codkooda ku Biiriyey Dadka ka soo Horjeeda Dastuurka Qabya Qoraalka.

Apr 29, 2012
Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaloiyeed Shiikh Bshiir Axmed Salaad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan marnaba ansixin Dastuurka la sheegay in dhawaan la ansixinayo. Guddoomiyaha ayaa ku ciladeeyay Dastuurka qabya qoraaledkiisu dhawaan la damacsan yahay in la Ansixiyo mid aan ku salaysnayn waa siduu hadalka u dhigaye Shareecada Islaamka sidaa... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Bulshada Rayidka ah.

Apr 29, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa tibaaxay sidan: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo maanta kulan la qaatay Bulshada Rayidka ah. Muqdisho, Axad, April 23, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah. Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul... 
Halkudheg:

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka Dhacay Gudaha Magaalada Nairobi

Apr 29, 2012
iyo Qarax kale oo ka dhacay agaagaarka Masjidka Nasruddiin ee Xaafadda Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.. … Nairobi: Sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka ee in barqanimadii maanta ayaa Weerar lagu qaaday Kaniisad ku taala gudaha Magaalada Nairobi. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in Weerarkan oo loo adeegsaday Bumka gacanta laga tuuro in uu ku dhintay hal qof, halka ugu yaraan Toban kalena... 
Halkudheg: ,

Maxkamad ku Taala Gobolka Virginia ee Mareykanka oo Dembi ku Heshay Muwaaddin Soomaali ah oo lagu eedeeyey Burcad badeed

Apr 28, 2012
Maxkamad ku taala Dalka Maraykanka oo muddooyinkii dambaba Dacwad ku qaadaysey Muwaadin u dhashay Soomaalya kuna Eedeysnaa Falal Burcadnimo ah, afduub iyo qafalasho Marakiib ayaa denbigaas ku heshay Maxamed Shibin. Maxkamadda ayaa mudaba wadday Dacwadda Eedeysanahan taasoo soo bilaaban tan bilowgii Sanadkan iyadoona Eeddu ay ka soo bilaabantay Dooni (SV Quest) laga lahaa Maraykanka oo oo dalxiisayaal... 
Halkudheg:

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dalka Dibaddiisa u Duulisey Saxafiyiintii ku Dhaawacmay Qarixii Tiyaatarka Muqdisho

Apr 28, 2012
Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka Duulisey Illaa Afar Weriye oo ka tirsanaa Dhaawicii dhowr iyo Labaatanka Maalmood yaalay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Cabdirisaaq Bahlaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula hadlayay War baahinta... 
Halkudheg:

Shiikh Aadan Madoobe oo Beeniyay in Dawladda Itoobiya ay Xarrig u Gaysteen

Apr 27, 2012
Shiikh Aadan Maxamed Nuur ‘Aadan Madoobe” oo iminka ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay Sababaha Joogitaankiisa Itoobiya. Shiikh Aadan Madoobe.oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegey in Magaalada Addis Ababa ay u joogaan arrimo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa Xarakada Shabaab isla markaana Dawladda Itoobiya ay kala kaashan lahaayeen arrintaa. “casuumaad ayaan ku Tagnay Magaalada... 
Halkudheg: ,

Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda ku Meel Gaarka oo Sheegtay in Xiligaan keligeed ayan Wax ka Qaban Karin Ammaanka Dalka

Apr 26, 2012
Wasiirka Gaashaan Dhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ciise Carab oo ayaa soo hadal qaaday Doorka Ciidanka Dalka Soomaaliyeed uu ku leeyahay Sugidda amaanka iyo dib u soo celinta Nabadda.Wasiirka isla markaana Ra’iisul wasaare ku Xigeen ayaa farta ku fiiqay in guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida milateriga Boliiska iyo Nabad Sugidduba ay ku guuleysteen in ay wax badan ka qabtaan ammaanka... 
Halkudheg:

Xarakada Shabaab oo Iclaamisey Dagaal ka Dhan ah Ciidamada Jabuuti

Apr 26, 2012
Iyadoo dhawaan la filayo in Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti qaybna ka ah hawl galka amisom in la geeyo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddooamiyaha Xarakada Shabaab ee Gobolka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas. Guddoomiyaha oo ka hadlay Idaacad ku hadasha Codka Shabaab ayaa sheegey in Xarakada Shabaab ay Iclaaninayso Dagaal ay la gasho Ciidamada Dalka jabuuti oo uu sheegey in Jabuutina... 

Maamulka Soomaaliland oo Mar Labaad ku Celiyay inuusan La Fariisanayn Guddiga ay soo Saartay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Apr 26, 2012
Iyadoo dhawaan Maamulka la magac baxay Somaliland u ka Biya diiday Gudigii Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay u Xushay wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa mar kale Maamulkaasi sheegey inuusan la Fariisan doonin Xubnaha ay Dawladdu soo Xushay. Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka SomaliLand Maxamed Cabdullaahi Cumar oo arrintaa ka hadlayay ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan wada hadalka... 
Halkudheg:

DFKMG: “Qabyo Qoraalkii Dastuurka oo Xilligii loogu talogalay lagu dhameystiray”

Apr 24, 2012
DFKMG ayaa shaacisay in la dhamaystiray “Qabyo Qoraalkii Dastuurka”, waxaana arrintaas lagu shaaciyey warsaxaafadeed u qornaa sidan: War saxaafadeed: Qabyo Qoraalkii Dastuurka oo Xilligii loogu talogalay lagu dhameystiray Muqdisho 23 April 2012. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xaqiijiyey in Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Khubarada Soomaalida... 
Halkudheg:

Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo la sheegey in Xilka uu Wareejin Doono Qabashada Shirka Stanbuul ka dib

Apr 24, 2012
Warar aan ka heley Xafiiska Siyaasada soomaaliya ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay noo sheegeen In marka uu qabsoomo shirka Stanbuul ee Turkiga ee la qaban doono Bisha Juun ee Sannadkaan uu xilka wareejin doono Wakilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambasadoor Mahiga ka dib markii ay qoraalo badan oo Cabasho ah ay ka Gudbiyeen Masuuliyyinta ugu sareysa ee Dowladda iyagoo sheegey in in xiligaan... 
Halkudheg:

Qaraxii Tiyaatarka ka dib Halkee Mareysaa Siyaasada Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Gaas (Warbixi Dheer)

Apr 22, 2012
4-tii bishan April 2012 waxaa qarax weyn ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaala kaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin iyo dad rayid ah. Qaraxaasi markii uu dhacay wixii ka dambeeyey waxaa bilowday isqabqabsi u dhexeeya dowladda federaalka, iyadoo durba ay bilaabatay tuhun ku aadan, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ahaa mid ay sahleen ama ay fududeeyeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo la... 
Halkudheg:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya

Apr 21, 2012
Warar aan ka helney Saraakiil ku dhow dhow Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaliyeed Generaal Shariif Shiiikhunaa Maye uu u gudbiyey istiqaaladii Xilka Taliyenimo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Mdaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii ay sheegeen in uu wada shaqeyn ka waayey Ciidamada Amisom,Masuuliyiinta... 
Halkudheg:

Shiikh Shariif , Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas oo wada Habka ay ku Doonayaan in ay ku Kororsadeen Xilkooda Muddo Sannad ah

Apr 20, 2012
Iyadoo lagu wado in Bisha Agoosto ee sanadkaan la qabto Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa hadda dadka siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in qorshahaasi laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado kadib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha, Guddomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha la sheegay in ay wadaan in mudo hal sano ah loogu daro Dowladda... 
Halkudheg:

Dallada Horumarinta Haweenka Baay (BWDN) oo Cambaareysey Xadgudubyo loo Geystey Qaar ka mid ah Shaqaalahooda ku Sugan Baydhabo

Apr 19, 2012
  Bishan 12-keeda waxaa magaalada Baydhaba agagaarka xafiiska Dalladda ka dhacay qarax, kaasoo loo qabqabtay dad ka ag dhowaa Nawaaxigaas oo ay ku jiraan afar qof oo mid dumar tahay lagala baxay xafiiska Dallada magaalada ku leedahay, waxaa ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Dallada Amiir Maxamuud Cali, Maryan, Manuur iyo Nuurow. Waxaa loo geystay dadkaas jir-dil ba’an oo naxariis darro ah. Mid... 
Halkudheg:

Cape-Town: Arday Soomaaliyeed oo Tartanka Xisaabta Olympia-ka ka qaybgaley

Apr 19, 2012
Todobo arday Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay ineey u gudbaan tartanka lagu magacaabo “Olaympiad” loona qabto sanad kasta ardayda xidigaha ah ee dugsiyada sare (the best of the best) magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika. Tartanka ayaa waxaa loo qabtaa ardayda aadka ugu wanaagsan xisaabta, waxaana lagu qabtaa jaamacada caalamiga ah ee “University of Cape Town” loona soo gaabiyo... 
Halkudheg: